Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, September 29, 2017

Dal Aan Gacanta kugu Jirin Go’aankiisa Ma lihid

Laga soo billaabo bishii June ee sanadkaan waxaa khilaaf xoogan soo kala dheh galay dowladdaha sucuudiga iyo Qatar khilaafkaas oo markii dambe keenay in Sucuudiga iyo Emaaraatku xiriirka u jaraan dowladda Qatar, sidoo kale waxa ay sucuudigu  dowladaha saaxiibka yihiin ku cadaadinayeen in ay ayaguna la saftaan dowladda sucuudiga oo dowladda Qatar meel looga soo wada jeeysto
Dowladaha sucuudiga la saftay xilligaas waxaa ka mid ah Imaaraatka, Baxreyn, Masar, Jabuuti iyo wadamado markii dambe dagaal uga oo biiray, xilligaas waxaa Qatar lagu eedeynayay inay taageerto argagixisada ayadoo markii dambe waddamo badan ay arintaas kasoo hor jeesteen kuna tilmaameen mid lagu gardaraysanayo Qatar.
Dowladda sucuudigu waxa ay ku dadaalaysay in Soomaaliya ay ku biirto safka Sucuudiga ayagoo aad ugu kalsoonaa in Soomaalidu aysan diidi karin dalabka sucuudiga, oo horay ayey taageero u siiyeen markii ay isku dhaceen dowladda Iiran ayadoo dowladdii xilligaas jirtay ee uu hogaaminaayay madaxweyne Xasan Sheekh ay xiriirka u jartay dowladda Iiran waxayna dalka ka saartay safiirkeedii Soomaaliya waxayna sidoo kale cayrisay hay’ado samafal oo dalka joogay.
Kalsoonida noocaas ah ayagoo haysta ayay Soomaaliya ka codsadeen inay xiriirka u jaraan dowladda Qatar laakiin waxaa dhacay arin ay qaadan qaayeen, warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha dibadda waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay arinta muranka carabta ayna ka qaybqaadanayso sidii lagu hesheesiin lahaa waddamadaas, waxa ay ka codsadeen ururka jaamacadda carabta iyo urur weynaha islaamka inay si degdeg ah arintaas wax uga qabtaan.
Laakiin sucuudiga iyo Imaaraatka oo arintaas u cuntami la’dahay waxay isku dayeen in ay badalaan go’aanka Soomaaliya ee dhexdhexaadnimada ah, sida la sheegay $80 milyan ayaa loosoo bandhigay dowladda Soomaaliya si ay u badasho go’aankeeda xariirkana ugu jarto Qatar.
Arimaha kale ee Soomaaliya lagu cadaadinaayay waxaa ka mid ahaa in lagala laaban doono mashaariic horumarineed haddii ay ku adkaysato go’aankeeda dhexdhexaadnimo, sidoo kale waxaa Muqdisho kasoo dagay wafdi uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibadda Qatar Sultan Bin Saad Al-Muraikhi, asagoo dowladda ku amaanay go’aankeeda iyo sida ay u muujisay inay u madaxbannaan tahay go’aanadeeda masiiriga ah.
Wixii xilligaas ka dambeeyay dowlada Sucuudiga iyo Imaaraatku waxay arintii u weeciyeen maamul goboleedyada dalka ka jira si cadaadis ay ugu saaraan dowladda dhexe inay taageerto Sucuudiga, waxay cilad ka dhiganayeen in Sucuudiga iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah iyo in sucuudigu waligiis soo garab taagnaa umadda Soomaaliyeed sidaas darteedna aan la barbar dhigi karin dowladda Qatar oo dhawaan gal ku ah Soomaaliya wax la taaban karana aan dalka ka qaban.
Laakiin madaxda dalka ugu saraysa waa iska dhagatireen codsiyadii uga imaanayay maamul goboleedyada illaa markii dambe uu maamul kasta soo saaro warqad uu ku sheegayo inuu taageersan yahay sucuudiga iyo Imaaraatka go’aanka dhexdhexaadnimada ah ee dowladdu ay qaadatayna uu ahaa mid qaldan oo maamul goboleedyada iyo shacabka ay matalaanba aan lagala tashan.
Waxaa sidoo kale warqado is daba joog ah ay kasoo bexeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaa Jubbaland oo aan wali cadeysan go’aankiisa ku aadan muranka carabta,  warqadahaas oo dhamaan taageersanaa dowladda sucuudiga ayadoo sidoo kale warqadaha kasoo baxay maamulada qaar ay isku ekaayeen taas oo dhalin karta shakiga ah in hawshu dhan tahay mashruuc isku xiran
Go’aanadii maamul goboleedyada iyo taageeridoodii sucuudiga waxaa ay keentay kala go’ siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda maamuladda iyo Dowladda dhexe waxaa meesha laga saaray madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeele waxaana loo aanaynayaa barbar istaagii uu Sucuudiga u muujiyay.
Waxaa sidoo kale hadda uu qalqal siyaasadeed ka taagan yahay maamulka Galmudug khilaafkaas oo la xariira markii ay soo saareen warqadda taageerada loogu muujiyay sucuudiga oo haddana uu madaxweyne xaaf u safray Imaaraatka, waxaa go’aankaas kasoo horjeeystay madaxweyne ku xigeenta iyo xildhibaanada qaar.
Madaxweynaha oo safar uga soo baxay Dubai oo Hargeysa soo maray ayaa saacado halkaas ku xanibnaa kadib markii diyaaraddii soo qaadi lahayd oo uu kireysay Muqdisho saacado lagu daahiyay sida uu madaxweynuhu sheegayna ay dowladda Soomaaliya ka dambeysay arintaas oo uu ku sheegay faragalin lagu haayo maamulkiisa.
Xiriirka maamulka Galmudug iyo dowladda ayaa hadda meel xun maraya, waxaa sidoo kale Qatar ku jira amniga maaamulkaas ayadoo madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Xabsi guri la galiyay kadib markii laga dareemay inay kasoo horjeedaan siyaasadda maamulkaas iyo go’aanka taageerada loogu muujiyay dowladda sucuudiga, Waxaa sidoo kale soo baxayday in qaar ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf waxayna sheegeen in 54 xildhibaan oo kulanka fadhiday in 52 kamid ah ay u codeeyeen in xilka laga qaado sidoo kale xildhibaano kale ayaa arintaas kazoo horjeestay,
Dadaal kasta oo dowladda samayso iyo go’aan kasta oo ay qaadato ma shaqayn karo maadaama dowlad goboleedyadu ay wadanka maamulaan, waa in dowladdu ay go’aanada ka qayb galisaa madaxweyneyaasha maamul goboleedyada haddii kale waxaa dhici karta inay ku andacoodaan dadka aan matalno iyo deegaankeenaba dani uguma jirto sida haddaba dhacday ee arinta dhexdhexaadka laga noqday muranka waddamada carabta.
Gunaanad
Soomaali waxay ku maahmaahdaa inta aadan falin ka fiirso, dowladduna waa inay tashi badan iyo ka dhaadhicinta madax goboleedyada  ku dadaashaa inta aysan arin ku dhaqaaqin haddii kale caqabad meel xun gaarta ayaa ka dhici karta, sida in maamul goboleedyadu ay dowladda ka dhinac hadlaan ama in ay xariirkaba u jaraan sidii ay yihiin dowladda la siman oo kale.
Haddaba qormadayda gaaban ee Dal aan gacan kuugu jirin Go’aankiisa malihid waxaan kusoo koobayaa in dowladdu ay aad uga feejignaato arinta go’aan kali qaadashada mar kasta ay ku eedeeyaan maamaul goboleedyadu, oo ay ka talo galiso maadaama wadanka maamulkiisa ay qayb ka yihiin ayna yihiin qayb ka mid ah dowladda.
W/Q: Maxamed Deeq Taako.
Email: deeqaxmad15@gmail.com

Sunday, September 17, 2017

Xaaladda Taagan Iyo Xeeladda Xildhibaannada

Xubnaha golaha shacabku waa sharci dejiyeyaal loo doortay soo saaridda sharciyada dalka lagu maamulayo iyo sidoo kale dabagalka sharciyadaas, waxa ay baaritaan ku sameeyaan in sharciyadii ay soo saareen la dhaqan-galiyay iyo in laga gaabiyay, waxaa ay hubiyaan in tillaabooyinka siyaasadeed iyo midda sharci ee ay samaynayaan golaha fulintu ay yihiin kuwo waafaqsan sharciga iyo sidii dhammaan dowladda looga dhigi lahaa mid sharci sax ah ku shaqaysa taasina waa midda ugu muhiimsan ee baarlamaan loo sameeyay.
Shir kasta oo baarlamaanku fariisto waxa laga fillaayo waa in uu kasoo baxo wax dani ugu jirto dalka waa in si masuuliyaddi ku dheehan tahay loo doodaa waxna la isaga dhaadhiciyaa kadibna loosoo saaraa go’aan mideysan ayna faaiido ugu jirto dhammaan dadka soomaaliyeed.
Sida aan ku hayno sooyaalka Baarlamaanka Soomaaliyeed wali ma dhicin in xubnaha golaha shacabku inta fariistaan kulan ka mid ah kalfadhigooda ay si nabada ku doodaan ayna cod u qaadaan mooshin markaas taagan, waxaa caado u noqotay inay labo u kala jabaan oo ay haddana buuq iyo qaylo sameeyaan ayadoo koox waliba ay rabto in go’aankoodu uu shaqeeyo.
Sida uu qabo sharcigu waa in cod lagu kala baxaa oo kooxdii laga tiro batto ay u hoggaansanto sharciga ayna ku qanacdo natiijada laakiin taas badalkeeda waxay baarlamaankeenu muran iyo sawaxan ka dhex abuuraan xarunta lagu shiraayo ayadoo mararka qaar uu dhaco qacan ka hadal sida la wada ogsoon yahay.
Qalalaahisii Baarlamaanku sameeyay
  1. Dhacdadii Nairobi: 2005tii ayaa dagaalkii ugu horeeyay ka dhex dhacay baarlamaanka kadib markii la isku fahmi waayay cod u qaadidda in ciidamo shisheeye oo ka socda waddamada dariska ah ama loo yaqaan waddamada safka hore dalka la keeno meeshaas waxaa ka dhacay dagaal kuraastii xildhibaanadu ku fadhiyeen iyo Ulo la isla dhacay oo qaar ka mid ah dhiig laga keenay, waxay ahayd arin lala yaabay kuna cusbeyd dalka waxayna noqotay hadal hayntii xilligaas.
  2. Mooshinkii Cabdiwali Sheekh Axmed: kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisulwasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la diyaariyay mooshin kalsoonida loogala laabanaayo raisulwasaaraha waxaana arintaas soo abaabulay xildhibaano madaxweynaha la safnaa oo rabay in xilka laga tuuro Cabdiweli Sheekh.
Kulankii baarlamaanka markii la isugu yimid lana filaayay in doodii la billaabo ayaa xildhibaanadii taageersanaa raisulwasaaraha waxay billaabeen buuq, waxay soo qaateen firinbiyo ayagoo yeerinaya markasta oo qof uu hadlaba waa la arkay sawiro laga soo qaaday baarlamaanka dhexdiisa ayadoo bariis lagu cunaayo halka xildhibaano lasoo sawiray xildhibaano madaxa soo saartay cabitaan.
Intii buuqaas uu socday waxaa dhawr maalin la xaday oo la jeexjeexay buuggii saxiixa ee lagu ogaan lagaa xubnaha jooga tiradooda arintaasna waxay ahayd in aan la ogaan inta joogta iyo in kooramku uu buuxo si looga baaqdo cod loo qaado raisulwasaarha taasina waxay ahayd xeelad ay dejiyeen xildhibaano tiro yaraa oo taageersanaa raisulwasaare Cabdiweli Sheekh oo ogaa in laga cod badin doono hadday ogolaadaan cod u qaadid.
Xildhibaanada mooshinkaas kasoo horjeeday waxay ku doodayeen
  1. In raiisulwasaare Cabdiweli Sheekh laga qaldanaa dooduna ay ku billaabatay markii uu xilka ka qaaday asaasimihii hay’adda nabad sugidda Sanbalaalshe taasina ay ahayd sababta ay madaxweynaha isugu dheceen
  2. Waxaa kaloo marmarsiiyo ay xildhibaanadu ka dhiganaayeen in xildhibaanada laaluush la siiyay si ay kalsoonida kala laabtaan raisulwasaaraha waxay warqad kusoo qorteen “ u code lacag” oo ay klaa jeedeen lacag ayaa qaadateen ee codka siiya lacagta. 
  1. kulankii 9.9.2017: kulankii baarlamaanka ee la sugaayay in looga doodo dhiibistii Qalbidhagax iyo go’aankii golaha wasiiradu ka qaateen ururka ONLF ayaa kusoo dhamaaday guul daro kadib markii koorumkii buuxsami waayay. 
Sababaha keenay koorum la’aanta:
  1. wadooyinkii oo xirnaa: Waddooyinka muhiimka u ah soo gallidda golaha shacabka ayaa la xiray sababo lagu sheegay madaxweynaha oo booqasho ku tagaayay xarun ciidmada lagu tababaro oo ku taala xero agoon ee degmada Hodan, mudaneyaasha baarlamaanka waxaa ku adkaatay inay xilligii loogu talo galay soo xaadiraan sababo lala xariiriyay baaritaanka waddooyinka oo said ahaa iyo meelaha qaar oo aan la ogolayn maritaanka,
Xildhibaanada qaar ayaa waddo xirashada ku micneeyay mid ku talo gal ahayd oo la rabay in la baajiyo kulankii baarlamaanka si aysan xukuumaddu cadaadis ugala kulmin.
Sida hadal hayntu ahayd waxaa la filaayay in mudanaashu ay mooshin ka keenayaan xukuumadda uu horkacayo Xasan Kheyre taas oo ka dhalatay xildhibaanada qaar oo ka carooday arintii dhiibista Qalbidhagax.
  1. Xildhibaanada oo aan xasiisin: kadib markii xildhibaanadu ay soo xaarideen ayna soo fariisteen golaha shacabka waxay ahayd in mid waliba uu saxiixo buugga laakiin xildhibaano la sheegay inay u badnaayeen kuwa xukuumadda ka tirsan iyo kuwo kale oo taageersan ayaan buugga saxiixin si ay u yaraato tiradu kooramkuna uusan u buuxsamin tirade buugga saxiixday ayaa noqotay 104 laakiin tiro intaas ka badan ayaa meesha fadhiday.
Haddaba arinta ah sharci darada ay ku dhaqmayaan xildhibaanu ayaa noqotay mid ay caado ka dhigteen oo haddii dantooda aysan arkin ay sharciga daba maraan waliba ma dhicin in xildhibaano laga qaado wax tillaabo ah sida kuwa iska maqnaada amar fasax la’aan ama kuwa buuqa iyo rabshadaha ka sameeya baarlamaanka dhexdiisa.
Doorashadii baarlamaanka ee 2017 oo ay shacabku soo doorteen xildhibaanada ayna soo bexeen qaar badan oo dhallinyaro ah wali wax isbedel ah ma muuqdo waxaa socda dhaqamadii looga bartay baarlamaanka oo ahaa mooshin soo laalaabta iyo koorum la’aan mararka qaar uu fadhigu u baaqdo.

