Waa xilli duhur ah waxaan taaganahay garoonka
Aadan Cadde ee caalamiga ah waxaa doo dagay diyaarad aan is iri waxay ka timid
dalka Kenya waxaa kasoo dagay dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib
wallow ay inta badani Soomaali yihiin dadkii waa soo dageen waxayna saf usoo
galeen qaybta galitaanka looga dhifto dadkii laba saf ayay galeen ayadoo dadkii
watay baasaboorka Soomaaliga ahaa ay saf u galeen qaybta wadaniga dadkii kale
ee watay Baasaboorada shisheeye ay saf shisheeyaha ay aadeen.
Intii aysan dadku istaagin saf waxay miis
meeshaan ah kasoo qabsadeen warqad mid walibaana qalinka ku boobay asagoo
buuxinaaya xogta lagaga baahanyahay ee warqadda loogu diyaarshay waxaa ka mid
ah waxyaabaha ay dadku qorayen intee ka timid, wadankee u dhalatay, lambarka
Baasaboorka iyo kuwa kale.
Wixii markaas Soomaali ah waxay isla markaasba
ay qaadanayeen ogolaanshaha galitaanka kuwa kale ee shisheeyana ayagana waxay wataan
qaarkood warqad markii hore loosii diyaariyay oo ogolaansho ah qaarna waxaa wadaya kuwa kale
oo Soomaali ah, qof kastaana isla markaas ayuu dal ku galka(Visa) qaadanayaa
ayadoo sida muuqata dadka waxa lagu xirayo oo kaliya ay tahay warqaddii loogu
ogolaaday oo markii horeba dabagal badan
aan lagu samayn qofkii loo ogolaanayay.
Side la rabay in
loosoo galo wadanka.
Qormadaan inaan billaabo waxaa ka mid ah
sababaha igu dhiirigalay nin sxbkey ah oo facebook-ga soo dhigay fikirkii aan
qabay mid lamid ah iyo wixii aan qiyaasayay oo ninkaas si dhab ah ugu dhacay.
Cabdullahi Xoosh waa nin saaxiibkey ah
qoraalkii uu soo qoray waxaa ka mid ahaa
“20 maalmood ka hor ayaan codsaday dal kugalka
(Visaha) kenya si aan u booqdo cisbitaal ku yaala Nairobi. Jawaabti aan helay
waxa ay noqotay in aan la ii ogoleyn in aan galo Kenya sababtoo ah waxaan ahay
nin da'yar. Waxaan is weydiiyey sababta boqolaal Kenyan ah ay bil kasto u
yimaadaan Somalia iyagoo aan codsan dal kugal Soomaali ah, oo marka ay garoonka
kasoo degaan Visaha loogu dhufto baasaboorkooda dhib la'aan. Arrinkani waa
arrin bah dil ku ah mawaadinka Soomaaliga ah, waana in ay dowladda Soomaaliya
si deg deg ah wax uga qabataa”
Dhacdadaas dal ku galka loogu diidayo dad badan
oo Soomaali ah waa mid jirta cidina aysan beeninayn ayadoo dalka ugu badan oo
dhalinyarada dal kugalka u diida uu yahay dalka Kenya asagoona ah dalka ay ka
soo jeedaan ajaanibta ugu badan ee Soomaaliya ka shaqaysata shuruud la’aan kuna
yimaada dal ku gal si sahlan loo siiyay.
Nin dalkiisa
diidani
Inuu kaaga
doorbido
Dalaq aayar soo
dhaho
Waa nagu damiir
xumo
Ee inaan kiisa deynoo
Keenana u
diidnaa
Miyaanayn dow
ahayn?
Qof kasta oo
Soomaali ah oo tagay wadan shisheeye waa uu dareemi karaa dhibka Soomaalida
lagu haayo iyo sida fudud ee ay muwaadiniinta wadamadaas u dhashay ku yimaadaan
dalkeena.
Uganda waa mid ka mid ah wadamada ugu fudud ee Soomaalidu tagto dal
ku galkoodana ay sida sahlan ku qaataan taasina waa arin fiican markii banaanka
laga fiiriyo laakiin arinta dhibka iyo xanuunka leh waa markii diyaaradda kasoo
dagto adoo Soomaali ah lama kala saarayo inaad wadato Baasaboor Soomaali ah iyo
inaad mid wadan kale wadato waxa la aqrinayo waa wajigaada inuu Soomaali yahayoo
kaliya.
Waxaa jira qol
gooni ah oo markii diyaaradi soo dagto wixi la socda oo Soomaali ahi ay saf u
galaan ayadoo qofkaas laga buuxiyo warqado la mid ah Oobbi laga buuxinaayo qof xabsi
loo wado, dadkaas mid waliba waxaa laga qoraa damiin weliba qof kasta oo wax
damiinta iyo ladamiintahaba waa laysu sawirayaa ayadoo wajiyadoodu isi saaran
yihiin ama dhabanka isku haaya.
Waxaa ka dhacday
garoonka Entebbe ee Uganda oo waliba aan taagnaa dad aan soomaali ahayn oo
watay Baasaboor yurub ah in la yiri Soomaali ayaad tahaye safka Soomaalida gal
muran ka dib ayaa la fasaxay ayadoo dadkii la socday ee Soomaalida ahaana
aysaacado meeshaas ku xayirnaayeen.
Wadama kale oo
Kenya ka mid tahay dal ku galkooda ayaaba ay adagtahay in la helo ayadoo dadka
loo ogolyahay ay yihiin wixii ka wayn 40 sano ama qofkii markaas ay usoo
dhammayso hay’ad wayn oo Kenya magac ku leh
Soomaalida
miyaan damqanayn oo dhibka lagu hayo uusan u muuqan mise waxay diidan yihiin in
xariiro badan ay lumiyaan haddii dal ku galka ay adkeeyaan?
Erayo ay
adeegsadaan ciidamada AMISOM ee Garoonka aadan cadde ee Muqdisho jooga ayaa
jira oo ah wax sharaf dhac nagu ah oo waliba qaranimada meel uga dhacaayo
erayadaas waxaa ka mid ah “no man’s
land” “dhul aan cidina lahayn” taasi waxay ku tusinaysaa in nimankaas ay
arkeen wax aan layska dhacsanayn iyo wadan sidii loo baahdo laysaga soo galaayo
ayadoo wixii larabo laga samaysto.
Qof raba inuu
Soomaaliya yimaado dal ku galkeedana raba inuu helo imisa oo kale ayay ku
qaadanaysaa inuu helo, ma saacado ayaan dhihi karnaa ama waa daqiiqado uun.
Kaalinta dowladda
Dowladdeena
kaalinta looga baahanyahay waxay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay matasho ay
dhibka haysta ka damqato waxna ka qabato, waddan kasta oo dal ku galkiisa noo
diida ama nagu adkeeya waa in dowladduna sidaas oo kale yeeshaa wadankii aan
sahlanaan ku galnana uu nooga soocnaada waddamada dadka kale naga soocay,
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment