Gabaygaan waxaa la yiraah "Lo'deenana kenya goormay wada dagaaleen?" waxaana keenay inaan alifo markii ciidamada Kenya ay duqeymo u geysteen dadka xoolo dhaqatada ah oo ku nool Gobolka Jubbada Dhexe kadibna ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan Shabaab.
Dadkii
duunyada dhaqan jirey wada duqeeyeene
Beerahana
inaad dumisaan seed ku damacdeen?
Lo'deenana
kenya goormay wada dagaaleen?
Shabaab
hadaad dili kartaan dood ma dhalateene
Duurkiinay
idinla dagaan kuna dakeeyaane
Maa
ka doontaan halkaas damaq ma beermeene
Ducafada
Nairobi daganeed waaba dubateene
Dalkooda
kuwii joogana maad ku darateen?
Duulaankaas
qaawan aniga wayga dagi waayay
Dakanaad
naga rabtaan sidaan dareemaayo
Dahab
maan idinka haysanaa maa nadaysaan?
*************************************
Madaxda
Dowladdaa dayaca noo keenay
Dowrkii
laga rabay bada maryeeyeene
Dulmiga
shisheeyahay daawaan abide
Doolaalada
kenyana wayska daayeene
Dood
bilaash ah bay daba wareegaane
Danta
guud dollar bay ka doorteene
Intay
dirirayaan may daafacaan shacabka?
Daar
qurxoon intaad haysatoo diif ka cararyso
Ama
Dabaq saarantihiin daahe danihiiye
Diracnimo
muujiyoo madaxa soo duubta
Digtoonaada
saan waa lagu dulloobaaye
**************************
AMISOM
baan hadana baaq u dirayaaye
Dalka
markaad soo gasheen Diin xuma timide
Duf
ku bexee kufsigaa nooga sii darane
Dadka
inaad daalisaan laydinma soo daadin
Dullinimo
inaad noogu dartaan daw idin ma’ aha
Dabool lama saari karo waxuu dumiyay Kenyane
Daab
inay nala dhacaan daacidnimo maahan
Duqoshi
iyo dadweyn bey hub ku daadsheene
Ari
dibaax sidiisey laba dibleeyaane
Mana
daahno oo way daabacahayaane
Dowladdaa
ku doodee inay daqaro noogaysay
Intaan
la dacaroon oo laysku soo didinin
Dabarka
ka daaya dadkaan way ku daaleene
***********************************
Doorkii
dadkeyga baan u soo dagaye
Adinoo
dabar ku jiraad sacab ku deeqdeena
Qabyaalad
baa idin dooxday oodku daahdeene
Qalbigaa
ku daabcadeenoo waa la daristeene
Waana
idinku durugtoo waa ku dawaqdeene
Daacuun
inuu ka daranyahaa cidina diidayne
Dibudhac
baan ahaan hadaan daalib ku ahaano
Dooxato
iyo tuug baad daajisiin ebide
Rag
idin diiranayaad dood u qabatiine
Dabaadiga
yaree haray aan isku soo duubno
Dabacna
isku muujiyoo dirirta soo kooba
Illaa
aad isdaysaan cadawgu waydin dagayaaye
Soo
dibad boxoo midnimo aanu wada doono
Daaimkaa
awood leh dab damiska waydiista.
Waa
fikirkii Mohamed Deik taako
Iyo tala wadaagii Hassan Jama Warsame iyo
tifaftirkiisii.