Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, September 28, 2014

Hantida guud


Erayga Hanti guud markii aan micno ahaan u sheegno waa wax kasta oo shacabka ka dhexeeya oo cidna aysan gooni u lahayn hantida guud waxay ku imaan kartaa in dhaqaale dowladeed lagu iibiyo, hantida guud waxaa kaloo lagu samayn karaa lacagta canshuurta ah ama dhaqaale dowladda lagu tabarucay waxaa sidoo kale hantida guud lagu heli karaa in shacabka ay iska aruuriyaan lacag kadibna lagu sameeyo  
Aaway hantidii guud
Hanti guud oo la hawl galiyo waxaa ugu dambeysay dowladdii militeriga ee madaxweyn Maxamed Siyaad Barre AUN  wixii ka dambeeyay waxaa ku imaanayay lunsasho iyo burbur, qaar ka mid ah guryihii inta la dumiyay ayaa birihii dhismaha lagala baxay qaybo kale waxaa ka dhismay degaan aad u ballaaran oo shacab dagan yahay sida xaafadda Zone K oo dhul hanti qaran ahayd laakiin mararka qaar aad ka shakinayso aadna arkayso dhulkaas oo lakala iibsanaayo hadaad tiraah qofka iibsanaaya miyaadan ogeyn in dhulkani uu yahay hanta guud uu kuugu jawaabayo inta dowlad xoog leh ka dhalanayso ayaan kusii meel gaarayaa hadaba qofkaas ma rabaa in dowlad dhalato? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay dhul lacag iyo dhisme uu galiyay ayuu waynayaa kuwa ayaa xafiisyo dowladdu ku shaqayn jirtay deegaan ka dhistay oo cidi u dagan tahay ayagoo waliba intii kale ee xafiisyada ahaydna inta kireystay bil waliba lacag ka qaata
Xarumihii wax barashada qaarkood waa kaam barakayacayaal degenyihiin ayadoo ardaydu wax ku bartaan guri kira ah oo lacagta bisha usii dheertahay Jaamacaddii Umadda dad ayay deegaan u tahay xataa waa la iibiya guryeeha ayadoo waliba la ogyahay in dib loo hawl galiyay Jamacadda Umadda
AMISOM ayana xarumaha qaar ayay dagan tahay oo xarun ciidan u ah sida qayb ka mid ah Jaamacadda Umadda iyo garoonkii Muqdisho ee ciyaaraha  waliba meelahaas waxaa ka socda dhismeyaal cusub taas oo rajada dib u hawl galintooda sii adkaynaysa Wadooyinka qaar waxaa laga dhistay guryo gaar loo leeyahay kuwaas oo dadku aysan ka war qabin ama aysan ku baraaruksanayn in meesha wado tahay waxaa jira wadooyin waa weyn oo sida ay u socdaan guri ku go,an yahay ama wadadu ay yaraanayso oo luuq ay isku badalayso taasi waxay dadka ku baraarugeen markii maamulada degmooyinka ay waddooyin ka bilaabeen inay dadka ka kiciyaan, waxaa dhacday xaafadaha qaar in guryo villo ah gabi ahaan la dumiyay taasina waa baraarug fiican iyo wadooyinkaas dadku aysan kusoo degdegin mar kale
Yaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud?
Qof kasta oo Soomaali ah caqligiisuna taam yahay waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida guud laakiin waxaad u malaysaa dadku inaysan ku baraarugsaneen in hantida ay wax ku leeyihiin tusaale ahaan hadaad aragto qof laamiga qashin ama wasaq ku shubaaya inaad dareento xumaan inay tahay, micnuhu maahan ka celi laakiin ugu yaraan qalbiga inaad ka dhibsato arimahaasi waa kuwa ugu badan oo dadku ku kacaan qashin gurigooda ama goobtooda ganacsi ay kasoo aruuriyeen inay laamiga geeskiisa soo dhigaan.
Kasoo qaad adigu ma ogolaan lahayd in qof inta xaafadiisa qashin kasoo qaado uu gurigaada gudihiisa soo dhigo ama xataa albaabkaada hortiisa? Jawaabtu waa maya, waxaad ku andacoonaysaa maxaad qashinka iigu soo fogeynaysaa ma god shaqin ayaan ahay ayadoo aan aragno in daris badan ku dagaaleen arintaas darteed laakiin wali maan arag dad ku dagaalay shaqin laamiga la dhigay dartiis hadaba yaa muhiimsan nadaafadda wadanka iyo tan gurigaada?
Waxaa kaloo waajibka ugu wayn uu saaran yahay dowladda oo larabo inay amarro iyo sharciyo kasoo saarto dadka ku kacaya boobka iyo halaynta hantida guud ayada ayaa laga rabaa inay dadka sharci darrida ku dagan xarumaha dowladda ay ka saarto haddii kalena ay shacabka ayadu siiso loona aqoonsado dhul shacab badalkii gacan sadexaad ay u dhexayn lahayd dowladda iyo shacabkeeda
waxaa kaloo waajib uu ka saaran yahay ilaalinta nadaafadda dalka waa inay hawl galisaa meelo qashinka la isugu geeyo iyo baabuurtii qashinka magaalada ka qaadi jiray iyo waliba meel lagu soo shubo arintaasina waa aasaasi oo wax yaalo badan oo dowladdu hayso hadda ayadaa ka muhiimsan, xataa dowladdu hadaysan usoo jeedin waxay siin kartaa shirkad gooni loo leeyahay wayna kula xisaabtamaysaa lacagna wayka qaadanaysaa waxna waa la qaban lahaa.

Erayadaan waanada ah ayaan jeclaystay inaan qormadayda kusoo koobo

Shacabyahow hantidaan lahayn
Hadday hareeraha daadsantahay
Oo cidina hagaajinteeda rabin
Tahay sidii hilib haad u yaal
Hawshaas qaranoo dayacan
 Itaalkaad heli karteen
Haddaad hagrataan haddaba
Aakhiray hortaada taal
Waxaad ka heshaan hadhow
Aday Aabiyo hooyaba ku dhihi
Ninkiise hanuunsanoo
Hammi fiicano ku jiro
Ilaah ma habaabiyee
Mar uun buu hananayaa

 Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         




Wednesday, September 24, 2014

Faafreebka saxaafadda

Faafreeb waxaa la yiraah micno ahaan warka oo laga reebo wixii qalad ah ama haddaan si kale u dhaho waa tifaftirid, haddaba faafreebka saxaafada soomaalida ayaa waxay tahay markii ciidamada nabad sugiddu ay sheegeen in aan wararka qaar laga sii dayn Karin idaacadaha ayadoo la sheegay in ay reeban tahay in la siidaayo codadka madaxda shabaab ama arimaha aminiga iyo hawlgalka laga faaloodo ciddii lagu helana ay mutaysan doonto ciqaab.

Muxuu soo kordhin karaa faafreebku
Markii la yiraah dad afkooda waxa uu bartay halaga celiyo waxaa qaadan doontaa waqti dheer in uu la qabatimo arimihaas cusub oo kusoo siyaaday hadaba faafreebka saxaafaddu dhawr waxyaabood ayuu soo kordhin karaa qaar ay yihiin wanaag asagoo sidoo kale yeelan kara caqado ka dhasha, waxyaabaha uu soo kordhin karo waxaa ka mid ah

waanaga oo la sheego
sababta ugu horeysa ee loo sameeyay xakamaynta saxaafadda waxay tahay ayada oo ay badatay in qof walibaa uu iska hadlo uuna iska sheego waxa uu rabo uusana fiirin wax yaalaha ka dhalan kara warka uu baahinaayo, waxaa jira warar aysan haboonayn in la baahiyo sababo amni darteed waxaa kaloo jira qaabka warka loo sheegaayo oo mararka qaar war toosnaa ama wanaagsan xanaf loo yeelo, tusaale ahaan waxaad arkaysaa mareegaha qaar oo lagu qoraayo “xaalada muqdisho oo allow sahal ah” dad badan markay ciwaankaas furaan oo ay is yiraahdaan xaaladda wax ka ogow waxay arkayaan kari lagu dilay muqdisho ma askariga la dilay aya magaalada qalqal galiyay?
Haddii barnaamijkaan uu sifiican u hirgalo waxaan is leeyahay inay yaraanayso been abuurka, sheegidda ceebta madaxda, iyo faafinta war aan xigasho lahayn iyo hadallada qaar sida Sir fakatay, warar hoose, ceeb taagan, khilaaf circa isku shareeray, waxaa kaloo yaraan lahaa hadallada dowladda lidka ku ah oo ay ka mid yihiin Dowladda taagta daran, dowladda musuqmaasuqu daashaday, waxaa kaloo dhacayn in shaqsi la beegsado ama la sharaf dilo ayadoo taariiqdiisa lagu kabayo xumaan uusan lahayn

Xog badan oo qarsoonaata
Haddii la xakameeyo saxaafada soomaalida ayna sheegto wax aan loo ogolaan waxaa imaan karta in ay yaraato xogta dadweynehu helayaan ayadoo isha ay wax ka ogaadaan wararkana kala socdaan ay tahay saxaafadda laakiin taas micneheedu maahan in dadku ay waayeen wax muhiim ah laakiin waxaa dhaafay arin aysan lahayn go’aan keeda in ay ogaadaana aysan muhiim ahayn tusaale ahaan haddii qarax ka dhaco magaalada dadkana aan loosoo gudbin maxaa hallaabaya waa waxba maxaa  yeelay dadka la rabo inay ogaadaan ma ahan dadweynaha waa laamaha amaanka kaliya sababtoo ah ayaga aya iska leh wax ka qabashadeeda shacabkana wax aan walwal ahayn uma soo siyaadinayso laakiin dadkeena aya jecel dhacdo ay falanqeeyaan.

Qodobka 18aad daskuurka
Dadka qaar ayaa ku doodaaya in lagu xad dugbay qodobka 18aad ee dastuurka oo dhigaya in qofka u xor u yahay inuu soo gudbiyo fikirkiisa laakiin dastuurku qofna uma fasaxayo inuu ku xadgudbo shaqsiyadda qof kale waxaa kaloo cidna aysan diidayn in saxaafadda aan xoriyadda laga qaadine xummaanta laga reebay iyo in saxaafadda labaro hoggaaminta taasina sharci diidani ma jiro

Midab kala sooc
Amarkaan soo baxay ee saxaafadda ku socdaa waxaad moodaa inuu saamaynayo saxaafadda soomaalida oo uusan quseyn saxaafadda caalamiga ah ee Soomaaliya ka shaqeeya sida BBC iyo VOA, waxay sii daayaan codadka qaar la diiday iyagoo waliba soo dhex mara idaacadaha Soomaalida miyaysan suura gal ahayn in ayagana loo gudbiyo sharcigaan wadanka ka jira mise sheegadu waa miskiinaa miska la fuulo leh?
Sharciga looma kala sareeyo qofkii ku xad gudubtana waa waajib in lagu fuliya wixii uu leeyahay ayadoo loo eegayn magaciisa iyo maqaamkiisa tusaale ahaan shaqaalaha BBC-da haday sharciga dumiyaan waa in xukun la mid ah kan kale ee idaacadaha gudaha ka shaqeeya markuu gaf galo lagu xukumo helaa

Sawir qaldan
Markii la fiiriyo sida loo sheegay amarkaan iyo qaabka gudbintiisiiba oo ahayd amar, qaladna aysan ahayn in dowladi amar bixiso ayaa hadana waxaa habooneyd in qaab kale loo dhigo, maxaa yeelay dad ayaa laga yaabaa inuu in qaato awoodda dowladeed in loo adeegsaday qofna cabsi wax kuma daayee dulmi ayay kusii siyadisaa oo waxaa laga yaba inay abuurto cadaawad qarsoon iyo cuqdad lama ilaawaan ah.

Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com       


Saturday, September 20, 2014

Caqabadaha haysta siyaasadda Dalka

Caqabadaha haysta siyaasadda Soomaalida ee aan maanta jeclahay inaan wax ka qoro waa siyaadda dalka ka jirta oo qof kasta oo waxa garanaya uu u jeedo inay wax ka qaldan yihiin sababahaas siyaasad xumada keenay waa fara badan yihiin oo qofba aragtidiisa meel ayuu ku sheegi lahaa oo cillado gooni ah ayuu la imaan lahaa laakiin kuwa ugu waaweyn oo keenay inaan aduunka siyaasad ahaan ka harno waxaa ka mid ah

Siyaasadda oo loo galo qabiil
Qofka kusoo biiraya siyaasadda marka hore malahan aqoon siyaasadeed ama uma bisla inuu hormar ka sameeyo laakiin waxa kaliya oo uu ugalayo ayaa waxay tahay qabiil hebel siyaasadda waa ka dhex muuqdaa ama beel hebel waxay leedahay nin wasiir ah, maalin kasta dadku waa kusheekeystaan qabiilka madaxweynaha ah ama raisul wasaaraha, marka beeshaada magaceeda dadku ha hadal hayeen iyo qabiilkaada hala barto dadka siyaasada u galaya waa fashilka ugu wayn oo siyaasad xumada noo horseeday

Siyaasad Sad bursi ku dhisan
Waxaa kaloo ka mid ah sababaha burburka siyaasadeed keenay in dadka danta ay siyaasadda ka leeyihiin ay tahay kaliya nafci ka hel ama sad bursi taasina waxay keentay in qofka siyaasiga ah waxyaaba badan oo fakar u baahan iyo go’aan adag ka qaadasho uu hunguri dartiis uga gudbo ama sahalba ku saxiixo, haddii hoggaanka siyaasadeed uu wax walba dhaafsado dana shaqsiyadeed dalka siyaasadiisa intey ku dambeyn kartaa?

Cawaaqibta ka dhalan karta siyaasad xumada
1.      Qaybo ka mid ah wadanka oo luma
Waxaa dhacaysa haddii siyaasaddaadu xumaato oo aad awood darayso in qayb ka mid ah wadan aad lumiso dhul ahaan oo laga yaabo in wadan kale uu iska qaato asagoo uga faa’iidaysanaaya adeeg xumo haysata ama ka warqabid la’aan ay dawladoodu iska ilowdo anakoo iska indha tirayn wadada uu hadda dalka ku socdo miyaanay muuqan in Soomaaliya ay luminayso dhul badan oo isugu jira bad iyo birri, Ethiopia dhul ay dagto Soomaalida Galbeed ayay naga haysatay saas oo ay tahayna nooguma simin oo wali damac intaas ka dheer ayaa ku jira oo faragalinteeduna waa joogto, waxaa kaloo dhul nooga maqnaa Kenya hadana dhulkaas waa ku samri wayday oo hankeedii waa uu soo laba lixaadsaday hadda waxayba ku hammi wayntahay inay qaadato qayb baddeena ka mid ah oo la sheegay inuu Gaas ku jiro, Siyaasad xumada jirta waxaa ka mid ah in dacwad loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda dadkii na difaaci lahaana aan la diyaarin, Kenya ayada maxkamadda sare ee dalkaas waxay magacawday guddi sharci yaqaano ah oo baddeena u difaaca anaguna warqad kaliya ayaan inta gaynay ka aamusnay xataa uma eka siyaasiyiintu kuwa dadaal wada, hala ogaado xukunka badda waxaa uu ku xiran yahay sida laysku difaaco badaas haddaan qareemo u samaysan wayno faraheena ayay ka bixi doontaa mar hadduu xukun dhacana racfaan malahan, meesha kitaab laysku xukumi maayo ee afkaa wax lagu dhacsan doonaa! Marka anaga yaa inoo maqan? Yaase noo doodaaya?

2.     Awoodda oo dalka gaari waysa
Siyaasaddu haday aas aaska ka xumaado waxay noqon kartaa in wadanka maamulkiisa uu ka liito dhanka siyaasada taasina ay keento xukunada dowladda iyo amarada ay ka hir gali waayaan qaybo ka mid ah wadanka oo qabiil uu ka taliyo, waxa ka jira Soomaaliland ama puntland iyo inay u dhaqmaan wadan gooni u taagan waxaa sabab u ah siyaasad xumada ka jirta dalka waxay hadda maamuladaas marayaan inay ku dhawaaqeen inay xariirka u jerayaan Dowladda dhexe ayadoo aan aragno in la xisaabtan uusan muuqan iyo go’aan laga qaadanaayo maamuladaas iyo xataa wax lagu heshiinaayo midbana

3.     Adeega bulshada oo xumaada
Siyaasadda wanaagsan waa sababta koowaad ee keenta in sifiican loo hir galiyo adeega bulshada taas badalkeedana haddii siyaasadu xumaato ama qorshe fiican aan loo dajin waxay keenaysaa in la dayaco adeegii bulshadana aan la gaarsiin ama wax ka yar dadka wax ku filan in la gaarsiiyo adeeg la’aanta waxaa keeni kara in la musuqmaasuqo qarashkii loogu tala galay illeen qofka maamulaya ayaaba markii hore sad bursi meesha u yimide ama qorshihii iyo siyaasaddii oo markii hore dalmayay

Sidee lagu xalliyaa Siyaad xumadeena
Aqoonyahanadeena shaqa la’aanta laamiyada la fadhiya oo waxay soo barteen aan laga faa’iidaysan iyo  ra’yigooda oo aan lagaba qaadan oo meel ah iyo dad nolosha ka dhacsanaa xilli dheer oo siyaasadda sare ka mid ah waa laba qodob oo la rabo in laga gudbo waxayna ila tahay  in taasi xal u noqon karto siyaasad xumada Soomaaliya dib u dhigtay.

Midda kale odayaasha ku dhaw xilligii nasiinada ama shaqa ka fariisiga in siyaasadda laga bixiyo laguna ekeeyo in tala ay soo jeediyaan oo kaliya badalkoodana la isticmaalo dhalinyaro waa mid ayana keeni karta hab siyaasadeedkeena oo wanaagsanaada


Kaabe qabiilada siyaasadda saamaynta joogtada ku haya haddii ay ahaan lahayd soo xulidda xildhibaanada, wasiirada ama buuxinta jago wasaaradeed oo banaan waa caqabad si loo helo siyaasiyiin aqoon iyo karti waa in lagu saleeyaa jagooyinka dowladda maxaa taqaan oo laga daayo yaa taqaan “xalka siyaasadda dalku wuxuu ku jirtaa maskaxda shacabka”.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com       

Monday, September 15, 2014

Jaadka (Khaadka) iyo Soomaaliya

Jaadka/Khaadka intiisa badan waxaa uu soomaaliya kasoo galaa wadanka Kenya ayadoo qayb yari ay Ethiopia ka timaado kaas oo laga isticmaalo maalooyinka gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya, Jaadka waxaa Soomaalida uga baxa lacag aad u fara badan oo lagu qiyaaso  $1 million oo Doolar maalintiiba anagana faa’iido ahaan waxaan helna cudur iyo cagaar, iyo anagoo lacagteenii ku bixinayna qasaaro ka daran inaan dab saarno maxaa yeelay inaan dab saarno waxaa ka daran inaad cudur cunto laakiin dadku cudur uma oga oo hadayba waayaan waxay noqonayaan maqane jooga

Soomaaliya oo hesha jaad ka badan kii hore
kadib markii xayiraad laga saaray jaadka wadamada ay ka mid yihiin Holland iyo Britain ayaa waxay taasi sababtay in qaadkii yurub laga xannibay Soomaaliya loosoo weeciyo oo Jaad ka badan kii hore uu wadanka soo galo, meeshii awal ay ka imaan jirtay laba diyaaradood ayaa hadda waxaa mararka qaar yimaada sadex ilaa afar diyaaradood waxaa kaloo siyaaday dadkii ka ganacsan jiray iyo kuwii cuni jirayba

Qiimaha jaadka oo jaban
Qiima ahaan jaadka waxaa la iibiyaa qiimo ka raqiisan qiimihii la iibin jiray inta uusan soo badan waana qiimo kala duwan, taasina waxay ku xiran tahay suuqa aad joogto iyo sida loogu gado tusaale ahaan qofka ku iibiya meel aan qof kale miis uga furneyn waxaa suura gal ah inuu qaali gado asagoo ka faa’iidaysanaaya baahida loo qabo iyo dalabka uu haysto laakiin sida caadiga ah waxaan rabaa inaan fiiriyo wixii la gadi jiray xilligii hore iyo waxa la gado hadda oo jaadka uu wadanka kusoo siyaaday

 Nuucyadajaadka iyo qiimahooda
Laari  waa nuuca ugu badan oo dalka laga cuno ayadoona uu yahay kan qiimo ahaan raqiisan, qiima ahaan halkii marduuf/Kiilo oo laari ah  wuxuu u dhexeeyay $20 ilaa $18   laakiin hadda wuu soo siyaaday taasina waxay keentay in qiimihiisa ay hoos u dhigto ayadoo hadda suuqyada lagu kala iibsanaayo  halkii marduuf ama kilo $15 ilaa $13 taasina waxay keentay inay siyaadaan dhalinyada cunta jaadka 
Kabaje  waa nuuca labaad oo dalka laga cuno kabajeha qiime ahaan hal marduuf waxaa awal lagu kala iibsan jiray qiime u dhexeeya $27 ilaa $25   laakiin hadda waxaa ku yimid qiima dhac taasina waxaa keenay tiro intii hore ka badan oo dalka timid  ayadoo halkii marduuf la gadayo $20 ilaa $18
Gizze waa nuuc aad qaali u ah sida la sheegay marqaan badan oo maan dooriyihiisu saa’id yahay qof kastana uusan cunin marka laga reebo dadka la qabsaday oo aalaaba cuna Gissuhu qiimo ahaan waxa iska badalay ma badna walina waxaa lagu kala gadanayaa qiimihisii hore  oo ah $40 ilaa $50 halkii kilo Tollow kan yaa cuna?
F.G Qiimahaan waa kan magaalada muqdisho laga iibiyo

Dhibaatooyinka jaadka
Jaadku waa daroogo, daroogo cunisna waa dareemi kartaa inaysan dhibaato maahane aysan faa’iido keeneyn ayadoo dhibaatooyinka ay badan yihiin ayaa hadana kuwa guud aan rabaa inaan ka hadlo waxaana ka mid ah
1.      Cibaado xumo
Qofka jaadka aad cuna oo la qabatimay sidaan wada ogsoonahay waxa uu ku gaaraa cuniddiisa ilaa xilli dambe oo habeenkii ah, kadibna hurdo raadin badan kadib ayuu seexdaa walibana xilli uu soo dhawyahay inuu waagu baryo ayadoo laga yaabo inuu salaad subaxa ka jiifto, dadku daroogada la qabatimay maalinta inteeda badan waa ay jiifaan waxay badi soo kacaan duhurkii oo baxay kadib waxay bilaabaan soo iibsashada jaadka iyo mid aan haysan oo markaas soofa si uu usoo helo wuxuu ku qayili ahaa meeshaasna waxaa ku lumay duhur iyo casar ama casirkii oo sii baxaya ayaa la boobsiiyaa markaas ayaa loo fariistaa qayilaada cusub ayadoo badanaa maqribka loogu jiido oo inta tukataa ay yartahay cishahana waxaa la tukadaa markii la dhamaysto jaadka xilli dambe habeenkii saas ayay salaadu u xuntahay cibaado kalena daa’ warkeeda

2.     Burbur dhaqaale
Qofka jaadka markasta cuna waa qof ay ka baxdo lacag badan oo haday u aruuri lahayd wax fiican u qaban lahayd ayadoo taas ay jirto ayaa laga yaabaa dadka qaar inay asxaab u qaadaan jaadka si koox la qayisha uu u helo, meeshaasna waxaa lagu isticmaalaa qarash fara badan,
Wiil aan waydiiyay lacagta Jaadka uu cuno wuxuu ii sheegay 150-200  qiimo ahaan u dhigma uu maalintii cuno laakiin waxa uu yiri “aniga lacagtaas intaan dhiibo waa yartahay afsoomaali iyo waji aan ku helaa haddii aan iska dhaafo jaadka lacagtaas ayadoo caddaan ah ima soo galayso, laakiin jaad haddaan u baahdo si sahlan aan ku helaya”

3.     Kalagaynta qoyska

Jaadka wuxuu sababaa in uu qalalaase ku abuuro qoyska, kaas oo gaara ugu dambeyn kala taga ladaba qof waxaa kaloo jira in aabaha qayila uusan badanaa ka warhayn caruurtiisa iyo xaaskiisa meeshaasna ay ku maqantahay kaalintiisii iyo caruurta oo aan helin qaybtii tarbiyda aabaha iyo la socodkiisiiba
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com

Sunday, September 7, 2014

Qanaacada dadweynaha

Qanaacada dadweynaha markaan ka hadlaayo ujeedada aan kala jeedo waxaan filayaa qof walba inuu fahmayo, waa dadweynaha ama shacabka oo la kasbado waliba dowladda ay kasbato oo jaceelka dowladda loo qabo ay badato laakiin sidaan aragno dadku kuma qanacsana dowladda, dowladduna waa dareensantahay in dadka aysan kasban laakiin inta aana u gudbin faahfaahinta sababaha keenay isfahan waaga u dhexeeya dowladda iyo shacabka aan is waydiino su’aalahan
Dowladda miyaa kasoo bixi la’ waajibaadkeedii dowladnimo?
Ma shacabkaa burburkii la qabsaday oo dowladda qaban la’
Mise shacabku waa bisilyihiine waxaa jira aqoon yari ah sida dadka loo kasbado?
Hadaba anakoo su’aalahaas maskaxdeena ku jiraan aan hoos ugu soo degno qodobkeena aanna idin tuso sida xaaladda tahay, sababtaan waxaan u kala qaadaynaa mid shacabku leeyahay iyo tu’ dowladdu leedahay
Hadaba aan ku horeyno eedaha shacabku leeyahay keenayna in ay dowladda ka fogaadaan ayna is fahmi waayaan

1.      Aqoonta  shacabka ee dowladda oo yar
Sababta ugu horeysa uguna wayn oo keentay dadku inay moodaan dowladda inay tahay wax aysan ayagu lahayn oo markaas ay ku riixaan inta yaroo dowladda madaxda ka ah ama ay ka dhigtaan dowladda ruux la siman oo kale oo aysan ihtimaam siin waa aqoonta dadku u leeyahay dowladnimada iyo wanaageeda oo yar, dadku waxay badi dhasheen markii dowladdu dhacday iyo kuwa markaas joogay oo wax badan aan dowladda ka aqoon qaarna dowladda waaba soo arkeen laakiin xumaan ay ku arkeen ayayba uga caroodeen tu’ dambana ma aaminin
Markaa intii yareyd oo dowladda taqaanay oona jecleed waxaa ka batay intii kale ee aqoontooda iyo ciilku u diiday “somaali waxay dhahdaa biyo kaa badan waa ku maasheeyaan” taasina waxay keentay in muuqaalkii shacabka uu noqdo dowlad diid

2.      Qabyaalad
Qabyaaladu waa mid ka mid ah sababaha kalsoonida shacabka loo waayay, tusaale ahaan markii la doorto ra’iisul barlamaan qolo walbaa waxay isku rabtaa inay hesho madaxweyne ama ra’isul wasaare sadexdaas  janaga ma ahan wax Soomaali oo dhan deeqa waxayna keenaysaa markii qabiil waayo wuxuu rabay inuu borobogaando bilaabo uuna qabiilkiisa iyo kuwa kale oo qadayba yiraahdo  reer hebel iyo reer hebel ayaa isku koobay ayadoo keenaysa dadka aan dowladda aqoon iyo kuwa necebba ay kasii didaan dowladda
Labadaas qodob waxay ahaayeen kuwa aan is leeyahay waa kuwa ugu saamaynta badan ee niyadda shacabka iyo fikirkooda badalay, laakiin eeda shacabka oo qura malahane dowladduna waa leedahay waliba kuwa ka badan kuwa shacabka maxaa yeelay waxaa la yiri “nin xil qaaday eed qaad” hadaba kuwa dowladda leedahay anigoo u kala hor marin doona sida ay u kala saamayn badan yihiin ayaa waxaa ka mid ah

1.      bixin la’aanta adeega bulshada
adeega bulashada waxaa la yiraah wax kasta oo adeeg ah oo dowladda ay tahay inay u fidiso dadka ayagoo sii kala muhiimsan laakiin kuwa aasaasiga ah dadkuna uusan ka maarmin waxaa ka mid ah waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo korontada iyo waddooyinka hadaba aan fiirino wadankeeda waxa ka jira oo adeeg ah mid ka mid ah kuwaan dowladdu ma siisaa shacabka jawaabtu ma adka waa maya marka laga reebo barnaamijka aada dugsiyada oo waxtarkiisa cidna aysan ka war hayn dowladda dayacday baahida aasaasiga waxa shacabku raacaan oo ay ku kasban karto maxay tahay?
2.     Saamaynta dowladda oo yar
Saamaynta dowladda iyo hadal haynta ay bulshada ku leedahay oo yar waxay keentay in dadku ku dhawaado inuu iloobo dowladda iyo wax qabadkeeda dadku ayagoo u jeeda dowladda ayaysan waxna ku darsan, meelihii dowladda dadka ka saamayn lahayd ayaa maqan sida canshuurihii iyo aminigii

3.      Dowladda oo shacabka wax ka qaadan
Wada shaqayntu waxay imaanaysaa markii ay ladaba dhinacba ka jirto wax is dhaafsi shacabka oo qura kama imaanayso in la wada shaqeeyo dowladda oo la rabay inay samayso barnaamijyo ay dadka fikirkooda ku aruursanayso uga qaadanayso wixii saxan taas ma samayn, laakiin taas badalkeeda go’aanka madaxda ayaa leh, waxaa kaloo la rabay in ay dadka isugu yeerto xamuraha degmooyinka ulana wadaagto ra’yigooda iyo wixii ay baahi qabaan waana mid keeni karta iska warqab iyo xog wadaagid, xarumaha degmooyinka waxaa loo dhisay wacyi galinba shacabka ee inay haawadaan looguma talo galin

4.     Aminiga oo kala dhiman
Siyaadaha wadanka ee iska soo horjeeda iyo dagaalka ayaa qof waliba u diidan inuu fikirkiisa soo bandhigo wax kasta oo uu qabana keentay inuu caloosha ku haysto qofkii dowladda taageersanaa talo fiicana u hayay ma hadli karo maxaa yeelay waxay ku keeni kartaa dhibaato maxa yeelay aminigiisa dowladdu ma damaanad qaadi karto shacabkuna maahan hogaamiye kooxeed is difaaci kara hadduuba noloshiisa maareysto ayuu nasiib leeyahay shacabku wuxuu taagan yahay “meeshii maroodi ku dagaalo caws ayaa ku gacan galay” taasina waa midda maanta shacabka Soomaaliyeed haysata
caqabadaas labada dhinac ka jira awgood waxaa yar in dadka iyo dowladda ay ka dhexeyso isku qanacsanaan iyo wada shaqayn xalkana wuxuu ku jiraa oo ay kalsoonida kusoo laaban kartaa in marka hore la xalliyo dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira oo aan ahayn waliba kuwa layska indha tiri karo wax walibana waxay lagu xallin karaa in aasaaska hawsha laga saxo
Soomaali waxay tiraah “Quraan Alif ka qaloocday Al-Baqra kama tooso”

F.G wax kasta oo qoran waa fikradayda gaarka ah cidina ilama wadaagso wixii qalad ahina waa mid aniga iga dhacay
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com



Thursday, September 4, 2014

Xayn daabka federalism-ka

Erayga Federaalka
Erayga federal waa eray laatiin ah, micna ahaana federaalku waa maamul siyaasadeed awoodda lagu kala qaybinaayo ayadoo awooda dowladda dhexe loo kala jabinaayo maamulka gobolada, gobol kasta qaab siyaasadeed ayuu leeyahay iyo qaab uu isku maamulo dowladda dhexena waxay leedahay maamulka guud oo maamulka gobolada ayay kor kasii maamulaysaa

Fikirka Shaqsiyaadeed ee Federaalka

Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlay federaalka ayaa sheegay in federaalka Soomaaliya lagu saleeyay qaab beeleed dadka Soomaaliyeedna aysan Aqoon u lahayn Federaal waxa uu yahay loona baahan yahay in dadka la fahansiiyo federaalka si aysan  fikir qaldan uga qaadan si qaldana aysan ugu dhaqmin.

General Galaal  oo asna Qormooyin ka qoray federaalka ayaa yiri “Federaal waxaa loogu tala galay dad kala diin, kala luqad iyo kala dhaqan ah laakiin Soomaaliya intaas oo dhan waa iska leedahay mana u hooboona in federal aan xal u ahayn ay qaadato”

Mahad Maxamed Cali waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda SIMAD qaybta maamulka iyo maareynta fikir ahaan waxaa uu qabaa in federaalku uu yahay dhib soo wajahay Soomaaliya  asagoo yiri “Federalism-ka  waa dhib hada taagan gaar ahaan markii ladhaho xaduudo haloo sameeyo maamul goboleedyada tusaale ahaan hadda waxa ka jira mandheera Kenya oo laysku haayo dhulkii ay qabiiladu dagi jireen”

Aragtida Shacabka Soomaaliyeed
Aragtida ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan federaalka waa mid muujinaya niyad jab ay qabaan bulshada Soomaaliyeed waxay ku leeyihiin haddii la dhaqan galiyo federaalka waxaa uu keeni karaa in dad kasoo kala jeeda qabiilo kala duwan ay is raacaan taasina ay keento in ay ku loolamaan hogaanka sare ee maamulka oo qabiil kastaa uu rabo inuu ka muuqdo meesha ugu saraysa maamulka waxayna taas keeni kartaa in beelaha ay isku dhacaan.
Dhaqan ahaan Soomaalida waa dad xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii ay xoolaha daaq uga helaayaan u guura, dadka ayaa sidoo kale ku doodaya in aan la wadaagi doonin daaqa iyo biyaha oo haddii beeli ay ka tirsantahay maamul goboleed ay adag tahay inta kasoo baxdo ay usoo guurto meel maamul kale ka taliyo, micna ahaan waxay dadku u muuqdaan kuwa xaydaab khiyaali ah ku jira haday ka baxaana ay galaayaan qolo kale xayndaabkeeda

Guulaha laga filaayo Federaalka
Ayadoo dadka rajada fiican iyo wanaaga ka muujinaaya Federaalka aysan badneen  ayaa hadana dadka taageersani qabaan in wanaag horseedi karo iyo Soomaaliya oo dhibka uga baxda hadaba aan mid mid u eegno meelaha uu aadka u saamaynayo oo dadka taageersani ay leeyihiin waa uu ku wanaagsanaan karaa

1      Iska warqabka
Maamul goboleed waliba waxaa uu awooda saaraa in maamulkiisu uu noqdo kan ugu horeeya dhanka horumarka asagoo mar waliba usoo gudbinaaya dowladda dhexe caqabadaha haysta maamulkooda taasina waxay keenaysaa in maamullada iyo dowladda dhexe ay aad iskula shaqeeyaan iskana warqabaan had iyo jeer ayna sabab u noqoto in la daboolo baahida dadka shacabka ah ee kunool deegaankaas

2       Amniga
Haddii sida qaanuunku uu yahay maamulku uu sameysto ciidamadiisa ayna u shaqeeyaan sidii la rabay ayagoo aan ku xadgudbeen maamul kale ee gudaha maamulkooda ku ekaadaan aaya waxaa la arkaa inay wax badan ka badali karaan amniga gobolka waxaa kaloo aad u saacidaya in ammaanka uu wanaagsanaado dadka deegaanka oo wax badan soo wada daganaa ahna dad is yaqaana oo khilaafkooda iyo dhibkooda soo xalin jiray muddo dheer waxay u sahlaysaa inay wax badan oo dagaal ku kallifi lahaa ay si hoose u xaliyaan

3       Dhaqaalaha  
Dhaqaale ahaan saadaashu ma ahan in uu wax badan soo kordhin karo laakiin haddii maamulka gobolka iyo dowladda dhexe is kaashadaan waa suura gal in lasameeyo ilo-dhaqaaleed dadka gobolka ay ku intifaacaan tusaale ahaan haddii maamul goboleedka uu leeyahay bad laakiin uusan haysan Dakad suurta gal ma ahan inuu sameeyo Dakad laakiin haddii mashruuc dhisma Dakadeed ah ay Dowladda dhexe u keento waa suura gal inay ka faa’iidaystaan, tabarta dhaqaale ee gobol leeyahay ayadoo la fiirinaayo waa inay caawimaad ka helaan Dowladda dhexe si loo kobciyo dhaqaalaha gobolkaas

Caqabadda uu leeyahay
Ayadoo federaalka gabi ahaan aan jaceel loo muujinayn dadkuna ay niyad xumaan ka qabaan ayaa hadana waxaa jira meelo gaar ah oo indha aan laga qabsan Karin oo laga yaabo haddii federaalka  Soomaaliya laga hir galiyo uu wax badan ka badalo, haddaba waxaa ka mid ah meelaha lays leeyahay dhib xoogan ayuu gaarsiin karaa

Deegaan wadaaga iyo is dhexgalka
Sidaan soo sheegay Soomaalida waa dad isku luqad, Diin iyo dhaqan ah waxayna wadaagtaa deegaanka oo ka dhexeeya ma jirto qof Soomaali ah oo gobol uusan deegaan ahaan kasoo jeedin inta u safray markii uu tagay laga qaadayo canshuur laakiin badalkeeda waxaa uu ka helaa soo dhawayn iyo sooryeyn ayadoo taasi ay a tahay dhaqankeena soomaaliyeed ee soo jireenka ah ayaa waxaa laga yaabaa in colaad dhex martay laba maamul uu keeno in dadka kasoo kala jeeda labada maamul ee isku dhcay ay u kala safri waayaan maagaalooyinka labadaas maamul iska dhaaf inay degaan ahaa u degaan mid ka mid ah magaalooyinkoodee
Sidaas darteed waxaa meeshaas ku lumaya is dhex galkii bulshada ee soo jireenka ahayd oo haddii federalism la dhaqan galiyo aad moodo inay meesha ka bixi doonto
Aniga oo fikradayda soo koobaaya ayaa federalism-ka waxaan ka iri muddo ayaan laga joogo
Hadduu fiican yahay federaal
Faatixadaa sheegi lahayd
Quraankaa faanin lahaa
Oo Anbiyadaa faafin leheed

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com       




Wednesday, September 3, 2014

Soomaaliya sidee tahay seese u muuqataa?

Muuqaalka guud ee Soomaaliya
Soomaaliya muuqaal ahaan waa dal ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay dagaaladii soo jiitamayay ee ka socday dalka 24kii sano ee ugu dambeysay taasoo sababtay in uu ku yimaado dalka burbur dhaqaale iyo mid muuqaal ahaaneed, waxaa burbursan qaybo badan oo ka mid ah guryihii dowladda iyo kuwa goonida loo leeyahay ee dadgu gali jireen laakiin taas waxaad moodaa inay hadda soo yaraanayso oo qaybo badan oo ka mid ah waa la dayac tiray waddooyinkii burbursanaa qaybo ka mid ahna waa la dhisay,
Waxaa kaloo burburkaas uu gaaray ciidamadii dalka oo markii dagaaladda sokeeye la galay u xuubsiibtay ciidan qabiil oo taliyana u doortey qabqable ama kaabe qabiil laakiin taas hadda waa laga gudbay oo ciidamadii waa la qarameeyay waxaadna arkaysaa ayagoo labiskii ciidanka wata saarana gaadiid astaan dowladeed ku buufsan tahay maraya wadooyinka Magaalooyinka Soomaaliya
Waxaa kaloo muuqaaladii ay magaaladu soo martay ka mid ah waddooyin inta dagaal ka dhacay dadkii  lagu dilay maydkoodu uu yaalayo waqti badan kuwaas oo la arki jiray ayoo qaarkood eeyo cuneen ama kuwa dillaacay markay waayeen qof qaada oo aasa laakiin xilligan ma jiraan oo qof dhintay lagama yaabo inuu wadada ku daaho taasna waxaa qayb wayn ka qaatay ganacsato iyo isbitaalo hawl galiyay baabuurka Ambaalaasta ee dhaawaca iyo meydadka qaada haddii la arki jiray qof xabadi ku dhacday oo dhiig bax wadooyinka ugu dhinta maanta dharag waa loo dhintaa laakiin dhiig bax qof wado u yaal lama arko

