Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, November 28, 2014

Gabayga "Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?"

 Gabaygaan waxaa la yiraah "Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?" waxaana keenay inaan alifo markii ciidamada Kenya ay duqeymo u geysteen dadka xoolo dhaqatada ah oo ku nool Gobolka Jubbada Dhexe kadibna ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Dadkii duunyada dhaqan jirey  wada duqeeyeene
Beerahana inaad dumisaan seed ku damacdeen?
Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?
Shabaab hadaad dili kartaan dood ma dhalateene
Duurkiinay idinla dagaan kuna dakeeyaane
Maa ka doontaan halkaas damaq ma beermeene
Ducafada Nairobi daganeed waaba dubateene
Dalkooda kuwii joogana maad ku darateen?
Duulaankaas qaawan aniga wayga dagi waayay
Dakanaad naga rabtaan sidaan dareemaayo
Dahab maan idinka haysanaa maa nadaysaan?
*************************************
Madaxda Dowladdaa dayaca noo keenay
Dowrkii laga rabay bada maryeeyeene
Dulmiga shisheeyahay daawaan abide
Doolaalada kenyana wayska daayeene
Dood bilaash ah bay daba wareegaane
Danta guud dollar bay ka doorteene
Intay dirirayaan may daafacaan shacabka?
Daar qurxoon intaad haysatoo diif ka cararyso
Ama Dabaq saarantihiin daahe danihiiye
Diracnimo muujiyoo madaxa soo duubta
Digtoonaada saan waa lagu dulloobaaye
**************************
AMISOM baan hadana baaq u dirayaaye
Dalka markaad soo gasheen Diin xuma timide
Duf ku bexee kufsigaa nooga sii darane
Dadka inaad daalisaan laydinma soo daadin
Dullinimo inaad noogu dartaan daw idin ma’ aha
 Dabool lama saari karo waxuu dumiyay Kenyane
Daab inay nala dhacaan daacidnimo maahan
Duqoshi iyo dadweyn bey hub ku daadsheene
Ari dibaax sidiisey laba dibleeyaane
Mana daahno oo way daabacahayaane
Dowladdaa ku doodee inay daqaro noogaysay
Intaan la dacaroon oo laysku soo didinin
Dabarka ka daaya dadkaan way ku daaleene
***********************************
Doorkii dadkeyga baan u soo dagaye
Adinoo dabar ku jiraad sacab ku deeqdeena
Qabyaalad baa idin dooxday oodku daahdeene
Qalbigaa ku daabcadeenoo waa la daristeene
Waana idinku durugtoo waa ku dawaqdeene
Daacuun inuu ka daranyahaa cidina diidayne
Dibudhac baan ahaan hadaan daalib ku ahaano
Dooxato iyo tuug baad daajisiin ebide
Rag idin diiranayaad dood u qabatiine
Dabaadiga yaree haray aan isku soo duubno
Dabacna isku muujiyoo dirirta soo kooba
Illaa aad isdaysaan cadawgu waydin dagayaaye
Soo dibad boxoo midnimo aanu wada doono
Daaimkaa awood leh dab damiska waydiista.


Waa fikirkii Mohamed Deik taako 
Iyo tala wadaagii Hassan Jama Warsame iyo tifaftirkiisii.

Thursday, November 27, 2014

Jacburka talada qaado

Hadaad hayso xilka
Uma hilid xuddun
Haso dhawaysan xidid
Hana u samayn Xaglin
Dahay dhacdo Xagasho
Xaraan weeye xantu
Iyo wixii abuuri xiisad
Iska yaree xiinka
Kuna hadal xikmad
Hana abuurin xaalad
Adigu doon xalka
Hanaku raadin xoolo
Iska ilaali  xaabsi
Inta samayso xaaluf
Haku noqon xaaji
Dadku maahan xaabo
Ee haku noqon xaasid
Hana samaynin xukun
Asagoon ahayn xalaal
Dadka u noqo xaakim
kaan awoodin xoogsi
iyo Midkii miskiina xifdi
Hadaysan oron xaasha
Waxaad u gali xabsi
Ee adigu noqo xilkas.

Tiriyey Mohamed Deik Tako
waxaana igu dhiiro galiyay Xasan jama warsame

Monday, November 24, 2014

Geeraarka Muranka, Mashxarada iyo micno la'aan u doodka Golaha shacabka

Parlamaanka murankiyo
 Mushaarka uun u joogoow
Mooshinkii xumaayee
Maal aad ka keentaan
Maskaxda ad ku hayseen
Hadduu dhaliyay murankaan
oo aynan midnimo rabin
PM-ka mayska daysaan
Oo madax kale ka keentaan?
********************
Maskax laaweyaal iyo
Magacood ba’ waxaa tihiin
Musiibada maleegoo
Maamul iyo dalnaba too
Dowladnimo macaankeed
Mukulaal ku dhaamine
Intuu qaranka naga dumin
Mowlihiina u laabta
Macduub towbo wada dhaha.
**********************
Micno la’aan murankaan
Mashxaradaan bilaashkaa
Masuulnimo ma ahan taasoo
Matalaadiinii shacabkana
inaad maanta  heestaan
Marna maanan filanayne
Meesha waxaad ujoogtaan
Intaad madaxa galisaan
Macduub towbo wada dhaha.
Bal inu idin masaamaxo.

Figraddii Maxamed Deeq Taako.









Wednesday, November 19, 2014

10 ILBIRIQSI OO SHUMIS AH WAXAY GUDBISAA 80 MILLION OO BAKTEERIYA AH

Baaritaanka la sameeyay ee ka hadlaya shumiska iyo sida uu u gudbiyo bakteeriyada ayaa waxa uu ku bilaabanayaa sidan
Waad shumisaa, waan shumiyaa dhammaanteen waan shuminaa runtuna waxay tahay ma jiraan wax ka jaceyl badan in laba qof ay wadaagaan shumis laakiin run ahaantii ma ka walwalsanahay  shumiska?
Sida lagu sheegay war baaritaankan waxaa la ogaaday bakteeriya badan oo gaaraysa 80 million in laysku gudbiyo 10 ilbiriqsi xilli ah oo lays shimo, hadaba ma joojink karnaa shumiska?
Sida laga soo xigtay Remco Kort iyo kooxdiisa ka socota hay’adda cilmi barista ee netherland ka dhisan ee xogtaan soo saartay jeermiskaan laysugu gudbinaayo shumiska waxaa micneheedu yahay in labada qof ay is weydaarsanayaan jeermiska mid waliba wado.
Biniaadamka wuxuu xambaarsan yahay ama uu wadaa tirilyan bakteeriyo shumiskuna waxaa uu door muhiim ah ka ciyaaraa is dhaafsiga barteeriyadaas faraha badan ayadoo qof walibana ay ku nooshahay bacteeriya kala duwan.
Remco Kort  wuxuu ka yiri baaritaanka qodobadaan soo socda:
“shumiska isku dhaw oo ay is gaarayaan carabadu dheecaanada afkana lays dhaafsanayo waa dabeecad lamaanuhu ay sameeyaan waxayna gooni u tahay biniaadamka waxayna caado ka tahay 90 boqolkiiba dhaqanada dadka”.
“sida caadiga ah, shumiska ay dadku isku dhawyihiin wuxuu qayb muhiim ah ka qaataa fiditaanka bacteeriyadaas ku jirta biniaadamka, in kastoo aqoonteena aysan wali gaarin in la ogaado saamaynta ka dhalan karta bakteeriyadaas laysku gudbinayo iyo inta rasmiga ah ee la egtahay”
“waxaan rabnaa inaan ogaano xadka ay la egtahay bakteeriyada ay lamaanuhu isugu gudbiyaan shumiska iyo waqtiga ay ku gudubto, mar kasta oo shumiska lamaanuhu bato waxaa badanaya is dhaafsiga bakteeriyaa jirkooda ku jirta”
Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in laamanaha wadaaga shumiska dhaw sagaal jeer maalintii iyo wax ka badan waxaa isku dhaw bakteeriyada ku jirta jirkooda, waxay sidoo kale yeelanayaan infakshino isku mid ah waxaana dheef shiidkoodu burburinaa cunto isku mid ah.
Cimi barista waxaa lagu daabacay  joornaalka Microbiome.
Hadaba meeqa jeer ayaad lamaanahaaga dhumisaa maalintii? Hubi in uusan shumiskaagu dhaafin sagaal jeer maalintii
Waxaa cilmi baarintaan lagu daabacay websiteka http://www.elcrema.com/ waxaana idiin turjuma
Mohamed Deik Tako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


Tuesday, November 18, 2014

Waajibkiinu mudaneyaal mooshin ka wayn!

Qormadaan waxaan rabaa inaan uga hadlo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira oo maalmahaan ahaa mid murugsan khilaafkaas oo ayaamahaanba jiray waxaa uu sababay in golaha shacabku ay keeneen mooshin kalsoonida lagala noqonayo ra’iisul wasaaraha ayadoo mooshinkaasna la isku khilaafay oo qaybintiisii  ay golaha shacabku ku heshiin waayeen muran badan iyo sawaxana uu meesha ka dhacay ayadoo lagu kala tagay laba fadhi oo arintaas looga tashan lahaa.
Arintu ayadoo halkaas maraysa ayaa waxaa soo if baxday in golahii Wasiiradu ay ku soo biireen khilaafka siyaasadeed oo awalba aysan ka maqneed laakiin ay si hoose ula kala safnaayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayagoo sheegay inay warqad u direen ra’iisul wasaaraha si uu isku casilo hadaba taasi ma tahay shaqadooda? Ayagu se Ra’iisul wasaaraha ma usheegi karaan ama ma dhihi karaan is casil?

Shaqooyinkoodu maxay yihiin?
Shaqooyinka wasiirada laga rabo waa badan yihiin ayadoo shaqsi kasta oo ka mid ah shaqa gooni ah laga rabo oo ay ku kala duwan yihiin shaqada laakiin waxaa jira arimo si guud ay waajib ugu leeyihiin waxaana ka mid ah:
B. wasiiradu waa golaha furinta dowladda
T. waxay tala bixin ka siiyaan ra’iisul wasaaraha siyaasadda guud iyo sharciyada lasoo saarayo
J.waxay soo saaraan sharciyada dowladda ayadoo markay soo saaraana golaha shacabka loo gudbiyo si cod laagu qaado oo loogu daro sharciyada dowladda
X. wasiiradu waxay ogolaadaan shaqaalaysiinta shaqaalaha rayidka
KH. Wasiiradu waxay u xog celinayaan ra’iisul wasaaraha oo waxay qabteen u gubinayaan waxaana la xisaabtamaya wax qabadkooda golaha shacabka’ ayadoo su’aalo la waydiinayo.

Wasiirada taageersan Xasan sheekh
Warqadda soo baxday oo sheegaysa in wasiiro ay ra’iisul wasaaraha  ku yiraahdeen is casil ayaa waxaa ku qoran 14 wasiir kuwaas oo fikir ahaan ama siyaasad ahaan la safan Madaxweyne Xasan Sheekh miisaankii siyaasadda oo labada masuul u dhexeeyayna dhan u badiyay.
Wasiiradaas waxaa kor kacaya wasiirka ay madaxweynaha sida aadka ah isugu dhawyihiin ayadoo wasiirada kale ay yihiin wasiiro aad moodo inay ku yimaadeen rabitaanka madaxweynaha aysana jirin meel ay uga tagaan ugana soo horjeestaan taasina ay tahay sababta culeeska ay u saarayaan Ra’iisul wasaaraha.
Hadaba wasiiradaan haday ku guuleystaan oo ra’iisul wasaaraha si kastaba haku dhecee uu xilka baneeyo waxaad cad wasiiradaanna inay dhacayaan, laakiin markii kuwa kamid ah wasiiradaas uu kusoo laabto wasiirada kale oo uu keenayo ra’iisul wasaaraha kale waa arin cad in xilkooda loosii ballan qaaday oo la yiri Cabdiweli rida Xilkiinu ma ahan kan dhacayee.

Maxay ku taageereen
Wasiiradaan hadda kasoo horjeestay ra’iisul wasaaraha waxay taageero u haayaan madaxweynaha taasna waxaa sabab u ah laba arin:
1.      In markii hore ay ku yimaadeen dalabka madaxweynaha iyo ogolaanshihiisa oo ay yihiin asxaab soo jireen ah sidaas darteedna ay ku taageersan yihiin
2.      In lala galay gorgortan ku aadan riditaanka Ra’iisulwasaaraha loona ballan qaaday inay kusoo noqon dooraan golaha wasiiraha booskooda ama mid kale oo jago wasiir ah.
Laakiin siyaasaddu malahan ballan iyo saaxiib joogta ah soo lagama yaabo in wixii lagu heshiiyay laga baxo markii arintu gees u dhacdo  booskana uu baneeyo Cabdiweli sheekh.
Wasiirada kale ee taageersan ra’iisul wasaaraha ayagana sababta ay ku taageersan yihiin waa is cadahay waa madaxweynaha kama haystaan waji haddii ay ridaan ra’iisul wasaarahana ma jirto meel ay kugoo laabtaan sidaas darteedna waxay ku qasban yihiin inay ku adkaystaan taageerihiisa.
Haddii xilka laga qaado Cabdiweli wasiiradu waxay u kala bixi doonaan laba qaybood kuwa xilkooda hela oo saaxiibtinimo kala dhexeysa Madaxweynaha ku hela xilkooda ama mid u dhigma iyo kuwa la safan Cabdiweli Sheekh oo sidaas ku taga dib inay usoo laabtaanna aysan sahlaneen.

gunaanad
waxaan talo ahaan usoo jeedinayaa wasiirada mooshinka ku legta leh inay arimahaas faraha kala baxaan, xilka soomaaliyeed oo ay hayaana sidii loogu tala galay ay u gutaan shaqada loo dhiibayna ay qabsadaan, maanta haddii aad khilaafka ka mid noqoto ogow in lagaa aamin bixi doono oo aad noqonayso qof laga aamin baxo beri markii cod dadweyne latagana aadan masuul u qalmayn.
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


Monday, November 17, 2014

Haddii aan la heshiin hiigsina jirimaayo

“Siyaasad madaxa ka halaysan majaheedu ma dhaqdhaqaaqaan” Waa ra’igayga ku saabsan khilaafka madaxda dalka iyo in lagaari karo hiigsiga cusub ee 2016.
Soomaaliya waxay ka baxday dowlad ku meel gaar ah markii la doortay madaxweynaha hadda talada haya ee Mudane Xasan Sheek, dowladda aan hadda leenahayna waa dowlad federal ah.
Markii la doortay dowladdaan federaalka ah waxaa looga fadhiyay arimo badan o ay ka mid yihiin dhammaynta arimaha maamul goboleedyada iyo in federaalka la gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka.
Waxaa sidoo kale dowladdaan looga fadhiyay in lagaaro sanadka 2016 doorasho uu qof waliba cod dhiibanayo taas oo dad badan oo soomaaliyeed ay shaki ka muujinaayaan ayagoo kuu sheegaaya in haddii doorash la gaari lahaa xattaa muranada siyaasadeed ee dalka aysan u saamaxayn in horey loo socdo oo la gaaro 2016 qof iyo codkiisa

Maxaa hor taagan doorasho la gaaro?
Waxyaabaha doorasho inay dhacdo aysan ugu badneen waxaa ka mid ah dadka oo niyad ahaanba aan aaminsaneen in doorasho dhici karto iyo ayaga oo doorasho markii ay maqlaanba u malaynaya qiyaali, waxaa kaloo jira arimo badan oo suurta galin lahaa in doorasho dhacdo waxaana ka mid ah:

1.      Xisbiyado siyaasadeed
Xisbiyaddii siyaasadeed ee doorashooyinka ku tartami lahaa haddaan la hir galin tolow yaa tartamaya?
Xisbiyo siyaasadeed oo u tartama siyaasadda doorashooyinkana ka qayb qaata waa muhiim waana tan cadayn karta suurta galnimada in codka dadka lagu tartamo doorashana ay ku dhacdo xilligii loogu tala galay.
Mar kasta oo xisbi la’aan la tarmayo oo shaqsiyaad ay soo galaan tartanka waa markasta oo dadweynuhu aysan codeyn iyo in musuq lagu sameeyo codadka kuwa codeynaya

Diiwaaan galinta dadka
Dadka soomaaliyeed waxaa la rabay in la diiwaan galiyo loona sameeyo kaarkii dhalashada si qof walbaa uu u helo aqoonsi si uu u qaato kaarkii codeynta si hadhow uu u dhiibto codkiisa,
Taasi ma dhicin wali oo waxaad moodaa dadkuna inaysan ku baraagsanayn madaxdii degmooyinkana aysan ayaguna usoo jeedin hawshaas guddigii doorashooyinkana aysan wali jirin oo ay tahay jago Soomaalida u banaan

Muranada siyaasadeed
Dalka waxaa ka jira murano siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda dalka ugu saraysa taas oo keentay in dad badan oo soomaaliyeed ay ka niyad jabaan siyaasadda dalka oo ay leeyihiin waxay noqotay musalsal aan dhamaad lahayn iyo mooshin lacag lagu raadinayo oo noqday wax soo noqnoqda.
Waxaa kaloo muran siyaasadeed uu ka jiraa goboladdii dalka oo barnaamijkii federaalka ayaa dadkii madaxa isku galiyay gobolada bay iyo bakool waxaa isku haysta laba maamul oo is diidan, waxaa kaloo muran uu u dhexeeyaa Puntland iyo maamulka galmudug oo isku haya gobolka mudug maamulkii uu raaci lahaa,
Maalumadaas is haya is khilaafyadaas waxay masuul ka noqdeen in dadkii uu ka mushquulo dowladnimadii dana qabiilna uu ka fakaro.

Amniga dalka oo wali fadhin
Amniga dalka guud ahaan waa mid aan fadhin waxaa dhaca falal amni daro waxaa qarax iyo dilal ay ka dhacaan dalka intiisa badan, dadkii Soomaaliyeedna intey dooradho ka hadli lahaayeena waxay ka hadlaan naftooda iyo sidii ay uga badbaadi lahaayeen dhibka jira. Dadku uma soojeedaan inay doorasho ka qaybqaataan maxaa yeelay waxay ka baqanayaan in loo dakaneeyo arintaas.

Gunaanad
Khilaafka jira ee madaxdu waxaa uu dalka galiyay mashquul badan iyo amni xumo kusoo korortay magaalada muqdishu ayadoo nabaddii yareyd ee maalmihii u dambeeyay laga dareemayay Muqdisho ay hakad gashay.
Si dadku ugu niyad samaado taageeradiisa dowladdana aysan hakad u galin waa in madaxdu xalisaa khilaafkooda mooshinada wax duminaayana ay joojiyaan si 2016 loo gaaro doorasho uu qof walba codkiisa uu u dhiibto taas haddii la waayana dib u dhicii yimaada waxaa uu keeni doonaa in doorasho iyo hiigsiga cusub ay fashilmaan.
  
Waxaa maalmahaan aad u kacsan xaaladda dalka iyo siyaasaddiisa
      Mohamed Deik Taako
     Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
     Email:deeqaxmad15@hotmail.com         



Saturday, November 15, 2014

Marna xiisad haddana waaba xatooyo

Golaha shacabku waa aas aaska siyaasadda ee dalka waxay meelmariyaan sharciyada cusub ee xukuumaddu soo saarto, waxay dabagal iyo la sixaabtan ku sameeyaan xukuumadda ayagoo wasiirada waydiiya waxay qabteen, wixii ay qaban waayeen iyo sababta ay u qaban waayeen,
wuxuu kaloo golaha baarlamaanku awood u leeyahay inuu hubiyo miisaaniyadda dowladda inay waafaqsantahay sharciga iyo inay tahay mid saxan waxay awood u leeyihiin inay diidaan iyo in ay sidoo kale ogolaadaan, waxayna baarlamaanku hubinayaan inta lacag miisaaniyadda ah ee sanadkiiba loo qorsheeyay la qarashgareeyo iyo meesha lagu qarash gareynayo.

Dagaalkii Golaha shacabka ugu horeeyay
Sanadkii 2005 ayaa golaha shacabku markii ugu horeysay waxay ku dagaalameen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, dagaalkaas ayaa waxa uu ka dhashay mooshin looga doodayay in ciidamo shisheeye oo ka socda wadamada safka hore la keeno Soomaaliya, muran ku saabsanaa mooshinkaas waxaa uu keenay in dagaal uu ka dhaco goobtii kulanku ka socday oo kuraastii iyo baakoorado la isla dhaco ayadoo sadex ka mid ah golihii shacabkana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

                      Waa mid ka mid ah mudanayaashii daqaradu kasoo gaariin dagaalkii mudanashaaya
Xamarna maxaa ka dhacay
Maalinimaddii talaadada ee lasoo dhaafay ayaa mudanayaashu waxay isugu tageen xarunta golaha shacabka ayadoo kulankaasi lagu damacsanaa in mooshin ka dhan ah Raiisul wasaaraha loogu qaybiyo, laakiin markii laysku yimid waxaa dhacday in mudanayaashii kasoo horjeeday mooshinka oo raiisul wasaaraha taageersanaa ay ugu horeyn qaateen buugii xaadirinta mudanayaasha.
Waxay kaloo soo qaateen firinbiyo ay yeerinayaan markii qof meesha uu ka hadli rabo waxay kaloo soo qaateen warqado ay ku qoran yihiin “cod lacag lagu gatay ma rabno”








