Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, December 19, 2014

Doorataye halla doorin!

Ciwaanka qormadaan waxaa ujeedkeedu yahay in wax badan oo dadka shacabka soomaaliyeed ah ay qabaan lagu soo bandhigo iyo sadaasha laga qabo ra’iisul wasaaraha cusub oo dhawaan la magacaabay iyo waxa kuxiga oo laga filan karo haday ahaan lahayd xukuumadda uu soo magacaabayo iyo haday ahaan lahayd qaabka la filayo in xukuumadaas u shaqayso,
Waxaa kaloo qormadaan looga dan leeyahay in wax badan lagu tusaaleeyo hadday ahaan lahayd madaxda wax dooranaysa iyo haday ahaan lahayd kuwa la dooran doono iyo waxa shacabku ka sugayaan oo shaqo ah iyo waajibka saaran uu yahay wax u qabashada dadka soomaaliyeed iyo inay raacaan waddo ka gaddisan tii ay raaceen kuwii ayaga ka horeeyay oo keentay in intooda badan ay wax qaban waayeen ee fashilisay.

Ra’yiga dadweynaha
Shacabka soomaaliyeed intiisa badan waa ay ka raja dhigeen siyaasadda dalka sababtoo ah waxay dareemeen niyab jab fara badan maxaa yeelay mar kasta oo ay is yiraahdaan siyaasaddu waa ay hagaagtay waxaa dhacda in meeshii ay wax u socdeen oo rajadu ka muuqatay cagto la mariyo kadibna siyaasaddii dhinac kale loo jeediyo taasoo keenaysa in haddan laqabsigeeda uu waqti qaato, waa sida arday fasalka ka maqnaa dhawr asbuuc markii uu dib ugu soo laabto fasalka waxay ku qaadanaysaa maalmo badan in uu tariinka casharada dib usoo fuulo.
Markii raiisul wasaarahan cusub ee Cumar Cabdirashiid la doortay dadweynuhu waxay saadaaliyeen dhawr arimood oo haddii aad u fiirsatana suura gal u muuqata taasoo keentay dib usoo celinta Cumar Cabrashiid oo horey booskan looga diray kadib markii lagu eedeeyay wax qaban la’aan.
Xafiis ka diriddii Cumar Cabdirashiid miyaa wax ka qaldanaayeen oo markii hore qalad ahayd mise wax saxan ayaa lagu haystay oo madaxweyne Xasan sheekh ayaa hadda ku qaldamay?
Su’aashas jawaabteedu waxay sugaysaa dadka siyaasadda nooga aqoonta badan hana noosoo sheegaan si ay wax yihiin.
Hadaba fikirka dadku ka qabaan aan usoo degno waxaa shacabka ka guuxaya fikrado kala duwan laakiin waxaa jira kuwa ay ka midaysan yihiin oo ay kuu sheegayaan kuwaas oo u badan in Cumar loo keenay dana shaqsiyadeed.
1.      Dad qaarkiis waxa ay qabaan in Cumar loo keenay siyaasadda ah in uu yahay nin aan khilaafi doonin madaxweynaha uuna yahay ruuxa la shaqayn kara maadaama kuwii hore khilaafkoodu uu dib u dhac badan keenaya
2.      Kuwa kale ayaa qaba in Cumar loo keenay oo kali in uusan wax diidayn uusann ahayn nin muran badan.
3.      Qaarna waxay qabaan wasiiradda xataa loo geeyay oo magacaabistiisaba ay keentay markii uu ogolaaday wasiiraddii loo keenay inuu ku daro wasiirada uu soo magacaabayo, wasiirada la yiri waa uu ogolaaday Cumar waxaa ka mid ah wasiiro horey usoo noqday wasiiro iyo qaar kale oo cusub,
Sida fowzia, Cabdikarim, Sanbaloolshe, Maryam iyo Xalane
Hadaba haddii ay dhacdo in wasiiradaas la keeno waxay noqon doontaa in dadka qaba fikradda sadexaad ay saxan yihiin meeshana ay tahay dana gaar ahaaneede aysan jirin dan guud.
Waxaa kaloo la yaab leh wasiiro xantoodu suuqa ku jirto kahor intii aanba la magacaabin raiisulwasaarihii ayaga magacaabi lahaa.

Gunaanad
Waxaan qormadaan kusoo gunaanadayaa in shacabka laga qanciyo wixii ay tabanayaan maadaama waxa loo socdo oo loo adeegaayo ay ayaga yihiin tusaale ahaan wasiirada lasoo magacaabaayo waa in lagu soo xulaa tayo iyo wax qabad ee aan lagu soo xulin saaxiibnimo iyo waan isku fiicanahay,
Haddii uu yahay ninka aad ugu necebtahay laakiin uu yahay kan ugu wax qabadka fiican waa inaad ka hormarisaa midka saaxiibkaa ah aadna ugu jeceshacay ee aan wax qabanayn.
Ogow waxa loo shaqaynaayo dantaada maahan ee waa danta umadda iyo dalka ee kan wax u tari kara isha ku haay.

Mohamed Deik Tako
Deeqaxmad15@hotmail.com                  


No comments:

Post a Comment