Sidaan
wada ogsoonahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa dad hadal fudud oo inta badan markii
ay hadlayaan hadalka kor ka aqriya, hadalka ama qudbooyinka ay aqrinayaan ma
ahan kuwa u qoran oo waxaad moodaa inay soo xifdiyeen, taasi waxay keentaa in
qofku markii uu ololo sisaayadeed ku jiro
uu meelo badan ka hadlo dad fara badana la hadlo taasina waxaa ka dhasha ballan
qaadyo badan oo wax qabad iyo arimo kale loo ballan qaaday shacabka iyo deegaanadoodaba,
Maxaa ka run ah ballanta siyaasiyiinta
Shaqada
dhallinyarada loo abuuraayo waa ballanta ugu badan oo shaqsi kasta oo siyaasi
soomaaliyeed ah uu ballan qaado laakiin waxaad moodaa in taasi aysan suurta
galin meeshii lagu ballan qaadayna aysan soo dhaafin, taas oo keenta markii
siyaasigu xilka uu wax yar hayo dadku kahdaan suuqana ceebihiisa iyo
qaladaadkiisa lagu sheekeysto,
Waxaa
kaloo ku badan afka siyaasiyiinta inay wax ka qaban doonaan adeega bulshada oo
burbur badani uu ka jiro wax barasho iyo caafimaad bilaash ahna la heli doono
laakiin taas waxaad moodaa in siyaasi kastaa uu kala balamayo kan ku xiga si isagu
uu u qabto una fuliyo wixii uu ka gaari waayay.
Maxaa loo fulin la’yahay ballanta
Wax
yaabo badan oo is biirsaday ayaa keeni kara in ballantu aysan fulin waxaana ka
mida wax yaalahaas:
1.
Shacabka soomaaliyeed oo aan talo lahayn: taas waxaan ka wadaa shacabku ma ahan ku dooq
leh oo qofkii ay rabaan ma dooran karaan waxayna ku qasban yihiin in ay raacaan
qofkii nasiibka iyo calafku keeno, siyaasiyiintuna haddaan la dooran oo
shacabka uusan cod ka helin maxaa danaha shacabka ka quseeya tujawaabtu waa waxaba
2.
Soomaaliya siyaasadeeda laguma soo laabto: inta badan shaqsiyaadka siyaasiyiinta ah ee
xilalka sar sare kasoo qabta dalka hadday mar meesha ka baxaan uma badna inay
soo laabtaan, waana tan keentay inaan yeelano dad wada siyaasiyiin ah qof
walibana uu isku tijaabiyo xilalka dalka.
Hoteelada waawayn waxaa ku sugan siyaasiin hore
oo saaxadda siyaasadda uga baxay laakiin si dadban ugu jira oo dadka meesha
imaanaya cod kuleh, haddaba haddii uusan qofku rajo ka lahayn soo laabasho soo arintu
noqon mayso “fursad kale ma jirtee ka
fara buuxso”
3.
Ballanta oo aan qornayn: qodobkaan waxaa uu isoo xasuusiyay maahmaah
ahayd “qowl rag ka dhacay waa qori geed
ka dhacay” oo micno ahaan ah haddii mar hadal kaa baxo dib ugama laaban
kartid waa sidii laan geed ka jabtay oo dib ugu laaban mayso, marka waxaa
ballan la’aanta ka mid ah in markii qofku wax ballan qaadayo uusanba meel ku
qorin si uu hadhow usoo xasuusto wixii laga sugaayay oo dadka uu u ballan
qaaday.
Haddaba anaka oo wada ogsoon wixii naloo ballan
qaaday maxaa ballantaas ka fulay boqolkiiba?
Gunaanad
Inta
laga gaarayo in shacabku ay codkooda ku doortaan siyaasiga ay rabaan
siyaasigana uu ku xisaabtamo codka shacabkiisa doorashaduna ay ku salaynaato
hadba jeceelka shacabku u qabaan siyaasiga dadku hayska samraan wixii ilaahey
siyaasiyiintooda uga soo qaadana hagu qancaan maadaama aanan awalba shaqsiga
wax u dhiiban
Mohamed
Deik Taako
Wixii
afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment