Golaha
shacabku waa aas aaska siyaasadda ee dalka waxay meelmariyaan sharciyada cusub
ee xukuumaddu soo saarto, waxay dabagal iyo la sixaabtan ku sameeyaan
xukuumadda ayagoo wasiirada waydiiya waxay qabteen, wixii ay qaban waayeen iyo
sababta ay u qaban waayeen,
wuxuu kaloo golaha baarlamaanku awood u leeyahay inuu
hubiyo miisaaniyadda dowladda inay waafaqsantahay sharciga iyo inay tahay mid
saxan waxay awood u leeyihiin inay diidaan iyo in ay sidoo kale ogolaadaan, waxayna
baarlamaanku hubinayaan inta lacag miisaaniyadda ah ee sanadkiiba loo
qorsheeyay la qarashgareeyo iyo meesha lagu qarash gareynayo.
Dagaalkii
Golaha shacabka ugu horeeyay
Sanadkii 2005 ayaa golaha shacabku markii ugu
horeysay waxay ku dagaalameen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, dagaalkaas ayaa
waxa uu ka dhashay mooshin looga doodayay in ciidamo shisheeye oo ka socda
wadamada safka hore la keeno Soomaaliya, muran ku saabsanaa mooshinkaas waxaa
uu keenay in dagaal uu ka dhaco goobtii kulanku ka socday oo kuraastii iyo
baakoorado la isla dhaco ayadoo sadex ka mid ah golihii shacabkana ay dhaawacyo
kasoo gaareen.
Waa
mid ka mid ah mudanayaashii daqaradu kasoo gaariin dagaalkii mudanashaaya
Xamarna maxaa
ka dhacay
Maalinimaddii talaadada ee lasoo dhaafay ayaa
mudanayaashu waxay isugu tageen xarunta golaha shacabka ayadoo kulankaasi lagu
damacsanaa in mooshin ka dhan ah Raiisul wasaaraha loogu qaybiyo, laakiin
markii laysku yimid waxaa dhacday in mudanayaashii kasoo horjeeday mooshinka oo
raiisul wasaaraha taageersanaa ay ugu horeyn qaateen buugii xaadirinta
mudanayaasha.
Waxay kaloo soo qaateen firinbiyo ay yeerinayaan
markii qof meesha uu ka hadli rabo waxay kaloo soo qaateen warqado ay ku qoran
yihiin “cod lacag lagu gatay ma rabno”
Waa
mudane golaha shacabka ka tirsan oo wata warqaddii “cod lacag lagu gatay ma
rabno”
Kadib waxaa dhacday fowdo iyo qaylo keentay in
dooddii iyo mooshinkii la qaybin lahaa dib ay u dhacaan ayadoo go’aan aan
laqaadana meesha lagu kala tago.
Mar kale ayaa maanta oo sabti ah laysku soo
laabtay ayadoo hadana loo balansanaa in hadana mar kale mooshinka loo qaybiyo
mudanaya baarlamaanka laakiin markii la yimid ayaa hadana waxaa dhacday in mar
kale buugii xaadirinka mudanayaasha golaha shacabka la jeexjeexo fowdana meesha
laga billaabay taasoo keentay in guddoomiye jawaari uu ka laabto xarunta golaha
shacabka ayadoo buuq iyo sawaxan lagala hortagay.
Haddii baarlamaanku sidaas ku socdo oo maalintii
mooshin la keenaba lay sidaan oo kale fowdo iyo buuq u kiciyaan soo mooshinadii
danta umaddu jirtayna lama hor istaagi doono?
Teeda kale waxaad moodaa fowdada baarlamaanku
inay isi sii badalayso oo ay la imaanayaan fowdo casriyeysan taas waxaa ka mid
ah in maanta kalfadhigii baarlamaanka lagu joojiyay astaanta qaranka oo kaliya
taas oo si buuq ah loo qaaday oona keentay in wax la maqli waayo laguna kala
dareeray kulankii ayadoo ujeedadii lays kugu yimid aan la gaarin.
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment