Qanaacada dadweynaha markaan
ka hadlaayo ujeedada aan kala jeedo waxaan filayaa qof walba inuu fahmayo, waa
dadweynaha ama shacabka oo la kasbado waliba dowladda ay kasbato oo jaceelka
dowladda loo qabo ay badato laakiin sidaan aragno dadku kuma qanacsana
dowladda, dowladduna waa dareensantahay in dadka aysan kasban laakiin inta aana
u gudbin faahfaahinta sababaha keenay isfahan waaga u dhexeeya dowladda iyo
shacabka aan is waydiino su’aalahan
Dowladda miyaa kasoo bixi la’
waajibaadkeedii dowladnimo?
Ma shacabkaa burburkii la
qabsaday oo dowladda qaban la’
Mise shacabku waa bisilyihiine
waxaa jira aqoon yari ah sida dadka loo kasbado?
Hadaba anakoo su’aalahaas
maskaxdeena ku jiraan aan hoos ugu soo degno qodobkeena aanna idin tuso sida
xaaladda tahay, sababtaan waxaan u kala qaadaynaa mid shacabku leeyahay iyo tu’
dowladdu leedahay
Hadaba aan ku horeyno eedaha
shacabku leeyahay keenayna in ay dowladda ka fogaadaan ayna is fahmi waayaan
1.
Aqoonta
shacabka ee dowladda oo yar
Sababta ugu horeysa uguna wayn
oo keentay dadku inay moodaan dowladda inay tahay wax aysan ayagu lahayn oo
markaas ay ku riixaan inta yaroo dowladda madaxda ka ah ama ay ka dhigtaan
dowladda ruux la siman oo kale oo aysan ihtimaam siin waa aqoonta dadku u
leeyahay dowladnimada iyo wanaageeda oo yar, dadku waxay badi dhasheen markii
dowladdu dhacday iyo kuwa markaas joogay oo wax badan aan dowladda ka aqoon
qaarna dowladda waaba soo arkeen laakiin xumaan ay ku arkeen ayayba uga
caroodeen tu’ dambana ma aaminin
Markaa intii yareyd oo
dowladda taqaanay oona jecleed waxaa ka batay intii kale ee aqoontooda iyo
ciilku u diiday “somaali waxay dhahdaa
biyo kaa badan waa ku maasheeyaan” taasina waxay keentay in muuqaalkii
shacabka uu noqdo dowlad diid
2. Qabyaalad
Qabyaaladu waa mid ka mid ah
sababaha kalsoonida shacabka loo waayay, tusaale ahaan markii la doorto
ra’iisul barlamaan qolo walbaa waxay isku rabtaa inay hesho madaxweyne ama
ra’isul wasaare sadexdaas janaga ma ahan
wax Soomaali oo dhan deeqa waxayna keenaysaa markii qabiil waayo wuxuu rabay
inuu borobogaando bilaabo uuna qabiilkiisa iyo kuwa kale oo qadayba
yiraahdo reer hebel iyo reer hebel ayaa
isku koobay ayadoo keenaysa dadka aan dowladda aqoon iyo kuwa necebba ay kasii
didaan dowladda
Labadaas qodob waxay ahaayeen
kuwa aan is leeyahay waa kuwa ugu saamaynta badan ee niyadda shacabka iyo
fikirkooda badalay, laakiin eeda shacabka oo qura malahane dowladduna waa
leedahay waliba kuwa ka badan kuwa shacabka maxaa yeelay waxaa la yiri “nin xil qaaday eed qaad” hadaba kuwa
dowladda leedahay anigoo u kala hor marin doona sida ay u kala saamayn badan
yihiin ayaa waxaa ka mid ah
1.
bixin
la’aanta adeega bulshada
adeega bulashada waxaa la
yiraah wax kasta oo adeeg ah oo dowladda ay tahay inay u fidiso dadka ayagoo
sii kala muhiimsan laakiin kuwa aasaasiga ah dadkuna uusan ka maarmin waxaa ka
mid ah waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo korontada iyo waddooyinka hadaba
aan fiirino wadankeeda waxa ka jira oo adeeg ah mid ka mid ah kuwaan dowladdu
ma siisaa shacabka jawaabtu ma adka waa maya marka laga reebo barnaamijka aada
dugsiyada oo waxtarkiisa cidna aysan ka war hayn dowladda dayacday baahida
aasaasiga waxa shacabku raacaan oo ay ku kasban karto maxay tahay?
2.
Saamaynta
dowladda oo yar
Saamaynta dowladda iyo hadal
haynta ay bulshada ku leedahay oo yar waxay keentay in dadku ku dhawaado inuu
iloobo dowladda iyo wax qabadkeeda dadku ayagoo u jeeda dowladda ayaysan waxna
ku darsan, meelihii dowladda dadka ka saamayn lahayd ayaa maqan sida
canshuurihii iyo aminigii
3.
Dowladda oo shacabka wax ka qaadan
Wada shaqayntu waxay
imaanaysaa markii ay ladaba dhinacba ka jirto wax is dhaafsi shacabka oo qura
kama imaanayso in la wada shaqeeyo dowladda oo la rabay inay samayso
barnaamijyo ay dadka fikirkooda ku aruursanayso uga qaadanayso wixii saxan taas
ma samayn, laakiin taas badalkeeda go’aanka madaxda ayaa leh, waxaa kaloo la
rabay in ay dadka isugu yeerto xamuraha degmooyinka ulana wadaagto ra’yigooda
iyo wixii ay baahi qabaan waana mid keeni karta iska warqab iyo xog wadaagid, xarumaha degmooyinka waxaa loo dhisay wacyi
galinba shacabka ee inay haawadaan looguma talo galin
4.
Aminiga
oo kala dhiman
Siyaadaha wadanka ee iska soo
horjeeda iyo dagaalka ayaa qof waliba u diidan inuu fikirkiisa soo bandhigo wax
kasta oo uu qabana keentay inuu caloosha ku haysto qofkii dowladda taageersanaa
talo fiicana u hayay ma hadli karo maxaa yeelay waxay ku keeni kartaa dhibaato
maxa yeelay aminigiisa dowladdu ma damaanad qaadi karto shacabkuna maahan
hogaamiye kooxeed is difaaci kara hadduuba noloshiisa maareysto ayuu nasiib
leeyahay shacabku wuxuu taagan yahay “meeshii
maroodi ku dagaalo caws ayaa ku gacan galay” taasina waa midda maanta
shacabka Soomaaliyeed haysata
caqabadaas labada dhinac ka
jira awgood waxaa yar in dadka iyo dowladda ay ka dhexeyso isku qanacsanaan iyo
wada shaqayn xalkana wuxuu ku jiraa oo ay kalsoonida kusoo laaban kartaa in
marka hore la xalliyo dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira oo aan ahayn waliba
kuwa layska indha tiri karo wax walibana waxay lagu xallin karaa in aasaaska
hawsha laga saxo
Soomaali
waxay tiraah “Quraan Alif ka qaloocday
Al-Baqra kama tooso”
F.G wax
kasta oo qoran waa fikradayda gaarka ah cidina ilama wadaagso wixii qalad ahina
waa mid aniga iga dhacay
Mohamed
Deik Taako
Wixii
afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment