Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, November 3, 2014

Dal furan dunidana ka xiran

Waa xilli duhur ah waxaan taaganahay garoonka Aadan Cadde ee caalamiga ah waxaa doo dagay diyaarad aan is iri waxay ka timid dalka Kenya waxaa kasoo dagay dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib wallow ay inta badani Soomaali yihiin dadkii waa soo dageen waxayna saf usoo galeen qaybta galitaanka looga dhifto dadkii laba saf ayay galeen ayadoo dadkii watay baasaboorka Soomaaliga ahaa ay saf u galeen qaybta wadaniga dadkii kale ee watay Baasaboorada shisheeye ay saf shisheeyaha ay aadeen.
Intii aysan dadku istaagin saf waxay miis meeshaan ah kasoo qabsadeen warqad mid walibaana qalinka ku boobay asagoo buuxinaaya xogta lagaga baahanyahay ee warqadda loogu diyaarshay waxaa ka mid ah waxyaabaha ay dadku qorayen intee ka timid, wadankee u dhalatay, lambarka Baasaboorka iyo kuwa kale.
Wixii markaas Soomaali ah waxay isla markaasba ay qaadanayeen ogolaanshaha galitaanka kuwa kale ee shisheeyana ayagana waxay wataan qaarkood warqad markii hore loosii diyaariyay oo  ogolaansho ah qaarna waxaa wadaya kuwa kale oo Soomaali ah, qof kastaana isla markaas ayuu dal ku galka(Visa) qaadanayaa ayadoo sida muuqata dadka waxa lagu xirayo oo kaliya ay tahay warqaddii loogu ogolaaday oo markii horeba  dabagal badan aan lagu samayn qofkii loo ogolaanayay.

Side la rabay in loosoo galo wadanka.

Qormadaan inaan billaabo waxaa ka mid ah sababaha igu dhiirigalay nin sxbkey ah oo facebook-ga soo dhigay fikirkii aan qabay mid lamid ah iyo wixii aan qiyaasayay oo ninkaas si dhab ah ugu dhacay.
Cabdullahi Xoosh waa nin saaxiibkey ah qoraalkii uu soo qoray waxaa ka mid ahaa
“20 maalmood ka hor ayaan codsaday dal kugalka (Visaha) kenya si aan u booqdo cisbitaal ku yaala Nairobi. Jawaabti aan helay waxa ay noqotay in aan la ii ogoleyn in aan galo Kenya sababtoo ah waxaan ahay nin da'yar. Waxaan is weydiiyey sababta boqolaal Kenyan ah ay bil kasto u yimaadaan Somalia iyagoo aan codsan dal kugal Soomaali ah, oo marka ay garoonka kasoo degaan Visaha loogu dhufto baasaboorkooda dhib la'aan. Arrinkani waa arrin bah dil ku ah mawaadinka Soomaaliga ah, waana in ay dowladda Soomaaliya si deg deg ah wax uga qabataa”
Dhacdadaas dal ku galka loogu diidayo dad badan oo Soomaali ah waa mid jirta cidina aysan beeninayn ayadoo dalka ugu badan oo dhalinyarada dal kugalka u diida uu yahay dalka Kenya asagoona ah dalka ay ka soo jeedaan ajaanibta ugu badan ee Soomaaliya ka shaqaysata shuruud la’aan kuna yimaada dal ku gal si sahlan loo siiyay.

Nin dalkiisa diidani
Inuu kaaga doorbido
Dalaq aayar soo dhaho
Waa nagu damiir xumo
Ee inaan kiisa deynoo
Keenana u diidnaa
Miyaanayn dow ahayn?

Qof kasta oo Soomaali ah oo tagay wadan shisheeye waa uu dareemi karaa dhibka Soomaalida lagu haayo iyo sida fudud ee ay muwaadiniinta wadamadaas u dhashay ku yimaadaan dalkeena.
Uganda waa mid ka mid ah wadamada ugu fudud ee Soomaalidu tagto dal ku galkoodana ay sida sahlan ku qaataan taasina waa arin fiican markii banaanka laga fiiriyo laakiin arinta dhibka iyo xanuunka leh waa markii diyaaradda kasoo dagto adoo Soomaali ah lama kala saarayo inaad wadato Baasaboor Soomaali ah iyo inaad mid wadan kale wadato waxa la aqrinayo waa wajigaada inuu Soomaali yahayoo kaliya.
Waxaa jira qol gooni ah oo markii diyaaradi soo dagto wixi la socda oo Soomaali ahi ay saf u galaan ayadoo qofkaas laga buuxiyo warqado la mid ah Oobbi laga buuxinaayo qof xabsi loo wado, dadkaas mid waliba waxaa laga qoraa damiin weliba qof kasta oo wax damiinta iyo ladamiintahaba waa laysu sawirayaa ayadoo wajiyadoodu isi saaran yihiin ama dhabanka isku haaya.
Waxaa ka dhacday garoonka Entebbe ee Uganda oo waliba aan taagnaa dad aan soomaali ahayn oo watay Baasaboor yurub ah in la yiri Soomaali ayaad tahaye safka Soomaalida gal muran ka dib ayaa la fasaxay ayadoo dadkii la socday ee Soomaalida ahaana aysaacado meeshaas ku xayirnaayeen.
Wadama kale oo Kenya ka mid tahay dal ku galkooda ayaaba ay adagtahay in la helo ayadoo dadka loo ogolyahay ay yihiin wixii ka wayn 40 sano ama qofkii markaas ay usoo dhammayso hay’ad wayn oo Kenya magac ku leh
Soomaalida miyaan damqanayn oo dhibka lagu hayo uusan u muuqan mise waxay diidan yihiin in xariiro badan ay lumiyaan haddii dal ku galka ay adkeeyaan?
Erayo ay adeegsadaan ciidamada AMISOM ee Garoonka aadan cadde ee Muqdisho jooga ayaa jira oo ah wax sharaf dhac nagu ah oo waliba qaranimada meel uga dhacaayo erayadaas waxaa ka mid ah “no man’s land” “dhul aan cidina lahayn” taasi waxay ku tusinaysaa in nimankaas ay arkeen wax aan layska dhacsanayn iyo wadan sidii loo baahdo laysaga soo galaayo ayadoo wixii larabo laga samaysto.
Qof raba inuu Soomaaliya yimaado dal ku galkeedana raba inuu helo imisa oo kale ayay ku qaadanaysaa inuu helo, ma saacado ayaan dhihi karnaa ama waa daqiiqado uun.

Kaalinta dowladda

Dowladdeena kaalinta looga baahanyahay waxay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay matasho ay dhibka haysta ka damqato waxna ka qabato, waddan kasta oo dal ku galkiisa noo diida ama nagu adkeeya waa in dowladduna sidaas oo kale yeeshaa wadankii aan sahlanaan ku galnana uu nooga soocnaada waddamada dadka kale naga soocay,
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


No comments:

Post a Comment