Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, February 9, 2015

GEERAARKA KUTLOOYINKA SII KORDHAYA

Kutlooyinkaan sii kordhayoo
Qaarba koox magacawday
Karaamadii naga qaaday
Ma dowladday kabayaan
Maxay soo kordhiyeen?

*****************
Siyaadday ku socdaan
Shirarka ay madlayaan
Waxay ku kooban yihiin
Ninkii kiisa ladaadshoow
Adna kuwooda ka diid

*****************
Tartan bay ku jiraanoo
Kursi bay raadinayaane
Kurbadii shacabkoo
Ay ka faydi lahaayeen
Way kasii darayaane
Maxay kaalmo fidshaan
Ayagaa kala daadsane

*****************
Kalsooniday ku hadlaan
Markay kaashka rabaan
Qofkii aan war kahayn
Wuu Ku laab kacayaa
Markay kaar ka helaana
Way kasoo rogmadaanoo
Warkoodu waa kala kaan

********************
Raggii baan ku katsoonoo
Kuwoodii ku khasaarnaye
hooyooyinkii na kaafin lahaa
kalsooni aan ka filaynay
hadday haatan keceen
kansarkii ay badiyeen
xaajadu waa kala guure
shacabkoow kakac meesha
kaalintaada ilaasho

Mohamed Deik Tako
Deeqaxmad15@hotmail.com