Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Tuesday, October 21, 2014

Soomaaliya iyo Sicir bararka guurka


“Waxaan damcay inaan guursado laakiin qarashkii aan filaayay inuu guurku noqon doono ayaa ka badan labanlaab noqday” waa qiso ku dhacday wiil guurdoon ahaa laakiin hadda guurkii awooddu u diiday.
Qiimaha lacageed ee laysku guursado Soomaaliya ayaa cirka usii socda ayadoo waxtarka faa’iido ee kasoo baxaya ay tahay ama la mid tahay tii horay looga heli jiray oo kaliya oo aysan wax ku siyaadin, hadaba hadaysan faaiidadu is badalin maxaa qarashka badiyay?

Maxaa keenay qiima korora Guurka
Qiima kororka guurka ee dalkeena waxaa keenay sababa badan oo ay ka mid yihiin

1.      heerka wax barasho
heerka wax barasho ee shaqsiyadeed waxay siyaadineysaa hamiga qofka iyo tartanka uu kula jiro dadka la heerka ah, tusaale ahaan qof jaamacad ka baxay wiil ama gabar mid waliba wuxuu jecelyahay in  guurkiisa ay ka muuqato sharaf iyo faan iyo inuu asxaabtiisii hore oo guursatay uusan ka liidan tabartu meelay gaysaba inuu rafanaayo qarashna galayo waa hubaal, taasi waxay keenaysaa in aqal wayn la sharaxo alaab badana laga soo buuxiyo aroos heer ahaan sareeyana la dhigo haddii Hoteel la awoodi waayo xataa guriga kan lagu dhigayo waa ka muuqataa in qarash fara badan la galay.

2.     Adkaynta reerka
Sida ay qabaan dad badan oo guurka qaaliga ah taageersan waxay leeyhiin haddii ninku guurka marka hore uu ku galo lacag badan waxay ay taasi adkaynaysaa dhidibada reerka iyo waaritaankiisa, markasta oo qarashku bato ninku kuma fududaanayo in si sahlan uu inantuu qabo ku furo maxaa yeelay waxaa mar kasta uu soo xasuusanayaa qarashkii ka baxay ee faraha badnaa taas oo laga yaabo inay keento isku waaritaan ama ugu yaraan inay labada qof isku daahaan. Taas micneheedu miyaa in labadii qofee qarash yar isku guursada inay kala tagayaan? Anigu saas u malayn maayo.

3.     Soo rogaal celinta qurba joogta
Soo laabashada Soomaalida qurba joogta ah iyo guursigooda hablaha Soomaaliya ku nool waxay caqabad ku noqotay dhalinyaro badan oo waligood aan Soomaaliya dhaafin iyo kuwa meeshii ugu fogayd ee ay tagaan ahayd wadamada Bariga afrika, dhalinyaradaas badankood lacag badan oo Hoteel ay aroos uga tuntaan ma haystaan kan ugu fiican waa shaqaale mushaari ah badankoodna waxaa ku xariira qoys iyo qaraabo in kastoo qaar waalidkiis ay ladan yihiin ay jiraan laakiin inta loo baahan yahay ayaa ka badan.
Qurba joogtu badankood waa niman da’doodu u dhexeyso 35 jir iyo wixii ka wayn inta badan waa rag xaas hore lahaa baankoodna ay dibadda u dagan tahay magaalada waxay u yimaadaan inay siyaasadda Soomaaliya galaan oo ah meesha qurba joogta laga xiiseeyo kadib waxa u xiga waa inuu guursado gabar, Si dhib badan iyo diidmo uusan ula kulmin waa inuu jeebkiisa furaa qarash badana uu quuraa si gabar uusan horey usoo shukaansan lagana yaabo xattaa inuusan arkin uu u helo.
Gabadhuhuna ayagoo qurba joogta u aragta fursad una maleeya isha dhaqaalaha ay ka heli lahayayd waxay ku xirayaan lacag badan, guri qaali ah aadna loo camirayo iyo in arooska laga dhigo Hoteel ninkuna taas waaba uu sugayay maxaa yeelay meesha uu ka yimid heerkaas oo kale ayaa laysaga guursadaa, taasina waxay keentay inuu siyaado damacii haweenka oo mid waliba ay ku fakarto saaxiibtaa guurkeeda oo kale waa inaad heshaa ayadoo is waydiin qof waliba inuu qurba jog yahay iyo inuu jeeb buuran yahay.

4.     Heerka nolosha
Sida caadiga ah dadku waa kala duwan yahay waana kala heer mid walibana waxaa uu ku noolyahay dabaqad gaar ah waa kuwa ku nool heer sare, kuwa dhexe iyo kuwa ku nool heerka ugu hooseeya oo dad ku noolaado oo waaba kuwa dagaal kula jira noloshii oo wixii lagu noolaan lahaa ayay daal iyo dhib badan u maraan guur qaali ahna maba ahan tabartooda.
Ayadoo saas ay tahay ninkii raba inuu ka guursado qoys noloshoodu tahay heer sare la qarash maahan kan raba inuu ka guursado reer dhexdhexaad ah ama ku’ hooseeya nolol ahaan, qoyska nolol sareeya gabadhooda waxay u rabaan nolol la mid ah tan ay ayagu ku nool yihiin oo waalid raba ma jiro gabadhoodu inay nolol tay kusoo koriyeen ka liitada ay gasho, taasi waxay keenaysaa qiimaha guurku inuu sii siyaado oo ninkaas sidaas ku guursaday asna waxaa gabadhiisa lagu guursan doonaa qarash ugu yaraan kii asaga ka baxay oo kale ah.

5.     Garaadka haweenka
Markii ay siyaado da’da gabadhu ayna hesho ilbaxnimo iyo fahan badan oo xagga nolosha ah ayna daawato aflaam u badan kuwa jaceelka waxay arkaysaa ayna ogaanaysaa waxyaabo badan oo aysan ogayn gabadha da’ ahaan ka yar ayada, taasina waxay sabab u noqonaysaa inay yeelato baahi ka saraysa kuwa kale ayna sabab u noqoto qarashka guurka oo ninka ku bata iyo in xataa ayada guurkeedu uu daaho ayna si sahlan u heli wayso qof baahideeda badooli kara ama mid ay ku qanacdaba.

Maxaa ka dhasha guurka Sareeya
Aroosku hadduu qaali noqdo cid kastana ayku dhiiran waydo taas waxay keenaysaa in dhalinyaro badan ay dhaqaale xumo u guursan waayaan taasna waxaa ka dhalan kara waxyaabo badan oo raad reeba waxaana ka mid ah

Faafida xumada
Haddii guurku qaali noqdo sababna ay u noqoto in guurku yaraado waxay noqonaysaa in dadku ay si xun wax u raadiyaan taasna ay keento inay xumaantuna bulashadaas ku dhex faafto.
Waxaa siyaadaya geerashaynta ama tumashada sababtoo ah qofka waxaa ku abuuran dareen iyo baahi haddii uu wanaag ku waayana laga yaabo inuu sida uu wax ku heli karo uu ku raadsho.

Taranka oo yaraada
Haddii dhalinyaradu aysan ku guursan waqti hore oo ay ka daaho xilliga guurku siiba gabdhahaoo waqtigoodu iska kooban yahay waxay taasi keenaysaa in tarinkii uu yaraado “xadiis nabiga laga wariyay ayaa micnihiisuahaa guursada naagaha dhalmada badan  jaceelkana badan”  taas waxaa looga dan leeyahay in markii maalinta qimaayo la tago ay umaddeenu noqoto tan ugu badan umadaha tiro ahaan laakiin waxaad moodaa taas inaan la dhaqan galin oo laga yaabo in wiilku guursado gabar ay ku harsan tahay dhawr da’ oo kaliya.

Talo ahaan
Waxaan kula talin lahaa dhammaan dhalinta aan guursan ee gabdhaha ah inta aysan guurkeeda meel ku jaan goyn ay marka hore fiiriso ruuxa ay rabto inay guursato heerkiisa iyo awoodiisa, taas micneheduna waxay tahay “jeebka saaxiibkaa eeg intaadan guurka magaalada ka jira fiirin”

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


No comments:

Post a Comment