Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Sunday, August 9, 2015

GUMAADKA SHACABKA IYO KA GAABSIGA DOWLADDEENA

 Sidii horey u dhici jirtayba waxaa dhacday in ciidamada AMISOM ay bilihii ugu dambeeyay wadeen duqaymo ay u gaysanayeen shacab soomaaliyeed iyo kuwa ay rasaas toos ah ku dileen kadibna ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Shabaab.
Meelaha dadka rayidka ah lagu laayay waxaa ka mid ah magaalada Marka ee gobolka shabeelada hoose oo laba mar ay ciidama AMISOM dad shacab ah ku laayeen mar waxay dileen 10 qof iyo dhaawac intaas ka badan marka kalena waxay dileen 15 qof oo sida la sheegay ay ku jiraa 5 qof ooh al qoys ah.
Sidoo kale gobolka bakool waxaa jirta ayana in ciidama Etoobiya ee AMISOM ka tirsan ay in ka badan 60 qof oo isku tuulo daganaa xasuuqeen waxaa sidoo kale jirta in tuulooyin hoos taga magaalada Buurhakaba ayana duqaymo diyaaradeed loo gaystay dad shacab ahna shimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
duqaymahaas ay ciidamada AMISOM ka gaysanayaan gobollada dalka oo dhimashadu ay kasoo gaarayso Shacabka Soomaaliyeed waxaa usii dheer dad rayidka ah ee ay aalaaba baabuurta ku jiirsiiyaan magaalada Muqdisho.

Dowladdu maxay uga fal celin la’dahay
Sida lagu yaqaan dowladda aan gumaysi ku jirin ee xor ah waxaa dowladdeena laga rabay in dilalka maalaa yacniga ah ee dadkeena lagu hayo ay ka fal celiso maadaama ay tahay masuulka dalka iyo dadka ayna la xisaabtan dhan ah samayso oo ciidamada askarigii AMISOM ah ee xad gudub kula kaca muwaadin Soomaaliyeed ay maxkamad soo saarto.

Ciidamada miyaa kala fadli badana?
Sidaan wada ogsoonahay maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay sharci adag kasoo saartay askarta Soomaaliyeed ee dilka iyo dhaca u gaysanaya Shacabka ayadoo mararka qaar xataa maxkamadda lagu eedeeyay inay fulisay xukuno toogasho ah kuwaas oo aan ciqaab ahaan gaarsiisnayn xadka toogashada.
Waxaa kaloo sida sharci islaamkuba qabo ay maxkamaddu samaysaa xukunka qisaasta oo qofkii qof dila ay toogataa taasina waa sida kaliya ee dadku ku kala nabad gali karo dhiigiisana lagu badbaadin karo.
Laakiin waxaad moodaa in  wali ay naga maqan tahay la xisaabtankii ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM, haddii lala xisaabtamana micneheedu maahan inay dalka ka baxayaan laakiin waxaa noo badbaadaya shacabkeena waxayna ogaanayaan in lagula xisaabtamaayo hadday qof Soomaaliyeed micno daro ku dilaan?
Haddiise AMISOM ay aragto in shacabku uusan lahayn dowladda ka dambaysa oo damqanaysa sidee ku sugnaa inay dilka naga daayaan?
Sanadkii 2007 oo ahayd markay yimaadeen ciidamada Uganda oo ahaa qaybtii ugu horeysay AMISOM ayaa maalin ayaga oo maraya xamarweyne waxaa lagu tuuray Bam waliba wuxuu bamkaasi soo gaarsiiyay dhimasho 5 askari oo ciidamadooda ah saas oo ay tahay dadkii meesha ka dhawaa wax xabado kuma aysan ridin oo markaas magaalada waa cusbaayeen oo waxay is lahaayeen la xisaabtan ayaan jira laakiin hadda haddii xataa xabad lagu rido waxay marayaan inay inta xaafadaha galaan dad shacab ah laayaa sidii markaba ka dhacday.

Maxaa diidan in dowladdu Baaritaan samayso
Mudooyinkii ugu dambeeyay oo ay soo badanayeen dilalka shacabka Soomaayeed waxaa sidoo kale sii badanayay aamusnaanta madaxda dalka iyo ka gaabsashada inay ka hadlaan falalka ay ku kacayaan AMISOM taas oo ceeb iyo fool xumo ku ah waxaase laga rabay inay isma markii falku dhacaba ay ku dhawaacdo inay baaritaan samaynayso ayna guddi u saarto si ay uso xaqiijiyaan tirade dadka la dilay iyo waxa ay yihiin ee maahan in ay AMISOM warbixin ka sugto anagoo waliba og in warbixinta AMISOM soo saarayso ay tahay waxaan dilna Alshabaab nasoo weeraray oo halkaas ay uga harto.
Haddii markaa inta dowladdu karti iska raadiso oo ay baaritaan samayso soona ogaato in dadka la dilay shacab yihiin waxaa kaliya oo AMISOM la xisaabtan ugu filan inay saxaafadda usoo bandhigto ayna u sheegto in dad shacab ah micno la’aan AMISOM u laysay taas waxay yarayn lahayd in dad masaakiin ah lagu fududaado waxaana la ogaan lahaa in ay jirto la xisaabtan iyo dabagal, laakiin haddaan intaas yar ee aan dhibkaba lahayn samayn wayno waxaan maalin kastaba xabaalaha gayn doonaa dadkeenii aan jeclayn.
Hay’adaha Xuquuq insaanka iyo AMISOM miyaa Walaalo ah?
Hay’adaha xuquuqul insaanka ka shaqeeya ee caalamiga ah oo diiradda saari jiray xad gudubyada dalka ka dhaca soona bandhigi jiray gafafka loo gaysto dadka nugul aan qofna ka gamban jirin hadda sidaas maahan oo AMISOM uma jeedaan ma ogi hadday shaqada fasax uga maqan yihiin oo intay fasaxa ku jireen dulmigu dhacay.
Waxaa jiray in warbixino dhawr jeer o hore ay soo saareen dadka ka shaqeeya hay’adahaasi lagu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo dad dilay oona la toogtay ay ahayd dulmi beena lagu toogtay.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay yaa mudnaanta leh in hay’adahaas ay diiradda saaraan?
Ma badbaadinta askarta dambiyada galay mise shacabka masaakiinta ah?

Gunaanad
Waxaan rabaa inaan qormadayda ku saabsan arintaan murugta leh ee dadkeena lagula kacayo in ay dowladdu xil iska saarto sidii ay uga shaqayn lahayd badbaadinta dadka shacabka ah ayna la xisaabtan la samayso ciidameeda iyo martida u ah ee AMISOM waxaan sidoo kale jeclaan lahaa ururada xuquuqul insaanku inay indhaha kala furan oo ay arkaan dulmiga lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed waliba kuwa nugul ee haweenka iyo caruurta ay ku jiraan.
W/Q: Mohamed Taako

No comments:

Post a Comment