Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, October 13, 2014

Sababaha Soomaaliga lumiyay



Soomaaliga oo qoraal ahaan liita hadal ahaana sii lumaya waa qormada aan wax ka qoray, waxaad moodaa inuu jiro hoos u dhac wayn oo ku yimid afkeenii hooyo ee Soomaliga ahaa, taasna waxaa keenay sababo badan laakiin intaanan u gudbin horta qoraal xumada jirta iyo dhawaqa qaldanba aan tusaaleyaal usoo qaadano iyo meelaha uu ka jiro hoos u dhacu

Qaabka qoraalka qaldan

Markii la yiraah farta soomaaliga sidii loo qori lahaa ayaa qof soomaali ah ka qaldan qof aan qaladkaas arkin ma aamini karo laakiin markii laguu muujiyo waa wax aad ku qancayso arkaysana inuu yahay qalad muuqda laakin aan lagu baraarugsaneen
Waxaa jirta erayga oo laga qaldaayo xarfaha laban laabma tusaale ahaan erayga Dabbaal (nacas) waxaa ku jira xarafka D oo laban laaban haddii marka xarafkaas hal laga dhigo waxaa is badalaya dhammaan erayga dhawaq iyo micno ahaan oo waxaa uu noqonayaa Dabaal (bada oo lagu badaasho) 

Micnaha Soomaaliga oo qaldan 

Erayo badan oo soomaali ah oo waxaa jira micnihii ay lahaayeen laga badalay loona isticmaalo meelo aysan lahayn micno qaldana la saaray ayadoo uu kusoo badanaayo afkeena erayada micnohoodii hore iska badalay oo jiilkeena cusubi sida kale ubaranaayo

Maxaa keenay hoos u dhaca luuqadeena

1.       Luqadaha wax barasho

Sabab ka mid ah kuwa ugu muhiimsan oo keentayin luuqadeena hoos u dhac uku yimaado waxay tahay luqado ajnabi oo wax lagu barto, taas badalkeeda waxaa luqadeena laga dhigay hal maado oo laga qaato casharo kooban ayadoo macalinka dhigayana badanaa uusan qibrab  fiican u lahayn soomaaliga haday ahaan leheed naxwihiisa iyo suugaantaba
Waxaa I cajab galiyay qormo laga diyaariyay iskuulada Afrika oo la ciqaabayo ardaygii ku hadla luuqadiisa hooyo, ardada ayaa Ul iyo ciqaab kale la isugu daraa haday ku hadlaan luqad aan ahayn midda ay wax ku bartaan oo ah tii gumaystaha, qormada waxay soo qaadatay arday u dhalatay Uganda oo inta jawaan madoobe khamiis oo kale loo tolay loo galiyay banaanka la taajiyay lana yiri meeshaas ayaad taagaanaysaan illaa ardada dhan idinku soo marto
Annagu heerkaas ma anaan gaarin oo wali macalimiinteenu waxay wax ku sharaxaan waa luuqadeena laakiin saas oo ay tahay ayaa waxaa kasoo dhexgalaayo erayo badan oo ajnabi

2.      Soomaalida oo qaxooti noqotay

Qoxootinimada soomaalida ee wadamo kala duwan waxay keentay in ay lasoo laabtaan luuqado kala duwan ayadoo ilma badan oo qurbaha ku dhashayna aysan xataa ku hadalka afka Soomaliga hayn, hooyadii ilmaheeda inay ku hadlaan af Soomaaliga ilmeheeda barta waaba dadaashay maxaa yeelay deegaanka ayaan u saamaxayn inuu qoraalka barto soo laabashada qurba joogtaasna waxay wadanka kusoo kordhisay luuqad xumadii haysatay inay dadkii kale gaarsiiyaan, oo qofkii uu afsoomaaligii hadalkiisa iska daayo waa qofkii awooda si qurba joogtaas uu ula sheekeysto.

Saamaynta uu reebayo

Afkaagii hadaad ka tagto ood qaadato ku’  kale waxaan cidna diidayn in uu imaanaayo is badal badan ha ahaato luuqaddii aad ka tagtay ama tan cusub aad u wareegtay hadaba saamayn ka imaan kara waxaa ka mid ah

Dhimasho luuqadeed

Luqadda Soomaaliga waa soo jireen oo markii soomaaliyi soo billaabatay waa lagu soo hadli jiray laakiin mar dhexe waxaa kusoo biiray in la qoro farta Soomaaliga, haddii sidaan aay kusii socoto afafka qalaadna ay kusoo bataan luuqadeena waxay keenaysaa in luuqaddii ay d himato xaq qoraal iyo mid hadalba, gabi ahaan lumi mayso laakiin waxay inta badan noqon doontaa afaf kale oo aan hadda kujirin in lagu soo daro waxaa sidoo kale hoos ku dhac uu ku imaan doonaa qaabka qoritaanka farta.

Dhaqan lumin

Qolo walba dhaqankeeda waxaa laga gartaa uuna ka dhex muuqdaa afkeeda iyo luuqadeeda haddii labadaas ay lumaan oo is bedel uu ku yimaado waxaa dhacaysa in dhaqankiina si taas la mid ah is bedel ugu yimaado,
Waxaa kaloo dhaqanka kor u qaada qoritaanka iyo samaynta meelo lagu soo bandhigo  haddii qoraalkii farta aysanba jirin ama yartahay goormay imaanaysaa in dhaqan la qoro?
Anoo ka walwalsan arintaas iyo saamaynta ay nagu yeelan doonto una jeeda xaaladda jirta ayaan dhawr su’aalood iswaydiiyay kuna cabbiray qaab suugaaneed.

Soomaaligii meeh?
Aaway sadaradiisii?
Sugaantii wacnayd
Dunida uga soocneen
Yaa sal guurshay oo tiray ?
Hadalkii silloonaa
Sarbeebta lagu dari jiray
Zamanadaan ma haynee
Sababaha afkeenii
Suuraddiisa dhalan rogay
Dadow saaka ii sheeg.

Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com         


No comments:

Post a Comment