Afar
iyo bar (4.5) waa qaab Soomaalidu kuqaybsato awood siyaasadeedka dalka ka jira
lagama yaabo inuu qof siyaasadda kusoo galo wax aan ahayn afar iyo bar haddii
xattaa uu ka tirsanyahay urur siyaasadeed ama koox awood leh maamulka
siyaasaddana ugu tun roon waxaa lama huraan ah in qaab ku dhisan afar iyo bar uu ku yimaado.
Taariikhda Afar iyo Bar (4.5)
Taariikh
ahaan afar iyo bar waa soo jireen markii loo fiiriyo taariikhda Soomaalida
laakiin wuxuu u jiray si khiyaali ah, aysana ahayn wax qornaa laakiin markii la
fiiriyo sharci ahaan ay aheed wax jira ayadoo waliba taas ahayd wax dadku ku
qanacsanaa wixii ay ku helaan qaabkaas
Taariikh
ahaan waa jiray in haddii reer uu qof ka dilo qabiil kale ay bixiyaan diyo diyadaasna
aysoo aruurinaayaan reerka wax dilay jufooyinka ay ka tirsanyihiin oo dhan
hadaba marka loo qaybinaayo lacagta ama xoolaha diyada waxaa laysku raaciya
sida ay u kala badan yihiin tiro ahaan iyo xoolo ahaan, waxaa laga yaabaa in
hal jufo ay qayb ahaan ugu soo aado bixin xoolo la mid ah midka ay bixinayaan 3
jufo oo la isku daray.
Qaabkaas
waxaa loo yaqaan xarig oo micno ahaan laga wado dadka waa la isku raacinayaa
sida ay isku raaci karaan tusaale ahaan qabiil aya leh laba qayb B iyo T mid waliba waxaa ku hoos jira 6 jufo, tusaale ahaan laba jufo oo ku jirta qaybt B haday tiro ahaan yaraadaan waa la
isku daraa ayadoo laga dhigo hal xarig kana dhigaysa qaybta B inay noqdaa 4 xarig illeen laba jufo ayaa hal xarig
noqotaye, dhanka kale haddii qaybta T
ay sidooda u noqdaan xarig xarig waxay noqonayaan 6 xarig,
hadaba
qabiilkaas labadiisa qaybood ee B
iyo T waa siman yihiin dhalasha
ahaan tirade jufooyinkiisana waa siman yihiin laakin awood (tiro iyo xoolo)
ahaan markii la yiraah qaybta T ayaa
badan hadaba taas badalkeeda haddii reerkaas ay xoolo Diya ah helaan qaybsiga
waa kala badsanayaan sidii bixinteediiba ay u kala badsadeen.
Guurka iyo Afar iyo bar
Guurka
soomaalida wuxuu ku salaynaa waxa la yiraahdo ood wadaag oo micneheedu yahay
dad wada daga dhalasho ahaan haku wada dagaan deegaan ahaan ama deris ahaadaan
taasna waxay soomaalidii hore ka samaysteen maahmaahyo badan oo ay ugu caansan
tahay “waxaad taqaan guurso waxaad
taqaano hakuu dhashee” ama “musbaax
minankaada u baahan yahay minan kale mala geeyo” taasoo loogu hal qabsan
jiray ninkii badanaa ka talaaba dadka ay reerkiisa is guursan jireen qolo kale
oo deegaan ahaan fog ama awood ahaan yar guur ka galo.
