Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, May 24, 2015

FEDERAALKU DALKA MA DIFAACI KARAA?

Bulshada Soomaaliyeed waa dad ood wadaag ah, waa dad isku ah arxan iyo xigto waa dad wadaaga dhaqan iyo dhalmo waana dad uu ka dhexeeyo dal iyo dad.
 waxaa sidoo kale dhaqan Soomaaliyeed ah waligeedna soo jireen ahayd in ruuxii ka tagaa deegaan uu daganyahay safarna ku taga meel uusan deegaan ahaan kasoo jeedin ama uusan ku dhalan amaba u dhalan in loo marti qaadi jiray si heer sareysa ayadoo laga fiirinayo Soomaalinimada, ma dhicin haday dhacdayna ma ahan wax soo laalaabtay in ruux musaafir ah lagu diro wado cad ayadoo dhalmadiisa dambe loo eegayo.
Haddaba arintaas waxaa ka daba yimid oo raacdo ama sal guurin ku haya siyaasadda Soomaalidu ku wareertay, caqabadda dowladdu ay heer ka gaari la’dahay, kor u qaadaha guddoomiye goboleedyada iyo xumeeyaha xiriirka u dhexeeya Soomaalida waa siyaasadda federaalka.
Federaalka sida uu yahay markii loo fiiriyo waa in midaamka dowladda la soo daadajiyo ama la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa ayna ku suurta gali karto in dadka loo adeego.
Qofka jooga magaalada baraawe uma sahlana inuu maxkamad ama adeeg kale usoo doonto magaalada Muqdisho hadaba markii uu shaqaynayo maamulka federaalka waxaa deegaankaas oo kale la gaynayaa adeegii bulshada si dadkaas meeshooda iyo degaanka ay dagan yihiin loogu adeego.
Laakiin federaalka dalkeena Soomaaliya laga hir galiyay ma yahay mid arintaas loogu tala galay?
Ma u adeegaa dadka mise waxaa looga dan leeyahay inuu kala gooyo ama kala qoqobo dalkeena Soomaaliyeed iyo dadkeena.
Waxaa jiray sheeko looga sheekeeyo ilmaha yar yar taas oo loogu tala galay in la xoojiyo isku duubnaanta caruurta walaalaha ah sheekadaas waxay ku billaabanaysaa,
waxaa jiray sadex sacaad oo lo’ ah kuwaas oo ku noolaa duurka waxay lahaayeen awood iyo isku tiirsanaan  ay isaga celiyaan bahaladii ay la noolaayeen oo mar kasta rabay inay cunaan, markii dambe waxaa dhacday in loo kala sheekeeyay oona la yiri sac madoobe waa idin khayaanaa markay ka lug furteenaa gooni loo cunay haddana midkii ganuudnaa ayaa gooni loo cunay, maalintii ugu dambeysay oo saccii caddaa ee ugu dambeeyay la cunayay ayaa waxaa u yiri oraah caan baxday oo ahayd “aniga maanta la ima cunin ee waxaa la I cunay maalintii sac madoobe la cunay”  wuxuuna kala jeeday haddii aan sacaas layga cuni lahayn maanta waan is kaashan lahayn.  
Waxaa jirta oraah heer caalami ah oo ah “qaybi oo xukun” taas waxay tahay sheekadaan oo kale laakiin waxaa ay ugu baddalan tahay waxaa loo isticmaalaa uun siyaasadda, marka waxaad u malaysaa in federaalka ka jira Soomaaliya uu yahay qaybi oo xukkun.
Dhaqanka ma u dhalatay
Deegaanada soomaaliyeed ee ay ka arimiyaan maamul goboleedyada waxaa ka jira arin la yiraah ma u dhalatay oo looga gol-leeyahay in qofkii deegaankaas wax usoo doonta aana ka mid ahayn dadka deegaanka aan wax qayb ah la siin taas oo mar kasta keenaysa in qof walba deegaanka uu u dhashay hayb ahaan uu wax ha heli karo.
Hadaba arintaan ma u dhalatay waxaa ay keenaysaa in qofka Soomaaliyeed ee kartida u leh inuu wax qabto uusan meel kasta wax ka qaban Karin ilaa deegaankiisa maahane.
Arintaas waxaa ka dhalan karta marka qof Soomaaliyeed uu dareemo in deegaan ka mid ah dalka loogu diido hayb ahaan ama deegaankaan uma dhalan ay hadhow keeni karto in qofkaas uusan deegaankaas tirsan oo haddii wax kasta ay ka dhacaan uusan u gurman asagoo dareemaya lehaan shiyo la’aan iyo in uusan deegaankaas wax ku lahayn.
Haddaba aan tusaale usoo qaadano haddii maamul ka mid ah kuwa hoos yimaada dowladda Soomaaliya ay dad kale oo Soomaaliyeed u diidaan deegaankaas waqti kadin haddii deegaankaas uu soo weeraro cadaw ama dowladaha deriska ah ma jiro qof horey loo xumeeyay oo usoo gurman doona deegaankaas maxaa yeelay maba ku jirto niyadiisa in dhulkaas uu wax ku leeyahay laakiin taas badalkeeda waxaaba niyadda uu iska leeyahay in si fiican loo weeraro ayaa fiican.
Cayaarta federaalka ah
Nin aan saaxiibo nahay ayaa ii sheegay sheeko dhex martay asaga iyo oday wax ka fahamsansaa federaalka Soomaaliya, sheekadaas waxa ay ku billaabatay:-
Cabdi: adeer Soomaaliya waxaa ka jira maamullo federaal ah oo aad arkayso  inay is barbar yaacayaan dowladdii dhexana ay isku awood yihiin kawaran arintaas.
Odaygii: adeer ciyaalku marka ay yaryar yihiin haddii odayga iyo habartu ka tagaan waxay sameeyaan in dhexdooda qaarkood ay noqdaa ama iska dhigaan aabe iyo hooyo ciyaartaas oo ilmuhu u yaqaanaan hooyo hooyeey ama aabe aabeey, taas mid la mid ah annagana waxaa naga burburay dowladdii dhexe oo wadanka ka talinaysay illaa haddana wax awood fiican leh ma hayno sidaas darteed qabiiladii ayaa waxay dheel dheelayaan dowlad dowlad si la mid ah caruur waalidkood ka maqan yahay.
Hadaba aqristoow deegaan Soomaaliyeed oo aan ognahay inta uu la egyahay cadawgiisu ma yahay mid lagu difaaci karo hooya hooyeey ama qabiil iska daafici kara miyaa jira dowladda kusoo duushay?
Taas jawaab teedu waa maya hadaba si cadawgeena aan isaga dhicino aan midowna iskana dayno hooyo hooyeey iskuna kaashano si la mid ah sida cadawgeenu uu isku soo kaashaday mar kastana uu u rabo in aan ahaano wadan burbursan.
Waxaan kaloo Soomaali dhammaanteed iyo qof kasta oo wadaniyad ku jirto rabaa inaan xasuusiyo wax aan ku waynay isku duubni iyo walaaltinimo in aanan federal iyo tafaraaruq ku helayn sidaas darteed aan muujino isku duubni iyo iskaashi walaaltinimo leh.
Ani mar kasta ma taageersani federal qaabka uu ku socdo iyo sida loo adeegsanayo dhawr jeerna wax waan ka qoray laakiin kii ugu dambeeyay waxaan ciwaan uga dhigay Xaydaabka federaalismka
W/Q Mohamed Deik Tako
http://deik-taako.blogspot.com/