Sidee u muuqataa Soomaaliya? Maxaase sababayn?
Soomaaliya muuqaal ahaan wuxuu u haystaa qofkii aan gudaha joogin meel aad u burbursan wadda la maraana aysan ka jirin badi dadka ku nooli ay yihiin kuwa baahan oo saf u gala gargaarka hay’adaha cunta fiican aan cunin muuqaal ahaana aad u fool xun labis ahaana aan  qurxaneen sitana dhar liita.
 Waxaa iigu yaab badneen anoo jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaan gaari Bas ah soo fuulay waxaan soo ag fariistay lama oday oo da’ ahaa ka wayn 50 sano mid kood aya igu yiri intee ka timid sababtoo ah wuxuu u jeedaa inaanan ahayn turkey oo dadka gaariga saarnaa markaas anaa u madoobaa waxaan ugu jawaabay Soomaaliya odaygii labaad ayaa yiri Alla miskiin waaye wuxuu ka yimid  wadan dadkiisu baahan yihiin.
Haddaba sababta keentay in muuqaalkaas qaldan oo aan is leeyahay waa kasoo gudubteen illaa hadda dad badani wali naga aaminsan yihiin waxay iila muuqataa lama arimood oo kale ah:

1       1. Saxaafada Soomaalida
Saxaafada Soomaaliyeed marka ay wax tabinayso ama muuqaal soo bandhigayso waxaad moodaa in kan ugu xasaasisan uguna foosha xun uu yahay kan dhaqaalaha ugu badani uu kasoo galo,
Tusaale ahaan haddii ay dhacdo laba arin oo kala ah qarax laamiga ka dhacay oo qof uusan ku dhiman iyo 500 oo arday oo jaamacad ka qalin jabinaysa waxa ay saxaafaddu qaadataa kan qaraxa oo aad moodo in xittaa bulshadu aad u xiisaynayso markii hormar laga hadlana ay leeyihiin maanta war fiican ma jiro magaalada taas badalkeeda haddi dagaalo iyo qaraxyo loo sheego ay aad u xiiseeyaan waliba aad arkayso ayagoo si xamaasad le u falan qaynaya

2      2.  Saxaafada Caalamka
Soomaaliya waxa ay noqotay meel saxafiyiinta caalamku ay ka samaystaan waxay uga baahdaan, waxaa jira in saxafiga marka uu soo dagaayo aysan dowladdu ka warqabin oo uu kusoo dago hay’ad ama qof ganacsade ah kadibna inla lagu daro ciidamo la geeyo meel kasta oo uu sheegto xataa xarumaha dowladda in uu tago waraysiyana kasoo qaato ayaa suura gal ah,
waxaa hadda kahor dhacday in caruur meel ku cayaaraysa ay u yimaadeen niman saxafiyiin caddaan ah oo ciidan la socdo kadib caruurtii inta loo yeeray qaar qorya loo dhiibay kuwana la yiri dheela banooniga maalma ka dibna la arkay ayadoo lagu soo qaatay barnaamij looga hadlayay caaruurta ciidanka ah markii dib loo baarayna la ogaaday in caruurta hubka uun lagu sawiray

Dowladda maxaa la gudboon
Markii la yiraahdo dowladda maxaa la gudboon waxaa laga yaabaa qof walbaa inuu meeshii markaas u daran is yiraahdo taasaa muhiim ah inay dowladda wax ka qabato laakiin waxaan ka hadlaayo waa si loo ilaaliyo sharafta iyo muuqaalka dalka loogana hortagi lahaa in la sharaf tiro muuqaal xunna laga soo gudbiyo wadanka, caalamkana lagu sameeyo indha sarcaad oo wax aan xaqiiqa ahayn nalaga aaminsiiyo
Haddaba waxaa habboon dhanka ammaanka in markii saxafiyiinta ajaanibta ahi ay soo dagaayaan ayba kusoo dagaan dowladda hotel lagu ogyahay la geeyo ciidamo gaar ah la siiyo ayaguna lacagtooda dhiibtaan dhanka sawir qaadidda iyo wararka ay tabinayaana ay masuuliyadooda yeelato wasaaradda warfaafinta, meesha saxafigani uu tagayo sawirada uu qaadanayo iyo warka uu tabinayo intaba
Tusaale ahaan hadduu yiraahdo waxaan rabaa inaan tabiyo burburka dalka ka muqda waxaan rabaa inaan sawiro kasoo qaado Hotel curubo iyo meelo kaloo jajaban waa in la yiraah taas badalkeeda waa inaad tabisaa horumarka iyo soo kabsashada wadanka taas waxay keenaysaa in wadanka meeshuu maraayo meel ka horeysa caalamku naga aamino
 Wax kasta oo qoraalkan ku jira waa qiso dhacday iyo aniga fikirkayga kama mid ahan wax abuur ah

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com