Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Saturday, January 14, 2017

Dhibaatada Shucaaca Isgaarsiinta


Maanta waxaan idiin hayaa xog ku saabsan taawarada/ siinka isgaarsiinta ee aad magaalada ku dhex aragtaan dadka faaiido ma u leeyihiin mise dhibaato ayay ku hayaan.

Waxaa laga yaabaa in dadku aysan ku baraarugsanayn inay wax ka ogaadaan laakiin waxaa hubaal ah markii aad aqriso xogtan inaad si ka duwan sidoo hore aan u fakari doonto.

 Waxaan shaki ku jirin in dadku ay dhibaatada kala kulmaan shucaaca ay soo dayaayaan diishashka isgaarsiineed ee inta badan dhex suran xaafada magaalada Muqdisho.

Diishashka aan ka hadlayno waa kuwa loo adeegsado taleefanka gacanta oo moobaylka loo yaqaan, diishashku waxay soo daynayaan shucaac kaas oo dhimaato u gaysta maskaxda dadka, ayadoona qof waliba kuu ka da’ yar yahay uu ka dhibaato badan yahay.

Dhibaatooyinka uu shucaacaas dadka gaarsiiyo waxaa ka mid ah

1.      Waxay dhibaato u gaysataa lafta madaxa caruurta da’doodu ay yar tahay kuwaas oo aysan wax badan iska caabin Karin waxayna keentaa in dhibaato ay gaarto maskaxda.

2.      Waxay sidoo kale keentaa saxaasiyad badan oo dhinaca neerfaha ah.

3.      In difaaca jirku yaraado sababtuna waa shucaaca iyo falaaraha oo wax yeelo u gaysta unugyada.

4.      Wuxuu sababaa in unugyada jirku ay kala qaybsamaan taas oo soo dadajisa in unugyaa uu dhaawac gaaro haddii shucaacaas uu ku socdana ay ugu dambeyn dhintaan.

5.      Shucaacu wuxuu sidoo kale sababaa cuduro badan oo ay ku jiraan Kansarka

Inta badan waxaa arkaysaa isbitaal hooyooyinku ay ku dhalaan oo haddana uu ka dhex suran yahay taawar isgaarsiineed waliba kan moobaylada ah wuxuuna dhibaato joogto ah ku hayaa caruurta isbitaalkaas ku dhalanaysa waana sababta aan u arkayno caruur hadda dhalatay oo cadana cuduro badan oo kala duwan qabta

Nolosha caruurteena Soomaaliyeed iyo caafimaadkoodu waa muqadas xaq ayayna u leeyihiin waana sharci, waana loo baahan yahay in arintaas sharci laga sameeyo kaas oo ilaaliya caafimaadka shaqsiga iyo kan deegaankaba iyo in qofkii arintaasi dhibaato kusoo gaarto uu ugu yaraan maqdhaw helo.

Sharcigaasi wa inuu ka madaxbanaan yahay oo aysan faragalin ku lahaan shirkadaha isgaarsiinta ka ganacsada si aysan u dhicin in sharcigaas lagu saleeyo rabitaankooda iyo danahooda.

Haddaba maxaa nala gudbood

1.      In dowladdu kontorool ku sameeyo shirkadaha isgaarsiinta iyo in taawarada laga fujiyo meelaha ay ku baddan yihiin caruurta  iyo dhammaan dadka nugul sida agagaarada iskuulada, isbitaalada, xanaanooyinka caruurta iyo meelaha dadku ku baddan yihiin.

2.      In nolosha dadka la xushmeeyo caafimaadka dadkana lagana taxadaro,  si taas aan u helno waa in ganaax la dul dhigo haddii taawar laga suro meel aan munaasib u ahayn sida meelaha dadku u badan yihiin.

Gunaanad

Waxaan la iska indha tiri Karin dhibaatada baahsan ee fallaaraha iyo shucaaca diishashka isgaarsiintu ku hayaan dadkeena ayagoo cuduro badan oo aan dalka horey looga aqoon soo kordhiyay oo aad arkaydo maalin walba haddaba si arintaas aan u yarayno waa inaan ka fakarno qaadashada tillaabada ku haboon.

Fikirkaada ku saabsan sidii lagu xallinlahaa arintaan noo reeb.