Friday, September 8, 2017

Dhacdooyinkii Is Xigxigay Iyo Falcelin Aan Laga Fiirsan

Mohamed Deeq Taako

Laga soo billaabo 8-dii Febraayo markii la doortay madaxweyne  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo,  dadweynuhu waxa ay u muujiyeen taageero weyn kana badan intii ay u hayeen madaxweyneyaashii iyo dowladihii isaga ka horeeyay,  waxaa muuqatay ifafaalo nabadeed iyo dowlad jecli, dadku si niyad ah ayay dowladda ugu hanweynaayeen taas oo dowlado badan oo dariska ah feejignaan iyo cabsi galisay.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in muhiimadda koowaad uu siin doono sidii ciidamada qaranka loo dhisi lahaa,  ciidadama nabad ilaalinta ee AMISOM-na loo saari lahaa taasna waxa ay noqotay tillaabo mar kale beesha caalamka iyo wadamada ciidamadoodu ay Soomaaliya joogaan ay walwal iyo taxadar ka muujiyaan.
Mar kale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadi doonto ayna billaabi doonaan hawlgal ka dhan ah xarakada,  taasina waxay keentay in qaraxyo iyo dilal intii hore ka badan ay ka billowdaan magaalada Muqdisho.
Ayada oo Dowladda ay ku xeeranyihiin xaalado kala duwan oo ka heysta dibadda iyo gudaha ayaa waxaa hal mar dhacay dhacdooyin is xigxigay kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda dalka oo weliba keenay in shacabkii badnaa ee taageersanaa Farmaajo qaarkood ay mucaarad noqdaan, waxaa kaloo baarlamaakna dhexdiisa ka billowday nuxnux muujinaysa in dowladda aan sidii hore loola dhacsanayn.
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dowladda gilgilay waxaa ka mid ahaa:  
  1. Dhacdadii Bariire: 24kii bishii sideedaad subax Jimce ah waxaa hawl ay qaadeen ciidamada Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwo Maraykan ah lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa oo isugu jiray ganacsato iyo caruur reer Bariire ah, hawlgalkaas markuu soo idlaaday ciidamadiina ay soo laabteen ayaa wasiiro ka tirsan dowladda waxay baraha bulshada ku soo qoreen in dadka la dilay ay ahaayeen Alshabaab oo aan dad rayid ahna wax ku gaarin halkaasi.
Waxaa sidoo kale baraha bulshada fikir kaas ka duwan soo dhigay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo eedeyn kala duldhacay wasiirada qaarkii dadka la dilay ku sheegay Alshabaab waxayna waliba ku hanjabeen in ay la xisaabtami doonaan.
Waqti kadib ayaa hadana isla wasiiraddii waxay soo qoreen in warkii hore uu qalad ahaa ayna soo ogaadeen in dadka la dilay ay shacab ahaayeen, waxaana sidoo kale xafiiska Raisulwasaare ku xigeenka kazoo baxday warqad wasiirada looga mamnuucayo inay arimaha siyaadda ee xasaasiga ah u adeegsadaan baraha bulshada ogolaansho la’aan.
  1. Codsiga ciidamada Mareykanka: Warqad ka soo baxday xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ayaa safiirka Mareykanka ee dalka Soomaaliya Mr. Stephan Schwartz looga codsaday in dalkiisu uu ciidamo u soo diro Soomaaliya si ay uga taageeraan la dagaalanka Alshabaab iyo ururka ISIS. Warqadda waxaa lagu sheegay in ururadaas ay dhul cusub qabsadeen ayna rabaan in Yuuraaniyamka Soomaaliya ay u dhoofiyaan dalka IRAN arintaas oo wax cadeyn ah aan loo hayn.
In ciidamado shisheeye la codsado ma ahan arin fudud waa go’aan u baahan in ay ansixiyaan baarlamaanka Soomaaliyeed laakiin wax faahfaahin ah oo dheeri ah lagama haayo iyo cidda ku dhalisay wasaaradda in ay warqaddaas dirto iyo waliba cidda la og intaba laakiin waa arin culus oo haddii ay suurtowdo yeelan karta saameyn ballaaran.
