“Siyaasad madaxa ka halaysan majaheedu ma dhaqdhaqaaqaan” Waa
ra’igayga ku saabsan khilaafka madaxda dalka iyo in lagaari karo hiigsiga cusub ee
2016.
Soomaaliya waxay ka baxday dowlad ku meel gaar ah markii la
doortay madaxweynaha hadda talada haya ee Mudane Xasan Sheek, dowladda aan
hadda leenahayna waa dowlad federal ah.
Markii la doortay dowladdaan federaalka ah waxaa looga
fadhiyay arimo badan o ay ka mid yihiin dhammaynta arimaha maamul goboleedyada
iyo in federaalka la gaarsiiyo dhammaan gobolada dalka.
Waxaa sidoo kale dowladdaan looga fadhiyay in lagaaro
sanadka 2016 doorasho uu qof waliba cod dhiibanayo taas oo dad badan oo
soomaaliyeed ay shaki ka muujinaayaan ayagoo kuu sheegaaya in haddii doorash la
gaari lahaa xattaa muranada siyaasadeed ee dalka aysan u saamaxayn in horey loo
socdo oo la gaaro 2016 qof iyo codkiisa
Maxaa hor taagan
doorasho la gaaro?
Waxyaabaha doorasho inay dhacdo aysan ugu badneen waxaa ka
mid ah dadka oo niyad ahaanba aan aaminsaneen in doorasho dhici karto iyo ayaga
oo doorasho markii ay maqlaanba u malaynaya qiyaali, waxaa kaloo jira arimo
badan oo suurta galin lahaa in doorasho dhacdo waxaana ka mid ah:
1. Xisbiyado siyaasadeed
Xisbiyaddii siyaasadeed ee doorashooyinka ku tartami lahaa
haddaan la hir galin tolow yaa tartamaya?
Xisbiyo siyaasadeed oo u tartama siyaasadda
doorashooyinkana ka qayb qaata waa muhiim waana tan cadayn karta suurta
galnimada in codka dadka lagu tartamo doorashana ay ku dhacdo xilligii loogu
tala galay.
Mar kasta oo xisbi la’aan la tarmayo oo shaqsiyaad ay soo
galaan tartanka waa markasta oo dadweynuhu aysan codeyn iyo in musuq lagu
sameeyo codadka kuwa codeynaya
Diiwaaan galinta dadka
Dadka soomaaliyeed waxaa la rabay in la diiwaan galiyo loona
sameeyo kaarkii dhalashada si qof walbaa uu u helo aqoonsi si uu u qaato
kaarkii codeynta si hadhow uu u dhiibto codkiisa,
Taasi ma dhicin wali oo waxaad moodaa dadkuna inaysan ku
baraagsanayn madaxdii degmooyinkana aysan ayaguna usoo jeedin hawshaas guddigii
doorashooyinkana aysan wali jirin oo ay tahay jago Soomaalida u banaan
Muranada siyaasadeed
Dalka waxaa ka jira murano siyaasadeed oo u dhexeeya
madaxda dalka ugu saraysa taas oo keentay in dad badan oo soomaaliyeed ay ka
niyad jabaan siyaasadda dalka oo ay leeyihiin waxay noqotay musalsal aan
dhamaad lahayn iyo mooshin lacag lagu raadinayo oo noqday wax soo noqnoqda.
Waxaa kaloo muran siyaasadeed uu ka jiraa goboladdii dalka
oo barnaamijkii federaalka ayaa dadkii madaxa isku galiyay gobolada bay iyo
bakool waxaa isku haysta laba maamul oo is diidan, waxaa kaloo muran uu u
dhexeeyaa Puntland iyo maamulka galmudug oo isku haya gobolka mudug maamulkii
uu raaci lahaa,
Maalumadaas is haya is khilaafyadaas waxay masuul ka
noqdeen in dadkii uu ka mushquulo dowladnimadii dana qabiilna uu ka fakaro.
Amniga dalka oo wali
fadhin
Amniga dalka guud ahaan waa mid aan fadhin waxaa dhaca
falal amni daro waxaa qarax iyo dilal ay ka dhacaan dalka intiisa badan, dadkii
Soomaaliyeedna intey dooradho ka hadli lahaayeena waxay ka hadlaan naftooda iyo
sidii ay uga badbaadi lahaayeen dhibka jira. Dadku uma soojeedaan inay doorasho
ka qaybqaataan maxaa yeelay waxay ka baqanayaan in loo dakaneeyo arintaas.
Gunaanad
Khilaafka jira ee madaxdu waxaa uu dalka galiyay mashquul badan
iyo amni xumo kusoo korortay magaalada muqdishu ayadoo nabaddii yareyd ee
maalmihii u dambeeyay laga dareemayay Muqdisho ay hakad gashay.
Si dadku ugu niyad samaado taageeradiisa dowladdana aysan
hakad u galin waa in madaxdu xalisaa khilaafkooda mooshinada wax duminaayana ay
joojiyaan si 2016 loo gaaro doorasho uu qof walba codkiisa uu u dhiibto taas
haddii la waayana dib u dhicii yimaada waxaa uu keeni doonaa in doorasho iyo
hiigsiga cusub ay fashilmaan.
Waxaa maalmahaan aad u kacsan xaaladda dalka iyo siyaasaddiisa
Mohamed
Deik Taako
Wixii afkaar iyo talo ah fadlan iigu soo dir
Email:deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment