Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, December 19, 2014

Doorataye halla doorin!

Ciwaanka qormadaan waxaa ujeedkeedu yahay in wax badan oo dadka shacabka soomaaliyeed ah ay qabaan lagu soo bandhigo iyo sadaasha laga qabo ra’iisul wasaaraha cusub oo dhawaan la magacaabay iyo waxa kuxiga oo laga filan karo haday ahaan lahayd xukuumadda uu soo magacaabayo iyo haday ahaan lahayd qaabka la filayo in xukuumadaas u shaqayso,
Waxaa kaloo qormadaan looga dan leeyahay in wax badan lagu tusaaleeyo hadday ahaan lahayd madaxda wax dooranaysa iyo haday ahaan lahayd kuwa la dooran doono iyo waxa shacabku ka sugayaan oo shaqo ah iyo waajibka saaran uu yahay wax u qabashada dadka soomaaliyeed iyo inay raacaan waddo ka gaddisan tii ay raaceen kuwii ayaga ka horeeyay oo keentay in intooda badan ay wax qaban waayeen ee fashilisay.

Ra’yiga dadweynaha
Shacabka soomaaliyeed intiisa badan waa ay ka raja dhigeen siyaasadda dalka sababtoo ah waxay dareemeen niyab jab fara badan maxaa yeelay mar kasta oo ay is yiraahdaan siyaasaddu waa ay hagaagtay waxaa dhacda in meeshii ay wax u socdeen oo rajadu ka muuqatay cagto la mariyo kadibna siyaasaddii dhinac kale loo jeediyo taasoo keenaysa in haddan laqabsigeeda uu waqti qaato, waa sida arday fasalka ka maqnaa dhawr asbuuc markii uu dib ugu soo laabto fasalka waxay ku qaadanaysaa maalmo badan in uu tariinka casharada dib usoo fuulo.
Markii raiisul wasaarahan cusub ee Cumar Cabdirashiid la doortay dadweynuhu waxay saadaaliyeen dhawr arimood oo haddii aad u fiirsatana suura gal u muuqata taasoo keentay dib usoo celinta Cumar Cabrashiid oo horey booskan looga diray kadib markii lagu eedeeyay wax qaban la’aan.
Xafiis ka diriddii Cumar Cabdirashiid miyaa wax ka qaldanaayeen oo markii hore qalad ahayd mise wax saxan ayaa lagu haystay oo madaxweyne Xasan sheekh ayaa hadda ku qaldamay?
Su’aashas jawaabteedu waxay sugaysaa dadka siyaasadda nooga aqoonta badan hana noosoo sheegaan si ay wax yihiin.
Hadaba fikirka dadku ka qabaan aan usoo degno waxaa shacabka ka guuxaya fikrado kala duwan laakiin waxaa jira kuwa ay ka midaysan yihiin oo ay kuu sheegayaan kuwaas oo u badan in Cumar loo keenay dana shaqsiyadeed.
1.      Dad qaarkiis waxa ay qabaan in Cumar loo keenay siyaasadda ah in uu yahay nin aan khilaafi doonin madaxweynaha uuna yahay ruuxa la shaqayn kara maadaama kuwii hore khilaafkoodu uu dib u dhac badan keenaya
2.      Kuwa kale ayaa qaba in Cumar loo keenay oo kali in uusan wax diidayn uusann ahayn nin muran badan.
3.      Qaarna waxay qabaan wasiiradda xataa loo geeyay oo magacaabistiisaba ay keentay markii uu ogolaaday wasiiraddii loo keenay inuu ku daro wasiirada uu soo magacaabayo, wasiirada la yiri waa uu ogolaaday Cumar waxaa ka mid ah wasiiro horey usoo noqday wasiiro iyo qaar kale oo cusub,
Sida fowzia, Cabdikarim, Sanbaloolshe, Maryam iyo Xalane
Hadaba haddii ay dhacdo in wasiiradaas la keeno waxay noqon doontaa in dadka qaba fikradda sadexaad ay saxan yihiin meeshana ay tahay dana gaar ahaaneede aysan jirin dan guud.
Waxaa kaloo la yaab leh wasiiro xantoodu suuqa ku jirto kahor intii aanba la magacaabin raiisulwasaarihii ayaga magacaabi lahaa.

Gunaanad
Waxaan qormadaan kusoo gunaanadayaa in shacabka laga qanciyo wixii ay tabanayaan maadaama waxa loo socdo oo loo adeegaayo ay ayaga yihiin tusaale ahaan wasiirada lasoo magacaabaayo waa in lagu soo xulaa tayo iyo wax qabad ee aan lagu soo xulin saaxiibnimo iyo waan isku fiicanahay,
Haddii uu yahay ninka aad ugu necebtahay laakiin uu yahay kan ugu wax qabadka fiican waa inaad ka hormarisaa midka saaxiibkaa ah aadna ugu jeceshacay ee aan wax qabanayn.
Ogow waxa loo shaqaynaayo dantaada maahan ee waa danta umadda iyo dalka ee kan wax u tari kara isha ku haay.

Mohamed Deik Tako
Deeqaxmad15@hotmail.com                  


Friday, December 12, 2014

Yaanan taraanturoone tashiga noo badiya

Qof walibaa markii uu arko ciwaanka qormadaan waxaa u muuqanaysa in meesha ay ku jirto talo ku socota qof uun dad qaar waxaa laga yaabaa in ay durbadiiba fahmaan qofka lala talinayo qaarna waxaa laga yaabaa illaa loo sheego in aysan fahmin.
Waxaa kaloo qof waliba markii uu ogaado qofka lala talinayo imaan doonta in la yiraah side macquul ku tahay  in qof nuucani ah uu la lataliyo qof jagadaas oo kale haya laakiin taas waxaan uga afeefanayaa maahmaahda ah “talo kuguma noolee adaa ku nool”.
Taladaan waxay ku socotaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mana ahan mid xumaan lagala jeedo laakiin waa mid wanaag looga dan leeyahay in ay wax saxmaan arintaana waxaa dhaliyay markii uu batay khilaafyada ka dhex dhaca madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha taasoo marka ugu dambeysa keenta in mooshin laga keeno xukuumadda sidaasna ay meesha uga baxdo kadibna mid kale ayaa lasoo magacaabaa laakiin wadadii tii hore ayay martaa.
Haddaba suaasha isweydiinta mudan waxay tahay madaxweynuhu asagaa soo magacaaba ra’iisulwasaare waxaana aragnaa waqti badan inay qaadato soo magacaabistiisu ayadoo loo sababaynayo in lagu jiro wada tashi iyo raadinta qof u qalma booskaas kana soo bixi kara hadana waan aragnaa meeshay ku biyo shubato, marka intee wax iska qaban la’yihiin? Ma tashigaa qaldamay mise qofkii tashiga loo galay ayaa is badalay?

Yaa lala tashanayaa
Wali ma aragnay ayadoo la isugu yeeray aqoonyahana dalka jooga oo la waydiiyay fikirkooda ku aadan wadanka iyo qofkii xil loo dhiibi lahaa?
Maxaase loo heli la’yahay aqoonyahano ayagu is xilqaama oo tala bixin ka sameeya siyaasadda dalka?
Su’aalahaas iyo kuwa kale waa su’aalaha aan iswaydiiyo markii aan arko aqoonyahannadii oo xaflado iyo xeebla tiilo ku mashquulsan iyo taladii wadanka iyo siyaasaddiisii oo tala ay ka dhiibanayaan dad aan aqoon u lahayn.
Arintaasi waxay isoo xasuusisay sheeko ahayd:
Nin ayaa hadda kahor waxaa uusoo iibsaday jawaan sokor ah guriga ayuuna dhigtay sokortii waxay mudo taalaba maalintii dambe ayaa waxaa shir yeeshay ganacsatadii sokorta keeni jirtay nasiib wanaag shirkii ayuu tagay oo waxaa uu nasiib u yeeshay in dadka meesha ka qudbeynaya ma mid noqdo asagoo isku sheegay inuu yahay ganacsade sokor u taalo, markii fursaddii hadalku soo gaaray ayuu inta ka dhex istaagay yiri haddaan nahay ganacsatada sokoreeyda waa inaan ka talinaa sidii ganacsigeena aan u hor marin lahayn” marka waxaad moodaa aqoonyahanii inay ka hurdaan wadanka dad siyaasadda maqal uun u hayastayna ay sida ninkaas oo kale siyaasadda fara galin ku haayaan.

Si aan loo qatalmin qabiilada ha waydiin
Qaybtaan waxaa keenay marba haddii la wada tashanaayo in meel kasta oo aad is leedahay waxaa ka imaan kara dhib waa inaad sheegtaa si taladaadu ay u noqoto mid dhamaystiran.
Haddii danta dalka lagala tashado qabiilada waxay keenaysaa in qabiil kastaahi uu dantiisa fiirsado oo markii wax laga waydiiyo uu yiraahdo habel oo aan isku beel nahay wax uga mudan malahan. Laakiin taas badalkeeda waxaa haboon in la kulmiyo aqoonyahanada iyo dadka ay ku jirto waddaninimadu si loo helo qofka ku haboon talada wanaagsan ay usoo dhiibtaan.
Midda ugu dambeysa oo aan qabiil yaan talo loo dhiibin u leeyahay waxay tahay in khilaafku bato ayaa dhici karta oo tartanku gaaro heer lay xaasido oo qofkii la doorto hadduu xattaa aqoon ku yimid qabiil ahaan lagu mucaarado oo fadeexad iyo xumaan laga faafiyo

Gunaanad
Soo noqnoshada khilaafka siyaasadeed iyo cayrinta raiisulwasaareyaasha waa laba arinmood oo qayb ka ah dib u dhaca wadanku uu ku jiro si hadaba looga baxo fadhiidnimada ina haysata oo aan ka socon la’nahay waxaa talo ahaan aan soo jeedin lahaa in la sameeyo tanaasul badan iyo dulqaad lana fiiriyo danta wadanka mooshin iyo xukuumad cayrina aan lagu dagdagin haddiiba meesha aysan oolin wax ka dhib badan mooshin maxaa yeelay waxaan ognahay saamaynt xun iyo raadka uu reebaayo mooshinku waxaana kaloo haboon in mooshinku uu noqdo tillaabada ugu dambeysa ee la qaado markii xal kale la waayo laakiin intii fursado kale ay jiraan aan lagu degdegin
Mohamed Deik Tako








Tuesday, December 9, 2014

Anaa lehe I magacaw

Ciwaanka qormadaan waxaa uu igu dhashay markii xilka laga qaaday raaisulwasaare Cabdiweli oo codka kalsoonida ay kala laabteen xubnaha golaha shacabka anigoo og in raiisulwasaare lasoo magacaabi doono iyo cidda ugu badan ee laga yaabo inuu ka yimaado waxaana sii xoojiyay oo dhiiri galin ii noqday markii aan website-yada iyo idaacadaha ka maqlay qabiilo ayagii is magacaabay intii aan lagacaabin qofkii raiisulwasaaraha noqon lahaana diyaarsanay.
Arintaasna waxaa keenay awood qaybsiga dowladda oo ku salaysan qabiil ama waxa loogu yeero afar iyo bar (4.5) oo ah dhib kaliya ee nahaysta.
Waxaa maalmahaanba soo baxayay markii la sheegay in mooshin laga keenay xukuumaddii dad olole ugu jiray helidda booska uu banayn doono raisul wasaare Cabdiweli, waxaan wali dhicin in madaxweynaha loo tago oo la dhaho madaxweyne anakaa qabiil ahaan booskaan iska leh ee nin hebel noo magacaw laakiin waxaad moodaa in si dadban loo leeyahay oo qabiiladdii ay wadaan galangal ku aadan inay keensadaan qofkay is leeyihiin danka qabiilka ayuu ka shaqaynayaa.

Aqoonyahan qabqable lahayste u ah
Sidaan wada ogsoonahay maanta waxa dalka Soomaaliyeed dhibka ku haya waa oday dhaqameed siyaasadda ku lug leh ama saamayn ku yeeshay iyo aqoonyahan aqoontiisu aysan muuqan oo kaalintiisii ay bannaantahay.
Labadaas arimood markii aan fiirino waxay kala yihiin tusaale ahaan haddii boos siyaasadeed uu ka bannaanaado dowladda dadka raba inay soo magacaabaan qofkaas waa oday dhaqameedyada kasoo jeeda qofkii la badalay kuwaas oo raba siyaasigii la badalay inay booskiisa keenaan ruux kasoo jeeda beeshiisa ruuxaas oo danta qabiilka iyo wax u qabashadooda ku fiican lagana filayo inuu dhallinyarada beesha intooda badan qaarna shaqa siiya qaarna dhoofinaya.
Tan labaad waa qofkii aqoonyahanka ahaa ee siyaasadda fahamka ka haystay oo aan dowladda ku lahay saamayn iyo asagoo aqoontiisa sheegi Karin ama aan tartan galayn ileen waanba laga aqrisanayn oo haddii uu xattaa yahay nan ugu habboon ee booskaas leh waxaa hor taala odaygaada soo mar taasina waxay keentay dadkii aqoonta siyaasadeed lahaa inay saf ugu jiraan oday dhaqameed aan aqoon wax kusoo xullin ee sida qaddiyadda qabiilka loogu kala dheereeyo kaliya wax kusoo xula.

kaaba qabiilada maxaa loola tashadaa?  
Hadda waxaa soo dhaw in lasoo magacaabo ra’iisulwasaare dadka dhana waxay wadaan orod iyo xusul duub ay ugu jiraan in ay ayagu noqdaa cidda hesha booskaas bannaan, madaxweynuhu dhankiisa wuxuu wadaa la tashiyo badan oo uu la samaynayo dad isugu jira siyaasiyiin iyo kaabo qabiilo si talo bixin ay ugala sameeyaan qofka booskaan ku haboon, taasna waxaa keenay haddii odayada talada laga qadiyo waxay isla soo taagi doonaan dood iyo inay warbaahinta ka yiraahdaan waa nala dhacay iyo dowladda beesheenu ma taageersana.
Taas si aysan udhicina waa inuu madaxweynuhu sameeyaa “side xeero lagu xagtaa ilkana ku nabad galaan” haddii kale laheshiintaa beelahaas ayaa waqti iyo qarasha ku bixi doonaa ama waxay noqon doonaan dheleecayn maalin kastaa taagan.

Gunaanad
Arintaan oo ah wax Soomaaliya caado ka noqday ayaa markii loo baahdo siyaasi meeshii dad aqoon leh la raadin lahaa waxaa kaabo qabiilada lagala tashadaa sidii ay u keeni lahaayeen rag u malata qabiilkooda siyaasadda, waxaana filayaa in ay adagtahay in aan qaabkaas xun ka gudubno inta beesha dhexdeeda uu kasocdo amarka oday dhaqameedka, oo siyaasiga wadaniga ah la leeyahay danteena waxbkama oga, culumadana beeshuna ay dadka uun quraan ku aqriyaan dhallinta wax baratayna lagu riixo waa ciyaal magaalo qabiilaystana qaranka lagu lagu aamino.
Si looga baxo jahwareerka siyaasadeed iyo caburinta aqoonyahanadeena waa in aan dhiiri galin u samaynaa aqoonyahanada iyo siyaasiyiinka ay ku jirto Soomaalinamadu si loo helo dad wadanka u damqada badalkii qabiil ay u dadaali lahaayee.
Mohamed Deik Taako
Email: Deeqaxmad15@hotmail.com             







Sunday, December 7, 2014

Adinkoo isxayirin xisaabtama

Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa xilka loo magacaabay  December 2013, asagoo markaas aan ahayn dadka loo saadaalinayay laakiin si lama filaan ah uga soo hoos baxay rag ay ka mid ahaayeen Hussein Abdi Halane wasiirkii hore ee maaliyadda iyo  , iyo Abdiwahid Elmi Gonjeh oo markaas ahaa Sii hayaha xilka Raiisulwasaarenimo oo lays lahaa waa ragga kusoo bixi kara xilkan.
Madaxweynaha ayaa Cabdiweli magacaabay kadib markii xilka laga qaaday Raiisul wasaarihii asaga ka horeeyay ee Cabdi Faarax shirdoon Saacid oo khilaaf asaga iyo madaxweynaha soo kala dhex galay uu sababay in mooshin laga keeno asaga iyo xukuumaddiisa sidaasna uu ku dhacay.
Cabdiweli markii lamagacaabayay ma ahayn nin bulshada dhexdeeda aad looga yaqaanay sidoo kalena ma ahayn nin siyaasadda horey uga dhex muuqday laakiin waxaa uu ahaa aqoonyahan qarsoonaa indhaha bulshadana ka daahnaa laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sameeyay latashiyo badan iyo baaritaan waxaa u suura gashay inuu si sahlan usoo qabto nin aqoon leh siyaasaddana wax ka badali kara laakiin taasi ma keenin in ay is fahmaan oo ay muran la’aan wada shaqeeyaan.
Markii la keenay Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh bulshada Soomaaliyeed waxay ka muujiyeen aragtiyo kala duwan ayagoo ku salaynaya khibradiisa siyaasadeed iyo qaar kale oo ka fiirinaya dhicana caqabadaha uu kala kulmi karo Xubnaha Golaha Shacabka.
Aragtiyada qaar waxay lahaayeen Ninkaan cusub oo la keenay waxay caqabadi ka qabsan doontaa xubnaha Golaha Shacabka oo laga yaabo markii ay timaado ansixintiisu ay codka kalsoonida siin waayaan ayagoo sababtuna ay tahay  in qaar badan oo xubnahaas ka mid ah oo saamayn wayn ku leh siyaasadda oo rabay inay xilkaas qabtaan laakiin waayay uu kala kulmi doono dhib iyo in xubnaha golaha shacabka ay kalsooni daro galiyaan sidaasna uu ku waayo codka kalsoonida.
Aragtida labaad waxay dadweynaha iyo aqoonyahanaduba qabeen in maadaama Cabdi Faarax Shirdoon oo la tuuray uu ahaa nin aad u afgaaban laguna tilmaamay nin jilicsan uu Cabdiweli asna noqon doono nin kasii miskiinsan siyaasaddana aan wax badan ka aqoon maadaama uusan ahay nin horey loo yaqaanay waxay kaloo saadaaliyeen inuu noqon doono nin madaxweynuhu uu siduu rabo wax ugu sheego warkiisana aan war korsaarin, laakiin marnaba lagama filayn go’aan adayg.
Arimahaas oo dhan iyo saadaashii dadka maysan rumoobin oo isla markiiba waxaa uu codka kalsoonida ka helay xubnihii golaha shacabka waxaana uu soo magacaabay wasiiro farabadan tayadoodu siday doontaba ha noqotee waxaa kaloo uu noqday nin aad u firfircoon siyaasaddana hadba meeshay gasho kasoo bixiya wuxuu sidoo kale door muuqda ka ciyaaray siyaasadda dalka wuxuu la heshiiyay maamulka puntland oo horey xariirka ugu jaray Dowladda fedraalka iyo shaqooyin kale oo muhiim ah.
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Raiisulwasaare cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan ayadoo khilaafyada oo ahaa kula kala duwan ay u dhexeeyaan labada masuul laakiin kii ugu dambeeyay uu qarxay markii wasiirka madaxweynaha ay saaxiibka yihiin wasaaraddiisii uu ku waayay isku shaandhayn uu sameeyay raiisul wasaaruhu sidaasna khilaafku uu banaanka ugu soo baxay.
6 December 2014 waxaa codka kalsoonida loo qaaday xukuumadda Raiisulwasaare cabdiweli sheekh asagoo inta badan xubnihii golaha shacabka ee codeynayay ay ogolaadeen in kalsoonida lagala noqdo  xukuumadda meeshaasna ay ku dhacday xukuumaddii Cabdiweli uu horkacayay oo waxa hadda aan sugayno ay tahay in  lasoo magacaabo raiisulwasaare cusub oo xilka kala wareega cabdiweli sheekh, markii uu xilka la wareegana asna uu soo magacaabo wasiiro kale oo xilka kala wareega kuwa iminka kumeel gaarka kusii shaqaynaya.

Xilwareejin iyo xoolo wareejin
Saacado kadib markii kalsoonida laga noqday xukuumaddii cabdiweli sheekh waxaa warqad uu ku saxiixanyahay soo saaray xeer ilaaliyaha guud waxa uuna ku sheegay in golaha wasiirada laga Mamnuucayo in ay dalka ba baxaan
Taasi waxaa lagu sababeeyay in laga rabo in xilka markii laga wareejinayo ay joogaan iyo in lagala xisaabtamo xilkii ay hayeen in hantidii wasaaraddu ay lahayd si meesha aysan u imaan in hanti dowaladeed aan la lunsan ayadoo taasi aysan horey u dhici jirin oo markii la yiraah wasiir ayaa xilka laga wareejinayaa oo wasaaradda waxaa la wareegaya wasiir cusub waxa kaliya ee aan arki jirnay ay ahay wasiirka oo soo wareejinaya hal buug aysan la socon hanti dowladeed oo kale.
Xil wareejino horey u dhacday waxaa ku yaraa in wixii wasaaraddu ku shaqaynjirtay oo dukuminti ahaa lagu wareejiyo wasiirka cusub si uu hawsha meesha ay marayso ugala jaan qaado iyo in xafiis shaqaynaya lagu wareejiyo si habacsanaan shaqo aysan u imaan laakiin intaasi maanan arki jirin tanna waxaad moodaa in dadkii waxaas samayn jiray ama kuwa hadda niyadda ku haaya wax lunsada loogu danleeyahay.
Wasaaradi inay wareejiso hal buug oo asna aan waynayn waxay caddaynaysaa laba arin middood
1.      Waa marka koowaade in wasaaradaasi aysan ahayn mid shaqayn jirtay oo wasiirkeeda iyo shaqaaleheeduba ahaayeen kuwa ku mashquulsan safaro iyo dano gaara oo dalka iyo dadkaba aan wax u qaban laakiin meesha u joogay inay danahooba qabsanadaan
2.      Iyo tan labaan oo ah in wasaaraddaas xooleheedii la lunsaday sidaas darteenda dokumentiga aanba la samayn ama inta la sameeyay aan la rabin in la daba galo wixii qaladka ahaaye wasaaradaas ka dhacay.
Suaasha aan is waydiiyo waxay tahay ma dhici kartaa in wasiiro iska baxaan oo xilba aysan wareejin?

Gunaanad
Arrinta waxaan kusoo gunaanadayaa oo qormadayduna ku saabsanayn “Adinkoo isxayirin xisaabtama” taas micneheedu maahan in aan leeyahay safarka yaan laga joojin xukuumadda mana ahan yaan la xisaabtamin ee qofka asagoo qanacsan halala xisaabtamo waxaa jirta maahmaah soomaaliyeed ee ah “digaag qoor qabasho biyo kuma cabto” hadaba digaagba hadduu qasab diiday sidee bini’aadam ku yeelayaa in la qasbo? Marka xalku ha noqdo tillaabo aan qasab ka muuqan dadkuna dareemayaan saaxiibtinimo laakiin waxaad mooddaa in hadalkaan uu dareensiinayo in la aflagaadeeyay laguna yiri xoolo aad xaddaan ayaad rabtaane illaa aad soo wareejisaan ha isku bixinina.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com