Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Friday, December 12, 2014

Yaanan taraanturoone tashiga noo badiya

Qof walibaa markii uu arko ciwaanka qormadaan waxaa u muuqanaysa in meesha ay ku jirto talo ku socota qof uun dad qaar waxaa laga yaabaa in ay durbadiiba fahmaan qofka lala talinayo qaarna waxaa laga yaabaa illaa loo sheego in aysan fahmin.
Waxaa kaloo qof waliba markii uu ogaado qofka lala talinayo imaan doonta in la yiraah side macquul ku tahay  in qof nuucani ah uu la lataliyo qof jagadaas oo kale haya laakiin taas waxaan uga afeefanayaa maahmaahda ah “talo kuguma noolee adaa ku nool”.
Taladaan waxay ku socotaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mana ahan mid xumaan lagala jeedo laakiin waa mid wanaag looga dan leeyahay in ay wax saxmaan arintaana waxaa dhaliyay markii uu batay khilaafyada ka dhex dhaca madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha taasoo marka ugu dambeysa keenta in mooshin laga keeno xukuumadda sidaasna ay meesha uga baxdo kadibna mid kale ayaa lasoo magacaabaa laakiin wadadii tii hore ayay martaa.
Haddaba suaasha isweydiinta mudan waxay tahay madaxweynuhu asagaa soo magacaaba ra’iisulwasaare waxaana aragnaa waqti badan inay qaadato soo magacaabistiisu ayadoo loo sababaynayo in lagu jiro wada tashi iyo raadinta qof u qalma booskaas kana soo bixi kara hadana waan aragnaa meeshay ku biyo shubato, marka intee wax iska qaban la’yihiin? Ma tashigaa qaldamay mise qofkii tashiga loo galay ayaa is badalay?

Yaa lala tashanayaa
Wali ma aragnay ayadoo la isugu yeeray aqoonyahana dalka jooga oo la waydiiyay fikirkooda ku aadan wadanka iyo qofkii xil loo dhiibi lahaa?
Maxaase loo heli la’yahay aqoonyahano ayagu is xilqaama oo tala bixin ka sameeya siyaasadda dalka?
Su’aalahaas iyo kuwa kale waa su’aalaha aan iswaydiiyo markii aan arko aqoonyahannadii oo xaflado iyo xeebla tiilo ku mashquulsan iyo taladii wadanka iyo siyaasaddiisii oo tala ay ka dhiibanayaan dad aan aqoon u lahayn.
Arintaasi waxay isoo xasuusisay sheeko ahayd:
Nin ayaa hadda kahor waxaa uusoo iibsaday jawaan sokor ah guriga ayuuna dhigtay sokortii waxay mudo taalaba maalintii dambe ayaa waxaa shir yeeshay ganacsatadii sokorta keeni jirtay nasiib wanaag shirkii ayuu tagay oo waxaa uu nasiib u yeeshay in dadka meesha ka qudbeynaya ma mid noqdo asagoo isku sheegay inuu yahay ganacsade sokor u taalo, markii fursaddii hadalku soo gaaray ayuu inta ka dhex istaagay yiri haddaan nahay ganacsatada sokoreeyda waa inaan ka talinaa sidii ganacsigeena aan u hor marin lahayn” marka waxaad moodaa aqoonyahanii inay ka hurdaan wadanka dad siyaasadda maqal uun u hayastayna ay sida ninkaas oo kale siyaasadda fara galin ku haayaan.

Si aan loo qatalmin qabiilada ha waydiin
Qaybtaan waxaa keenay marba haddii la wada tashanaayo in meel kasta oo aad is leedahay waxaa ka imaan kara dhib waa inaad sheegtaa si taladaadu ay u noqoto mid dhamaystiran.
Haddii danta dalka lagala tashado qabiilada waxay keenaysaa in qabiil kastaahi uu dantiisa fiirsado oo markii wax laga waydiiyo uu yiraahdo habel oo aan isku beel nahay wax uga mudan malahan. Laakiin taas badalkeeda waxaa haboon in la kulmiyo aqoonyahanada iyo dadka ay ku jirto waddaninimadu si loo helo qofka ku haboon talada wanaagsan ay usoo dhiibtaan.
Midda ugu dambeysa oo aan qabiil yaan talo loo dhiibin u leeyahay waxay tahay in khilaafku bato ayaa dhici karta oo tartanku gaaro heer lay xaasido oo qofkii la doorto hadduu xattaa aqoon ku yimid qabiil ahaan lagu mucaarado oo fadeexad iyo xumaan laga faafiyo

Gunaanad
Soo noqnoshada khilaafka siyaasadeed iyo cayrinta raiisulwasaareyaasha waa laba arinmood oo qayb ka ah dib u dhaca wadanku uu ku jiro si hadaba looga baxo fadhiidnimada ina haysata oo aan ka socon la’nahay waxaa talo ahaan aan soo jeedin lahaa in la sameeyo tanaasul badan iyo dulqaad lana fiiriyo danta wadanka mooshin iyo xukuumad cayrina aan lagu dagdagin haddiiba meesha aysan oolin wax ka dhib badan mooshin maxaa yeelay waxaan ognahay saamaynt xun iyo raadka uu reebaayo mooshinku waxaana kaloo haboon in mooshinku uu noqdo tillaabada ugu dambeysa ee la qaado markii xal kale la waayo laakiin intii fursado kale ay jiraan aan lagu degdegin
Mohamed Deik Tako








No comments:

Post a Comment