Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, November 30, 2015

Madaxweyne Nabad qaado

Maalmahaan dambey waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo laalaabtay dagaalada Sokeeye ee u dhexeeya labada maamul ee magaalada wada dagan Puntlan iyo Galmudug dagaaladaas waxay gaysteen qasaaro aad u fara badan waxaa ku barakacay dadkii shacabka ahaa ee magaalada daganaa waxaa sidoo kale ku dumay guryo badan oo halkaasi ku yaalay.
Sida dadku wada dareensanyihiin dagaalka waxaa gadaal ka riixaya arimo siyaasadeed iyo dano u gaar ah madaxda sare e maamuladaas hadaysan ahayn magaaladu waa daganayde maxaa keenay in xilligaan dib la isugu soo jeysto?
Anigoo arintaas ka gubanaya dagaalkaasna u arka inuu yahay mid khasaara mooyee aan marnaba faaiido keenayn Ayaan gabay yar ka sameeyay in intii markaas wax maqlaysa ay ugu waano qaataan

Intaad qori isugu dhiibayso
Qabiilnimo ammaanayso
Qoysas barakicinayso 
Maxaa qaranka kuu diiday?
Intaad qaxa kufaanayso
Qolo aad is gaysaan
Dhaqanna aad wadaagtaan
Dhimasho aad u quurayso
Maxaa qalbiga kaa qaaday
Oo qaranimada kuu diiday
Intaad qori dan moodayso
Dhiig sokeeye qubanaayo
Oo laba qayb la kala joogo
Qabuurohoo aad badisaan iyo
Qalad baad ku socotaane
Madaxweyne nabad qaado
Qarniyadii lasoo dhaafay
Wax dagaalku qaban waayay
Maanta inaad qurqurinayso
Haddii qalbigaagu kuu sheegay
Qaraw baad ku sugan tahee
Qalfoof waxaa tahay marane
Madaxweyne nabad qaado
Qolo qolo ku duulkeenii
Qaranimo ka cararkeenii
Federal qorqorideenii
Dalka kala qoqobidiisii
Iyo Kala qaybsi goboleedkii
Qasaarahay na galinayso
Iyo raggay qudha ka goynayso
Hadaad maanta qiri waydo
Qalfoof baad tihiin noole
Madaxweyne nabad qaato
Erayada aan soo qorayo
Haddii aad qaddarin wayso
Oo nabadda aad qaadan
Qolo hadalka kuu yeerin
Ayaa soo qorshaynaaya
Taladaadu waa qanace
mugdi baa kuu taariikha
Ee madaxweyne nabad qaado

Mohamed Deik Taako

Sunday, August 9, 2015

GUMAADKA SHACABKA IYO KA GAABSIGA DOWLADDEENA

 Sidii horey u dhici jirtayba waxaa dhacday in ciidamada AMISOM ay bilihii ugu dambeeyay wadeen duqaymo ay u gaysanayeen shacab soomaaliyeed iyo kuwa ay rasaas toos ah ku dileen kadibna ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Shabaab.
Meelaha dadka rayidka ah lagu laayay waxaa ka mid ah magaalada Marka ee gobolka shabeelada hoose oo laba mar ay ciidama AMISOM dad shacab ah ku laayeen mar waxay dileen 10 qof iyo dhaawac intaas ka badan marka kalena waxay dileen 15 qof oo sida la sheegay ay ku jiraa 5 qof ooh al qoys ah.
Sidoo kale gobolka bakool waxaa jirta ayana in ciidama Etoobiya ee AMISOM ka tirsan ay in ka badan 60 qof oo isku tuulo daganaa xasuuqeen waxaa sidoo kale jirta in tuulooyin hoos taga magaalada Buurhakaba ayana duqaymo diyaaradeed loo gaystay dad shacab ahna shimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
duqaymahaas ay ciidamada AMISOM ka gaysanayaan gobollada dalka oo dhimashadu ay kasoo gaarayso Shacabka Soomaaliyeed waxaa usii dheer dad rayidka ah ee ay aalaaba baabuurta ku jiirsiiyaan magaalada Muqdisho.

Dowladdu maxay uga fal celin la’dahay
Sida lagu yaqaan dowladda aan gumaysi ku jirin ee xor ah waxaa dowladdeena laga rabay in dilalka maalaa yacniga ah ee dadkeena lagu hayo ay ka fal celiso maadaama ay tahay masuulka dalka iyo dadka ayna la xisaabtan dhan ah samayso oo ciidamada askarigii AMISOM ah ee xad gudub kula kaca muwaadin Soomaaliyeed ay maxkamad soo saarto.

Ciidamada miyaa kala fadli badana?
Sidaan wada ogsoonahay maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sharci adag kasoo saartay askarta Soomaaliyeed ee dilka iyo dhaca u gaysanaya Shacabka ayadoo mararka qaar xataa maxkamadda lagu eedeeyay inay fulisay xukuno toogasho ah kuwaas oo aan ciqaab ahaan gaarsiisnayn xadka toogashada.
Waxaa kaloo sida sharci islaamkuba qabo ay maxkamaddu samaysaa xukunka qisaasta oo qofkii qof dila ay toogataa taasina waa sida kaliya ee dadku ku kala nabad gali karo dhiigiisana lagu badbaadin karo.
Laakiin waxaad moodaa in  wali ay naga maqan tahay la xisaabtankii ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM, haddii lala xisaabtamana micneheedu maahan inay dalka ka baxayaan laakiin waxaa noo badbaadaya shacabkeena waxayna ogaanayaan in lagula xisaabtamaayo hadday qof Soomaaliyeed micno daro ku dilaan?
Haddiise AMISOM ay aragto in shacabku uusan lahayn dowladda ka dambaysa oo damqanaysa sidee ku sugnaa inay dilka naga daayaan?
Sanadkii 2007 oo ahayd markay yimaadeen ciidamada Uganda oo ahaa qaybtii ugu horeysay AMISOM ayaa maalin ayaga oo maraya xamarweyne waxaa lagu tuuray Bam waliba wuxuu bamkaasi soo gaarsiiyay dhimasho 5 askari oo ciidamadooda ah saas oo ay tahay dadkii meesha ka dhawaa wax xabado kuma aysan ridin oo markaas magaalada waa cusbaayeen oo waxay is lahaayeen la xisaabtan ayaan jira laakiin hadda haddii xataa xabad lagu rido waxay marayaan inay inta xaafadaha galaan dad shacab ah laayaa sidii markaba ka dhacday.

Maxaa diidan in dowladdu Baaritaan samayso
Mudooyinkii ugu dambeeyay oo ay soo badanayeen dilalka shacabka Soomaayeed waxaa sidoo kale sii badanayay aamusnaanta madaxda dalka iyo ka gaabsashada inay ka hadlaan falalka ay ku kacayaan AMISOM taas oo ceeb iyo fool xumo ku ah waxaase laga rabay inay isma markii falku dhacaba ay ku dhawaacdo inay baaritaan samaynayso ayna guddi u saarto si ay uso xaqiijiyaan tirade dadka la dilay iyo waxa ay yihiin ee maahan in ay AMISOM warbixin ka sugto anagoo waliba og in warbixinta AMISOM soo saarayso ay tahay waxaan dilna Alshabaab nasoo weeraray oo halkaas ay uga harto.
Haddii markaa inta dowladdu karti iska raadiso oo ay baaritaan samayso soona ogaato in dadka la dilay shacab yihiin waxaa kaliya oo AMISOM la xisaabtan ugu filan inay saxaafadda usoo bandhigto ayna u sheegto in dad shacab ah micno la’aan AMISOM u laysay taas waxay yarayn lahayd in dad masaakiin ah lagu fududaado waxaana la ogaan lahaa in ay jirto la xisaabtan iyo dabagal, laakiin haddaan intaas yar ee aan dhibkaba lahayn samayn wayno waxaan maalin kastaba xabaalaha gayn doonaa dadkeenii aan jeclayn.
Hay’adaha Xuquuq insaanka iyo AMISOM miyaa Walaalo ah?
Hay’adaha xuquuqul insaanka ka shaqeeya ee caalamiga ah oo diiradda saari jiray xad gudubyada dalka ka dhaca soona bandhigi jiray gafafka loo gaysto dadka nugul aan qofna ka gamban jirin hadda sidaas maahan oo AMISOM uma jeedaan ma ogi hadday shaqada fasax uga maqan yihiin oo intay fasaxa ku jireen dulmigu dhacay.
Waxaa jiray in warbixino dhawr jeer o hore ay soo saareen dadka ka shaqeeya hay’adahaasi lagu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo dad dilay oona la toogtay ay ahayd dulmi beena lagu toogtay.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay yaa mudnaanta leh in hay’adahaas ay diiradda saaraan?
Ma badbaadinta askarta dambiyada galay mise shacabka masaakiinta ah?

Gunaanad
Waxaan rabaa inaan qormadayda ku saabsan arintaan murugta leh ee dadkeena lagula kacayo in ay dowladdu xil iska saarto sidii ay uga shaqayn lahayd badbaadinta dadka shacabka ah ayna la xisaabtan la samayso ciidameeda iyo martida u ah ee AMISOM waxaan sidoo kale jeclaan lahaa ururada xuquuqul insaanku inay indhaha kala furan oo ay arkaan dulmiga lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed waliba kuwa nugul ee haweenka iyo caruurta ay ku jiraan.
W/Q: Mohamed Taako

Sunday, August 2, 2015

DOORASHAAN SUGAYNAYE DIB U DHAC MA FILAYN



 Kadib doorashii madaxweyne Xasan sheekh ee Sanadkii 2012 iyo ka bixitaankii Kumeel gaarnimada waxaan uga fadhinay dowladda uu hor kacayo Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka gaarsiiyo federal dhammaystiran dad isku uur fiyow iyo Soomaali oo qaxootinimada iyo baahida soo afjarta laakiin taas badalkeeda majaha ayaan la galnay dhiiqadii busaaradda, federaalkana heerkii aan ka filaynay waa uu gaari waayay oo waxaan ka dhammaan waynay isku qabsiga xuduudaha maamulada iyo hunguri ka raadinta madaxtinimo, qaxootinimaduna inay sii badato mooyee wax naya yaraaday ma jiraan.
Madaxweyne Xasan waxuu sheegtay in dowladdiisu ku guulaystay in meel gabangabo ah uu marayo federaalkii oo illaa sadex maamul goboleed uu samaysankiisa gacan ka gaystay uuna dhiman yahay oo kaliya hal maamul goboleed oo loo samayn doono labada gobo lee Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Laakiin markaan taas dib raacno xaaladihii ay soo mareen maamulada hadda jirana aan gadaal u raacno waxaa noosoo baxaysa in Dowladda Soomaaliya aysan wax gacan ah ku lahayn in ay samaysmaan Laba maamul goboleed oo ka mid ah Sadexda maamul ee ay dowladdu ku faanto inay samaysay ayadu.
Labadaas maamul waa maamulada kala ah Maamulka jubbaland iyo kan koofur galbeed Soomaaliya. Kuwaas oo samaysmay intii uu madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh duruufaha samaysankooduba hakala duwanaadee.
Maamulka Jubba waxaa uu ku samaysmay dadaalka dowladda Kenya iyo Xusul duubkii Axmed Madoobe oo sidaan wada ogsoonahay Kismaayo waxaa maalin qura is doortay dhawr madaxweyne oo ay ugu tun waynaayeen Ahmed Madoobe iyo Barre Hiiraale taasina waxay markii dambe keentay in maamulka magaalada iyo gacan ku hayntiisa uu gaaro gacan kahadal ,dagaal  iyo faramaroojin sidaasna looga saaray madaxweynayaashii kale uuna Axmed Madoobe noqday ninka kaliya ee ka taliya Kismaayo ayna u rumoyday riyadiisii ahayd “madaxweyne ma idhaha”.
Intaas kadib waxay dowladda Soomaaliya sheegtay in waxa kismaayo ka dhacay aysan ahayn doorasho wixii kasoo baxayna aysan aqoonsanayn laakiin hadaladaas waxaa ku gacan sayray Axmed Madoobe asagoo sheegay in aysan jirin cid asaga uga xaq badan in ay madaxweyne ka noqoto Jubbaland sababtoo ah wuxuu usoo galay halgan iyo dagaal dheer.
Dhexdhexaadin ay samaysay dowladda Etoobiya waxay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiiro dowladda ka socday oo uu horkacayay Faarax Cabdulqaadir ugu yeertay magaalada Adisababa waxaana dowladda laga dhaadhiciyay inay aqoonsato maamulka Jubbaland ayadoo qodobo aan wax dabagal ah lagu samayn natiijana aysan kasoo bixin lagu soo kala saxiixsay heshiiskaas.
Dowladdu waxay ayaduna mar kale isku dayday inay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe dhexdhexaadiso laakiin taas waa suurta gali wayday oo Axmed Madoobe ma doonayn in lagu qabsado madaxweynenimadiisa wax tanaasul ahna taas waa ka samayn waayay.
Si taas la mid ah waxaa Baydhabo ka dhacay doorasho uu ku guleystay Shariif Xasan Sheekh aadan oo noqday madaxweynaha Koofur galbeed, intii doorashadaas aysan qabsoomin waxaa jirtay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in shirka Baydhabo ka socda la joojiyo mudda asbuucyo ah laakiin intii lagu jiray mudadii la yiri shirka hala joojiyo ayaa madaxweyne shariif Xasan lagu doortay.
Maadaama xilli shirkaas xannibaad ay saaran tahay doorashada la qabtay waxaa sharci ahayd in wixii kasoo baxana dowladdu ay u aqoonsato wax kama jiraan laakiin dowladda oo xilligaas u muuqatay in ay ku tartamayaan aqoonsiga shariif Xasan waxay isla markiiba waxaa ku dhawaaqay in ay aqoonsadeen Maamulka koofur galbeed Soomaaliya wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo federaalka mudane Goodax, waxaana degdegtaas dowladda ee aqoonsiga Koofur galbeedloo xilligaas lagu micnaynayay khilaafkii ka dhexeeyay Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarihii hore ee Cabdiweli Sheekh.
Dowladda oo labadaas maamul aan ku lahayn wax gacan la sheegi karo ah inay samaysmaan waxay maanta shirarka caalamiga ah waxay ka sheegtaa in ay lahayd gacanta ugu wayn iyo sababta maamuladaas ay ku samaysmeen.
Mar haddi dowladdu seegtay in ay saaxiibo ku yeelato mamuladda Jubbaland iyo Koofur galbeed waxay billawday dadaalka samaynta maamulka Galmudug oo ay hiil iyo hoo la garab istaagtay kuna bixisay lacag iyo dadaal aad u fara badan taas oo ka dhigtay magaalada cadaado meel ay ka muuqato tartan iyo olole siyaasadeed oo heer sare ah, Wax kastaba haku qaadatee waxaa madaxweyne ka noqday Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah saaxiibka Madaxweynaha.
Dadaaladaas waxaa barbar socday in wasaaradda Arimada gudaha ay soo xushay guddigii doorashooyinka qaranka oo ay ahayd in ay  qabanqaabo u galaan sidii doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga dhici lahayd gudigaas oo ka koobnaa sagaal qof ayaa bulshadu shaki badan ka muujinaysay iyo inaan lagu soo xulin aqoon iyo karti laakiin lagu soo xulay arimo kale dood badana ay ka taagnayd.
Ayadoo awalba guddiga lala soo daahay oo waqti ku filan uusan haysan ayaa markii ay guddoomiye u doorteen Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (xaliimo yareey) ayaa waxaa noo xigay in doorasho qof iyo codkiis ah aysan dhici Karin laakiin qaab kale ay doorashu u dhici doonto.
Hadaba ma guddigaan ayaa shaqadooda ka adkayn mise waxaa jira xagal daacin kale?
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nabar aad filaysay naxdin malen taas waxaan kala jeedaa dowladdu markay sheegtay in doorasho qof iyo cod ah dhacayso waxaa lays waydiiyay sidee suura gal ku tahay arintaasi waxaa kaloo iska caddaa in aysan doorasho dhici Karin markii dowladdu ay sheegtayna waxay noqotay awalba waan filaynay in aysan doorasho idinka soo socon.
Aan is waydiino ee baaqashada doorashada yay dani ugu jirtaa?
Xisbiyadda dalka ee aan wali sharciyad ka helin baarlamaanka Soomaaliyeed waxay aad uga nexeen arinta ah in  doorasho qof iyo codkiis ah aysan dhici Karin maxaa yeelay rajada kaliya ee ay lahaayeen waxay ahayd in codka shacabka ay kula tartamaan axsaabta kale laakiin markii la yiraah baarlamaan ama dad lasoo xulay ha codeeyaan waxay arintu noqon doontaa “ninkii lacag badan ayaan la dooran doonaa” laakiin shacab hadduu fursad uu ku codeeyo heli lahaa waxaa meeshaasna kasoo bixi lahaa qofka ayagu ay rabaan.
Mar haday baaqatay doorashii dowladdu ay horey u sheegtay inay qaban doonto waa inaan ayada uun ka sugnaa hadana qofka ay la dooran doono maxaa yeelay fursadda kaliya ee lagu tartami karo ayaa ahayd shacab codeeya oo rajana laga qabay in musuqu sidaas ku yaraan karo.
Waxaa haddaba la filayaa inay dhacdo arrin la mid ah tii hore ee shacabku saadaaliyay ee ahayd inaysan dhici doonin doorasho qof iyo codkiis ah, haddana waxaa daashaatu tahay in madaxdeena hadda xilka noo haysaa ay noosoo laabato maadaama ay yihiin dadka hadda dhariga dabka u saran yahay.
W/Q: Mohamed Deik Taako

Sunday, May 24, 2015

FEDERAALKU DALKA MA DIFAACI KARAA?

Bulshada Soomaaliyeed waa dad ood wadaag ah, waa dad isku ah arxan iyo xigto waa dad wadaaga dhaqan iyo dhalmo waana dad uu ka dhexeeyo dal iyo dad.
 waxaa sidoo kale dhaqan Soomaaliyeed ah waligeedna soo jireen ahayd in ruuxii ka tagaa deegaan uu daganyahay safarna ku taga meel uusan deegaan ahaan kasoo jeedin ama uusan ku dhalan amaba u dhalan in loo marti qaadi jiray si heer sareysa ayadoo laga fiirinayo Soomaalinimada, ma dhicin haday dhacdayna ma ahan wax soo laalaabtay in ruux musaafir ah lagu diro wado cad ayadoo dhalmadiisa dambe loo eegayo.
Haddaba arintaas waxaa ka daba yimid oo raacdo ama sal guurin ku haya siyaasadda Soomaalidu ku wareertay, caqabadda dowladdu ay heer ka gaari la’dahay, kor u qaadaha guddoomiye goboleedyada iyo xumeeyaha xiriirka u dhexeeya Soomaalida waa siyaasadda federaalka.
Federaalka sida uu yahay markii loo fiiriyo waa in midaamka dowladda la soo daadajiyo ama la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa ayna ku suurta gali karto in dadka loo adeego.
Qofka jooga magaalada baraawe uma sahlana inuu maxkamad ama adeeg kale usoo doonto magaalada Muqdisho hadaba markii uu shaqaynayo maamulka federaalka waxaa deegaankaas oo kale la gaynayaa adeegii bulshada si dadkaas meeshooda iyo degaanka ay dagan yihiin loogu adeego.
Laakiin federaalka dalkeena Soomaaliya laga hir galiyay ma yahay mid arintaas loogu tala galay?
Ma u adeegaa dadka mise waxaa looga dan leeyahay inuu kala gooyo ama kala qoqobo dalkeena Soomaaliyeed iyo dadkeena.
Waxaa jiray sheeko looga sheekeeyo ilmaha yar yar taas oo loogu tala galay in la xoojiyo isku duubnaanta caruurta walaalaha ah sheekadaas waxay ku billaabanaysaa,
waxaa jiray sadex sacaad oo lo’ ah kuwaas oo ku noolaa duurka waxay lahaayeen awood iyo isku tiirsanaan  ay isaga celiyaan bahaladii ay la noolaayeen oo mar kasta rabay inay cunaan, markii dambe waxaa dhacday in loo kala sheekeeyay oona la yiri sac madoobe waa idin khayaanaa markay ka lug furteenaa gooni loo cunay haddana midkii ganuudnaa ayaa gooni loo cunay, maalintii ugu dambeysay oo saccii caddaa ee ugu dambeeyay la cunayay ayaa waxaa u yiri oraah caan baxday oo ahayd “aniga maanta la ima cunin ee waxaa la I cunay maalintii sac madoobe la cunay”  wuxuuna kala jeeday haddii aan sacaas layga cuni lahayn maanta waan is kaashan lahayn.  
Waxaa jirta oraah heer caalami ah oo ah “qaybi oo xukun” taas waxay tahay sheekadaan oo kale laakiin waxaa ay ugu baddalan tahay waxaa loo isticmaalaa uun siyaasadda, marka waxaad u malaysaa in federaalka ka jira Soomaaliya uu yahay qaybi oo xukkun.
Dhaqanka ma u dhalatay
Deegaanada soomaaliyeed ee ay ka arimiyaan maamul goboleedyada waxaa ka jira arin la yiraah ma u dhalatay oo looga gol-leeyahay in qofkii deegaankaas wax usoo doonta aana ka mid ahayn dadka deegaanka aan wax qayb ah la siin taas oo mar kasta keenaysa in qof walba deegaanka uu u dhashay hayb ahaan uu wax ha heli karo.
Hadaba arintaan ma u dhalatay waxaa ay keenaysaa in qofka Soomaaliyeed ee kartida u leh inuu wax qabto uusan meel kasta wax ka qaban Karin ilaa deegaankiisa maahane.
Arintaas waxaa ka dhalan karta marka qof Soomaaliyeed uu dareemo in deegaan ka mid ah dalka loogu diido hayb ahaan ama deegaankaan uma dhalan ay hadhow keeni karto in qofkaas uusan deegaankaas tirsan oo haddii wax kasta ay ka dhacaan uusan u gurman asagoo dareemaya lehaan shiyo la’aan iyo in uusan deegaankaas wax ku lahayn.
Haddaba aan tusaale usoo qaadano haddii maamul ka mid ah kuwa hoos yimaada dowladda Soomaaliya ay dad kale oo Soomaaliyeed u diidaan deegaankaas waqti kadin haddii deegaankaas uu soo weeraro cadaw ama dowladaha deriska ah ma jiro qof horey loo xumeeyay oo usoo gurman doona deegaankaas maxaa yeelay maba ku jirto niyadiisa in dhulkaas uu wax ku leeyahay laakiin taas badalkeeda waxaaba niyadda uu iska leeyahay in si fiican loo weeraro ayaa fiican.
Cayaarta federaalka ah
Nin aan saaxiibo nahay ayaa ii sheegay sheeko dhex martay asaga iyo oday wax ka fahamsansaa federaalka Soomaaliya, sheekadaas waxa ay ku billaabatay:-
Cabdi: adeer Soomaaliya waxaa ka jira maamullo federaal ah oo aad arkayso  inay is barbar yaacayaan dowladdii dhexana ay isku awood yihiin kawaran arintaas.
Odaygii: adeer ciyaalku marka ay yaryar yihiin haddii odayga iyo habartu ka tagaan waxay sameeyaan in dhexdooda qaarkood ay noqdaa ama iska dhigaan aabe iyo hooyo ciyaartaas oo ilmuhu u yaqaanaan hooyo hooyeey ama aabe aabeey, taas mid la mid ah annagana waxaa naga burburay dowladdii dhexe oo wadanka ka talinaysay illaa haddana wax awood fiican leh ma hayno sidaas darteed qabiiladii ayaa waxay dheel dheelayaan dowlad dowlad si la mid ah caruur waalidkood ka maqan yahay.
Hadaba aqristoow deegaan Soomaaliyeed oo aan ognahay inta uu la egyahay cadawgiisu ma yahay mid lagu difaaci karo hooya hooyeey ama qabiil iska daafici kara miyaa jira dowladda kusoo duushay?
Taas jawaab teedu waa maya hadaba si cadawgeena aan isaga dhicino aan midowna iskana dayno hooyo hooyeey iskuna kaashano si la mid ah sida cadawgeenu uu isku soo kaashaday mar kastana uu u rabo in aan ahaano wadan burbursan.
Waxaan kaloo Soomaali dhammaanteed iyo qof kasta oo wadaniyad ku jirto rabaa inaan xasuusiyo wax aan ku waynay isku duubni iyo walaaltinimo in aanan federal iyo tafaraaruq ku helayn sidaas darteed aan muujino isku duubni iyo iskaashi walaaltinimo leh.
Ani mar kasta ma taageersani federal qaabka uu ku socdo iyo sida loo adeegsanayo dhawr jeerna wax waan ka qoray laakiin kii ugu dambeeyay waxaan ciwaan uga dhigay Xaydaabka federaalismka
W/Q Mohamed Deik Tako
http://deik-taako.blogspot.com/


Saturday, May 23, 2015

MAAMULKA JUBBA IYO BAARLAMAANKIISA YA GAFKA HOR GALAY?

Sidaan wada ogsoonahay May, 2013 waxaa magaalada kismaayo lagu unkay maamul loogu magac daray maamulka Jubbaland, maalintaas waxaa meesha fadhiyay 500 oo ergo ah oo ka kala yimid beelaha kala duwan ee dagan deegaanada maamulkaas uu rabo inuu ka taliyo.
Ergadaas waxay si aqlabiyad leh codka ku siiyeen Axmed Madoobe arintaasina markay dhacday waxaa shirar kale isla magaalada ku qabtay siyaasiyiin kala duwan kuwaas waxaa ka mid ahaa Barre Hiiraale iyo kuwa kale, mid kastaana dad uu asagu watay ayaa cod u qaaday doorashana u sameeyay.
Waxaa isla maalintaas madaxweyne kastaa uu isku caleema saaray magaalada Kismaayo waxaana qasmay ammaanka magaalada maadaama ay ku sugnaayeen dhawr madaxweyne oo is diidan mid walibana uu han uga jiray inuu magaalada u haro.
wixii intaas ka dambeeyayna waxaa magaalada ka billawday isku diyaarinta dagaal iyo in madaxweyne kastaa uu billaabay aruursiga ciidan iyo inuu magaalada ka saaro wuxuu asaga kasoo hara.
Maalmo yar kadib oo ay magaalada ka jirtay ciidamo, hub iyo tabar aruursiba waxaa billowday dagaalkii la filayay oo awalba saansaantiisu ay muuqatay dagaalkaas waxaa meesha uga baxay Barre hiiraale iyo intii kale ee madaxweyneyaal ahaa waxaana goobta kusoo haray Axmed Madoobe.
Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa uu Axmed madoobe billaabay kulamo uu dalalka Kenya iyo Ethiopia kula soo qaadanayay madax wadamadaas ka tirsan ugu dambeyna shirarkaas waxaa kasoo baxay in magaalada Adisababa uu heshiis ku dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.
Heshiiskaas u dhexeeya Dowladda iyo maamulka Jubba wuxuu dhacay Augusto 29-keeda 2014-ka, Dowladda Soomaaliya heshiiskaas  u saxiixay Faarax Sheekh C.qadir Maamulka Jubba asna waxaa u saxiisay Madaxweynehooda Axmed Madoobe.
Heshiiskaas qodobadii kujiray waxaa ka mid ahaa in Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha lagu wareejiyo Dowlada Soomaaliya lix bil kadib, lacagta kasoo xarootana wax loogu qabto Jubba, waxaa kaloo heshiiska ka mid ahaa in ciidamada nidaamkaas la hoos keeno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Hadaba heshiiskaas oo la gaaray waqtigii dekedda la wareejin lahaa waxba kama suurtoobin ciimadana wali waxay hoos tagaan Jubba hadaba haddii qodobadii aysan hir galin maxaa tillaabo dowladda la gudboon?
Maxaase dowladdu ay u daba gali la’dahay qodobadaas?
Heshiiskaas bulshada soomaaliyeed waxay u arkaysay mid aan rabitaan dowladeed ku imaan ee uu yahay cadaadis Ethiopia ay dowladda kusaaraysay inay la heshiiso Axmed madoobe maamulkaasna ay aqoonsadaan.
Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday in wasiiro iyo madax dowladda ka socotay oo Kismaayo u tagay in wada hadal la sameeyaan Axmed madoobe oo xaalada ay soo indha-indheeyaan lagu hakiyay garoonka Kismaayo ayadoo xataa wararka qaar ay lahaayeen waa la xiray kadibna ay magaalada Muqdisho dib ugu oo laabteen
Waxaa sidoo kale soo baxayay in dowladda gabi ahaanba aysan raali ka ahayn maamulka Jubba sidoo kalena waxaa si hoose loo hadal hayay in Barre hiiraale uu dowladda ka helay hub uuna rabay inuu dib ugu laabto magaalada Kisyaamo taasoo keeni lahayn in maalmula Jubba uu galo shaki magaaladuna ay noqon lahayd meel dagaal laakiis taas badalkeeda Barre hiiraale uma suuroobin inuu Kismaayo dib u galo.
Intaas wixii ka dambeeyay maamulka Jubba waxa uu noqday mid illaa xad caga dhigta shaqadiisana si caadi ah u wata in kastoo deegaanadiisa qaar ay wali gacantooda ka maqanyihiin oo ay ka taliyaan Alshabaab.
Muddo markii maamulku uu shaqaynayay waxaa la gaaray xilligii lagu dhawaaqi lahaa ama la samayn lahaa Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba billowgii 2015 ayaa shir la isugu yimid kismaayo si odayaashu ay uga tashadaan samaynta baarlamaankaas iyo sidoo loosoo xuli lahaa
March, 2015 waxaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada kismaayo wasiirka Arimaha gudama iyo federalka C/raxmaan odawaa kaas oo furay xafladda lagu soo xulayay baarlamaanka Jubba sidoo kale waxaa la socday wasiiro iyo xubno dowladda ka tirsan.
Hadaba markii la guda galay soo xulista baarlamaanka waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaanaysay dadka dega gobolada qaar sida kuwa dega gobolka gedo laakiin cabashadaas waa la iska indha tiray xaajaduna waxay u muuqatay “fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” yeel ama ha yeelin waa lagu yeelsiin.
Waxaa April 15, 2015 si rasmi ah loogu dhawaaqay Xildhibaanada Baarlamanka  Jubba ayadoo la sheegay in lasoo dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Markaas wixii ka dambeeyay waxaa billowday hadalada warbaahinta laga sheegayo kuwaas oo inta badan lagu dhaliilayay baarlamaankaas iyo qaabkii uu ku samaysmay waxaadna ugu dambeyn ay noqotay in Baarlaamka laga geeyo mooshin kaas markii laga doodayay dhaliyay muran u dhexeeya Xubnaha Baarlamaanka.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay haddii markii hore maamulka Jubba uu ahaan lahaa wada tashi iyo go’aan dowladda ka yimid mid ku dhashay maanta ma dhici lahayd in dood laga keeno baarlamaankiisa?
Haddiise markii maamulkaas uu ku samaysmay qaabka aan wada ognahay tallaabo laga qaadi lahaa ama mooshin laga keeni lahaa maanta muran kama taagnaadeen Barlamaan.
Soomaali waxay ku maahmaahdaa “baroorti orgiga ka wayn” ee mooshinka baarlamaanka ee Jubba ma mid lagu saxayo qaladkii la galay mise waa mid dano kale ka dambeeyaan.

W/Q: Mohamed Deik Tako

Blogg: http://deik-taako.blogspot.com/

Monday, April 6, 2015

FAALLO: XAQ AADAN LAHAYN HA U XUSUL DUUBIN

Waxaa dadku hogaansamaan haddii la helo hogaan lagu qanacsan yahay sharci aan loo kala sarayn, caddaalad loo siman yahay iyo xukun aan masaakiinta kaliya ku dhicin, taas oo Soomaaliya ay ugu dambeysay markii aan dowladeenii anagu gamceheenii ku duminay.
Xilligaas wixii ka dambeeyay dalku wuxuu noqday jaantaa rogan oo ruux waliba wuxuu rabo ayuu fali jiray, sharciga kaliya oo lagu kala baxaana waxaa uu ahaa oday dhaqameed dantiisa kaliya uun fiirsada, mana dhacdin in ruux tabar yar uu caddaalad helo si uu ku waayaba.
Taas markay dhacday waxaa meesha ka baxay sidoo kale kaalintii shacabku ku lahaa dowladda, gabi ahaanba waxaa is taagay ka qayb qaadashii hantiyeed ee dadwaynaha looga baahnaa si adeega bulshadu uu u shaqeeyo dadkana wax loogu qabto ayadoo aan ogsoonahay in lacagaha adeegyada dowladda lagu bixin jiray oo bilaashka ah ay ahayd wax dadka laga qaadi jiray ee dowladdu kaligeed aysan jeebkeeda ka keeni jirin.
Markii aad milicsato magaalada Muqdisho ma jiro hal ruux oo shaqaale ah oo dhiiba lacagtii canshuurta ahayd oo haddii uu dhiibi lahaa laga yaabi lahaa qoyskiisu inuu helo waxbarasho, caafimaad, waddooyin dhisan iyo biyo nadiif ah oo walibana lacag la’aan ah, laakiin haddii bulshadii laga waayay inay wax dhiibtaan wax loogu qabto maxaaba loo qaban karaa?
Soomaali waxay ku maahmaahdaa “quraanyo (quraanjo) aruurtay bulac waa jiidaa” markii maahmaahdaas laga hadlaayo waa dhiiri galin looga gol leeyahay in isku tagga lagu qaban karo wax aan waligeed kali kali lagu qabteen.
Waxaas qiyaastaa haddii qof walba oo Soomaali ah oo shaqaysta uu bil walba dhiibo $10 tusaale ahaan imisa ayay noqonaysaa lacagtaas? Waxaan shaki ku jirin in lacagtaas ay kaafin karto dhammaan mushaarka macalimiinta wax barta ardayda Soomaaliyeed oo waliba wax kale inta kasoo haraan hawlo kale lagu qaban kari lahaa, haddii intaas ka badan la isku qorana waxaan awoodnaa inaan baxsano inta badan miisaaniyadda dowladeed laakiin qof walba inta aruuriyo ayuu aduunka uga tagayaa.
Waxa kaliya oo jira oo hadda la canshuuraa waa dukaanada ganacsiga oo ayaguna aan si fiican u dhiibine musuqmaasuq iyo cabdi lacagaha u dhiiba iyo baabuureyda oo ayaganu wax dhiiba laakiin taasi kuma filna in lagu qabto walibana lama hubo inay gacanta dowladda si toos ah u gasho.
Ayadoo xaaladdu saas tahay oo aysan jirin dad shacab ah canshuur dhiiba ayaa hadana markii la isku soo hadal qaato adeeggii bulshada ee bilaashka ahaan jiray ayaad arkaysaa in la leeyahay dowladdaan ma rabto inay dadkeeda wax u qabato oo adeeg meeshay qaban lahayd siyaad kaliya ayay ku mashquulsan tahay, hadaba haddii dadku ku mashquuleen qabyaalad maxaa diidaya dowladduna inay siyaasadda dibadda ku mashquusho?
Hadaba sababa ay dowladdu la qaban la’dahay adeegii dadka waxaa ugu wayn waa gacantii dadka oo meesha ka maqan, illeen haddaan dowladda la taakulayn wax ma qaban kartee tan kale oo shacabku dowladda ku tabaayo waa lacagaha dowladaha shisheeye ay siiyaan oo ayaguna ah wax xisaabsan oo aan dhaafsiisneyn mushaar iyo socodsiinta hawlaha dowladda waaba haddii ay usoo gaarto sidii loogu ballan qaadaye.
Markii eedaymahana shacabku dowladda ay u jeedinayaan aan arkay oo waliba fikir ahaantayda iila muuqda kuwa qaladkooda aysan dowladda kaliya aysan lahayne lawada leeyahay ayaa waxaa igu soo dhacay qormadaan ah “waxaadan xaq u lahayn ha u xusul duubin” oo aan kala jeeday qof aan xaqqii asaga lagu lahaa aan bixin me jiri karto waji ee xaq u yeelanayo tan kale dowladda adeega ay qabanayso meel cidlo ah kama imaan ee waa waxaaga wax halaguugu qabto.

Gunaanad

Waxaan rabaa inaan qormadaan kusoo koobo waano ku socota dadka soomaaliyeed sida ay u dhanyihiin waanadaas waxay tahay haday dhib idinku tahay dhiibista xaqii la idinku lahaa oo ah canshuurta wadanka si adinkana wax la idinkugu qabto yaan la raadin wax aan idinka maqnayn, arintaasi waxay isoo xasuusiyay maahmaah ah “ama afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw” marka qof walba asagaa laga rabaa tii u fiican qof aan wax dhiibina ha ogaado inaysan u furnayn inuu dodo ama dad eedeeyo.

Friday, April 3, 2015

ASKARTA ARADANI EED MALEH


Burburkii ku dhacay Soomaaliya kaliya ma saamayn dhismayaasha dowladda iyo laamiyada laakiin waxaa kaloo uu saamayn ballaaran ku yeeshay dhisma jireedka iyo tan maskaxeed ee bulsha weynta Soomaaliyeed .
Ciidamadii uu dalku lahaa waxay isku badaleen kuwa qabiil oo askari walbaa wuxuu galay meeshii uu islahaa naftaada ayaa ku badbaadaysa oo wuxuu daacad u noqday qabqable dagaal iyo oday dhaqameed isku ra’yi ah oo ka turjumaya beeshooda, ciidamaas ma aysan lahayn mushaar la siiyo iyo gunno toona laakiin waxay ku faraxsanaayeen inay isbaaro dhigtaan oo lacag fiican ay kasoo gali jirtay.
Sidoo kale ciidamadaasi ma ahayn kuwa looga fakaro sida kuwii Dowladdii kacaanka oo kale oo laga ilaalin jiray muqaadaraadka iyo daroogada ee waa kuwa xoog kaliya laga rabay oo raadkooda dambe aysan wax dana ka lahayn kuway u adeegayeen.
Intii lagu jiray 20 kii sano ee ugu dambeysay waxaa ciidanimada qaabab kala duwan uga baxay in badan oo ka mid ah kuwii ka haray dowladdii hore taas badalkeedana waxaa kusoo biiray dhallinyaro fara badan oo aan wax tababar ah la siin aan ka ahayn sida xabadda loo rido.
Dhaqanka ciidamadaas intooda badan waa mooryaanimo, wax dhacow, dil iyo kala dambayn la’aan ma jirto cid soo bartay sida ciidamadu u kala amar qaataan iyo talis midna laakiin waxa ay lahaayeen waxay tahay oo kaliya nin dagaal galiya markii colaadi jirto iyo mid sidoo kale isbaarada u maalula
Dowladdu waxay diiwaan galin iyo qaramayn ku samaysay ciidamadii qabiilku lahaayeen ayadoo dhaqan celin aan badnayn loo sameeyay kadibna la hubeeyay loona dhiibay amnigii dalka.
Sidaan wada ogsoonahay ciidamaas waxay ku shaqeeyaan xaalad adag mushaar yari tababar la’aan dhiiri galin la’aan iyo duruufo kale laakiin saas oo ay tahay waxay diyaar u yihiin inay wax qabtaan tabartooduba ha iska yaraatee, laakiin markii dhibaato dhacdo waxaa eed iyo fadeexayn dusha looga tuuraa ciidamadaas awalba daalanaa ayadoo aan loo fiirinayn inay tabari meesha dhigtay iyo inay ayagu ka gaabiyeen.

