Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, August 9, 2015

GUMAADKA SHACABKA IYO KA GAABSIGA DOWLADDEENA

 Sidii horey u dhici jirtayba waxaa dhacday in ciidamada AMISOM ay bilihii ugu dambeeyay wadeen duqaymo ay u gaysanayeen shacab soomaaliyeed iyo kuwa ay rasaas toos ah ku dileen kadibna ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Shabaab.
Meelaha dadka rayidka ah lagu laayay waxaa ka mid ah magaalada Marka ee gobolka shabeelada hoose oo laba mar ay ciidama AMISOM dad shacab ah ku laayeen mar waxay dileen 10 qof iyo dhaawac intaas ka badan marka kalena waxay dileen 15 qof oo sida la sheegay ay ku jiraa 5 qof ooh al qoys ah.
Sidoo kale gobolka bakool waxaa jirta ayana in ciidama Etoobiya ee AMISOM ka tirsan ay in ka badan 60 qof oo isku tuulo daganaa xasuuqeen waxaa sidoo kale jirta in tuulooyin hoos taga magaalada Buurhakaba ayana duqaymo diyaaradeed loo gaystay dad shacab ahna shimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
duqaymahaas ay ciidamada AMISOM ka gaysanayaan gobollada dalka oo dhimashadu ay kasoo gaarayso Shacabka Soomaaliyeed waxaa usii dheer dad rayidka ah ee ay aalaaba baabuurta ku jiirsiiyaan magaalada Muqdisho.

Dowladdu maxay uga fal celin la’dahay
Sida lagu yaqaan dowladda aan gumaysi ku jirin ee xor ah waxaa dowladdeena laga rabay in dilalka maalaa yacniga ah ee dadkeena lagu hayo ay ka fal celiso maadaama ay tahay masuulka dalka iyo dadka ayna la xisaabtan dhan ah samayso oo ciidamada askarigii AMISOM ah ee xad gudub kula kaca muwaadin Soomaaliyeed ay maxkamad soo saarto.

Ciidamada miyaa kala fadli badana?
Sidaan wada ogsoonahay maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sharci adag kasoo saartay askarta Soomaaliyeed ee dilka iyo dhaca u gaysanaya Shacabka ayadoo mararka qaar xataa maxkamadda lagu eedeeyay inay fulisay xukuno toogasho ah kuwaas oo aan ciqaab ahaan gaarsiisnayn xadka toogashada.
Waxaa kaloo sida sharci islaamkuba qabo ay maxkamaddu samaysaa xukunka qisaasta oo qofkii qof dila ay toogataa taasina waa sida kaliya ee dadku ku kala nabad gali karo dhiigiisana lagu badbaadin karo.
Laakiin waxaad moodaa in  wali ay naga maqan tahay la xisaabtankii ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM, haddii lala xisaabtamana micneheedu maahan inay dalka ka baxayaan laakiin waxaa noo badbaadaya shacabkeena waxayna ogaanayaan in lagula xisaabtamaayo hadday qof Soomaaliyeed micno daro ku dilaan?
Haddiise AMISOM ay aragto in shacabku uusan lahayn dowladda ka dambaysa oo damqanaysa sidee ku sugnaa inay dilka naga daayaan?
Sanadkii 2007 oo ahayd markay yimaadeen ciidamada Uganda oo ahaa qaybtii ugu horeysay AMISOM ayaa maalin ayaga oo maraya xamarweyne waxaa lagu tuuray Bam waliba wuxuu bamkaasi soo gaarsiiyay dhimasho 5 askari oo ciidamadooda ah saas oo ay tahay dadkii meesha ka dhawaa wax xabado kuma aysan ridin oo markaas magaalada waa cusbaayeen oo waxay is lahaayeen la xisaabtan ayaan jira laakiin hadda haddii xataa xabad lagu rido waxay marayaan inay inta xaafadaha galaan dad shacab ah laayaa sidii markaba ka dhacday.

Maxaa diidan in dowladdu Baaritaan samayso
Mudooyinkii ugu dambeeyay oo ay soo badanayeen dilalka shacabka Soomaayeed waxaa sidoo kale sii badanayay aamusnaanta madaxda dalka iyo ka gaabsashada inay ka hadlaan falalka ay ku kacayaan AMISOM taas oo ceeb iyo fool xumo ku ah waxaase laga rabay inay isma markii falku dhacaba ay ku dhawaacdo inay baaritaan samaynayso ayna guddi u saarto si ay uso xaqiijiyaan tirade dadka la dilay iyo waxa ay yihiin ee maahan in ay AMISOM warbixin ka sugto anagoo waliba og in warbixinta AMISOM soo saarayso ay tahay waxaan dilna Alshabaab nasoo weeraray oo halkaas ay uga harto.
Haddii markaa inta dowladdu karti iska raadiso oo ay baaritaan samayso soona ogaato in dadka la dilay shacab yihiin waxaa kaliya oo AMISOM la xisaabtan ugu filan inay saxaafadda usoo bandhigto ayna u sheegto in dad shacab ah micno la’aan AMISOM u laysay taas waxay yarayn lahayd in dad masaakiin ah lagu fududaado waxaana la ogaan lahaa in ay jirto la xisaabtan iyo dabagal, laakiin haddaan intaas yar ee aan dhibkaba lahayn samayn wayno waxaan maalin kastaba xabaalaha gayn doonaa dadkeenii aan jeclayn.
Hay’adaha Xuquuq insaanka iyo AMISOM miyaa Walaalo ah?
Hay’adaha xuquuqul insaanka ka shaqeeya ee caalamiga ah oo diiradda saari jiray xad gudubyada dalka ka dhaca soona bandhigi jiray gafafka loo gaysto dadka nugul aan qofna ka gamban jirin hadda sidaas maahan oo AMISOM uma jeedaan ma ogi hadday shaqada fasax uga maqan yihiin oo intay fasaxa ku jireen dulmigu dhacay.
Waxaa jiray in warbixino dhawr jeer o hore ay soo saareen dadka ka shaqeeya hay’adahaasi lagu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo dad dilay oona la toogtay ay ahayd dulmi beena lagu toogtay.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay yaa mudnaanta leh in hay’adahaas ay diiradda saaraan?
Ma badbaadinta askarta dambiyada galay mise shacabka masaakiinta ah?

Gunaanad
Waxaan rabaa inaan qormadayda ku saabsan arintaan murugta leh ee dadkeena lagula kacayo in ay dowladdu xil iska saarto sidii ay uga shaqayn lahayd badbaadinta dadka shacabka ah ayna la xisaabtan la samayso ciidameeda iyo martida u ah ee AMISOM waxaan sidoo kale jeclaan lahaa ururada xuquuqul insaanku inay indhaha kala furan oo ay arkaan dulmiga lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed waliba kuwa nugul ee haweenka iyo caruurta ay ku jiraan.
W/Q: Mohamed Taako

