Faafreeb waxaa la yiraah micno
ahaan warka oo laga reebo wixii qalad ah ama haddaan si kale u dhaho waa
tifaftirid, haddaba faafreebka saxaafada soomaalida ayaa waxay tahay markii
ciidamada nabad sugiddu ay sheegeen in aan wararka qaar laga sii dayn Karin
idaacadaha ayadoo la sheegay in ay reeban tahay in la siidaayo codadka madaxda
shabaab ama arimaha aminiga iyo hawlgalka laga faaloodo ciddii lagu helana ay
mutaysan doonto ciqaab.
Muxuu
soo kordhin karaa faafreebku
Markii la yiraah dad afkooda
waxa uu bartay halaga celiyo waxaa qaadan doontaa waqti dheer in uu la qabatimo
arimihaas cusub oo kusoo siyaaday hadaba faafreebka saxaafaddu dhawr waxyaabood
ayuu soo kordhin karaa qaar ay yihiin wanaag asagoo sidoo kale yeelan kara
caqado ka dhasha, waxyaabaha uu soo kordhin karo waxaa ka mid ah
waanaga
oo la sheego
sababta ugu horeysa ee loo
sameeyay xakamaynta saxaafadda waxay tahay ayada oo ay badatay in qof walibaa
uu iska hadlo uuna iska sheego waxa uu rabo uusana fiirin wax yaalaha ka dhalan
kara warka uu baahinaayo, waxaa jira
warar aysan haboonayn in la baahiyo sababo amni darteed waxaa kaloo jira qaabka
warka loo sheegaayo oo mararka qaar war toosnaa ama wanaagsan xanaf loo yeelo,
tusaale ahaan waxaad arkaysaa mareegaha qaar oo lagu qoraayo “xaalada muqdisho oo allow sahal ah” dad
badan markay ciwaankaas furaan oo ay is yiraahdaan xaaladda wax ka ogow waxay
arkayaan kari lagu dilay muqdisho ma
askariga la dilay aya magaalada
qalqal galiyay?
Haddii barnaamijkaan uu
sifiican u hirgalo waxaan is leeyahay inay yaraanayso been abuurka, sheegidda
ceebta madaxda, iyo faafinta war aan xigasho lahayn iyo hadallada qaar sida Sir
fakatay, warar hoose, ceeb taagan, khilaaf circa isku shareeray, waxaa kaloo
yaraan lahaa hadallada dowladda lidka ku ah oo ay ka mid yihiin Dowladda taagta
daran, dowladda musuqmaasuqu daashaday, waxaa kaloo dhacayn in shaqsi la
beegsado ama la sharaf dilo ayadoo taariiqdiisa lagu kabayo xumaan uusan lahayn
Xog
badan oo qarsoonaata
Haddii la xakameeyo saxaafada
soomaalida ayna sheegto wax aan loo ogolaan waxaa imaan karta in ay yaraato
xogta dadweynehu helayaan ayadoo isha ay wax ka ogaadaan wararkana kala socdaan
ay tahay saxaafadda laakiin taas micneheedu maahan in dadku ay waayeen wax
muhiim ah laakiin waxaa dhaafay arin aysan lahayn go’aan keeda in ay ogaadaana
aysan muhiim ahayn tusaale ahaan haddii qarax ka dhaco magaalada dadkana aan
loosoo gudbin maxaa hallaabaya waa waxba maxaa
yeelay dadka la rabo inay ogaadaan ma ahan dadweynaha waa laamaha
amaanka kaliya sababtoo ah ayaga aya iska leh wax ka qabashadeeda shacabkana
wax aan walwal ahayn uma soo siyaadinayso laakiin dadkeena aya jecel dhacdo ay
falanqeeyaan.
Qodobka
18aad daskuurka
Dadka qaar ayaa ku doodaaya in
lagu xad dugbay qodobka 18aad ee dastuurka oo dhigaya in qofka u xor
u yahay inuu soo gudbiyo fikirkiisa laakiin dastuurku qofna uma fasaxayo inuu
ku xadgudbo shaqsiyadda qof kale waxaa kaloo cidna aysan diidayn in saxaafadda
aan xoriyadda laga qaadine xummaanta laga reebay iyo in saxaafadda labaro hoggaaminta
taasina sharci diidani ma jiro
Midab
kala sooc
Amarkaan soo baxay ee
saxaafadda ku socdaa waxaad moodaa inuu saamaynayo saxaafadda soomaalida oo
uusan quseyn saxaafadda caalamiga ah ee Soomaaliya ka shaqeeya sida BBC iyo VOA, waxay sii daayaan codadka qaar la diiday iyagoo waliba soo
dhex mara idaacadaha Soomaalida miyaysan suura gal ahayn in ayagana loo gudbiyo
sharcigaan wadanka ka jira mise sheegadu waa miskiinaa miska la fuulo leh?
Sharciga looma kala sareeyo
qofkii ku xad gudubtana waa waajib in lagu fuliya wixii uu leeyahay ayadoo loo
eegayn magaciisa iyo maqaamkiisa tusaale ahaan shaqaalaha BBC-da haday sharciga
dumiyaan waa in xukun la mid ah kan kale ee idaacadaha gudaha ka shaqeeya
markuu gaf galo lagu xukumo helaa
Sawir
qaldan
Markii la fiiriyo sida loo
sheegay amarkaan iyo qaabka gudbintiisiiba oo ahayd amar, qaladna aysan ahayn in
dowladi amar bixiso ayaa hadana waxaa habooneyd in qaab kale loo dhigo, maxaa
yeelay dad ayaa laga yaabaa inuu in qaato awoodda dowladeed in loo adeegsaday
qofna cabsi wax kuma daayee dulmi ayay kusii siyadisaa oo waxaa laga yaba inay
abuurto cadaawad qarsoon iyo cuqdad lama ilaawaan ah.
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment