Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Tuesday, October 21, 2014

Soomaaliya iyo Sicir bararka guurka


“Waxaan damcay inaan guursado laakiin qarashkii aan filaayay inuu guurku noqon doono ayaa ka badan labanlaab noqday” waa qiso ku dhacday wiil guurdoon ahaa laakiin hadda guurkii awooddu u diiday.
Qiimaha lacageed ee laysku guursado Soomaaliya ayaa cirka usii socda ayadoo waxtarka faa’iido ee kasoo baxaya ay tahay ama la mid tahay tii horay looga heli jiray oo kaliya oo aysan wax ku siyaadin, hadaba hadaysan faaiidadu is badalin maxaa qarashka badiyay?

Maxaa keenay qiima korora Guurka
Qiima kororka guurka ee dalkeena waxaa keenay sababa badan oo ay ka mid yihiin

1.      heerka wax barasho
heerka wax barasho ee shaqsiyadeed waxay siyaadineysaa hamiga qofka iyo tartanka uu kula jiro dadka la heerka ah, tusaale ahaan qof jaamacad ka baxay wiil ama gabar mid waliba wuxuu jecelyahay in  guurkiisa ay ka muuqato sharaf iyo faan iyo inuu asxaabtiisii hore oo guursatay uusan ka liidan tabartu meelay gaysaba inuu rafanaayo qarashna galayo waa hubaal, taasi waxay keenaysaa in aqal wayn la sharaxo alaab badana laga soo buuxiyo aroos heer ahaan sareeyana la dhigo haddii Hoteel la awoodi waayo xataa guriga kan lagu dhigayo waa ka muuqataa in qarash fara badan la galay.

2.     Adkaynta reerka
Sida ay qabaan dad badan oo guurka qaaliga ah taageersan waxay leeyhiin haddii ninku guurka marka hore uu ku galo lacag badan waxay ay taasi adkaynaysaa dhidibada reerka iyo waaritaankiisa, markasta oo qarashku bato ninku kuma fududaanayo in si sahlan uu inantuu qabo ku furo maxaa yeelay waxaa mar kasta uu soo xasuusanayaa qarashkii ka baxay ee faraha badnaa taas oo laga yaabo inay keento isku waaritaan ama ugu yaraan inay labada qof isku daahaan. Taas micneheedu miyaa in labadii qofee qarash yar isku guursada inay kala tagayaan? Anigu saas u malayn maayo.

3.     Soo rogaal celinta qurba joogta
Soo laabashada Soomaalida qurba joogta ah iyo guursigooda hablaha Soomaaliya ku nool waxay caqabad ku noqotay dhalinyaro badan oo waligood aan Soomaaliya dhaafin iyo kuwa meeshii ugu fogayd ee ay tagaan ahayd wadamada Bariga afrika, dhalinyaradaas badankood lacag badan oo Hoteel ay aroos uga tuntaan ma haystaan kan ugu fiican waa shaqaale mushaari ah badankoodna waxaa ku xariira qoys iyo qaraabo in kastoo qaar waalidkiis ay ladan yihiin ay jiraan laakiin inta loo baahan yahay ayaa ka badan.
Qurba joogtu badankood waa niman da’doodu u dhexeyso 35 jir iyo wixii ka wayn inta badan waa rag xaas hore lahaa baankoodna ay dibadda u dagan tahay magaalada waxay u yimaadaan inay siyaasadda Soomaaliya galaan oo ah meesha qurba joogta laga xiiseeyo kadib waxa u xiga waa inuu guursado gabar, Si dhib badan iyo diidmo uusan ula kulmin waa inuu jeebkiisa furaa qarash badana uu quuraa si gabar uusan horey usoo shukaansan lagana yaabo xattaa inuusan arkin uu u helo.
Gabadhuhuna ayagoo qurba joogta u aragta fursad una maleeya isha dhaqaalaha ay ka heli lahayayd waxay ku xirayaan lacag badan, guri qaali ah aadna loo camirayo iyo in arooska laga dhigo Hoteel ninkuna taas waaba uu sugayay maxaa yeelay meesha uu ka yimid heerkaas oo kale ayaa laysaga guursadaa, taasina waxay keentay inuu siyaado damacii haweenka oo mid waliba ay ku fakarto saaxiibtaa guurkeeda oo kale waa inaad heshaa ayadoo is waydiin qof waliba inuu qurba jog yahay iyo inuu jeeb buuran yahay.

4.     Heerka nolosha
Sida caadiga ah dadku waa kala duwan yahay waana kala heer mid walibana waxaa uu ku noolyahay dabaqad gaar ah waa kuwa ku nool heer sare, kuwa dhexe iyo kuwa ku nool heerka ugu hooseeya oo dad ku noolaado oo waaba kuwa dagaal kula jira noloshii oo wixii lagu noolaan lahaa ayay daal iyo dhib badan u maraan guur qaali ahna maba ahan tabartooda.
Ayadoo saas ay tahay ninkii raba inuu ka guursado qoys noloshoodu tahay heer sare la qarash maahan kan raba inuu ka guursado reer dhexdhexaad ah ama ku’ hooseeya nolol ahaan, qoyska nolol sareeya gabadhooda waxay u rabaan nolol la mid ah tan ay ayagu ku nool yihiin oo waalid raba ma jiro gabadhoodu inay nolol tay kusoo koriyeen ka liitada ay gasho, taasi waxay keenaysaa qiimaha guurku inuu sii siyaado oo ninkaas sidaas ku guursaday asna waxaa gabadhiisa lagu guursan doonaa qarash ugu yaraan kii asaga ka baxay oo kale ah.

5.     Garaadka haweenka
Markii ay siyaado da’da gabadhu ayna hesho ilbaxnimo iyo fahan badan oo xagga nolosha ah ayna daawato aflaam u badan kuwa jaceelka waxay arkaysaa ayna ogaanaysaa waxyaabo badan oo aysan ogayn gabadha da’ ahaan ka yar ayada, taasina waxay sabab u noqonaysaa inay yeelato baahi ka saraysa kuwa kale ayna sabab u noqoto qarashka guurka oo ninka ku bata iyo in xataa ayada guurkeedu uu daaho ayna si sahlan u heli wayso qof baahideeda badooli kara ama mid ay ku qanacdaba.

Maxaa ka dhasha guurka Sareeya
Aroosku hadduu qaali noqdo cid kastana ayku dhiiran waydo taas waxay keenaysaa in dhalinyaro badan ay dhaqaale xumo u guursan waayaan taasna waxaa ka dhalan kara waxyaabo badan oo raad reeba waxaana ka mid ah

Faafida xumada
Haddii guurku qaali noqdo sababna ay u noqoto in guurku yaraado waxay noqonaysaa in dadku ay si xun wax u raadiyaan taasna ay keento inay xumaantuna bulashadaas ku dhex faafto.
Waxaa siyaadaya geerashaynta ama tumashada sababtoo ah qofka waxaa ku abuuran dareen iyo baahi haddii uu wanaag ku waayana laga yaabo inuu sida uu wax ku heli karo uu ku raadsho.

Taranka oo yaraada
Haddii dhalinyaradu aysan ku guursan waqti hore oo ay ka daaho xilliga guurku siiba gabdhahaoo waqtigoodu iska kooban yahay waxay taasi keenaysaa in tarinkii uu yaraado “xadiis nabiga laga wariyay ayaa micnihiisuahaa guursada naagaha dhalmada badan  jaceelkana badan”  taas waxaa looga dan leeyahay in markii maalinta qimaayo la tago ay umaddeenu noqoto tan ugu badan umadaha tiro ahaan laakiin waxaad moodaa taas inaan la dhaqan galin oo laga yaabo in wiilku guursado gabar ay ku harsan tahay dhawr da’ oo kaliya.

Talo ahaan
Waxaan kula talin lahaa dhammaan dhalinta aan guursan ee gabdhaha ah inta aysan guurkeeda meel ku jaan goyn ay marka hore fiiriso ruuxa ay rabto inay guursato heerkiisa iyo awoodiisa, taas micneheduna waxay tahay “jeebka saaxiibkaa eeg intaadan guurka magaalada ka jira fiirin”

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


Monday, October 13, 2014

Sababaha Soomaaliga lumiyay



Soomaaliga oo qoraal ahaan liita hadal ahaana sii lumaya waa qormada aan wax ka qoray, waxaad moodaa inuu jiro hoos u dhac wayn oo ku yimid afkeenii hooyo ee Soomaliga ahaa, taasna waxaa keenay sababo badan laakiin intaanan u gudbin horta qoraal xumada jirta iyo dhawaqa qaldanba aan tusaaleyaal usoo qaadano iyo meelaha uu ka jiro hoos u dhacu

Qaabka qoraalka qaldan

Markii la yiraah farta soomaaliga sidii loo qori lahaa ayaa qof soomaali ah ka qaldan qof aan qaladkaas arkin ma aamini karo laakiin markii laguu muujiyo waa wax aad ku qancayso arkaysana inuu yahay qalad muuqda laakin aan lagu baraarugsaneen
Waxaa jirta erayga oo laga qaldaayo xarfaha laban laabma tusaale ahaan erayga Dabbaal (nacas) waxaa ku jira xarafka D oo laban laaban haddii marka xarafkaas hal laga dhigo waxaa is badalaya dhammaan erayga dhawaq iyo micno ahaan oo waxaa uu noqonayaa Dabaal (bada oo lagu badaasho) 

Micnaha Soomaaliga oo qaldan 

Erayo badan oo soomaali ah oo waxaa jira micnihii ay lahaayeen laga badalay loona isticmaalo meelo aysan lahayn micno qaldana la saaray ayadoo uu kusoo badanaayo afkeena erayada micnohoodii hore iska badalay oo jiilkeena cusubi sida kale ubaranaayo

Maxaa keenay hoos u dhaca luuqadeena

1.       Luqadaha wax barasho

Sabab ka mid ah kuwa ugu muhiimsan oo keentayin luuqadeena hoos u dhac uku yimaado waxay tahay luqado ajnabi oo wax lagu barto, taas badalkeeda waxaa luqadeena laga dhigay hal maado oo laga qaato casharo kooban ayadoo macalinka dhigayana badanaa uusan qibrab  fiican u lahayn soomaaliga haday ahaan leheed naxwihiisa iyo suugaantaba
Waxaa I cajab galiyay qormo laga diyaariyay iskuulada Afrika oo la ciqaabayo ardaygii ku hadla luuqadiisa hooyo, ardada ayaa Ul iyo ciqaab kale la isugu daraa haday ku hadlaan luqad aan ahayn midda ay wax ku bartaan oo ah tii gumaystaha, qormada waxay soo qaadatay arday u dhalatay Uganda oo inta jawaan madoobe khamiis oo kale loo tolay loo galiyay banaanka la taajiyay lana yiri meeshaas ayaad taagaanaysaan illaa ardada dhan idinku soo marto
Annagu heerkaas ma anaan gaarin oo wali macalimiinteenu waxay wax ku sharaxaan waa luuqadeena laakiin saas oo ay tahay ayaa waxaa kasoo dhexgalaayo erayo badan oo ajnabi

2.      Soomaalida oo qaxooti noqotay

Qoxootinimada soomaalida ee wadamo kala duwan waxay keentay in ay lasoo laabtaan luuqado kala duwan ayadoo ilma badan oo qurbaha ku dhashayna aysan xataa ku hadalka afka Soomaliga hayn, hooyadii ilmaheeda inay ku hadlaan af Soomaaliga ilmeheeda barta waaba dadaashay maxaa yeelay deegaanka ayaan u saamaxayn inuu qoraalka barto soo laabashada qurba joogtaasna waxay wadanka kusoo kordhisay luuqad xumadii haysatay inay dadkii kale gaarsiiyaan, oo qofkii uu afsoomaaligii hadalkiisa iska daayo waa qofkii awooda si qurba joogtaas uu ula sheekeysto.

Saamaynta uu reebayo

Afkaagii hadaad ka tagto ood qaadato ku’  kale waxaan cidna diidayn in uu imaanaayo is badal badan ha ahaato luuqaddii aad ka tagtay ama tan cusub aad u wareegtay hadaba saamayn ka imaan kara waxaa ka mid ah

Dhimasho luuqadeed

Luqadda Soomaaliga waa soo jireen oo markii soomaaliyi soo billaabatay waa lagu soo hadli jiray laakiin mar dhexe waxaa kusoo biiray in la qoro farta Soomaaliga, haddii sidaan aay kusii socoto afafka qalaadna ay kusoo bataan luuqadeena waxay keenaysaa in luuqaddii ay d himato xaq qoraal iyo mid hadalba, gabi ahaan lumi mayso laakiin waxay inta badan noqon doontaa afaf kale oo aan hadda kujirin in lagu soo daro waxaa sidoo kale hoos ku dhac uu ku imaan doonaa qaabka qoritaanka farta.

Dhaqan lumin

Qolo walba dhaqankeeda waxaa laga gartaa uuna ka dhex muuqdaa afkeeda iyo luuqadeeda haddii labadaas ay lumaan oo is bedel uu ku yimaado waxaa dhacaysa in dhaqankiina si taas la mid ah is bedel ugu yimaado,
Waxaa kaloo dhaqanka kor u qaada qoritaanka iyo samaynta meelo lagu soo bandhigo  haddii qoraalkii farta aysanba jirin ama yartahay goormay imaanaysaa in dhaqan la qoro?
Anoo ka walwalsan arintaas iyo saamaynta ay nagu yeelan doonto una jeeda xaaladda jirta ayaan dhawr su’aalood iswaydiiyay kuna cabbiray qaab suugaaneed.

Soomaaligii meeh?
Aaway sadaradiisii?
Sugaantii wacnayd
Dunida uga soocneen
Yaa sal guurshay oo tiray ?
Hadalkii silloonaa
Sarbeebta lagu dari jiray
Zamanadaan ma haynee
Sababaha afkeenii
Suuraddiisa dhalan rogay
Dadow saaka ii sheeg.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


Saturday, October 4, 2014

AFAR IYO BAR (4.5) MA XAL MISE XIISAD

Afar iyo bar (4.5) waa qaab Soomaalidu kuqaybsato awood siyaasadeedka dalka ka jira lagama yaabo inuu qof siyaasadda kusoo galo wax aan ahayn afar iyo bar haddii xattaa uu ka tirsanyahay urur siyaasadeed ama koox awood leh maamulka siyaasaddana ugu tun roon waxaa lama huraan ah in qaab ku dhisan afar iyo bar  uu ku yimaado.

Taariikhda Afar iyo Bar (4.5)
Taariikh ahaan afar iyo bar waa soo jireen markii loo fiiriyo taariikhda Soomaalida laakiin wuxuu u jiray si khiyaali ah, aysana ahayn wax qornaa laakiin markii la fiiriyo sharci ahaan ay aheed wax jira ayadoo waliba taas ahayd wax dadku ku qanacsanaa wixii ay ku helaan qaabkaas
Taariikh ahaan waa jiray in haddii reer uu qof ka dilo qabiil kale ay bixiyaan diyo diyadaasna aysoo aruurinaayaan reerka wax dilay jufooyinka ay ka tirsanyihiin oo dhan hadaba marka loo qaybinaayo lacagta ama xoolaha diyada waxaa laysku raaciya sida ay u kala badan yihiin tiro ahaan iyo xoolo ahaan, waxaa laga yaabaa in hal jufo ay qayb ahaan ugu soo aado bixin xoolo la mid ah midka ay bixinayaan 3 jufo oo la isku daray.
Qaabkaas waxaa loo yaqaan xarig oo micno ahaan laga wado dadka waa la isku raacinayaa sida ay isku raaci karaan tusaale ahaan qabiil aya leh laba qayb B iyo T mid waliba waxaa ku hoos jira 6 jufo, tusaale ahaan laba jufo oo ku jirta qaybt B haday tiro ahaan yaraadaan waa la isku daraa ayadoo laga dhigo hal xarig kana dhigaysa qaybta B inay noqdaa 4 xarig illeen laba jufo ayaa hal xarig noqotaye, dhanka kale haddii qaybta T ay sidooda u noqdaan xarig xarig waxay noqonayaan 6 xarig,
hadaba qabiilkaas labadiisa qaybood ee B iyo T waa siman yihiin dhalasha ahaan tirade jufooyinkiisana waa siman yihiin laakin awood (tiro iyo xoolo) ahaan markii la yiraah qaybta T ayaa badan hadaba taas badalkeeda haddii reerkaas ay xoolo Diya ah helaan qaybsiga waa kala badsanayaan sidii bixinteediiba ay u kala badsadeen.
 Guurka iyo Afar iyo bar
Guurka soomaalida wuxuu ku salaynaa waxa la yiraahdo ood wadaag oo micneheedu yahay dad wada daga dhalasho ahaan haku wada dagaan deegaan ahaan ama deris ahaadaan taasna waxay soomaalidii hore ka samaysteen maahmaahyo badan oo ay ugu caansan tahay “waxaad taqaan guurso waxaad taqaano hakuu dhashee” ama “musbaax minankaada u baahan yahay minan kale mala geeyo” taasoo loogu hal qabsan jiray ninkii badanaa ka talaaba dadka ay reerkiisa is guursan jireen qolo kale oo deegaan ahaan fog ama awood ahaan yar guur ka galo.
Soomalidii hore waa ku yarayd inay is guursadaan markii loo fiiri afar iyo barka oo meeshaas waxay ahaan jirtay inay isugu yeeraan hadalo ay ka mid yihiin Nasab dhiman iyo laangaab oo runtii ah erayo ay u adeegsan jireen dadka qabiilada yar haddii qof ka tirsan qabiilada afarta ku jiraa uu guursado kuwa barka ku jirana waxaa meeshaas ka dhici jiray in qofkaba la takooro ama la dayriyo
Xilligaan la joogo waxaad moodaa dhaqankaas in uu sii yaraanayo oo is dhexgal fiican uu jiro ayadoo sidoo kale erayaddii liididda ahaana sidoo kale ay is badaleen tusaale ahaan gabar afarta ku jirta hadduu guursado wiil ku jira barka oo lays waydiiyo wiilka gabadha naga guursaday waayo waxaa la yiraah waa beelaha yar yar  oo micne ahaan ah dadka barka ah

Faa’iidada afar iyo Bar (4.5)
Wax bixinta
Afar iyo bar wuxuu faaiido leeyahay markii la yiraahdo wax hala bixiyo, sidaan horey usheegnay haddii xoolo bixin ay timaado reerkii xoolo yar waxaa faa’iido ugu jirtaa haddii la yiraah dadka kale waa ka yartihiine wax yar iska dhiiba, tusaale ahaan haddii laba jufo oo yar la isku daro lagana dhigo hal xarig ayna bixinyaan labadoodu intii hal  jufo oo la siman bixisay waxay u tahay dhaqaalo xooleed, taasina waa hawl soo jireen ahayd oo go’aan hore laga gaaray.
Malaga yaabaa in qabiil hoosaad tiro iyo tayo yaraa uu xilligaan aan joogno noqdo mid xoolo iyo dad badan yeesha?
Haday taasi dhacdo dadkaasna battaan noqdaanna dad muuqda xagga tirada iyo xagga  xoolaha oo ah waxa awoodda kala badiya in ay kasoo baxaan dabaqada ay ku jiraan? Tusaale ahaan laqa jufo oo harig ahaa haday battaan dhan walba makala qaybsamayaan ama waa sidii ay isugu jireen?
Taas mid la mid ah waxaan ognahay in afar iyo barku la xariiro tirada dadka haddii marka qabiil ku jira barka uu bato mid afar ahaana uu yaraado wax is badala miyaa ku dhacaya? Sharci miyaa ka yaal mutaqbalka afar iyo barka?

Siyaasadda iyo afar iyo Bar
Siyaasadda Soomaaliya oo xilligaan ku salaysan afar bar walibana wax qarsoon aan ahayn waxay dadku aaminsanyihiin inay tahay caqabadda dalku uu ka socon la’yahay dadka arigtidaas qaba waxay leeyihiin taasi waxay keentay in qabiil waliba asagoo haysta dad badan oo aqoon leh hadana uusan siyaasadda kusoo darin taas badalkeedana uu soo magacawdo dad caan ah laakiin siyaasadi aysan keenin caanimadaas.
Waxaa sidoo kale jira dad ra’yi ahaan aaminsan in sidii horeba loogu qayban jiray tiro iyo awood hadana afar iyo barku uu yahay tii hore looou dhaqmi jiray oo la qoray hoos u dhaca siyaasaddana uusan keenin asaguye sababtu ay tahay  oday dhaqameedka reerka oo asagu magacaabiska siyaasiga qabiilka ay ka go’do oo aan soo magacaabayn tusaale ahaan qabiilada dhami dad siyaasad ahaan liita masoo magacaabin kuwa aqoon yahano soo magacowday ayaa jira laakiin inta siyaasad laaweyaal soo magacawday ayaa badan.
Hadaba su’aasha is waydiinta mudan  waxay tahay afar iyo barka miyaa qabiiladda u jaan goynaya qofka ay siyaasadda u keensanaayaan,
Wali ma dhacday qof qabiil keensaday in afar iyo barku siyaasadda ka saaray una diiday ka qayb galkiisa dibna ugu celiyay qabiilkiisii?

Afar iyo Bar xal ma yahay?
Afar iyo bar oo ah sharci qoraal ahaantiisu ku cusub tahay bulshada Soomaaliyeed laakiin taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan jiray ayaa wali dadkii ka dhaadhici la’ taageeradoodana waayay hormar lagama filaayo maxaa yeelay dadkii ayaanba ku niyad samayn oo in horumar uu keeni karo lama ahan sidaas darteedna xal uma arkaan ee xiisad taagan lagana yaabo inay sii bataan ayay ka aamineen.
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com