Waxaa
maalmahaan soo ifbaxayay oo aad usoo xoogaysanayay khilaafka madaxda sare ee
dalka ayadoona qayb ka mid ah golaha
shacabku ay mooshin ka keeneen ayagoo raba inay kalsoonida kala laabtaan
Raiisul wasaaraha, kuwa kale oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ayaguna ka hor
yimid mooshinkaas waxayna ku eedeeyeen
garabkii mooshinka waday inay lacag qaateen aysana dan u hayn dalka iyo dadkaba
ee ay fiirsanayaan danahooda shaqsi ahaaneed iyo qarash ay helaan.
Xarunta golaha shacabka oo maran
Sidii
uu u billawday khilaafkan madaxda u dhexeeya waxaa kala qaybsamay golihii
shacabka waxayna la kala safteen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raiisul wasaare
Cabdiweli Sheekh qayb walbaa waxay
shirkooda iyo doodohooda ku qabsadaan hoteelada magaalada muqdisho.
Ayadoo
xaruntii golaha shacabku ay tahay meel haawanaysa oo muddooyinkaanba aan lagu
kulmin wax kal fadhi ahna aan la qaban. Tollow jawaari iyo ku xigeenadiisa
kaliya miyaa ku kulma xarunta?
Aniga
ahaantayda inta ay sidaan isku khilaafsan yihiin mudanayaashu inay kulmaan maba
ahan maxaa yeelay dhaqankooda ayaan naqaanaa oo ayagoo is khilaafsan haddii hal
qol laysugu keeno waxaa laga yaaba inay is dagaalaan oo daqaro badan meeshaas
ka dhacaan. Mana ahan niman ciidan kala celin karo oo warka baliiska maqlaya.
Qarashaadka
hoteelada
Xubnaha
golaha shacabka ee kulamada qaadanaya waa kuwa aad ubadan asbuucaanna waxay u
kulmayeen si isdaba joog ah waxa sidoo kale qado heer sare ah laga cunayay
hoteelada ay ku kulmayeen meeshaasna waxaa baxayay qarash ka badan wax ay
awoodaan bixinteeda golaha shacabka.
Hadday
saas tahay hawshu lacagtuna aysan yarayn intee laga bixiyaa? Hadday bixiyaan
golaha shacabkuna intey ka kabaan maadaama ay lacagtu badan tahay.
Cabashada hoteelada
Sida
aan ogsoonahay waxaa jirta cabashooyin badan oo hoteelada magaalada muqdisho ay
ka cabanaayaan xubnaha ku jira dowladda oo ay leeyihiin waxaa ay naga qabaan
lacag fara badan oo muddo badan aan ku leenahay,
Waxaa
jira in hoteelada qaar inta kulamo ama tababar lagu qabtay aan hadana wali lacag
la siin oo daymo taagan ay ku yihiin dowladda. Malaga yaabaa in qarashaadkaasi
uu yahay mid lagu qori doono masuulkii kulanka soo qaban qaabiyay oo ay noqon
doonto mid la mida kuwii aan horey loo bixin oo kale?
Shaqada u taala golaha shacabka
Golaha
shacabka waxaa u yaala shaqooyin fara badan oo la rabo inay qabsadaan, sharciyo
kasoo saaraan siyaasadda wadanka oo mar walba khilaafku haysto iyo inay
shaqadooda hormariyaan, laakiin taas badalkeeda waxay shaqa ka dhigteen
abuurista qalalaase, ka doodista sidii mooshin loo keeni lahaa, olole
siyaasadeed iyo lakala safashada madaxda dalka oo aan ahayn wax ayaga looga
baahnaa
Mohamed Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo
dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment