Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, January 26, 2015

Hadaad afar keento kalsooni helimaysid

Nin aan sxb nahay ayaa maalin ii yimid waxaana uu I waydiiyay
Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh ee la riday iyo tan lasoo magacaabay waaba isku egtahay maxay tahay?
Anoo og inay isku egyihiin laakin meelo badana ay ku kala duwan yihiin oo raga  cusub ay ku soo biireen ayaan iri:
Qabqableyaal baan ka qaylinaynaye
Wallee qowlaysataa qaranka soo galay
Isla maalintii ayaa qayb ka mid ah baarlamaanka oo shiray waxay isku raaceen inaysan codka kalsoonida siin doonin maadaama rag aysan rabin meesha ay ku jiraan hada saaxiibkey waa iisoo noqday wuxuuna i waydiiyay odayaasha waa lagu dhaganyahaye maa naga soo badashaan? Asagoo waliba qosol sii raaciyay
Waxaan ogaa in wasiirada la diiday ay ahaayeen kuwa xaga madaxweynaha ka socda qaarna ay saaxiib ahaayeen waxaan kaloo ogahayba in madaxweynaha saaxiibadiis si looga soo tagaa ay adagtahay oo ay ka sahlan tahay in raiisul wasaaruhu tago markaasaan waxaan saaxiibkeey ku iri:
Odayaasha qabiiladu hadaysan ka qalayn
Wallee qaxar iyo dhib iyo qalalaase waa kow
Arintuna wax badan ayay isla sii jiitami doontaa ragaas in lasoo celiyana wax badan waa laysku dayi doonaaa
Maalmo kadib markii hadana wasiiradii dib loo celiyay ayaa waxaa hadana ii yimid saaxiibkey wuxuuna igu yiri markaan ka waran hee maxaa filee?
Anoo filaaya xukuumad fiican iyo isbedel ayaan isla markiiba waxaan ugu jawaabay:
Mid kheyr qabtaan qiyaasaynaaye
Illaahow khilaaf iyo dhib naga qabo
Arintaas aniga iyo saaxiibkey na dhex martay kadib waxaa igu soo dhacday qormadan

Hadaad Afar keento kalsooni helimaysid
Qormadaan la magac baxday “hadaad afar keento kalsooni heli maysid” waxaa igu dhaliyay markii uu batay is qabqabsiga u dhexeeya xubnaha golaha shacabka oo diidan in qaar ka mid ah wasiiradii hore ayna ku eedaynayeen inay madaxweynaha saaxiib la yihiin iyo Raiisulwasaare Cumar Cabdi rashiid oo asna soo magacaabay xubnihii la diidanaa.
Murankaasi wuxuu keenay in wasiiradii lasoo magacaabay intii aan lagayn baarlamaanka hortiisa codka kalsoonidana loo qaadin, inta hoteel lagu kulmay aysan ayagu joogin codka loogu qaatay kadibna markii raiisulwasaaruhuna arkay in cod kalsooni uusan usoo socon uu ku dhawaaqay in uu dib u celiyay golihii wasiirada oo uu soo dhisay.
xukuumaddaas oo ka koobnayd ilaa lixdan (60)  isugu jira raisulwasaare kuxigeen, wasiiro, wasiiru dowlayaal iyo wasiiro kuxigeen waxay sababsadeen oo daraadood dib loogu celiyay afar ruux oo wasiirada lagu daray kuwaas oo inta badan xubnaha golaha shacabku ay diidmo ka muujiyeen.
Haddii la diiday maxaa xukuumadda kale loo kala diray?
Ayaga uun maxaa diiday in la badalo si waqti kale uusan nooga lumin xulashadooda?
Ma dhici kartaa in loo taabushaysanayo in wasiiradaas dib loosoo celiyo xubnaha golaha shacabkana laga dhaadhiciyo inay ogolaadaan?

Kooxaha (Kutlooyinka) soo kordhaya
Khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raiisulwasaarihii hore Cabdiweli Sheekh waxaa ka samaysmay koox (kutlo) la magac baxday badbaado qaran kuwaas oo ay ku jireen ilaa 80 xubnood oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka oo diidanaa in la rido raiisulwasaare Cabdiweli waxay dhawr jeer is hortaag ku sameeyeen kulankii baarlamaanku ay yeelanayeen iyo in baarlamaanka loo qaybiyo mooshin laga keenay xukuumaddii Cabdiweli taasina waxay keentay in qaadistii codka kalsoonida aydib u dhacdo ayadoo markii dambe la qaaday.
Badbado qaran waxay abuureen isku duubni iyo inay qaataan hal go’aan taasoo culeys ku noqonaysa meeshii ay kasoo horjeestaan ayagoona diidmo ka muujiyay xukuumaddii markii dambe lasoo dhisay.
Markii xukuumaddii lasoo dhisay kadib waxaa kaloo dhashay urur kale oo magac ka dhigtay toosinta talada qaranka waxaa sidoo kale ku jira xildhibaano ay wehlinayaan wasiiro ka mid ahaa xukuumaddii Cabdiweli  kujiray, wasiiradaas qaarkood waxay olole ugu jireen riditaanka xukuumaddii ay ayaguba ka tirsanaayeen oo sababtana ay ku sheegeen in aysan wada shaqayn Karin iyaga iyo raiisulwasaaraha.
Markii xukuumaddii dhacday malaha waxay filayeen inay ayagu soo noqon doonaan oo Cabdiwali uun tagi doono laakiin waxay noqdeen kuwa saaxiibkood la baxa booskoodana lagu badalo akhyaar kale laakiin taasi waxaykeentay inay canqi waayaan ururna ay samaystaan.
Sheekadu waxay maraysaa cadkaanoow ama ku cunay ama ku ciideeyay, waa ama wasiiroow ku helay ama mucaarado kugu kiciyay.
Laakiin suaasha meesha taalaahi waxay tahay nin xilkiisii maalin cad yiri waan iska dhiibayaa haddii laga guddoomay qof kalena loo dhiibay maxay dooddu tahay?
Gunaanad
Aniga ahaan waxaan fikir qabaa baarlamaanku arinta ay sameeyeen ee is hor istaaga ah ee qaar ka mid ah wasiirada haday ula jeedaan ayna u arkeen inay xal u tahay dalka iyo dadkaba waa arin fiicane hasii wadaan yaysana go’aankaas kasoo jilcin laakiin haddii arintu tahay aan wasiiro helno ama sidii horey loogu eedayn jirayba inay codkooda lacag ku badashaan waxaana leeyahay  arintaas ka tanaalusa wadanka xalkiisana fiiriya ee ha fiirinina raga xilka loo dhiibay iyo sababtaad adigu ku heli wayday.
Waxaa kaloo jirta in la leeyahay wasiiradii la diiday ayaa lasoo celinayaa oo xilkoodii ayay lasoo noqonayaan taasina waa waqti lumis oo horey in loo socdo ayaa malaha la diidan yahay iyo in 2016 inaanba doorasho xor ah la gaarin lagana yaabo in iska daba wareeg lagu dhamaysto si waqti kororsi loo dalbado ama codka baarlamaanka loo gato.

Mohamed Deik Tako








No comments:

Post a Comment