Eedaymaha loo jeediyo ciidamada Baliiska
Eedaymaha dadka dhacabka ah iyo dowladduba u jeediyaan Ciidamada wadooyinka ilaalada ka haya lana xariira sugidda amaanka oo la leeyahay inay qabtaan ayay ahayd laakiin waa ka gaabiyeen waxaa ka mid ah.
1.     Xilliga ay gaadiidka baarayaan gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda ma baaraan oo waa ka gudbaan wax fal ahna kama muujiyaan taasna waa mid ka mid ah sababa loo sugi la’yahay amaanka magaalada oo qof kasta oo qori wataa maahan ciidan dowladeed baliiskii kala saari lahaana kuma baraarugsana waana eed ay ayagu leeyihiin.
2.     Ciidamadu markay samaynayaan baaritaanka haba ugu badnaato xilliyada habeenkii waxay baabuurta waydiistaan lacag taas oo ah laaluush oo keeni karta in ciidanku uu lacag kaliya dadka ka qaato oo uusan wax ammaan ah ka shaqayn qofkii lacag siiyaa wuxuu raba ha ahaadee uu sii daayo.
3.     Waa rag jaad cuna oo xilliga jaadku soo dhaco wixii ka dambeeya hawl fiican ma qabtaan waxayna u fariistaan jaad cunow meeshii laga rabay inay ammaan sugaan, baabuurtii ay baari lahaayeena indha kaliya ayay ka fiiriyaan oo xataa ma oga wax ku dhex jira, waxaaba dhib ku ah inay istaagaan marka masuuliyaddii loo dhiibay waa dayaceen.
Hadaba eedaymahaas waa kuwa dadku isla dhex maraan ayna ku sheekeystaan xilli kasta oo wax dhacaan iyo mar kasta oo ammaan wax la xariira laysku soo hadal qaado, laakiin waxaa yar dadka u garaabaya ciidanka oo fahansan in sababahaan ay yihiin wax duruufi keentay.
Hadaba markaad aragto qof wax bi’inaya waxaa jira sababo gadaal ka riixaya inuu waxaas haleeyo sidaas darteed ciidamadeena eedaysan waxaa jira eed kale oo ayaguba ay tirsanayaan oo haddaan laga xallin ay ayaguna sidaan sii ahaanayaan hadaysanba kasii liidan.
Dhibaatooyinka Askarta wadooyinka taagan ay qabaan iyo guud ahaan ciidamada waxaa ka mid ah:
1.     Inta badan waxaa taagan isgoysyada magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyaan kuwa wadada Maka-almukaramah ciidan aad u tiro yar oo meelaha qaarkood aad ku arkayso 2 ilaa 3 askari oo taagan oo xataa inay wax baaraan iska dhaafe haddii ayaga lasoo weeraro ay adagtahay siday isku difaacaan,
Ciidan tiro intaas la eg leh oo xataa hubka ay haystaa uu yahay qori AK-47 ah siday ku istaajiyaan ama ku baaraan gaari hubaysan oo ay saaranyihiin 6 nin oo hubaysan markay ugu yaraadaan.
Waxaa mararka qaar dhacda ciidamadu markay cusub yihiin inay isku dayaan inay baabuurtaas oo kale baaraan laakiin markay dhawr jeer halis galaan oo ayaga xataa qori lagu taago waxay ugu dambeyn go’aansadaan inay iska dhaafaan maadaama aysan awood u helayn.
2.     Sidoo kale waxaa yar hadayba jirto xiriirka ka dhexeeya Ciidamada wadooyinka taagan, tusaale ahaan midka taagan isgoyska dabka waxaa laga yaabaa inuusan haysan meel uu kala xariiro askariga kale ee isgoyska Sayidka jooga.
Waxaysan sidoo kale aysan haysan mootooyin ama gaadiid ay uga daba tagaan gaarigii ay ka shakiyaan hadduu ka baxsado ama ka cararo.
3.     Waxaa kaloo ciidanka lagu eedaayaa inay shaxaatamaan oo gacantoodu taagan tahay taas oo ah wax cad oo aan shaki ku jirin laakiin iska soo qaad waxaa tahay askari laamigaas shaqiisu tahay inuu maanta dhan taagan yahay ciriddaas kulul, lacagta aad qaadataana waa $200 markay ugu badnaato waxaa lagaa rabaa masruufka qoyskaada iyo kirada guriga aad ku nooshahay oo ay kuusii dheertahay waxaad cuni lahayd xilliga aad shaqada ku jirto, markaa suura gal makuu tahay inaad lacagtaas isku filnaysiiso waliba aad ku faraxsanaato?
Waxaa hubaal ah markii la fiiriyo xaaladda magaalada Muqdisho in mushaarka uu askarigu qaato uusan la dhaafi Karin 15 bisha waa marka uu dadaalo wixii intaas ka dambeeyana wuxuu ku qasbanyahay inuu xariiftamo ama dadkiisa wax ka dhacsado.
Meeshaasna waxaa ku dayacmaya shaqadiisii oo waxaa Soomaali ku maahmaahdaa “Af wax cunay xishoo” oo ruuxii nacfi uu ku barto wuxuu noqonayaa mid uga soocan bulshada inteeda kale mana jirto sabab uu ku baaro.
4.     Qayilaadda ciidanka iyo laba canlayntooda jaadku waa is maaweelin iyo is hilmaamsiinta xaaladda adag ee ay ku jiraan iyo duruufaha haysta oo noqday lagama gudbaan.
Ruuxa laga yaabo inuu maanta dhan wadada taagnaa ee habeenkiina loogu sii daray shaqana laga rabo inuu qabto bal waxaad sheegtaa qaab uu shaqadaas ku gudan karo oo aan ka ahayn inuu is daroogaysiiyo.
Aragti ahaan ciidanka wadada taagan oo laba nuuc kala ah, odayaal aan jaad cunin kana haray askartii hore iyo dhallin yaro jaadka saaxiib la ah.
Odayaasha waxaa lagu yaqaan waa iska fadhiyaan oo daal ayaa ka muuqda indhaha uun ayay wax ka eegaan halka dhalinyada jaadaysa naftoodu aysan daal la’ayn laakiin waxaad moodaa inay xoogaa kuwa kale dhaamaan.
Duruufahaasi waa kuwa taagan oo aysan jirin cid aan arkin kuna nool Muqdisho ama Soomaaliya waana sababaha la isku eedo oo markay wax dhacaan cidba cid eeddo.

Gunaanad
Waxaan kusoo gunaanadayaa waa in la tix galiyaa oo wax laga qabtaa dufuuraha ciidankaan masaakiinta ah haysta si niyadoodu ay kor ugu kacdo ayna fursad ugu helaan iyo niyad ay wax ku qabtaan.

Waa in laga farxiyaa ayna shaqadooda u arkaan mid xiiso galinaysa oo aysan dareemin inay dayacanyihiin ayna hayaan shaqa tii ugu liidatay.