Qormadaan
waxaan rabaa inaan uga hadlo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira oo
maalmahaan ahaa mid murugsan khilaafkaas oo ayaamahaanba jiray waxaa uu sababay
in golaha shacabku ay keeneen mooshin kalsoonida lagala noqonayo ra’iisul
wasaaraha ayadoo mooshinkaasna la isku khilaafay oo qaybintiisii ay golaha shacabku ku heshiin waayeen muran
badan iyo sawaxana uu meesha ka dhacay ayadoo lagu kala tagay laba fadhi oo
arintaas looga tashan lahaa.
Arintu
ayadoo halkaas maraysa ayaa waxaa soo if baxday in golahii Wasiiradu ay ku soo
biireen khilaafka siyaasadeed oo awalba aysan ka maqneed laakiin ay si hoose ula
kala safnaayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayagoo sheegay inay warqad
u direen ra’iisul wasaaraha si uu isku casilo hadaba taasi ma tahay shaqadooda?
Ayagu se Ra’iisul wasaaraha ma usheegi karaan ama ma dhihi karaan is casil?
Shaqooyinkoodu maxay yihiin?
Shaqooyinka
wasiirada laga rabo waa badan yihiin ayadoo shaqsi kasta oo ka mid ah shaqa gooni
ah laga rabo oo ay ku kala duwan yihiin shaqada laakiin waxaa jira arimo si
guud ay waajib ugu leeyihiin waxaana ka mid ah:
B.
wasiiradu waa golaha furinta dowladda
T.
waxay tala bixin ka siiyaan ra’iisul wasaaraha siyaasadda guud iyo sharciyada
lasoo saarayo
J.waxay
soo saaraan sharciyada dowladda ayadoo markay soo saaraana golaha shacabka loo
gudbiyo si cod laagu qaado oo loogu daro sharciyada dowladda
X.
wasiiradu waxay ogolaadaan shaqaalaysiinta shaqaalaha rayidka
KH.
Wasiiradu waxay u xog celinayaan ra’iisul wasaaraha oo waxay qabteen u
gubinayaan waxaana la xisaabtamaya wax qabadkooda golaha shacabka’ ayadoo su’aalo
la waydiinayo.
Wasiirada taageersan Xasan sheekh
Warqadda soo baxday oo
sheegaysa in wasiiro ay ra’iisul wasaaraha
ku yiraahdeen is casil ayaa waxaa ku qoran 14 wasiir kuwaas oo fikir
ahaan ama siyaasad ahaan la safan Madaxweyne Xasan Sheekh miisaankii siyaasadda
oo labada masuul u dhexeeyayna dhan u badiyay.
Wasiiradaas waxaa kor kacaya
wasiirka ay madaxweynaha sida aadka ah isugu dhawyihiin ayadoo wasiirada kale
ay yihiin wasiiro aad moodo inay ku yimaadeen rabitaanka madaxweynaha aysana
jirin meel ay uga tagaan ugana soo horjeestaan taasina ay tahay sababta
culeeska ay u saarayaan Ra’iisul wasaaraha.
Hadaba wasiiradaan haday ku
guuleystaan oo ra’iisul wasaaraha si kastaba haku dhecee uu xilka baneeyo
waxaad cad wasiiradaanna inay dhacayaan, laakiin markii kuwa kamid ah
wasiiradaas uu kusoo laabto wasiirada kale oo uu keenayo ra’iisul wasaaraha
kale waa arin cad in xilkooda loosii ballan qaaday oo la yiri Cabdiweli rida
Xilkiinu ma ahan kan dhacayee.
Maxay ku taageereen
Wasiiradaan hadda kasoo
horjeestay ra’iisul wasaaraha waxay taageero u haayaan madaxweynaha taasna
waxaa sabab u ah laba arin:
1.
In markii hore ay ku
yimaadeen dalabka madaxweynaha iyo ogolaanshihiisa oo ay yihiin asxaab soo
jireen ah sidaas darteedna ay ku taageersan yihiin
2.
In lala galay gorgortan
ku aadan riditaanka Ra’iisulwasaaraha loona ballan qaaday inay kusoo noqon
dooraan golaha wasiiraha booskooda ama mid kale oo jago wasiir ah.
Laakiin
siyaasaddu malahan ballan iyo saaxiib joogta ah soo lagama yaabo in wixii lagu
heshiiyay laga baxo markii arintu gees u dhacdo
booskana uu baneeyo Cabdiweli sheekh.
Wasiirada kale ee taageersan
ra’iisul wasaaraha ayagana sababta ay ku taageersan yihiin waa is cadahay waa
madaxweynaha kama haystaan waji haddii ay ridaan ra’iisul wasaarahana ma jirto
meel ay kugoo laabtaan sidaas darteedna waxay ku qasban yihiin inay ku
adkaystaan taageerihiisa.
Haddii xilka laga qaado
Cabdiweli wasiiradu waxay u kala bixi doonaan laba qaybood kuwa xilkooda hela
oo saaxiibtinimo kala dhexeysa Madaxweynaha ku hela xilkooda ama mid u dhigma
iyo kuwa la safan Cabdiweli Sheekh oo sidaas ku taga dib inay usoo laabtaanna
aysan sahlaneen.
gunaanad
waxaan talo ahaan usoo
jeedinayaa wasiirada mooshinka ku legta leh inay arimahaas faraha kala baxaan,
xilka soomaaliyeed oo ay hayaana sidii loogu tala galay ay u gutaan shaqada loo
dhiibayna ay qabsadaan, maanta haddii aad khilaafka ka mid noqoto ogow in lagaa
aamin bixi doono oo aad noqonayso qof laga aamin baxo beri markii cod dadweyne
latagana aadan masuul u qalmayn.
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment