Soomaaliya hanolaato

Soomaaliya hanolaato
Soomaaliya hanolaato

Saturday, March 28, 2015

MAGAALADAAN XANNIBAN AAWAY XOOLEHEEDII?

Sidaan wada ogsoonahay magaalada muqdisho waxay xilligaan ku jirtaa xaalado adag oo dadka dhami ka wada cabanayo lacag la’aan, dadkii magaalada ku joogi jiray shaxaad iyo waxay dad ka qaadaan hadda cirkaa loo fiiriyay oo qof ay wax ka qaadaan ayay la’yihiin maxaa yeelay dadkii wax laga qaadi jiray ayaanba naf ahaantoodii yaaban.
Dadka markaad waydiiso intee wax ka jiraan qof og ma jirto ciladdu meesha ay jirto laakiin silsiladdii hoos ka billaabanaysay ee lacagtu ku socotay ayaa laga yabaa in meel dhexe laga ceejiyay ama tubaddii lacagtu ku qulqulaysay ayaa xiran ama dhinac kale loo leexiyay.
Cabasha dadweynaha aad ayay u badan tahay laakiin xal looma haayo maxaa yeelay meesha laga haysto ayaanba la ogayn laakiin dadka dhibka wadaahi waa ogyihiin waxay samaynayaan.
Waxaan shaki ku jirin in adiguba naf ahaantaada aad ka cabanayso isbadal ku yimid wixii kusoo gali jiray ama aad ka cabanayso dadkii wax ku waydiisan jiray oo sii batay waxaa kaloo aan shaki ku jirin inaad ka war qabto dad badan oo ka sheeganaya dhaqaalo xumo soo wajahday maalmahaan dambe iyo inaad adiguba dareentay is badal inuu jiro.
Hadaba dadku waxay ka cabanayaan:
1.     Shaqo la’aan
Shaqadu waa shayga koowaad ee qofku uu naftiisa ku maareeyo nolol maalmeedkiisana uu kasoo dhacsado marka haddii shaqadii meeshaasi qofka ka joogtay la waayo nafta side lagu dabari karaa soo shaxaaatan in la isku dayo maahan?
Waxaa sidoo kale aad u fara badan dhallintii wax baratay oo jaamacadaha dhamaysatay inaysan badankood wax shaqa ah hayn oo wali guryihii intay wax baranayeen ku noolaayeen oo waalidkood ay ku noolyihiin ayadoo xataa fursadaha shaqo ee yar oo mararka qaar soo baxa  laysku shaqaalaysiinayo qaraabonimo oo ayadoo qofkii shahaadada haystay uu joogo mid qarabaha ah laakiin aan wax baran ama hadduu bartayta aan booskaan u qalmin shaqadii la gaynayo taasina waxay keentay in dhallintii wax baratay shaqa la’aan ay hayso.
Shaqa la’aanta magaalada ka jirta waxay horseeday in dad badan ay balwad ka dhigteen shaxaad iyo waydiisasho taasoo haddii uu qofku barto keenaysa inuu qabatimo oo shaqa kasta oo uu helayo uusan rabin oo balwad ay ka noqoto shaxaadku.
2.    Ganacsi xumo
Lacag la’aanta ka jirta magaalada waxay keentay in dadkii ganacsiga kulahaa magaalada qaarkood ay kacaan sababo la xariira ganacsigoodii oo xumaaday.
Dadka dukaanleyda wax ka iibsada waxay isugu jiraan dad shaqaysta iyo dad soo shaxaatamay intaba ayadoo aysan layaab ahayn in reer dhan laga biilo shaxaad laakiin markii magaalada lacagteedii ay is xirtay oo dhaqdhaqaadii lacageed istaagay waxaa badatay dayn qaadasho bilba bil lagu amaahanayo oo wax lacag ah macaamiisha waa kasoo laaban la’yihiin waxaa kaloo ganacsatada lasoo gudboonaaday qarash fara badan haba ugu darnaato kirada gurida oo inay sii kororto maahane aanba hoos usoo dhicin.
Tusaale waxaa kuugu filan ganacsigii faraha badnaa ee ku yaalay wadada maka-almukaramah ee magaalada Muqdisho oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa mid aad u muuqday oo kala socday ayaa hadda sii damaya.
Sanado kahor suuragal ma ahayn in qol ku yaala wadadaas la helo maxaa yeelay guriga intii dhismuhu ku socdo ayaaba la sii carbuuntaa guri laga baxayana lama arki jirin laakiin taas badalkeeda hadda guryo badan ayaa cidlo ah oo iska xiran loona la’yahay dad kireysta maxaa yeelay ganacsi aan lacag laga helayn cid isku qasaarinaysaahi ma jirto.
Gunaanad
Hadaba sidaan waxa ogsoonahay ma jiro ganacsiyo soomaalidu dibadaha u dhoofin jirtay oo istaagay ama ilo dhaqaale oo ka xirmay laakiin waxaa kordhay lacagtii kasoo xaroon jirtay dekedda Muqdisho iyo tii garoonka Aadan cadde ka imaan jirtay oo intii hore ka badan marka haddii wixii nasoo gali jiray ay intii hore ka bateen maxay tahay baahida badatay?
Taas waxaa lagu sababayn karaa laba arin middood
1.     In lacagihii magaaladu ay ku kala socotay ay ahaayeen kuwa si musuqmaasuq ahaan magaalada kusoo galayay oo taasina dowladda hadda jirtay ay wax ka badashay musuqii dadku wax ku heli jireen.
2.     In madaxda hadda jirtaahi ay gacan adagyihiin ama inay sameeyeen lunsasho lacageed oo ka badan kuwii lagu eedayn jiray madaxdii ayaga ka horeysay oo lacagihii oo dhan ay bangiyo ku shubteen taasina ay keentay in wax lacaga oo socda la arki waayo?
Waxaa kaloo jirta in qof kasta oo shaqaale ah bishiina wax suga uu ka walwal badan yahay qofka aan shaqayn maxaa yeelay qofaan shaqayn cidi wax waydiin mayso laakiin asaga dad badan ayaa fiirsanaya oo bishu markay dhamaato soo wacaya.

Mohamed Deik Tako

No comments:

Post a Comment