Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Thursday, November 6, 2014

Sanadba siyaasi

Soomaaliya waxay noqotay wadanka ugu fiican oo lagu qaato tababarka siyaasadeed, dadka soomaaliyeed ee Xiisaha sare u qaba siyaasadda laga soo billaabo markii wadanku uu noqday jaantaa rogan  aad ayay usii siyaadayeen qof walba oo baahi iyo dhaqaale xumo dareema waxa uu ku hamiyaa mar uun siyaasadda soomaaliya meel ka mid ah madax ka noqo si dhaqaale aad uga soo hoyso waxaa yar inta wadanka aad wax u qabatid daraadeed siyaasadda ugu soo biirta.
Haba ugu badnaadeen qurba joogta aragtay xanuunka lacagta lagu keeno iyo turufooyinka siyaasadeed ee lama huraanka ah si wadanka maamulkiisa ay uga mid noqdaan, baahi siyaasadeed oo baahsan ayay Soomaali badankeed qabaan taasna ujeedada ka dambeysaa waa ayaamo kooban lacag ku samee madaama uusan jirin la xisaabtan iyo dabagal lagu samaynayo masuuliyiinta.
Taas waxay keentay in siyaasiyiinteenu  ay noqdaan sidii maafiyo isku xiran oo kooxdii maamulka qabataaba ay xaaqdo kooxdii kale ee maamulka horey u haysay, “dhammaan wixii ka haray maamulkii kaa horeeyay waa in la xaaqaa maxaa yeelay sida wax loo qaato iyo qaabka tuugnimo kaaga aqoon badan ee keenso dad aad meel eber ah iskala billowdaan” waa qaabka uu isticmaalo kii masuuliyadda siyaasadeed la wareegaba

Maxaa laysku haystaa
Waxa laysku haysto waa shilin iyo sharaf oo kaliya taas waxaan kala jeedaa haddaad aragto laba qof oo madaxa iskula jirta waxay isku qabteen marka koowaad waa hunguri oo qof wixii aad uga baahato oo hunguri ah kusiiya marna ma dhacayso inaad is qabataan oo madaxa ayuu kuu saaran yahay tan kale waa qof kuu diiday ama kaa xaqiray sharaf aad lahayd  ama asaguba sheegtay awooddii aad adigu lahayd
Taas waxaan ku ogaaday wadada wayn ee maka-almukaramah askarta taagan hadaad taliye tiraahdo waxaad arkaysaa asaga oo kuu qoslaya laakiin markii uu kaa arko inaad liidayso il xanaaq leh ayuu kugu soo eegayaa maalintii aad wax siisana dadka waa kaa yaqaan.

Maxaa noo dhiman?
Sidaan ognahay waxaa jirta wax iska noqday qaanuun lagu dhaqmo laakiin aan daskuurka ku qornayn in madaxda dalka ugu saraysa sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu is qabtaan kadibna cod loo qaado ayada oo inta badan ra’iisul wasaaraha la tuuro.
Bal hadii la tuurayo oo uusanba waarayn asaga dhan maa laga maarmo oo xilkiisana madaxweynaha loo dhiibo hadduusan daynayn ninkii la keeno.
Waxaa sidoo kale dabeecad noqotay in sidii waxa meesha ka socdaa aysan siyaasad ahayne ay yihiin mashruuc uu ra’iisul wasaaruhu markuu sanad jirsan rabo ay madaxweynaha is qabtaan kadibna xilka laga qaado,  siday u badnaayeen ma jirin cid sanad ka badsatay iyo madaxweyne laba ra’iisul wasaare ka yaraystay kii sadex gaarana malaha waa dabeecad xumo asagu leeyahay.
Dowladda uu xasan sheekh hor kacayo waxay jirsatay laba sano sidoo kale waa laba ra’iisul wasaare jirsatay laakiin su’aasha maankeyga ku taagani waxay tahay labada sano oo u dhiman ma laba ra’iisul wasaare ayaan yeelan doonaa mise kan iman doona haddii lagu guuleysto mooshinka socda ayaa inta dhiman hayn doona ayadoo taas aysan ahayn wixii aan soo aragnay.
Midda kale oo aan is waydiiyo waxay tahay haddii Xasan sheekh haro Cabdiwelina meesha laga diro amuu meesha keenaa kii asaga diri lahaa oo xilkiisa meeshaas ku dhamaadaa.

Yaa awal noo keenay?
Haddii madaxweynaha ay mar is qabtaan ra’iisul wasaarihiisa uuna u dhaco sababtaas madaxweynaha waxaa la gudboon in mid ka mid ah qabiilka uu kasoo magacaabi lahaa uu kasoo xulo qof oo waliba saaxiib ay yihiin kalsoonina ka dhexeyso aadna isku fahamsan yihiin uu meesha keeno si uu u yaraado khilaafka siyaasadeed iyo niyab jabka ku imaanaya shacabka dowladda u hamuun qaba laakiin nin aad adigu keentay dadkana aad ka gaday ayagoo aqoon haddana inaad tiraah waan is fahmi waynay waxay ila tahay waxbaa ku hoos jira.

Gunaanad
Waxaan kusoo gunaanadayaa hadal aan horey usheegay hadda aan ku celinayo oo ah intaan wax la dumin wax hala saxo taasna waxaan u leeyahay waxay tahay wax cillad leh inaad saxdaa waxay ka sahlan tahay in aad inta dumiso meel cidlo ah kasoo billowdid, laakiin markii aad fikirkaas aragtaan waan ogahay dad badan waxay niyadda iska leeyihiin salka hoose ayaa laga soo saxayaa oo wax fiican ayaa lasoo billaabayaa laakiin ogow waxa aan meeshaan u fadhinaa waa maalin kasta wax billawgeena wata dhamaystir la’aanta oo waligeed aan baarka sare la gaarayn illeen dhexdaaba loo fadhiyaa oo wax soconayaan jirine.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      






No comments:

Post a Comment