Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, November 28, 2014

Gabayga "Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?"

 Gabaygaan waxaa la yiraah "Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?" waxaana keenay inaan alifo markii ciidamada Kenya ay duqeymo u geysteen dadka xoolo dhaqatada ah oo ku nool Gobolka Jubbada Dhexe kadibna ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan Shabaab.

Dadkii duunyada dhaqan jirey  wada duqeeyeene
Beerahana inaad dumisaan seed ku damacdeen?
Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?
Shabaab hadaad dili kartaan dood ma dhalateene
Duurkiinay idinla dagaan kuna dakeeyaane
Maa ka doontaan halkaas damaq ma beermeene
Ducafada Nairobi daganeed waaba dubateene
Dalkooda kuwii joogana maad ku darateen?
Duulaankaas qaawan aniga wayga dagi waayay
Dakanaad naga rabtaan sidaan dareemaayo
Dahab maan idinka haysanaa maa nadaysaan?
*************************************
Madaxda Dowladdaa dayaca noo keenay
Dowrkii laga rabay bada maryeeyeene
Dulmiga shisheeyahay daawaan abide
Doolaalada kenyana wayska daayeene
Dood bilaash ah bay daba wareegaane
Danta guud dollar bay ka doorteene
Intay dirirayaan may daafacaan shacabka?
Daar qurxoon intaad haysatoo diif ka cararyso
Ama Dabaq saarantihiin daahe danihiiye
Diracnimo muujiyoo madaxa soo duubta
Digtoonaada saan waa lagu dulloobaaye
**************************
AMISOM baan hadana baaq u dirayaaye
Dalka markaad soo gasheen Diin xuma timide
Duf ku bexee kufsigaa nooga sii darane
Dadka inaad daalisaan laydinma soo daadin
Dullinimo inaad noogu dartaan daw idin ma’ aha
 Dabool lama saari karo waxuu dumiyay Kenyane
Daab inay nala dhacaan daacidnimo maahan
Duqoshi iyo dadweyn bey hub ku daadsheene
Ari dibaax sidiisey laba dibleeyaane
Mana daahno oo way daabacahayaane
Dowladdaa ku doodee inay daqaro noogaysay
Intaan la dacaroon oo laysku soo didinin
Dabarka ka daaya dadkaan way ku daaleene
***********************************
Doorkii dadkeyga baan u soo dagaye
Adinoo dabar ku jiraad sacab ku deeqdeena
Qabyaalad baa idin dooxday oodku daahdeene
Qalbigaa ku daabcadeenoo waa la daristeene
Waana idinku durugtoo waa ku dawaqdeene
Daacuun inuu ka daranyahaa cidina diidayne
Dibudhac baan ahaan hadaan daalib ku ahaano
Dooxato iyo tuug baad daajisiin ebide
Rag idin diiranayaad dood u qabatiine
Dabaadiga yaree haray aan isku soo duubno
Dabacna isku muujiyoo dirirta soo kooba
Illaa aad isdaysaan cadawgu waydin dagayaaye
Soo dibad boxoo midnimo aanu wada doono
Daaimkaa awood leh dab damiska waydiista.


Waa fikirkii Mohamed Deik taako 
Iyo tala wadaagii Hassan Jama Warsame iyo tifaftirkiisii.

No comments:

Post a Comment