Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, December 7, 2014

Adinkoo isxayirin xisaabtama

Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa xilka loo magacaabay  December 2013, asagoo markaas aan ahayn dadka loo saadaalinayay laakiin si lama filaan ah uga soo hoos baxay rag ay ka mid ahaayeen Hussein Abdi Halane wasiirkii hore ee maaliyadda iyo  , iyo Abdiwahid Elmi Gonjeh oo markaas ahaa Sii hayaha xilka Raiisulwasaarenimo oo lays lahaa waa ragga kusoo bixi kara xilkan.
Madaxweynaha ayaa Cabdiweli magacaabay kadib markii xilka laga qaaday Raiisul wasaarihii asaga ka horeeyay ee Cabdi Faarax shirdoon Saacid oo khilaaf asaga iyo madaxweynaha soo kala dhex galay uu sababay in mooshin laga keeno asaga iyo xukuumaddiisa sidaasna uu ku dhacay.
Cabdiweli markii lamagacaabayay ma ahayn nin bulshada dhexdeeda aad looga yaqaanay sidoo kalena ma ahayn nin siyaasadda horey uga dhex muuqday laakiin waxaa uu ahaa aqoonyahan qarsoonaa indhaha bulshadana ka daahnaa laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sameeyay latashiyo badan iyo baaritaan waxaa u suura gashay inuu si sahlan usoo qabto nin aqoon leh siyaasaddana wax ka badali kara laakiin taasi ma keenin in ay is fahmaan oo ay muran la’aan wada shaqeeyaan.
Markii la keenay Raiisul wasaare Cabdiweli Sheekh bulshada Soomaaliyeed waxay ka muujiyeen aragtiyo kala duwan ayagoo ku salaynaya khibradiisa siyaasadeed iyo qaar kale oo ka fiirinaya dhicana caqabadaha uu kala kulmi karo Xubnaha Golaha Shacabka.
Aragtiyada qaar waxay lahaayeen Ninkaan cusub oo la keenay waxay caqabadi ka qabsan doontaa xubnaha Golaha Shacabka oo laga yaabo markii ay timaado ansixintiisu ay codka kalsoonida siin waayaan ayagoo sababtuna ay tahay  in qaar badan oo xubnahaas ka mid ah oo saamayn wayn ku leh siyaasadda oo rabay inay xilkaas qabtaan laakiin waayay uu kala kulmi doono dhib iyo in xubnaha golaha shacabka ay kalsooni daro galiyaan sidaasna uu ku waayo codka kalsoonida.
Aragtida labaad waxay dadweynaha iyo aqoonyahanaduba qabeen in maadaama Cabdi Faarax Shirdoon oo la tuuray uu ahaa nin aad u afgaaban laguna tilmaamay nin jilicsan uu Cabdiweli asna noqon doono nin kasii miskiinsan siyaasaddana aan wax badan ka aqoon maadaama uusan ahay nin horey loo yaqaanay waxay kaloo saadaaliyeen inuu noqon doono nin madaxweynuhu uu siduu rabo wax ugu sheego warkiisana aan war korsaarin, laakiin marnaba lagama filayn go’aan adayg.
Arimahaas oo dhan iyo saadaashii dadka maysan rumoobin oo isla markiiba waxaa uu codka kalsoonida ka helay xubnihii golaha shacabka waxaana uu soo magacaabay wasiiro farabadan tayadoodu siday doontaba ha noqotee waxaa kaloo uu noqday nin aad u firfircoon siyaasaddana hadba meeshay gasho kasoo bixiya wuxuu sidoo kale door muuqda ka ciyaaray siyaasadda dalka wuxuu la heshiiyay maamulka puntland oo horey xariirka ugu jaray Dowladda fedraalka iyo shaqooyin kale oo muhiim ah.
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Raiisulwasaare cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan ayadoo khilaafyada oo ahaa kula kala duwan ay u dhexeeyaan labada masuul laakiin kii ugu dambeeyay uu qarxay markii wasiirka madaxweynaha ay saaxiibka yihiin wasaaraddiisii uu ku waayay isku shaandhayn uu sameeyay raiisul wasaaruhu sidaasna khilaafku uu banaanka ugu soo baxay.
6 December 2014 waxaa codka kalsoonida loo qaaday xukuumadda Raiisulwasaare cabdiweli sheekh asagoo inta badan xubnihii golaha shacabka ee codeynayay ay ogolaadeen in kalsoonida lagala noqdo  xukuumadda meeshaasna ay ku dhacday xukuumaddii Cabdiweli uu horkacayay oo waxa hadda aan sugayno ay tahay in  lasoo magacaabo raiisulwasaare cusub oo xilka kala wareega cabdiweli sheekh, markii uu xilka la wareegana asna uu soo magacaabo wasiiro kale oo xilka kala wareega kuwa iminka kumeel gaarka kusii shaqaynaya.

Xilwareejin iyo xoolo wareejin
Saacado kadib markii kalsoonida laga noqday xukuumaddii cabdiweli sheekh waxaa warqad uu ku saxiixanyahay soo saaray xeer ilaaliyaha guud waxa uuna ku sheegay in golaha wasiirada laga Mamnuucayo in ay dalka ba baxaan
Taasi waxaa lagu sababeeyay in laga rabo in xilka markii laga wareejinayo ay joogaan iyo in lagala xisaabtamo xilkii ay hayeen in hantidii wasaaraddu ay lahayd si meesha aysan u imaan in hanti dowaladeed aan la lunsan ayadoo taasi aysan horey u dhici jirin oo markii la yiraah wasiir ayaa xilka laga wareejinayaa oo wasaaradda waxaa la wareegaya wasiir cusub waxa kaliya ee aan arki jirnay ay ahay wasiirka oo soo wareejinaya hal buug aysan la socon hanti dowladeed oo kale.
Xil wareejino horey u dhacday waxaa ku yaraa in wixii wasaaraddu ku shaqaynjirtay oo dukuminti ahaa lagu wareejiyo wasiirka cusub si uu hawsha meesha ay marayso ugala jaan qaado iyo in xafiis shaqaynaya lagu wareejiyo si habacsanaan shaqo aysan u imaan laakiin intaasi maanan arki jirin tanna waxaad moodaa in dadkii waxaas samayn jiray ama kuwa hadda niyadda ku haaya wax lunsada loogu danleeyahay.
Wasaaradi inay wareejiso hal buug oo asna aan waynayn waxay caddaynaysaa laba arin middood
1.      Waa marka koowaade in wasaaradaasi aysan ahayn mid shaqayn jirtay oo wasiirkeeda iyo shaqaaleheeduba ahaayeen kuwa ku mashquulsan safaro iyo dano gaara oo dalka iyo dadkaba aan wax u qaban laakiin meesha u joogay inay danahooba qabsanadaan
2.      Iyo tan labaan oo ah in wasaaraddaas xooleheedii la lunsaday sidaas darteenda dokumentiga aanba la samayn ama inta la sameeyay aan la rabin in la daba galo wixii qaladka ahaaye wasaaradaas ka dhacay.
Suaasha aan is waydiiyo waxay tahay ma dhici kartaa in wasiiro iska baxaan oo xilba aysan wareejin?

Gunaanad
Arrinta waxaan kusoo gunaanadayaa oo qormadayduna ku saabsanayn “Adinkoo isxayirin xisaabtama” taas micneheedu maahan in aan leeyahay safarka yaan laga joojin xukuumadda mana ahan yaan la xisaabtamin ee qofka asagoo qanacsan halala xisaabtamo waxaa jirta maahmaah soomaaliyeed ee ah “digaag qoor qabasho biyo kuma cabto” hadaba digaagba hadduu qasab diiday sidee bini’aadam ku yeelayaa in la qasbo? Marka xalku ha noqdo tillaabo aan qasab ka muuqan dadkuna dareemayaan saaxiibtinimo laakiin waxaad mooddaa in hadalkaan uu dareensiinayo in la aflagaadeeyay laguna yiri xoolo aad xaddaan ayaad rabtaane illaa aad soo wareejisaan ha isku bixinina.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         




No comments:

Post a Comment