Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Thursday, June 27, 2019

Galmudug Haloo Hiiliyo Ama Huri Mayso Habow


Maamulka Galmudug laga soo billaabo maalintii lagu fakaray in la unko, maalintii madaxweynihiisii ugu horeeyay lasoo doortay illaa maantadaan la joogo wuxuu kusoo jiray khilaaf aan kala joogsi lahayn, is faham waa’ ka dhexjiray hoggaanka sare, wax qabad la’aan iyo xiriir xumo kala dhexeysay dowladda dhexe ee sanadihii ugu dambeeyay.
Qormo aan dhawaan ka qoray ugana magac daray “Galmudug Khilaafkii La Haray Khibrad Haka Barato” ayaan aad ugu faahfaahiyay dhammaan khilaafaadka soo jiitamayay afartii sano ee maamulka Galmudug uu jiray marka dib ugu laaban maayo waxyaabihii lagu muran sanaa iyo wixii sababayba.
Cinwaanka qormadayda waxaan u doortay ugana hadli rabaa meesha ay Galmudug hadda taagan tahay iyo waxyaabaha lama huraanka ah ee loo baahan yahay si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka maamulka Galmudug iyo waxa ka dhalan kara haddii la qaadi waayo tallaabooyinkaas
Waxaan halkaan ku faahfaahin doonaa masuuliyiinta waajibku ka saran yahay inay Galmudug u hiiliyaan iyo waxa laga rabo fikir ahaantayda, muhiim maahan waxa aan sheegay inay sax noqdaan laakiin waxaan ka hadlayaa fikirkayga uun iyo waaya aragnimada aan usoo joognay.

Dadka hiilka laga rabo

1  Dowladda dhexe / Heer federaal

Dowladda federaalka ah waxaa saaran masuuliyadda ugu weyn ee lagu badbaadin karo jiritaanka Galmudug si ay u sii ahaato maamul jiray una dhamayso khilaafka dhexdeeda ah iyo inay noqoto maamul wax qabad leh, haddii  la waayo kaalinta iyo taageerada dowladda dhexe Galmudug horey uma socon karto waana aragnaa natiijada ka dhalatay murankii dhex marayay waayihii ugu dambeeyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mar uu Puntland ka yimid booqasho kusoo maray Galmudug safar dheer ayuu ku tagay qaybo badan oo ka mid ah, wuxuu soo dhagax dhigay mashaariic badan oo reer Galmudug aad ugu baahi qabeen in kastoo dhagax dhiggii ka dib aan war laga hayn meel ay ku dambeeyeen laakiin la isku raacsan yahay in mid ka mid ah aan la fulin.
Tillaabo kale oo Farmaajo uu qaaday waxay ahayd inuu goobjoog ka ahaa dhammaystirka heshiiskii ay Jabuuti kusoo kala saxiixdeen maamulka Galmudug oo uu hor kacayay Madaxweyne Xaaf iyo maamulka Ahlusunna oo Sheekh Shaakir uu saxiixe u ahaa, dhamaystirka heshiiskaa wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho walaw uu khilaaf hor leh dhex dhigay Galmudug.
Raisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markiisii ugu horeysay booqday Galmudug asagoo ka dagay caasimadda maamulka wuxuuna kulan la qaatay madaxda Ahlusunna iyo wasiirka arimaha gudaha ee dowladda dhexe, kulankaas intiisa badan waxaa looga hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo guud ahaan Galmudug oo xilliga loo qabtay inay madaxweyne doortaan maalmo naga xigaan.
Xasan Cali Kheyre intuusan ka tagin Dhuusamareeb waa in uu Ahlusunna meel wax la dhigaa kana dhaadhiciyo sidii ay uga soo dabci lahaayeen mowqifkooda mayal adayga ah ee mar walba meel ku dhagnimada ah una diyaar garoobaan tanaasul si loo badbaadiyo wadajirka reer Galmudug.
Intaas kadib Xasan waa inuu Cadaado usii gudbaa lana kulmaa Xaaf oo ka wada hadlaan xaaladda taagan iyo sidii looga gudbi lahaa muranka jira, waa inu si dabacsan oo aysan ka muuqan xoog sheegasho iyo kibir odayga uu ula hadlaa uuna dareensiiyaa inuu masuul yahay, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa raisulwasaaraha inuu ka qanciyo dhammaan wixii tabashooyin ah oo dowladdiisa loo qabo kana gar baxaa Xaaf waa haddii uu rabo inuu ka shaqeeyo danta Galmudug.
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye safarkiisa Dhuusamareeb wuxuu furay albaab xirnaa oo ay adkayd si in furo wuxuu sabab u noqday in Galmudug afkooda ay kasoo yeerto in doorasho ay diyaar u yihiin ayadoo waayahaanba lagu kari la’aa doorasho, wuxuu sidoo kale sabab u noqday in Xaaf Dhuusamareeb ka barokaco sababtuna waxay ahayd in wasiirku uu la hadlay Ahlusunna halkii uu la hadli lahaa madaxweyne Xaaf,
In Ahlusunna lala hadlo walibi magalaada Dhuusamareeb ayadoo xaaf uu gees magaalada ka joogo waxay hoos u dhigtay maqaamkii madaxweyne Xaaf waana sababta u horseeday inuu dhuusamareeb iskaga tago, haddaba wasiir Sabriye waxa la gudboon inuusan go’aan ku qaadan heshiiskaas
Waxaa kaloo habboon inuu warqaddii uu soo saaray ee uu ku sheegay in doorashu ay ka dhacayso Dhuusamareeb uusan dhaqan galin illaa Galmudug dhexdeeda ay iska fahmaan go’aan midaysanna ay ka qaataan halka ay ka dhici doontu doorashadu.
Waxaa iisoo haray Xildhibaanada labada aqal ee cadaado tagay oo dhammaantood ah ragii laga soo doortay deegaanada kala duwan ee Galmudug waa inay muruqooda iyo maskaxdooda isugu geeyaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa Xaaf, Ahlusunna iyo dowladda federaalka ah, ma haboona inay uga faa’iidaystaan mucaaradnimo arrintana sii dhabqiyaan meesha ay joogto meel kasii fogna geeyaan.
Wixii ay Cadaado kala soo laabtaan ayaa buugga ugu qormi doona samaan iyo xumaan dadka ay matalaana isha ayay ku hayaan waxa ay halkaas ka samaynaayaan haddaba ha fiiriyaan danaha shacabka daallan ee deeganka iyo mustaqbalka halkii ay berri ku laaban lahaayeen ama doorasho u doonan lahaayeen.
Galmudug oo hagaagta sababteedana ay ayagu leeyihiin abaal weyn ayaa looga hayn doonaa waxayna ku qormi doonaan baal dahabi ah haddiise dhinaca kale ay u shaqeeyaan oo fowdo iyo is faham waa’ ay soo kala dhex dhigaan Galmudug saamaynteeda dhinacooda ayay kasoo gaari doontaa waana u sharaf dhac.

2   Madaxda Galmudug
Madaxweyne Xaaf cidina kuma qasbin inuu Ahlusunna la heshiiyo, dadaal iyo odaynimo ku jirta ayuu arintaas ugu dhaqaaqay waana ogayn oo waa ka miro dhaliyay inkastoo si fudud uu Cadaado ku lumiyay haddana fudaydkii uu Dhuusamareeb ku aaday ayuu uga soo tagay, si kastaba ha ahaatee meesha xaaladdu hadda joogto waa dhawdahay haddaan madax adayg iyo isla weyni aan la adeegsan.
Xaaf asagaa hadda Galmudug madaxweyne ka ah masuuliyadna ka saran tahay inuu meel wax laga sii wado karo ka tago, waa inuu doorasho diyaariyaa, in kastoo uu sheegay in doorashadu Cadaado ka dhacayso haddana dood iyo wada hadal ayaa ka furan, go’aankiisu yuusan noqon mid lagama laabtaan ah.
Tan kale ee Xaaf laga rabo si Galmudug dadkeedu aysan uga harin dadyawga maamulada kale ayaa ah inuusan isi soo sharixin sababtoo ah dadka uu la shaqayn doono waa dadkii uu horey ula shaqayn waayay ee uu meel kasta ka sheegay inay dhibaato ku yihiin maamulkiisa gadaal ay u dhigeen.
Ahlusunna waa in ay kasoo dabcaan go’aankooda ah in doorashadu ka dhacdo Dhuusamareeb go’aankana uga dambeeyaan wasaaradda arimaha gudaha wixii lagu wada heshiiyana ay ogolaadaan waa haddii rabaan Galmudug midaysan

Gunaanad
Xalka  ugu sahlan ee Galmudug waa in miiska wada hadalka lasoo fariisiyaa dhammaan inta ay quseyso xaaladda cakiran ee maamulka xal kama dambeys ahna ay ku heshiiyaan ayagoo ka fiirinaaya aayahooda, waa in sidoo kale wada hadalka iyo aayo ka talinta Galmudug laga qayb galiyaa dowladda dhexe ayna kusoo biirisaa fikirkeeda iyo sidii lagu hagaajin lahaa maamulka.


W/Q Mohamed Deeq Taako






No comments:

Post a Comment