Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, September 28, 2014

Hantida guud


Erayga Hanti guud markii aan micno ahaan u sheegno waa wax kasta oo shacabka ka dhexeeya oo cidna aysan gooni u lahayn hantida guud waxay ku imaan kartaa in dhaqaale dowladeed lagu iibiyo, hantida guud waxaa kaloo lagu samayn karaa lacagta canshuurta ah ama dhaqaale dowladda lagu tabarucay waxaa sidoo kale hantida guud lagu heli karaa in shacabka ay iska aruuriyaan lacag kadibna lagu sameeyo  
Aaway hantidii guud
Hanti guud oo la hawl galiyo waxaa ugu dambeysay dowladdii militeriga ee madaxweyn Maxamed Siyaad Barre AUN  wixii ka dambeeyay waxaa ku imaanayay lunsasho iyo burbur, qaar ka mid ah guryihii inta la dumiyay ayaa birihii dhismaha lagala baxay qaybo kale waxaa ka dhismay degaan aad u ballaaran oo shacab dagan yahay sida xaafadda Zone K oo dhul hanti qaran ahayd laakiin mararka qaar aad ka shakinayso aadna arkayso dhulkaas oo lakala iibsanaayo hadaad tiraah qofka iibsanaaya miyaadan ogeyn in dhulkani uu yahay hanta guud uu kuugu jawaabayo inta dowlad xoog leh ka dhalanayso ayaan kusii meel gaarayaa hadaba qofkaas ma rabaa in dowlad dhalato? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay dhul lacag iyo dhisme uu galiyay ayuu waynayaa kuwa ayaa xafiisyo dowladdu ku shaqayn jirtay deegaan ka dhistay oo cidi u dagan tahay ayagoo waliba intii kale ee xafiisyada ahaydna inta kireystay bil waliba lacag ka qaata
Xarumihii wax barashada qaarkood waa kaam barakayacayaal degenyihiin ayadoo ardaydu wax ku bartaan guri kira ah oo lacagta bisha usii dheertahay Jaamacaddii Umadda dad ayay deegaan u tahay xataa waa la iibiya guryeeha ayadoo waliba la ogyahay in dib loo hawl galiyay Jamacadda Umadda
AMISOM ayana xarumaha qaar ayay dagan tahay oo xarun ciidan u ah sida qayb ka mid ah Jaamacadda Umadda iyo garoonkii Muqdisho ee ciyaaraha  waliba meelahaas waxaa ka socda dhismeyaal cusub taas oo rajada dib u hawl galintooda sii adkaynaysa Wadooyinka qaar waxaa laga dhistay guryo gaar loo leeyahay kuwaas oo dadku aysan ka war qabin ama aysan ku baraaruksanayn in meesha wado tahay waxaa jira wadooyin waa weyn oo sida ay u socdaan guri ku go,an yahay ama wadadu ay yaraanayso oo luuq ay isku badalayso taasi waxay dadka ku baraarugeen markii maamulada degmooyinka ay waddooyin ka bilaabeen inay dadka ka kiciyaan, waxaa dhacday xaafadaha qaar in guryo villo ah gabi ahaan la dumiyay taasina waa baraarug fiican iyo wadooyinkaas dadku aysan kusoo degdegin mar kale
Yaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud?
Qof kasta oo Soomaali ah caqligiisuna taam yahay waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud laakiin waxaad u malaysaa dadku inaysan ku baraarugsaneen in hantida ay wax ku leeyihiin tusaale ahaan hadaad aragto qof laamiga qashin ama wasaq ku shubaaya inaad dareento xumaan inay tahay, micnuhu maahan ka celi laakiin ugu yaraan qalbiga inaad ka dhibsato arimahaasi waa kuwa ugu badan oo dadku ku kacaan qashin gurigooda ama goobtooda ganacsi ay kasoo aruuriyeen inay laamiga geeskiisa soo dhigaan.
Kasoo qaad adigu ma ogolaan lahayd in qof inta xaafadiisa qashin kasoo qaado uu gurigaada gudihiisa soo dhigo ama xataa albaabkaada hortiisa? Jawaabtu waa maya, waxaad ku andacoonaysaa maxaad qashinka iigu soo fogeynaysaa ma god shaqin ayaan ahay ayadoo aan aragno in daris badan ku dagaaleen arintaas darteed laakiin wali maan arag dad ku dagaalay shaqin laamiga la dhigay dartiis hadaba yaa muhiimsan nadaafadda wadanka iyo tan gurigaada?
Waxaa kaloo waajibka ugu wayn uu saaran yahay dowladda oo larabo inay amarro iyo sharciyo kasoo saarto dadka ku kacaya boobka iyo halaynta hantida guud ayada ayaa laga rabaa inay dadka sharci darrida ku dagan xarumaha dowladda ay ka saarto haddii kalena ay shacabka ayadu siiso loona aqoonsado dhul shacab badalkii gacan sadexaad ay u dhexayn lahayd dowladda iyo shacabkeeda
waxaa kaloo waajib uu ka saaran yahay ilaalinta nadaafadda dalka waa inay hawl galisaa meelo qashinka la isugu geeyo iyo baabuurtii qashinka magaalada ka qaadi jiray iyo waliba meel lagu soo shubo arintaasina waa aasaasi oo wax yaalo badan oo dowladdu hayso hadda ayadaa ka muhiimsan, xataa dowladdu hadaysan usoo jeedin waxay siin kartaa shirkad gooni loo leeyahay wayna kula xisaabtamaysaa lacagna wayka qaadanaysaa waxna waa la qaban lahaa.

Erayadaan waanada ah ayaan jeclaystay inaan qormadayda kusoo koobo

Shacabyahow hantidaan lahayn
Hadday hareeraha daadsantahay
Oo cidina hagaajinteeda rabin
Tahay sidii hilib haad u yaal
Hawshaas qaranoo dayacan
 Itaalkaad heli karteen
Haddaad hagrataan haddaba
Aakhiray hortaada taal
Waxaad ka heshaan hadhow
Aday Aabiyo hooyaba ku dhihi
Ninkiise hanuunsanoo
Hammi fiicano ku jiro
Ilaah ma habaabiyee
Mar uun buu hananayaa

 Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         




No comments:

Post a Comment