Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Thursday, August 11, 2016

ILLAA DOORASHADA DALKA NAGU SIMA

Laga soo billaabo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2012 waxaa billaabatay in laga hadlo sidii lagu suurta galin lahaa doorasha dalka ka dhacda sanadka 2016 taas oo shacabka iyo madaxduba ay aad ugu hanwaynayd inay sidii loo qorsheeyay u dhici doonto.
Maadaama xilligii federalka uu halkaas nooga dhammaaday waxyaabaha dowladda Madaxweyne Xasan laga filaayay waxaa ka mid ahaa in la dhamaystiro federaalka oo dalka oo dhan la gaarsiiyo si ay u sahlanaato in qof waliba uu ka codeeyo meesha uu joogo ayadoo arintaas ay fududeyn doonaan maamul goboleedyada Dowladda federaalka ah hoos taga.
Wuxuu qorshuhu ahaa si shacabka soomaaliyeed ay codeeyaan taas oo noqon doonta qof iyo codkiisa si dimuquraadi ahna ay u doortaan madaxweynaha ugu wax qabadka fiican musharixiinta markaas isi soo taagay ama qofku uu ku qanacsan yahay.
Taas waxaa meesha ka saaray markii dowladdu ay ku dhawaaqday sanadkii 2015 in doorasho qof iyo cod ah aysan ka dhici Karin dalka waxayna u sababeeyeen waqtiga oo yar iyo hawsha la rabo in la qabto oo aad u fara badan.
Xilligaas qormo Ayaan ka sameeyay ciwaankeedu ahaa DOORASHAAN SUGAYNAYE DIB U DHAC MA FILAYN

halka ka aqriso http://deik-taako.blogspot.com/2015/08/doorashaan-sugaynaye-dib-u-dhac-ma.html


Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa la isla qorsheeyay in ay dhici doonto doorasho la mid ah tii sanadkii 2012ka ee Madaxweyne Xasan uu ku soo baxay ee xildhibaanada beelaha ka yimid ay codaynaayeen waxaana la rajaynaayay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay maadaama xilligaas sanad iyo bar ay ka dhimanayd.
Wuxuu waqtigu isguraba waxaa hadda soo dhawaaday waqtigii doorashada walina hawlihii doorashada lama qaban taasina waxay sababtay markii la isla arkay in waqtigu gabaabsi yahay in dib loo dhigo doorashada muddo laba bil ah ayna isku raaceen madaxdii dowladda iyo kuwii maamul goboleedyada hadda jira (Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran).
Markii ay soo baxday arrinta ah dib u dhigista xilliga dorashada ayaa waxaa billowday doodo ku saabsan sharciyadda joogista Madaxweyne Xasan ayadoo inta badan xildhibaanadu ay qabaan fikirka ah in madaxweynuhu uu xilka banneeyo si ku meel gaar ahna loogu sii dhiibo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada aaminsan fikirka ah in madaxweynuhu uu xilka ka dago ayaa waxay daliishanayeen qodobka  91aad ee Dastuurka KMG ee dalka kaas oo dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaado uu booska banneenayo uuna xilkaasi lasii wareegayo Guddoomiyaha Baarlamaanka inta Madaxweyne kale laga dooranayo.
Sida ciwaanka qormadaan ka cad waxaa arintaas kasoo horjeystay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaano baarlamaanka ku jira kuwaas oo ku taliyay in madaxweyne Xasan iyo dhammaan qaybaha kale ee dowladduba xilka ay sii hayaan inta doorasho ay ka dhacayso oo laga helayo madaxweynihii badali lahaa Xasan sheekh.
Dadka qaba fikirka ah in madaxweyne Xasan uu xilka sii hayo ayaa sabab uga dhigay sii joogitaankiisa
1.      In aan lagu noqon kumeelgaarka: haddii madaxweynaha uu xilka ka dago markii lagaaro 10ka September waxaa xilka lasii wareegi doonaa guddomiyaha baarlamaanka waxayna noqon doontaa kumeelgaar taas oo haddii xataa xilli kale doorashu dib u dhacdo lagu sii jiri doono kumeelgaarnimo waxayna dhabar jab ku noqonaysaa kaalmadii beesha caalamka laga heli jiray iyo wada shaqayntoodaba
2.      In aan la galin kala guur:madaxweynaha oo banneeya booska waxay sababi doontaa in xaaladdu ay noqoto kala guur taasina waxay sababi kartaa in hantidii qaranka lagu takri falo iyo in uu yimaado qalqal ammaan maadaama uu yaraanayo isla xisaabtankii madaxweynuhu ku samayn jiray madaxda aminga iyo habacsanaan dhan kasta ah oo soo cusboonaata

Gunaanad
Waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo gabangabeeyo in la raaco taladii iyo go’aamadii kasoo baxay shirkii ay yeesheen madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah kaas oo la isku raacay in illaa laga gaarayo doorasha uu madaxweynuhu booskiisa sii joogo dowladduna sideeda u sii shaqayso.
War saxaafadeedkii kasoo baxay shirkaas waxaa lagu yiri ''Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD)”

W/Q: Mohamed Deik Taako