Saturday, May 23, 2015

MAAMULKA JUBBA IYO BAARLAMAANKIISA YA GAFKA HOR GALAY?

Sidaan wada ogsoonahay May, 2013 waxaa magaalada kismaayo lagu unkay maamul loogu magac daray maamulka Jubbaland, maalintaas waxaa meesha fadhiyay 500 oo ergo ah oo ka kala yimid beelaha kala duwan ee dagan deegaanada maamulkaas uu rabo inuu ka taliyo.
Ergadaas waxay si aqlabiyad leh codka ku siiyeen Axmed Madoobe arintaasina markay dhacday waxaa shirar kale isla magaalada ku qabtay siyaasiyiin kala duwan kuwaas waxaa ka mid ahaa Barre Hiiraale iyo kuwa kale, mid kastaana dad uu asagu watay ayaa cod u qaaday doorashana u sameeyay.
Waxaa isla maalintaas madaxweyne kastaa uu isku caleema saaray magaalada Kismaayo waxaana qasmay ammaanka magaalada maadaama ay ku sugnaayeen dhawr madaxweyne oo is diidan mid walibana uu han uga jiray inuu magaalada u haro.
wixii intaas ka dambeeyayna waxaa magaalada ka billawday isku diyaarinta dagaal iyo in madaxweyne kastaa uu billaabay aruursiga ciidan iyo inuu magaalada ka saaro wuxuu asaga kasoo hara.
Maalmo yar kadib oo ay magaalada ka jirtay ciidamo, hub iyo tabar aruursiba waxaa billowday dagaalkii la filayay oo awalba saansaantiisu ay muuqatay dagaalkaas waxaa meesha uga baxay Barre hiiraale iyo intii kale ee madaxweyneyaal ahaa waxaana goobta kusoo haray Axmed Madoobe.
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa uu Axmed madoobe billaabay kulamo uu dalalka Kenya iyo Ethiopia kula soo qaadanayay madax wadamadaas ka tirsan ugu dambeyna shirarkaas waxaa kasoo baxay in magaalada Adisababa uu heshiis ku dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.
Heshiiskaas u dhexeeya Dowladda iyo maamulka Jubba wuxuu dhacay Augusto 29-keeda 2014-ka, Dowladda Soomaaliya heshiiskaas  u saxiixay Faarax Sheekh C.qadir Maamulka Jubba asna waxaa u saxiisay Madaxweynehooda Axmed Madoobe.
Heshiiskaas qodobadii kujiray waxaa ka mid ahaa in Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha lagu wareejiyo Dowlada Soomaaliya lix bil kadib, lacagta kasoo xarootana wax loogu qabto Jubba, waxaa kaloo heshiiska ka mid ahaa in ciidamada nidaamkaas la hoos keeno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Hadaba heshiiskaas oo la gaaray waqtigii dekedda la wareejin lahaa waxba kama suurtoobin ciimadana wali waxay hoos tagaan Jubba hadaba haddii qodobadii aysan hir galin maxaa tillaabo dowladda la gudboon?
Maxaase dowladdu ay u daba gali la’dahay qodobadaas?
Heshiiskaas bulshada soomaaliyeed waxay u arkaysay mid aan rabitaan dowladeed ku imaan ee uu yahay cadaadis Ethiopia ay dowladda kusaaraysay inay la heshiiso Axmed madoobe maamulkaasna ay aqoonsadaan.
Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday in wasiiro iyo madax dowladda ka socotay oo Kismaayo u tagay in wada hadal la sameeyaan Axmed madoobe oo xaalada ay soo indha-indheeyaan lagu hakiyay garoonka Kismaayo ayadoo xataa wararka qaar ay lahaayeen waa la xiray kadibna ay magaalada Muqdisho dib ugu oo laabteen
Waxaa sidoo kale soo baxayay in dowladda gabi ahaanba aysan raali ka ahayn maamulka Jubba sidoo kalena waxaa si hoose loo hadal hayay in Barre hiiraale uu dowladda ka helay hub uuna rabay inuu dib ugu laabto magaalada Kisyaamo taasoo keeni lahayn in maalmula Jubba uu galo shaki magaaladuna ay noqon lahayd meel dagaal laakiis taas badalkeeda Barre hiiraale uma suuroobin inuu Kismaayo dib u galo.
Intaas wixii ka dambeeyay maamulka Jubba waxa uu noqday mid illaa xad caga dhigta shaqadiisana si caadi ah u wata in kastoo deegaanadiisa qaar ay wali gacantooda ka maqanyihiin oo ay ka taliyaan Alshabaab.
Muddo markii maamulku uu shaqaynayay waxaa la gaaray xilligii lagu dhawaaqi lahaa ama la samayn lahaa Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba billowgii 2015 ayaa shir la isugu yimid kismaayo si odayaashu ay uga tashadaan samaynta baarlamaankaas iyo sidoo loosoo xuli lahaa
March, 2015 waxaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada kismaayo wasiirka Arimaha gudama iyo federalka C/raxmaan odawaa kaas oo furay xafladda lagu soo xulayay baarlamaanka Jubba sidoo kale waxaa la socday wasiiro iyo xubno dowladda ka tirsan.
Hadaba markii la guda galay soo xulista baarlamaanka waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaanaysay dadka dega gobolada qaar sida kuwa dega gobolka gedo laakiin cabashadaas waa la iska indha tiray xaajaduna waxay u muuqatay “fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” yeel ama ha yeelin waa lagu yeelsiin.
Waxaa April 15, 2015 si rasmi ah loogu dhawaaqay Xildhibaanada Baarlamanka  Jubba ayadoo la sheegay in lasoo dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Markaas wixii ka dambeeyay waxaa billowday hadalada warbaahinta laga sheegayo kuwaas oo inta badan lagu dhaliilayay baarlamaankaas iyo qaabkii uu ku samaysmay waxaadna ugu dambeyn ay noqotay in Baarlaamka laga geeyo mooshin kaas markii laga doodayay dhaliyay muran u dhexeeya Xubnaha Baarlamaanka.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay haddii markii hore maamulka Jubba uu ahaan lahaa wada tashi iyo go’aan dowladda ka yimid mid ku dhashay maanta ma dhici lahayd in dood laga keeno baarlamaankiisa?
Haddiise markii maamulkaas uu ku samaysmay qaabka aan wada ognahay tallaabo laga qaadi lahaa ama mooshin laga keeni lahaa maanta muran kama taagnaadeen Barlamaan.
Soomaali waxay ku maahmaahdaa “baroorti orgiga ka wayn” ee mooshinka baarlamaanka ee Jubba ma mid lagu saxayo qaladkii la galay mise waa mid dano kale ka dambeeyaan.

W/Q: Mohamed Deik Tako

Blogg: http://deik-taako.blogspot.com/