Muuqaalka guud ee Soomaaliya
Soomaaliya
muuqaal ahaan waa dal ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay dagaaladii
soo jiitamayay ee ka socday dalka 24kii sano ee ugu dambeysay taasoo sababtay
in uu ku yimaado dalka burbur dhaqaale iyo mid muuqaal ahaaneed, waxaa
burbursan qaybo badan oo ka mid ah guryihii dowladda iyo kuwa goonida loo
leeyahay ee dadgu gali jireen laakiin taas waxaad moodaa inay hadda soo
yaraanayso oo qaybo badan oo ka mid ah waa la dayac tiray waddooyinkii
burbursanaa qaybo ka mid ahna waa la dhisay,
Waxaa
kaloo burburkaas uu gaaray ciidamadii dalka oo markii dagaaladda sokeeye la
galay u xuubsiibtay ciidan qabiil oo taliyana u doortey qabqable ama kaabe
qabiil laakiin taas hadda waa laga gudbay oo ciidamadii waa la qarameeyay waxaadna
arkaysaa ayagoo labiskii ciidanka wata saarana gaadiid astaan dowladeed ku
buufsan tahay maraya wadooyinka Magaalooyinka Soomaaliya
Waxaa
kaloo muuqaaladii ay magaaladu soo martay ka mid ah waddooyin inta dagaal ka
dhacay dadkii lagu dilay maydkoodu uu
yaalayo waqti badan kuwaas oo la arki jiray ayoo qaarkood eeyo cuneen ama kuwa
dillaacay markay waayeen qof qaada oo aasa laakiin xilligan ma jiraan oo qof
dhintay lagama yaabo inuu wadada ku daaho taasna waxaa qayb wayn ka qaatay
ganacsato iyo isbitaalo hawl galiyay baabuurka Ambaalaasta ee dhaawaca iyo
meydadka qaada haddii la arki jiray qof xabadi ku dhacday oo dhiig bax
wadooyinka ugu dhinta maanta dharag waa loo dhintaa laakiin dhiig bax qof wado
u yaal lama arko
Sidee u muuqataa Soomaaliya? Maxaase
sababayn?
Soomaaliya
muuqaal ahaan wuxuu u haystaa qofkii aan gudaha joogin meel aad u burbursan
wadda la maraana aysan ka jirin badi dadka ku nooli ay yihiin kuwa baahan oo
saf u gala gargaarka hay’adaha cunta fiican aan cunin muuqaal ahaana aad u fool
xun labis ahaana aan qurxaneen sitana
dhar liita.
Waxaa iigu yaab badneen anoo jooga magaalada
Ankara ee dalka Turkiga ayaan gaari Bas ah soo fuulay waxaan soo ag fariistay
lama oday oo da’ ahaa ka wayn 50 sano mid kood aya igu yiri intee ka timid
sababtoo ah wuxuu u jeedaa inaanan ahayn turkey oo dadka gaariga saarnaa
markaas anaa u madoobaa waxaan ugu jawaabay Soomaaliya odaygii labaad ayaa yiri
Alla miskiin waaye wuxuu ka yimid wadan
dadkiisu baahan yihiin.
Haddaba
sababta keentay in muuqaalkaas qaldan oo aan is leeyahay waa kasoo gudubteen
illaa hadda dad badani wali naga aaminsan yihiin waxay iila muuqataa lama
arimood oo kale ah:
1 1. Saxaafada Soomaalida
Saxaafada
Soomaaliyeed marka ay wax tabinayso ama muuqaal soo bandhigayso waxaad moodaa
in kan ugu xasaasisan uguna foosha xun uu yahay kan dhaqaalaha ugu badani uu
kasoo galo,
Tusaale
ahaan haddii ay dhacdo laba arin oo kala ah qarax laamiga ka dhacay oo qof
uusan ku dhiman iyo 500 oo arday oo jaamacad ka qalin jabinaysa waxa ay
saxaafaddu qaadataa kan qaraxa oo aad moodo in xittaa bulshadu aad u
xiisaynayso markii hormar laga hadlana ay leeyihiin maanta war fiican ma jiro
magaalada taas badalkeeda haddi dagaalo iyo qaraxyo loo sheego ay aad u
xiiseeyaan waliba aad arkayso ayagoo si xamaasad le u falan qaynaya
2 2. Saxaafada Caalamka
Soomaaliya
waxa ay noqotay meel saxafiyiinta caalamku ay ka samaystaan waxay uga baahdaan,
waxaa jira in saxafiga marka uu soo dagaayo aysan dowladdu ka warqabin oo uu kusoo
dago hay’ad ama qof ganacsade ah kadibna inla lagu daro ciidamo la geeyo meel
kasta oo uu sheegto xataa xarumaha dowladda in uu tago waraysiyana kasoo qaato
ayaa suura gal ah,
waxaa
hadda kahor dhacday in caruur meel ku cayaaraysa ay u yimaadeen niman
saxafiyiin caddaan ah oo ciidan la socdo kadib caruurtii inta loo yeeray qaar
qorya loo dhiibay kuwana la yiri dheela banooniga maalma ka dibna la arkay
ayadoo lagu soo qaatay barnaamij looga hadlayay caaruurta ciidanka ah markii
dib loo baarayna la ogaaday in caruurta hubka uun lagu sawiray
Dowladda maxaa la gudboon
Markii
la yiraahdo dowladda maxaa la gudboon waxaa laga yaabaa qof walbaa inuu meeshii
markaas u daran is yiraahdo taasaa muhiim ah inay dowladda wax ka qabato
laakiin waxaan ka hadlaayo waa si loo ilaaliyo sharafta iyo muuqaalka dalka
loogana hortagi lahaa in la sharaf tiro muuqaal xunna laga soo gudbiyo wadanka,
caalamkana lagu sameeyo indha sarcaad oo wax aan xaqiiqa ahayn nalaga
aaminsiiyo
Haddaba
waxaa habboon dhanka ammaanka in markii saxafiyiinta ajaanibta ahi ay soo
dagaayaan ayba kusoo dagaan dowladda hotel lagu ogyahay la geeyo ciidamo gaar
ah la siiyo ayaguna lacagtooda dhiibtaan dhanka sawir qaadidda iyo wararka ay tabinayaana
ay masuuliyadooda yeelato wasaaradda warfaafinta, meesha saxafigani uu tagayo
sawirada uu qaadanayo iyo warka uu tabinayo intaba
Tusaale
ahaan hadduu yiraahdo waxaan rabaa inaan tabiyo burburka dalka ka muqda waxaan
rabaa inaan sawiro kasoo qaado Hotel curubo iyo meelo kaloo jajaban waa in la
yiraah taas badalkeeda waa inaad tabisaa horumarka iyo soo kabsashada wadanka taas
waxay keenaysaa in wadanka meeshuu maraayo meel ka horeysa caalamku naga aamino
Wax kasta oo qoraalkan ku jira waa qiso
dhacday iyo aniga fikirkayga kama mid ahan wax abuur ah
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
Fadlan ii reeb fariin adoo mahadsan si qaladka ku jira aan uga reebo
ReplyDeleteAll adaa so kobay bro.. D.Taako...Thanks
ReplyDeleteAbdirahmaan Janaqoow shukran sxb
Delete