Sunday, August 2, 2015

DOORASHAAN SUGAYNAYE DIB U DHAC MA FILAYN



 Kadib doorashii madaxweyne Xasan sheekh ee Sanadkii 2012 iyo ka bixitaankii Kumeel gaarnimada waxaan uga fadhinay dowladda uu hor kacayo Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka gaarsiiyo federal dhammaystiran dad isku uur fiyow iyo Soomaali oo qaxootinimada iyo baahida soo afjarta laakiin taas badalkeeda majaha ayaan la galnay dhiiqadii busaaradda, federaalkana heerkii aan ka filaynay waa uu gaari waayay oo waxaan ka dhammaan waynay isku qabsiga xuduudaha maamulada iyo hunguri ka raadinta madaxtinimo, qaxootinimaduna inay sii badato mooyee wax naya yaraaday ma jiraan.
Madaxweyne Xasan waxuu sheegtay in dowladdiisu ku guulaystay in meel gabangabo ah uu marayo federaalkii oo illaa sadex maamul goboleed uu samaysankiisa gacan ka gaystay uuna dhiman yahay oo kaliya hal maamul goboleed oo loo samayn doono labada gobo lee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Laakiin markaan taas dib raacno xaaladihii ay soo mareen maamulada hadda jirana aan gadaal u raacno waxaa noosoo baxaysa in Dowladda Soomaaliya aysan wax gacan ah ku lahayn in ay samaysmaan Laba maamul goboleed oo ka mid ah Sadexda maamul ee ay dowladdu ku faanto inay samaysay ayadu.
Labadaas maamul waa maamulada kala ah Maamulka jubbaland iyo kan koofur galbeed Soomaaliya. Kuwaas oo samaysmay intii uu madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh duruufaha samaysankooduba hakala duwanaadee.
Maamulka Jubba waxaa uu ku samaysmay dadaalka dowladda Kenya iyo Xusul duubkii Axmed Madoobe oo sidaan wada ogsoonahay Kismaayo waxaa maalin qura is doortay dhawr madaxweyne oo ay ugu tun waynaayeen Ahmed Madoobe iyo Barre Hiiraale taasina waxay markii dambe keentay in maamulka magaalada iyo gacan ku hayntiisa uu gaaro gacan kahadal ,dagaal  iyo faramaroojin sidaasna looga saaray madaxweynayaashii kale uuna Axmed Madoobe noqday ninka kaliya ee ka taliya Kismaayo ayna u rumoyday riyadiisii ahayd “madaxweyne ma idhaha”.
Intaas kadib waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in waxa kismaayo ka dhacay aysan ahayn doorasho wixii kasoo baxayna aysan aqoonsanayn laakiin hadaladaas waxaa ku gacan sayray Axmed Madoobe asagoo sheegay in aysan jirin cid asaga uga xaq badan in ay madaxweyne ka noqoto Jubbaland sababtoo ah wuxuu usoo galay halgan iyo dagaal dheer.
Dhexdhexaadin ay samaysay dowladda Etoobiya waxay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiiro dowladda ka socday oo uu horkacayay Faarax Cabdulqaadir ugu yeertay magaalada Adisababa waxaana dowladda laga dhaadhiciyay inay aqoonsato maamulka Jubbaland ayadoo qodobo aan wax dabagal ah lagu samayn natiijana aysan kasoo bixin lagu soo kala saxiixsay heshiiskaas.
Dowladdu waxay ayaduna mar kale isku dayday inay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe dhexdhexaadiso laakiin taas waa suurta gali wayday oo Axmed Madoobe ma doonayn in lagu qabsado madaxweynenimadiisa wax tanaasul ahna taas waa ka samayn waayay.
Si taas la mid ah waxaa Baydhabo ka dhacay doorasho uu ku guleystay Shariif Xasan Sheekh aadan oo noqday madaxweynaha Koofur galbeed, intii doorashadaas aysan qabsoomin waxaa jirtay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in shirka Baydhabo ka socda la joojiyo mudda asbuucyo ah laakiin intii lagu jiray mudadii la yiri shirka hala joojiyo ayaa madaxweyne shariif Xasan lagu doortay.
Maadaama xilli shirkaas xannibaad ay saaran tahay doorashada la qabtay waxaa sharci ahayd in wixii kasoo baxana dowladdu ay u aqoonsato wax kama jiraan laakiin dowladda oo xilligaas u muuqatay in ay ku tartamayaan aqoonsiga shariif Xasan waxay isla markiiba waxaa ku dhawaaqay in ay aqoonsadeen Maamulka koofur galbeed Soomaaliya wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka mudane Goodax, waxaana degdegtaas dowladda ee aqoonsiga Koofur galbeedloo xilligaas lagu micnaynayay khilaafkii ka dhexeeyay Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarihii hore ee Cabdiweli Sheekh.
Dowladda oo labadaas maamul aan ku lahayn wax gacan la sheegi karo ah inay samaysmaan waxay maanta shirarka caalamiga ah waxay ka sheegtaa in ay lahayd gacanta ugu wayn iyo sababta maamuladaas ay ku samaysmeen.
Mar haddi dowladdu seegtay in ay saaxiibo ku yeelato mamuladda Jubbaland iyo Koofur galbeed waxay billawday dadaalka samaynta maamulka Galmudug oo ay hiil iyo hoo la garab istaagtay kuna bixisay lacag iyo dadaal aad u fara badan taas oo ka dhigtay magaalada cadaado meel ay ka muuqato tartan iyo olole siyaasadeed oo heer sare ah, Wax kastaba haku qaadatee waxaa madaxweyne ka noqday Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah saaxiibka Madaxweynaha.
Dadaaladaas waxaa barbar socday in wasaaradda Arimada gudaha ay soo xushay guddigii doorashooyinka qaranka oo ay ahayd in ay  qabanqaabo u galaan sidii doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga dhici lahayd gudigaas oo ka koobnaa sagaal qof ayaa bulshadu shaki badan ka muujinaysay iyo inaan lagu soo xulin aqoon iyo karti laakiin lagu soo xulay arimo kale dood badana ay ka taagnayd.
Ayadoo awalba guddiga lala soo daahay oo waqti ku filan uusan haysan ayaa markii ay guddoomiye u doorteen Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (xaliimo yareey) ayaa waxaa noo xigay in doorasho qof iyo codkiis ah aysan dhici Karin laakiin qaab kale ay doorashu u dhici doonto.
Hadaba ma guddigaan ayaa shaqadooda ka adkayn mise waxaa jira xagal daacin kale?
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nabar aad filaysay naxdin malen taas waxaan kala jeedaa dowladdu markay sheegtay in doorasho qof iyo cod ah dhacayso waxaa lays waydiiyay sidee suura gal ku tahay arintaasi waxaa kaloo iska caddaa in aysan doorasho dhici Karin markii dowladdu ay sheegtayna waxay noqotay awalba waan filaynay in aysan doorasho idinka soo socon.
Aan is waydiino ee baaqashada doorashada yay dani ugu jirtaa?
Xisbiyadda dalka ee aan wali sharciyad ka helin baarlamaanka Soomaaliyeed waxay aad uga nexeen arinta ah in  doorasho qof iyo codkiis ah aysan dhici Karin maxaa yeelay rajada kaliya ee ay lahaayeen waxay ahayd in codka shacabka ay kula tartamaan axsaabta kale laakiin markii la yiraah baarlamaan ama dad lasoo xulay ha codeeyaan waxay arintu noqon doontaa “ninkii lacag badan ayaan la dooran doonaa” laakiin shacab hadduu fursad uu ku codeeyo heli lahaa waxaa meeshaasna kasoo bixi lahaa qofka ayagu ay rabaan.
Mar haday baaqatay doorashii dowladdu ay horey u sheegtay inay qaban doonto waa inaan ayada uun ka sugnaa hadana qofka ay la dooran doono maxaa yeelay fursadda kaliya ee lagu tartami karo ayaa ahayd shacab codeeya oo rajana laga qabay in musuqu sidaas ku yaraan karo.
Waxaa haddaba la filayaa inay dhacdo arrin la mid ah tii hore ee shacabku saadaaliyay ee ahayd inaysan dhici doonin doorasho qof iyo codkiis ah, haddana waxaa daashaatu tahay in madaxdeena hadda xilka noo haysaa ay noosoo laabato maadaama ay yihiin dadka hadda dhariga dabka u saran yahay.
W/Q: Mohamed Deik Taako