Soomalidii
hore waa ku yarayd inay is guursadaan markii loo fiiri afar iyo barka oo
meeshaas waxay ahaan jirtay inay isugu yeeraan hadalo ay ka mid yihiin Nasab
dhiman iyo laangaab oo runtii ah erayo ay u adeegsan jireen dadka qabiilada yar
haddii qof ka tirsan qabiilada afarta ku jiraa uu guursado kuwa barka ku jirana
waxaa meeshaas ka dhici jiray in qofkaba la takooro ama la dayriyo
Xilligaan
la joogo waxaad moodaa dhaqankaas in uu sii yaraanayo oo is dhexgal fiican uu
jiro ayadoo sidoo kale erayaddii liididda ahaana sidoo kale ay is badaleen
tusaale ahaan gabar afarta ku jirta hadduu guursado wiil ku jira barka oo lays
waydiiyo wiilka gabadha naga guursaday waayo waxaa la yiraah waa beelaha yar yar oo micne ahaan ah dadka barka ah
Faa’iidada afar iyo Bar (4.5)
Wax bixinta
Afar
iyo bar wuxuu faaiido leeyahay markii la yiraahdo wax hala bixiyo, sidaan horey
usheegnay haddii xoolo bixin ay timaado reerkii xoolo yar waxaa faa’iido ugu
jirtaa haddii la yiraah dadka kale waa ka yartihiine wax yar iska dhiiba,
tusaale ahaan haddii laba jufo oo yar la isku daro lagana dhigo hal xarig ayna
bixinyaan labadoodu intii hal jufo oo la
siman bixisay waxay u tahay dhaqaalo xooleed, taasina waa hawl soo jireen ahayd
oo go’aan hore laga gaaray.
Malaga
yaabaa in qabiil hoosaad tiro iyo tayo yaraa uu xilligaan aan joogno noqdo mid
xoolo iyo dad badan yeesha?
Haday
taasi dhacdo dadkaasna battaan noqdaanna dad muuqda xagga tirada iyo xagga xoolaha oo ah waxa awoodda kala badiya in ay
kasoo baxaan dabaqada ay ku jiraan? Tusaale ahaan laqa jufo oo harig ahaa haday
battaan dhan walba makala qaybsamayaan ama waa sidii ay isugu jireen?
Taas
mid la mid ah waxaan ognahay in afar iyo barku la xariiro tirada dadka haddii
marka qabiil ku jira barka uu bato mid afar ahaana uu yaraado wax is badala
miyaa ku dhacaya? Sharci miyaa ka yaal mutaqbalka afar iyo barka?
Siyaasadda iyo afar iyo Bar
Siyaasadda
Soomaaliya oo xilligaan ku salaysan afar bar walibana wax qarsoon aan ahayn
waxay dadku aaminsanyihiin inay tahay caqabadda dalku uu ka socon la’yahay
dadka arigtidaas qaba waxay leeyihiin taasi waxay keentay in qabiil waliba
asagoo haysta dad badan oo aqoon leh hadana uusan siyaasadda kusoo darin taas
badalkeedana uu soo magacawdo dad caan ah laakiin siyaasadi aysan keenin
caanimadaas.
Waxaa
sidoo kale jira dad ra’yi ahaan aaminsan in sidii horeba loogu qayban jiray
tiro iyo awood hadana afar iyo barku uu yahay tii hore looou dhaqmi jiray oo la
qoray hoos u dhaca siyaasaddana uusan keenin asaguye sababtu ay tahay oday dhaqameedka reerka oo asagu magacaabiska
siyaasiga qabiilka ay ka go’do oo aan soo magacaabayn tusaale ahaan qabiilada
dhami dad siyaasad ahaan liita masoo magacaabin kuwa aqoon yahano soo
magacowday ayaa jira laakiin inta siyaasad laaweyaal soo magacawday ayaa badan.
Hadaba
su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay afar
iyo barka miyaa qabiiladda u jaan goynaya qofka ay siyaasadda u keensanaayaan,
Wali
ma dhacday qof qabiil keensaday in afar iyo barku siyaasadda ka saaray una
diiday ka qayb galkiisa dibna ugu celiyay qabiilkiisii?
Afar iyo Bar xal ma yahay?
Afar
iyo bar oo ah sharci qoraal ahaantiisu ku cusub tahay bulshada Soomaaliyeed laakiin
taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan jiray ayaa wali dadkii ka dhaadhici la’
taageeradoodana waayay hormar lagama filaayo maxaa yeelay dadkii ayaanba ku
niyad samayn oo in horumar uu keeni karo lama ahan sidaas darteedna xal uma
arkaan ee xiisad taagan lagana yaabo inay sii bataan ayay ka aamineen.
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
nk
ReplyDelete