Caqabadaha haysta siyaasadda Soomaalida
ee aan maanta jeclahay inaan wax ka qoro waa siyaadda dalka ka jirta oo qof
kasta oo waxa garanaya uu u jeedo inay wax ka qaldan yihiin sababahaas siyaasad
xumada keenay waa fara badan yihiin oo qofba aragtidiisa meel ayuu ku sheegi
lahaa oo cillado gooni ah ayuu la imaan lahaa laakiin kuwa ugu waaweyn oo
keenay inaan aduunka siyaasad ahaan ka harno waxaa ka mid ah
Siyaasadda
oo loo galo qabiil
Qofka kusoo biiraya siyaasadda
marka hore malahan aqoon siyaasadeed ama uma bisla inuu hormar ka sameeyo
laakiin waxa kaliya oo uu ugalayo ayaa waxay tahay qabiil hebel siyaasadda waa
ka dhex muuqdaa ama beel hebel waxay leedahay nin wasiir ah, maalin kasta dadku
waa kusheekeystaan qabiilka madaxweynaha ah ama raisul wasaaraha, marka
beeshaada magaceeda dadku ha hadal hayeen iyo qabiilkaada hala barto dadka
siyaasada u galaya waa fashilka ugu wayn oo siyaasad xumada noo horseeday
Siyaasad
Sad bursi ku dhisan
Waxaa kaloo ka mid ah sababaha
burburka siyaasadeed keenay in dadka danta ay siyaasadda ka leeyihiin ay tahay
kaliya nafci ka hel ama sad bursi taasina waxay keentay in qofka siyaasiga ah waxyaaba
badan oo fakar u baahan iyo go’aan adag ka qaadasho uu hunguri dartiis uga
gudbo ama sahalba ku saxiixo, haddii hoggaanka siyaasadeed uu wax walba
dhaafsado dana shaqsiyadeed dalka siyaasadiisa intey ku dambeyn kartaa?
Cawaaqibta
ka dhalan karta siyaasad xumada
1.
Qaybo
ka mid ah wadanka oo luma
Waxaa dhacaysa haddii siyaasaddaadu
xumaato oo aad awood darayso in qayb ka mid ah wadan aad lumiso dhul ahaan oo
laga yaabo in wadan kale uu iska qaato asagoo uga faa’iidaysanaaya adeeg xumo
haysata ama ka warqabid la’aan ay dawladoodu iska ilowdo anakoo iska indha
tirayn wadada uu hadda dalka ku socdo miyaanay muuqan in Soomaaliya ay
luminayso dhul badan oo isugu jira bad iyo birri, Ethiopia dhul ay dagto
Soomaalida Galbeed ayay naga haysatay saas oo ay tahayna nooguma simin oo wali
damac intaas ka dheer ayaa ku jira oo faragalinteeduna waa joogto, waxaa kaloo
dhul nooga maqnaa Kenya hadana dhulkaas waa ku samri wayday oo hankeedii waa uu
soo laba lixaadsaday hadda waxayba ku hammi wayntahay inay qaadato qayb baddeena
ka mid ah oo la sheegay inuu Gaas ku jiro, Siyaasad xumada jirta waxaa ka mid
ah in dacwad loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda dadkii na difaaci lahaana aan la diyaarin, Kenya ayada maxkamadda sare ee
dalkaas waxay magacawday guddi sharci yaqaano ah oo baddeena u difaaca anaguna
warqad kaliya ayaan inta gaynay ka aamusnay xataa uma eka siyaasiyiintu kuwa
dadaal wada, hala ogaado xukunka badda waxaa uu ku xiran yahay sida laysku
difaaco badaas haddaan qareemo u samaysan wayno faraheena ayay ka bixi doontaa
mar hadduu xukun dhacana racfaan malahan, meesha
kitaab laysku xukumi maayo ee afkaa wax lagu dhacsan doonaa! Marka anaga
yaa inoo maqan? Yaase noo doodaaya?
2.
Awoodda
oo dalka gaari waysa
Siyaasaddu haday aas aaska ka
xumaado waxay noqon kartaa in wadanka maamulkiisa uu ka liito dhanka siyaasada
taasina ay keento xukunada dowladda iyo amarada ay ka hir gali waayaan qaybo ka
mid ah wadanka oo qabiil uu ka taliyo, waxa ka jira Soomaaliland ama puntland
iyo inay u dhaqmaan wadan gooni u taagan waxaa sabab u ah siyaasad xumada ka
jirta dalka waxay hadda maamuladaas marayaan inay ku dhawaaqeen inay xariirka u
jerayaan Dowladda dhexe ayadoo aan aragno in la xisaabtan uusan muuqan iyo
go’aan laga qaadanaayo maamuladaas iyo xataa wax lagu heshiinaayo midbana
3.
Adeega
bulshada oo xumaada
Siyaasadda wanaagsan waa
sababta koowaad ee keenta in sifiican loo hir galiyo adeega bulshada taas
badalkeedana haddii siyaasadu xumaato ama qorshe fiican aan loo dajin waxay
keenaysaa in la dayaco adeegii bulshadana aan la gaarsiin ama wax ka yar dadka
wax ku filan in la gaarsiiyo adeeg la’aanta waxaa keeni kara in la musuqmaasuqo
qarashkii loogu tala galay illeen qofka maamulaya ayaaba markii hore sad bursi
meesha u yimide ama qorshihii iyo siyaasaddii oo markii hore dalmayay
Sidee
lagu xalliyaa Siyaad xumadeena
Aqoonyahanadeena shaqa la’aanta
laamiyada la fadhiya oo waxay soo barteen aan laga faa’iidaysan iyo ra’yigooda oo aan lagaba qaadan oo meel ah iyo
dad nolosha ka dhacsanaa xilli dheer oo siyaasadda sare ka mid ah waa laba
qodob oo la rabo in laga gudbo waxayna ila tahay in taasi xal u noqon karto siyaasad xumada
Soomaaliya dib u dhigtay.
Midda kale odayaasha ku dhaw
xilligii nasiinada ama shaqa ka fariisiga in siyaasadda laga bixiyo laguna
ekeeyo in tala ay soo jeediyaan oo kaliya badalkoodana la isticmaalo dhalinyaro
waa mid ayana keeni karta hab siyaasadeedkeena oo wanaagsanaada
Kaabe qabiilada siyaasadda
saamaynta joogtada ku haya haddii ay ahaan lahayd soo xulidda xildhibaanada, wasiirada
ama buuxinta jago wasaaradeed oo banaan waa caqabad si loo helo siyaasiyiin
aqoon iyo karti waa in lagu saleeyaa jagooyinka dowladda maxaa taqaan oo laga
daayo yaa taqaan “xalka siyaasadda dalku
wuxuu ku jirtaa maskaxda shacabka”.
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment