Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Monday, September 15, 2014

Jaadka (Khaadka) iyo Soomaaliya

Jaadka/Khaadka intiisa badan waxaa uu soomaaliya kasoo galaa wadanka Kenya ayadoo qayb yari ay Ethiopia ka timaado kaas oo laga isticmaalo maalooyinka gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya, Jaadka waxaa Soomaalida uga baxa lacag aad u fara badan oo lagu qiyaaso  $1 million oo Doolar maalintiiba anagana faa’iido ahaan waxaan helna cudur iyo cagaar, iyo anagoo lacagteenii ku bixinayna qasaaro ka daran inaan dab saarno maxaa yeelay inaan dab saarno waxaa ka daran inaad cudur cunto laakiin dadku cudur uma oga oo hadayba waayaan waxay noqonayaan maqane jooga

Soomaaliya oo hesha jaad ka badan kii hore
kadib markii xayiraad laga saaray jaadka wadamada ay ka mid yihiin Holland iyo Britain ayaa waxay taasi sababtay in qaadkii yurub laga xannibay Soomaaliya loosoo weeciyo oo Jaad ka badan kii hore uu wadanka soo galo, meeshii awal ay ka imaan jirtay laba diyaaradood ayaa hadda waxaa mararka qaar yimaada sadex ilaa afar diyaaradood waxaa kaloo siyaaday dadkii ka ganacsan jiray iyo kuwii cuni jirayba

Qiimaha jaadka oo jaban
Qiima ahaan jaadka waxaa la iibiyaa qiimo ka raqiisan qiimihii la iibin jiray inta uusan soo badan waana qiimo kala duwan, taasina waxay ku xiran tahay suuqa aad joogto iyo sida loogu gado tusaale ahaan qofka ku iibiya meel aan qof kale miis uga furneyn waxaa suura gal ah inuu qaali gado asagoo ka faa’iidaysanaaya baahida loo qabo iyo dalabka uu haysto laakiin sida caadiga ah waxaan rabaa inaan fiiriyo wixii la gadi jiray xilligii hore iyo waxa la gado hadda oo jaadka uu wadanka kusoo siyaaday

 Nuucyadajaadka iyo qiimahooda
Laari  waa nuuca ugu badan oo dalka laga cuno ayadoona uu yahay kan qiimo ahaan raqiisan, qiima ahaan halkii marduuf/Kiilo oo laari ah  wuxuu u dhexeeyay $20 ilaa $18   laakiin hadda wuu soo siyaaday taasina waxay keentay in qiimihiisa ay hoos u dhigto ayadoo hadda suuqyada lagu kala iibsanaayo  halkii marduuf ama kilo $15 ilaa $13 taasina waxay keentay inay siyaadaan dhalinyada cunta jaadka 
Kabaje  waa nuuca labaad oo dalka laga cuno kabajeha qiime ahaan hal marduuf waxaa awal lagu kala iibsan jiray qiime u dhexeeya $27 ilaa $25   laakiin hadda waxaa ku yimid qiima dhac taasina waxaa keenay tiro intii hore ka badan oo dalka timid  ayadoo halkii marduuf la gadayo $20 ilaa $18
Gizze waa nuuc aad qaali u ah sida la sheegay marqaan badan oo maan dooriyihiisu saa’id yahay qof kastana uusan cunin marka laga reebo dadka la qabsaday oo aalaaba cuna Gissuhu qiimo ahaan waxa iska badalay ma badna walina waxaa lagu kala gadanayaa qiimihisii hore  oo ah $40 ilaa $50 halkii kilo Tollow kan yaa cuna?
F.G Qiimahaan waa kan magaalada muqdisho laga iibiyo

Dhibaatooyinka jaadka
Jaadku waa daroogo, daroogo cunisna waa dareemi kartaa inaysan dhibaato maahane aysan faa’iido keeneyn ayadoo dhibaatooyinka ay badan yihiin ayaa hadana kuwa guud aan rabaa inaan ka hadlo waxaana ka mid ah
1.      Cibaado xumo
Qofka jaadka aad cuna oo la qabatimay sidaan wada ogsoonahay waxa uu ku gaaraa cuniddiisa ilaa xilli dambe oo habeenkii ah, kadibna hurdo raadin badan kadib ayuu seexdaa walibana xilli uu soo dhawyahay inuu waagu baryo ayadoo laga yaabo inuu salaad subaxa ka jiifto, dadku daroogada la qabatimay maalinta inteeda badan waa ay jiifaan waxay badi soo kacaan duhurkii oo baxay kadib waxay bilaabaan soo iibsashada jaadka iyo mid aan haysan oo markaas soofa si uu usoo helo wuxuu ku qayili ahaa meeshaasna waxaa ku lumay duhur iyo casar ama casirkii oo sii baxaya ayaa la boobsiiyaa markaas ayaa loo fariistaa qayilaada cusub ayadoo badanaa maqribka loogu jiido oo inta tukataa ay yartahay cishahana waxaa la tukadaa markii la dhamaysto jaadka xilli dambe habeenkii saas ayay salaadu u xuntahay cibaado kalena daa’ warkeeda

2.     Burbur dhaqaale
Qofka jaadka markasta cuna waa qof ay ka baxdo lacag badan oo haday u aruuri lahayd wax fiican u qaban lahayd ayadoo taas ay jirto ayaa laga yaabaa dadka qaar inay asxaab u qaadaan jaadka si koox la qayisha uu u helo, meeshaasna waxaa lagu isticmaalaa qarash fara badan,
Wiil aan waydiiyay lacagta Jaadka uu cuno wuxuu ii sheegay 150-200  qiimo ahaan u dhigma uu maalintii cuno laakiin waxa uu yiri “aniga lacagtaas intaan dhiibo waa yartahay afsoomaali iyo waji aan ku helaa haddii aan iska dhaafo jaadka lacagtaas ayadoo caddaan ah ima soo galayso, laakiin jaad haddaan u baahdo si sahlan aan ku helaya”

3.     Kalagaynta qoyska

Jaadka wuxuu sababaa in uu qalalaase ku abuuro qoyska, kaas oo gaara ugu dambeyn kala taga ladaba qof waxaa kaloo jira in aabaha qayila uusan badanaa ka warhayn caruurtiisa iyo xaaskiisa meeshaasna ay ku maqantahay kaalintiisii iyo caruurta oo aan helin qaybtii tarbiyda aabaha iyo la socodkiisiiba
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com

1 comment:

  1. manshaa allah walaahi Artikel caadi aheyn waayo , laakin xaqiiqida waxey tahay sanbo hadiibo lacag lanooga qaato waa lana dhacay , mid kale halkaan waxaan kabartay qeeybaha jaad aniga saas um sii kala aqaanin laakin hada haaa waan kala kasaaaaaaaaaaaaaaaaaa
    sxb maqaaladan waa kuwa tayo leh waxaa wanaagsanaan laheed in aad Magazine bil ah aad kadhigto adiga , politik , sport. caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashada. shantaas qodob kuso qori laheed waxyaaabihi ugu muhiimsanaa bisha
    becoz i blv in aad awoodid artikelkaada ayaa cajiib ah bro

    sallaahudiin alhasany

    ReplyDelete