Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Wednesday, November 5, 2014

Mooshinka cidda gardaran miyaa lagu ridaa?

Madaxweynaha Soomaaliya xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheikh  ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf siyaasadeed iyo is faham waa’ salka ku haya isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada qaarkood, ayadoona loo badinayo khilaafkaas inuu ka dhashay markii Faarax sheekh Cabdulqaadir oo ah wasiir Madaxweynaha ay aad isugu dhaw yihiin ay seeftii isku shaandhayntu qaaday.
Haddii lays khilaafo maxaa xal ah oo la suubiyaa? Yaase looga baahan yahay inay keenaan xalkaas?
Waxaan leenahay baarlamaan shaqadiisu ay tahay in wixii sharci ah looga dambeeyo markii laysqabtana la rabo inay ayagu kala saaraan dadka.
Laakiin ma moodaa in baarlamaanku dhinac u badan yahay oo meeshii xalkii dalka uu ka abaari lahaa uu aado inuu wax sii qarribo, waliba xal ayay u arkaan laakiin waa “ka dar oo dibi dhal”.

Mooshinku ma xal mise xoola doon

Baarlamaanka Soomaaliyeed waxay shaqadoodu noqotay in wixii dhaca ama laysku khilaafo ay ka keenaan mooshin waliba mooshinka ay keenayaan waa kalsooni kala noqosho “no confidence”.
Waxaan usoo joognay dhawr ra’iisul wasaare oo ay is qabteen madaxweynihiisii oo Baarlamaanka loo geeyay ay u qaadeen codka kalsoonida ayagoona kala laabtay kalsoonidii walina ma dhicin in madax is qabatay la kala dhexgalay oo la heshiisiiyay dibna ay u wada shaqeeyay.
Ma baarlamaanka soomaaliyeed ayaa meesha xalku ku jiro Aqoon iyo qaabkii loo raadin lahaa xaalka? Ama siyaasadda soomaaliya ayaa diidaysa dad is qabtay inay dib u heshiiyaan? Maxaa laysku fahmi la’yahay mooshinka ka hor?

Maxaa xal ah
Aniga fikirkayga iyo aragtida aan ka qabo khilaafyadaan soo noqnoqday iyo sida lagu xalin karo waxay ila tahay in la sameeyo laba arin

Marka koowaad: in baarlamaanku dib ugu laabto dastuurka lagu shaqeeyo lagana badelo qodobbada awoodda siinaya madaxda oo keenaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha awooddoodu meel isaga soo dhacdo taasoo aan ani ahaan is leeyahay waa meelaha laysku hayo mar walbana keenaya khilaafka oo sidoo kalena keenaya in qof kastaaba tanaasuli waayo illeen waa qof qodob dasruutiya haystee.
Awoodaas waa in mid ka mid ah madaxda loo daayaa kan kalana uu ahaadaa mid amarka qaata.

Tan labaad. In baarlamaanku ay qofkii intaas ka dib soo dhaafa xuduudiisa u yeeraan lana xisaabtamaan ayna u tilmaamaan inuu awooddiisa uusan soo dhaafin, aniga ilama haboona in muran kasta mooshin loo qaado oo mid ka mid ah madaxdana la tuuro hadana mid kale la keeno illeen waa lagama maarmaan badalkiisee ayadoona wali dastuurka ay ku jiraan oo aan laga saarin qodobaddii awoodeed ee iska hor keenay madaxda.

Mooshinku cidda gardaran miyaa lagu ridaa?
In mooshin la wadaahi xal maahan murankana meesha kuma dhamaynayso laakiin waxuu meesha ka saarayaa mid ka mid ah madaxda markaa is haya, mooshinkuna maaha mar kasta in ciddii gardarada lahayd la tuurayee kolbkii cagan adag ayaa baxaya, taas badalkeeda waxaa fiicneyn in cidda gardarada leh loo yeero oo lagu yiraax qaladka adaa lehe qaylada jooji markuu diidana loo qaado codka kalsoonida laakiin haddii ay saas wax u dhici waayaan waxaan leeyahay “Eeddii Kay adeer adinkaa leh”

Madaxdeena dalkoow
Maalintii la joogaba
Haddaad muran abuurtaan
Baarlamaanka qaarkiis
ayana mooshin keenaan
maamulkii qabiilkuna
siyaasi meesha keenaan
maamul goboleedkuna
Mudac meesha keenaan
Maamul iyo midnimo
Meeqay noo jirtaa?
                   
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com      





No comments:

Post a Comment