Erayga Federaalka
Erayga federal waa
eray laatiin ah, micna ahaana federaalku waa maamul siyaasadeed awoodda lagu
kala qaybinaayo ayadoo awooda dowladda dhexe loo kala jabinaayo maamulka
gobolada, gobol kasta qaab siyaasadeed ayuu leeyahay iyo qaab uu isku maamulo
dowladda dhexena waxay leedahay maamulka guud oo maamulka gobolada ayay kor
kasii maamulaysaa
Fikirka Shaqsiyaadeed ee Federaalka
Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya
Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo
oo ka hadlay federaalka ayaa sheegay in federaalka Soomaaliya lagu saleeyay
qaab beeleed dadka Soomaaliyeedna aysan Aqoon u lahayn Federaal waxa uu yahay
loona baahan yahay in dadka la fahansiiyo federaalka si aysan fikir qaldan uga qaadan si qaldana aysan ugu
dhaqmin.
General Galaal oo asna Qormooyin ka qoray federaalka ayaa
yiri “Federaal waxaa loogu tala galay dad kala diin, kala luqad iyo kala dhaqan
ah laakiin Soomaaliya intaas oo dhan waa iska leedahay mana u hooboona in
federal aan xal u ahayn ay qaadato”
Mahad Maxamed Cali
waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda SIMAD qaybta maamulka iyo maareynta fikir
ahaan waxaa uu qabaa in federaalku uu yahay dhib soo wajahay Soomaaliya asagoo yiri “Federalism-ka waa dhib hada taagan gaar ahaan markii
ladhaho xaduudo haloo sameeyo maamul goboleedyada tusaale ahaan hadda waxa ka jira
mandheera Kenya oo laysku haayo dhulkii ay qabiiladu dagi jireen”
Aragtida Shacabka Soomaaliyeed
Aragtida ay shacabka
Soomaaliyeed ka qabaan federaalka waa mid muujinaya niyad jab ay qabaan
bulshada Soomaaliyeed waxay ku leeyihiin haddii la dhaqan galiyo federaalka
waxaa uu keeni karaa in dad kasoo kala jeeda qabiilo kala duwan ay is raacaan
taasina ay keento in ay ku loolamaan hogaanka sare ee maamulka oo qabiil kastaa
uu rabo inuu ka muuqdo meesha ugu saraysa maamulka waxayna taas keeni kartaa in
beelaha ay isku dhacaan.
Dhaqan ahaan Soomaalida waa
dad xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii ay xoolaha daaq uga helaayaan u guura,
dadka ayaa sidoo kale ku doodaya in aan la wadaagi doonin daaqa iyo biyaha oo
haddii beeli ay ka tirsantahay maamul goboleed ay adag tahay inta kasoo baxdo
ay usoo guurto meel maamul kale ka taliyo, micna ahaan waxay dadku u muuqdaan
kuwa xaydaab khiyaali ah ku jira haday ka baxaana ay galaayaan qolo kale
xayndaabkeeda
Guulaha laga filaayo Federaalka
Ayadoo dadka rajada fiican iyo
wanaaga ka muujinaaya Federaalka aysan badneen ayaa hadana dadka taageersani qabaan in wanaag
horseedi karo iyo Soomaaliya oo dhibka uga baxda hadaba aan mid mid u eegno
meelaha uu aadka u saamaynayo oo dadka taageersani ay leeyihiin waa uu ku
wanaagsanaan karaa
1 Iska warqabka
Maamul goboleed waliba waxaa
uu awooda saaraa in maamulkiisu uu noqdo kan ugu horeeya dhanka horumarka
asagoo mar waliba usoo gudbinaaya dowladda dhexe caqabadaha haysta maamulkooda
taasina waxay keenaysaa in maamullada iyo dowladda dhexe ay aad iskula shaqeeyaan
iskana warqabaan had iyo jeer ayna sabab u noqoto in la daboolo baahida dadka
shacabka ah ee kunool deegaankaas
2 Amniga
Haddii sida qaanuunku uu yahay
maamulku uu sameysto ciidamadiisa ayna u shaqeeyaan sidii la rabay ayagoo aan
ku xadgudbeen maamul kale ee gudaha maamulkooda ku ekaadaan aaya waxaa la arkaa
inay wax badan ka badali karaan amniga gobolka waxaa kaloo aad u saacidaya in
ammaanka uu wanaagsanaado dadka deegaanka oo wax badan soo wada daganaa ahna
dad is yaqaana oo khilaafkooda iyo dhibkooda soo xalin jiray muddo dheer waxay
u sahlaysaa inay wax badan oo dagaal ku kallifi lahaa ay si hoose u xaliyaan
3 Dhaqaalaha
Dhaqaale ahaan saadaashu ma
ahan in uu wax badan soo kordhin karo laakiin haddii maamulka gobolka iyo
dowladda dhexe is kaashadaan waa suura gal in lasameeyo ilo-dhaqaaleed dadka
gobolka ay ku intifaacaan tusaale ahaan haddii maamul goboleedka uu leeyahay
bad laakiin uusan haysan Dakad suurta gal ma ahan inuu sameeyo Dakad laakiin
haddii mashruuc dhisma Dakadeed ah ay Dowladda dhexe u keento waa suura gal
inay ka faa’iidaystaan, tabarta dhaqaale ee gobol leeyahay ayadoo la fiirinaayo
waa inay caawimaad ka helaan Dowladda dhexe si loo kobciyo dhaqaalaha gobolkaas
Caqabadda uu leeyahay
Ayadoo federaalka gabi ahaan aan
jaceel loo muujinayn dadkuna ay niyad xumaan ka qabaan ayaa hadana waxaa jira
meelo gaar ah oo indha aan laga qabsan Karin oo laga yaabo haddii federaalka Soomaaliya laga hir galiyo uu wax badan ka
badalo, haddaba waxaa ka mid ah meelaha lays leeyahay dhib xoogan ayuu gaarsiin
karaa
Deegaan wadaaga iyo is dhexgalka
Sidaan soo sheegay Soomaalida
waa dad isku luqad, Diin iyo dhaqan ah waxayna wadaagtaa deegaanka oo ka
dhexeeya ma jirto qof Soomaali ah oo gobol uusan deegaan ahaan kasoo jeedin
inta u safray markii uu tagay laga qaadayo canshuur laakiin badalkeeda waxaa uu
ka helaa soo dhawayn iyo sooryeyn ayadoo taasi ay a tahay dhaqankeena
soomaaliyeed ee soo jireenka ah ayaa waxaa laga yaabaa in colaad dhex martay
laba maamul uu keeno in dadka kasoo kala jeeda labada maamul ee isku dhcay ay u
kala safri waayaan maagaalooyinka labadaas maamul iska dhaaf inay degaan ahaa u
degaan mid ka mid ah magaalooyinkoodee
Sidaas darteed waxaa meeshaas ku
lumaya is dhex galkii bulshada ee soo jireenka ahayd oo haddii federalism la
dhaqan galiyo aad moodo inay meesha ka bixi doonto
Aniga oo fikradayda soo
koobaaya ayaa federalism-ka waxaan ka iri muddo ayaan laga joogo
Hadduu fiican yahay federaal
Faatixadaa sheegi lahayd
Quraankaa faanin lahaa
Oo Anbiyadaa faafin leheed
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
Federalism ka wan tageer sanahay
ReplyDeleteAdaa lagaa rabaa inaad sheegto wanaaga aad ku taageertay
Delete