  1. Qalbi Dhagax: Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaanay qalbi-dhagax kana tirsanaa Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaan ONLF kahorna ka tirsanaa ciidama qaranka ayaa 23ka Agoosto laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo waxaana loosoo doofiyay magaalada Muqdisho laguna wareejiyay dowladda federaalka ah, ayadoo haddana laga sii dhoofiyey magaalada Muqdisho laguna wareejiya dowladda Ethiopia.
Wareejina Col. Qalbidhagax waxaa ka dhashay xaalad kacsananaan, Baarlamaanka ayaa billaabay inay kulamo deg-deg ah yeeshaan ayagoo ka carooday sida fudud ee loo dhiibay muwaadinkaas Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale baraha bulshada qabsaday dadweyne taageersan go’aanka lagu dhiibay Qalbidhagax oo u arkaayay inuu yahay Ethiopian dalkiisa dambi ka galay dibna loogu celiyay.
Laakiin waxaa intaas oo dhan ka saameyn badnaa inta badan shacabka oo baraaha bulshada ku harqiyay sawirada Qalbidhagax oo ay taageero aad u wayn u muujinayeen, familkiisa oo wareysiyo laga soo duubay ayaa sidoo kale barbay socday.
Waxyaabihii ugu saameynta badnaa ee waxay ahayd Hashtag loogu magic daray #BringBackQalnidhagax ama               #Qalbidhagax_Dib_Usoo_celi dad badan ayaa isticmaalayay wuxuuna can ka noqday Soomaalida dhexdeeda.
Hadalheyntaas iyo mucaaraddo cusub ayay dowladddu dareentay laakiin wax hadal ah ma aysan samayn meel talo laga billaabo ayaa la raadinayaa, waxay ogaatay in arinta qalbi-dhagax ay ku waayeen shacab badan oo taageersanaa mucaaradkoodii horena ay kusoo noolaanayaan arintaas haddii ana lasoo afjarin, waxaa suuqa lasoo galiyay in si arintaas loo damiyo ay is casili doonaan taliyeyaal ama xataa Raisulwasaare Kheyre laga yaabo in uu xafiiska ka tago.
  1. Go’aanka ONLF: kadib soo qabashii Qalbi-dhagax iyo kuwareejintii dalka Ethiopia ee keentay in shacab badan ay kacaan, waxa ay dowladdu ku mashquulsaneyd muddo asbuuc ah xal u helidda arintaas meelo badan ayaa xal laga raadiyay laakiin waa suuroobi wayday, waxaa la isku dayay in saraakiil xilka laga ceyriyo nasiib xumose waa cuntami wayday, habeenno badan oo soo jeed ah iyo talooyin badan oo la isku soo aruuriyay waxaa lagu isku af gartay in arinta Qalbi-dhagax shacabka laga jaahil bixiyo.
Arbaco 6da Sebteember ayaa kulan degdeg ah la isugu yeeray golaha wasiiradda si go’aan mideysan looga qaato arinta welwelka badan ku haysa dowladda shacabkuna ay ka dhur sugayeen jawaabteeda, laakiin kulankii wasiiradda ee lays lahaa wax shacabku ku qancaan ayaa kasoo bixi doona wuxuu noqday “ka dar oo bidi dhal”.
Shirkii golaha wasiirada waxaa kasoo baxay in dhiibistii Qalbi-dhagax ay sax ahayd uuna ka tirsanaa ONLF oo ah urur argagisixo sidoo kale waxay wasiiraddu sheegeen in uu xariir la lahaa ururka alshabaab, go’aankaas wuxuu ka dhigan yahay in Soomaaliya ay noqotay wadankii ugu horeeyay ee ONLF u aqiinsada urur argagixiso.
Dhacdooyinkaas is xigxiga iyo go’aamo aan aad looga fiirsan ee laga qaatay waxay saamayn xoogan ku yeesheen xaaladda siyaasadda dalka waxayna sidoo kale hoos u dhigtay taageeradii shacabka, haddaba haddii ay hadleen wasiiraddii ayna go’aan soo saareen,  Malaga yaabaa in taageeradii luntay ee shacabka ay dib usoo laabato ama xaaladdu degto?
Email: deeqaxmad15@gmail.com