Waa mudane golaha shacabka ka tirsan oo wata warqaddii “cod lacag lagu gatay ma rabno”


Kadib waxaa dhacday fowdo iyo qaylo keentay in dooddii iyo mooshinkii la qaybin lahaa dib ay u dhacaan ayadoo go’aan aan laqaadana meesha lagu kala tago.
Mar kale ayaa maanta oo sabti ah laysku soo laabtay ayadoo hadana loo balansanaa in hadana mar kale mooshinka loo qaybiyo mudanaya baarlamaanka laakiin markii la yimid ayaa hadana waxaa dhacday in mar kale buugii xaadirinka mudanayaasha golaha shacabka la jeexjeexo fowdana meesha laga billaabay taasoo keentay in guddoomiye jawaari uu ka laabto xarunta golaha shacabka ayadoo buuq iyo sawaxan lagala hortagay.
Haddii baarlamaanku sidaas ku socdo oo maalintii mooshin la keenaba lay sidaan oo kale fowdo iyo buuq u kiciyaan soo mooshinadii danta umaddu jirtayna lama hor istaagi doono?
Teeda kale waxaad moodaa fowdada baarlamaanku inay isi sii badalayso oo ay la imaanayaan fowdo casriyeysan taas waxaa ka mid ah in maanta kalfadhigii baarlamaanka lagu joojiyay astaanta qaranka oo kaliya taas oo si buuq ah loo qaaday oona keentay in wax la maqli waayo laguna kala dareeray kulankii ayadoo ujeedadii lays kugu yimid aan la gaarin.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      




Tuesday, November 11, 2014

Hawshiinu hoteelada maahan!

Waxaa maalmahaan soo ifbaxayay oo aad usoo xoogaysanayay khilaafka madaxda sare ee dalka  ayadoona qayb ka mid ah golaha shacabku ay mooshin ka keeneen ayagoo raba inay kalsoonida kala laabtaan Raiisul wasaaraha, kuwa kale oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ayaguna ka hor yimid  mooshinkaas waxayna ku eedeeyeen garabkii mooshinka waday inay lacag qaateen aysana dan u hayn dalka iyo dadkaba ee ay fiirsanayaan danahooda shaqsi ahaaneed iyo qarash ay helaan.

Xarunta golaha shacabka oo maran
Sidii uu u billawday khilaafkan madaxda u dhexeeya waxaa kala qaybsamay golihii shacabka waxayna la kala safteen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh qayb  walbaa waxay shirkooda iyo doodohooda ku qabsadaan hoteelada magaalada muqdisho.
Ayadoo xaruntii golaha shacabku ay tahay meel haawanaysa oo muddooyinkaanba aan lagu kulmin wax kal fadhi ahna aan la qaban. Tollow jawaari iyo ku xigeenadiisa kaliya miyaa ku kulma xarunta?
Aniga ahaantayda inta ay sidaan isku khilaafsan yihiin mudanayaashu inay kulmaan maba ahan maxaa yeelay dhaqankooda ayaan naqaanaa oo ayagoo is khilaafsan haddii hal qol laysugu keeno waxaa laga yaaba inay is dagaalaan oo daqaro badan meeshaas ka dhacaan. Mana ahan niman ciidan kala celin karo oo warka baliiska maqlaya.

 Qarashaadka hoteelada
Xubnaha golaha shacabka ee kulamada qaadanaya waa kuwa aad ubadan asbuucaanna waxay u kulmayeen si isdaba joog ah waxa sidoo kale qado heer sare ah laga cunayay hoteelada ay ku kulmayeen meeshaasna waxaa baxayay qarash ka badan wax ay awoodaan bixinteeda golaha shacabka.
Hadday saas tahay hawshu lacagtuna aysan yarayn intee laga bixiyaa? Hadday bixiyaan golaha shacabkuna intey ka kabaan maadaama ay lacagtu badan tahay.

Cabashada hoteelada
Sida aan ogsoonahay waxaa jirta cabashooyin badan oo hoteelada magaalada muqdisho ay ka cabanaayaan xubnaha ku jira dowladda oo ay leeyihiin waxaa ay naga qabaan lacag fara badan oo muddo badan aan ku leenahay,
Waxaa jira in hoteelada qaar inta kulamo ama tababar lagu qabtay aan hadana wali lacag la siin oo daymo taagan ay ku yihiin dowladda. Malaga yaabaa in qarashaadkaasi uu yahay mid lagu qori doono masuulkii kulanka soo qaban qaabiyay oo ay noqon doonto mid la mida kuwii aan horey loo bixin oo kale?

Shaqada u taala golaha shacabka
Golaha shacabka waxaa u yaala shaqooyin fara badan oo la rabo inay qabsadaan, sharciyo kasoo saaraan siyaasadda wadanka oo mar walba khilaafku haysto iyo inay shaqadooda hormariyaan, laakiin taas badalkeeda waxay shaqa ka dhigteen abuurista qalalaase, ka doodista sidii mooshin loo keeni lahaa, olole siyaasadeed iyo lakala safashada madaxda dalka oo aan ahayn wax ayaga looga baahnaa


Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      


Monday, November 10, 2014

Mar hadduusan karayn bal kitaabka ka daaya!












Qormadaan waxay ku saabsan tahay masuuliyiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan noo haya oo aan wada ogsoonahay in markii la doorto ama la magacaabo xilka loo dhiibay lagu dhaariyo, dhaarta masuuliyiintaas lagu dhaariyo waxaa ka mid ah inuu u shaqayn doono dalka, dadka iyo diinta ayna shaqadooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga laakiin dhaartaasi sidii laga rabay ma loo fuliyaa?

Maxaa xiga dhaarta?
Shaqsiga masuulka ah markii la dhaariyo xilkiisana uu la wareego waxa ugu horeynba uu sameeyo waa inuu la kulmo odayaasha qaraabada ah iyo kuwa kaaba qabiilada ah oo ay ku jiraan kuwii kursigaan inuu helo dagaalka u galay geed dheer iyo mid gaabana u fuulay qabashada xilkaan iyo inuu dhex fariisto xafiis uusan caqli iyo aqoon midna ku tageen laakiin uu ku helay asago odayaasha cidda ileehey usoo jeediyay, odayaashu markay la kulmaan waxyaabaha ugu horeeya oo uu kala hadlo waxaa ka mid ah fursadaha shaqo ee xafiiskiisa ka jira iyo sidii dhallinyarada beesha ay uga faa’iidaysan lahaayeen, waxaa kale oo laga wada hadlaa in safarada dibada ah uu ka raadiyo boosas si dadkaas loogu daro shaqsiyaadka dhoofka raba ee cidda ah iyo in haddii la helo wax tababaro ah uu kasoo dhiciyo cadkii ciddu lahayd.
Sheekadu haday saas tahay ayna tahay wax caadi ka ah siyaasiyiinta dhexdooda, aaway kitaabkii lagu dhaartay intay aadi doontaa cuqubadiisi, ciribtiisa dambe maxaa qofkaas u dambeyn doona.

Kitaab celin
 Maalin aniga oo la socda nin aan saaxiib nahay ayaa waxaa idaacaddii markaas nooga shidnayd gaarigii aan saarneyn waxaa soo galay madaxweyne la dhaarinayo codkiisa kadib sheekadaan ayaan is waydaarsanay.
Anigaa hadalkii ku horeeyay : maalin kasta waxaa la dhaariyaa qof xil qabanaaya wixii uu ku dhaartayna waa gees maraaye muxuu kitaabku u qaban la’yahay dadkaas see wax u jiraan?
Saaxiibkey ayaa iigu jawaabay: qofka markii lasoo dhaariyo oo uu kitaabka inta gacanta saaro uu dhaarto oo uu soo dhammeeyo wixii dhaar laga rabay ayaa waxaa loo geeyaa sheekh kale oo loosii diyaariyay kaas oo shaqadiisu tahay in kitaabkii la mariyay uu ka tiro ama ku sameeyo wax loo yaqaan kitaab celin taasina waa midda keentay in kitaabku uusan hal qofna kasoo bixin.
Wuxuu kaloo saaxiibkeey ii sheegay in uu ku arki jiray baadiyaha culumo shaqadaas qabata oo dadkii kitaab been ah mara la daadiya una sameeya kitaab celin
Waxaan kaloo waydiiyay markii la kitaab celinayo dadka dhaarta waxa lagu aqriyo laakiin nasiib xumo waxaa uu ii sheegay inuusan waligiis ag istaagin qof la kitaab celinayo laakiin uu arkay oo kaliya dad la yiri waa wadaadadii dadka kitaabka ay maraan dib uga celinayay.
Arintaasi waa wax iska dhaqan ah oo ma jirto meel diinta looga hadlay laakiin waxaa jira arimo dhaqan ah oo dadkeenu aad ugu dhaqmo taasoo ay aad u aamineen inay tahay wax dantoodu ku jirto.
Marka waxaan leeyahay haddii aysan jirin kitaab celini maan aragno dad kitaabku qabtay ama aragno dad kitaabka ka baqa oo waxay ku dhaarteen ka dhabeeya?

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      



Sunday, November 9, 2014

Ballan qaadka beenooba

Sidaan wada ogsoonahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa dad hadal fudud oo inta badan markii ay hadlayaan hadalka kor ka aqriya, hadalka ama qudbooyinka ay aqrinayaan ma ahan kuwa u qoran oo waxaad moodaa inay soo xifdiyeen, taasi waxay keentaa in qofku markii uu  ololo sisaayadeed ku jiro uu meelo badan ka hadlo dad fara badana la hadlo taasina waxaa ka dhasha ballan qaadyo badan oo wax qabad iyo arimo kale loo ballan qaaday shacabka iyo deegaanadoodaba,

Maxaa ka run ah ballanta siyaasiyiinta
Shaqada dhallinyarada loo abuuraayo waa ballanta ugu badan oo shaqsi kasta oo siyaasi soomaaliyeed ah uu ballan qaado laakiin waxaad moodaa in taasi aysan suurta galin meeshii lagu ballan qaadayna aysan soo dhaafin, taas oo keenta markii siyaasigu xilka uu wax yar hayo dadku kahdaan suuqana ceebihiisa iyo qaladaadkiisa lagu sheekeysto,
Waxaa kaloo ku badan afka siyaasiyiinta inay wax ka qaban doonaan adeega bulshada oo burbur badani uu ka jiro wax barasho iyo caafimaad bilaash ahna la heli doono laakiin taas waxaad moodaa in siyaasi kastaa uu kala balamayo kan ku xiga si isagu uu u qabto una fuliyo wixii uu ka gaari waayay.

Maxaa loo fulin la’yahay ballanta
Wax yaabo badan oo is biirsaday ayaa keeni kara in ballantu aysan fulin waxaana ka mida wax yaalahaas:

1.      Shacabka soomaaliyeed oo aan talo lahayn: taas waxaan ka wadaa shacabku ma ahan ku dooq leh oo qofkii ay rabaan ma dooran karaan waxayna ku qasban yihiin in ay raacaan qofkii nasiibka iyo calafku keeno, siyaasiyiintuna haddaan la dooran oo shacabka uusan cod ka helin maxaa danaha shacabka ka quseeya tujawaabtu waa waxaba

2.     Soomaaliya siyaasadeeda laguma soo laabto: inta badan shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah ee xilalka sar sare kasoo qabta dalka hadday mar meesha ka baxaan uma badna inay soo laabtaan, waana tan keentay inaan yeelano dad wada siyaasiyiin ah qof walibana uu isku tijaabiyo xilalka dalka.
Hoteelada waawayn waxaa ku sugan siyaasiin hore oo saaxadda siyaasadda uga baxay laakiin si dadban ugu jira oo dadka meesha imaanaya cod kuleh, haddaba haddii uusan qofku rajo ka lahayn soo laabasho soo arintu noqon mayso “fursad kale ma jirtee ka fara buuxso”

3.     Ballanta oo aan qornayn: qodobkaan waxaa uu isoo xasuusiyay maahmaah ahayd “qowl rag ka dhacay waa qori geed ka dhacay” oo micno ahaan ah haddii mar hadal kaa baxo dib ugama laaban kartid waa sidii laan geed ka jabtay oo dib ugu laaban mayso, marka waxaa ballan la’aanta ka mid ah in markii qofku wax ballan qaadayo uusanba meel ku qorin si uu hadhow usoo xasuusto wixii laga sugaayay oo dadka uu u ballan qaaday.
Haddaba anaka oo wada ogsoon wixii naloo ballan qaaday maxaa ballantaas ka fulay boqolkiiba?

Gunaanad
Inta laga gaarayo in shacabku ay codkooda ku doortaan siyaasiga ay rabaan siyaasigana uu ku xisaabtamo codka shacabkiisa doorashaduna ay ku salaynaato hadba jeceelka shacabku u qabaan siyaasiga dadku hayska samraan wixii ilaahey siyaasiyiintooda uga soo qaadana hagu qancaan maadaama aanan awalba shaqsiga wax u dhiiban
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com