Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, November 10, 2014

Mar hadduusan karayn bal kitaabka ka daaya!












Qormadaan waxay ku saabsan tahay masuuliyiinta Soomaaliyeed oo xilalka kala duwan noo haya oo aan wada ogsoonahay in markii la doorto ama la magacaabo xilka loo dhiibay lagu dhaariyo, dhaarta masuuliyiintaas lagu dhaariyo waxaa ka mid ah inuu u shaqayn doono dalka, dadka iyo diinta ayna shaqadooda u gudanayaan si waafaqsan sharciga laakiin dhaartaasi sidii laga rabay ma loo fuliyaa?

Maxaa xiga dhaarta?
Shaqsiga masuulka ah markii la dhaariyo xilkiisana uu la wareego waxa ugu horeynba uu sameeyo waa inuu la kulmo odayaasha qaraabada ah iyo kuwa kaaba qabiilada ah oo ay ku jiraan kuwii kursigaan inuu helo dagaalka u galay geed dheer iyo mid gaabana u fuulay qabashada xilkaan iyo inuu dhex fariisto xafiis uusan caqli iyo aqoon midna ku tageen laakiin uu ku helay asago odayaasha cidda ileehey usoo jeediyay, odayaashu markay la kulmaan waxyaabaha ugu horeeya oo uu kala hadlo waxaa ka mid ah fursadaha shaqo ee xafiiskiisa ka jira iyo sidii dhallinyarada beesha ay uga faa’iidaysan lahaayeen, waxaa kale oo laga wada hadlaa in safarada dibada ah uu ka raadiyo boosas si dadkaas loogu daro shaqsiyaadka dhoofka raba ee cidda ah iyo in haddii la helo wax tababaro ah uu kasoo dhiciyo cadkii ciddu lahayd.
Sheekadu haday saas tahay ayna tahay wax caadi ka ah siyaasiyiinta dhexdooda, aaway kitaabkii lagu dhaartay intay aadi doontaa cuqubadiisi, ciribtiisa dambe maxaa qofkaas u dambeyn doona.

Kitaab celin
 Maalin aniga oo la socda nin aan saaxiib nahay ayaa waxaa idaacaddii markaas nooga shidnayd gaarigii aan saarneyn waxaa soo galay madaxweyne la dhaarinayo codkiisa kadib sheekadaan ayaan is waydaarsanay.
Anigaa hadalkii ku horeeyay : maalin kasta waxaa la dhaariyaa qof xil qabanaaya wixii uu ku dhaartayna waa gees maraaye muxuu kitaabku u qaban la’yahay dadkaas see wax u jiraan?
Saaxiibkey ayaa iigu jawaabay: qofka markii lasoo dhaariyo oo uu kitaabka inta gacanta saaro uu dhaarto oo uu soo dhammeeyo wixii dhaar laga rabay ayaa waxaa loo geeyaa sheekh kale oo loosii diyaariyay kaas oo shaqadiisu tahay in kitaabkii la mariyay uu ka tiro ama ku sameeyo wax loo yaqaan kitaab celin taasina waa midda keentay in kitaabku uusan hal qofna kasoo bixin.
Wuxuu kaloo saaxiibkeey ii sheegay in uu ku arki jiray baadiyaha culumo shaqadaas qabata oo dadkii kitaab been ah mara la daadiya una sameeya kitaab celin
Waxaan kaloo waydiiyay markii la kitaab celinayo dadka dhaarta waxa lagu aqriyo laakiin nasiib xumo waxaa uu ii sheegay inuusan waligiis ag istaagin qof la kitaab celinayo laakiin uu arkay oo kaliya dad la yiri waa wadaadadii dadka kitaabka ay maraan dib uga celinayay.
Arintaasi waa wax iska dhaqan ah oo ma jirto meel diinta looga hadlay laakiin waxaa jira arimo dhaqan ah oo dadkeenu aad ugu dhaqmo taasoo ay aad u aamineen inay tahay wax dantoodu ku jirto.
Marka waxaan leeyahay haddii aysan jirin kitaab celini maan aragno dad kitaabku qabtay ama aragno dad kitaabka ka baqa oo waxay ku dhaarteen ka dhabeeya?

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      



No comments:

Post a Comment