Ciwaanka
qormadaan waxaa ujeedkeedu yahay in wax badan oo dadka shacabka soomaaliyeed ah
ay qabaan lagu soo bandhigo iyo sadaasha laga qabo ra’iisul wasaaraha cusub oo
dhawaan la magacaabay iyo waxa kuxiga oo laga filan karo haday ahaan lahayd
xukuumadda uu soo magacaabayo iyo haday ahaan lahayd qaabka la filayo in
xukuumadaas u shaqayso,
Waxaa kaloo
qormadaan looga dan leeyahay in wax badan lagu tusaaleeyo hadday ahaan lahayd madaxda
wax dooranaysa iyo haday ahaan lahayd kuwa la dooran doono iyo waxa shacabku ka
sugayaan oo shaqo ah iyo waajibka saaran uu yahay wax u qabashada dadka
soomaaliyeed iyo inay raacaan waddo ka gaddisan tii ay raaceen kuwii ayaga ka
horeeyay oo keentay in intooda badan ay wax qaban waayeen ee fashilisay.
Ra’yiga dadweynaha
Shacabka
soomaaliyeed intiisa badan waa ay ka raja dhigeen siyaasadda dalka sababtoo ah
waxay dareemeen niyab jab fara badan maxaa yeelay mar kasta oo ay is yiraahdaan
siyaasaddu waa ay hagaagtay waxaa dhacda in meeshii ay wax u socdeen oo rajadu
ka muuqatay cagto la mariyo kadibna siyaasaddii dhinac kale loo jeediyo taasoo
keenaysa in haddan laqabsigeeda uu waqti qaato, waa sida arday fasalka ka
maqnaa dhawr asbuuc markii uu dib ugu soo laabto fasalka waxay ku qaadanaysaa
maalmo badan in uu tariinka casharada dib usoo fuulo.
Markii
raiisul wasaarahan cusub ee Cumar Cabdirashiid la doortay dadweynuhu waxay saadaaliyeen
dhawr arimood oo haddii aad u fiirsatana suura gal u muuqata taasoo keentay dib
usoo celinta Cumar Cabrashiid oo horey booskan looga diray kadib markii lagu
eedeeyay wax qaban la’aan.
Xafiis
ka diriddii Cumar Cabdirashiid miyaa wax ka qaldanaayeen oo markii hore qalad
ahayd mise wax saxan ayaa lagu haystay oo madaxweyne Xasan sheekh ayaa hadda ku
qaldamay?
Su’aashas
jawaabteedu waxay sugaysaa dadka siyaasadda nooga aqoonta badan hana noosoo
sheegaan si ay wax yihiin.
Hadaba
fikirka dadku ka qabaan aan usoo degno waxaa shacabka ka guuxaya fikrado kala
duwan laakiin waxaa jira kuwa ay ka midaysan yihiin oo ay kuu sheegayaan kuwaas
oo u badan in Cumar loo keenay dana shaqsiyadeed.
1.
Dad qaarkiis waxa ay qabaan in Cumar loo keenay
siyaasadda ah in uu yahay nin aan khilaafi doonin madaxweynaha uuna yahay ruuxa
la shaqayn kara maadaama kuwii hore khilaafkoodu uu dib u dhac badan keenaya
2.
Kuwa kale ayaa qaba in Cumar loo keenay oo kali
in uusan wax diidayn uusann ahayn nin muran badan.
3.
Qaarna waxay qabaan wasiiradda xataa loo geeyay
oo magacaabistiisaba ay keentay markii uu ogolaaday wasiiraddii loo keenay inuu
ku daro wasiirada uu soo magacaabayo, wasiirada la yiri waa uu ogolaaday Cumar
waxaa ka mid ah wasiiro horey usoo noqday wasiiro iyo qaar kale oo cusub,
Sida fowzia,
Cabdikarim, Sanbaloolshe, Maryam iyo Xalane
Hadaba
haddii ay dhacdo in wasiiradaas la keeno waxay noqon doontaa in dadka qaba
fikradda sadexaad ay saxan yihiin meeshana ay tahay dana gaar ahaaneede aysan
jirin dan guud.
Waxaa kaloo
la yaab leh wasiiro xantoodu suuqa ku jirto kahor intii aanba la magacaabin
raiisulwasaarihii ayaga magacaabi lahaa.
Gunaanad
Waxaan
qormadaan kusoo gunaanadayaa in shacabka laga qanciyo wixii ay tabanayaan maadaama
waxa loo socdo oo loo adeegaayo ay ayaga yihiin tusaale ahaan wasiirada lasoo
magacaabaayo waa in lagu soo xulaa tayo iyo wax qabad ee aan lagu soo xulin
saaxiibnimo iyo waan isku fiicanahay,
Haddii
uu yahay ninka aad ugu necebtahay laakiin uu yahay kan ugu wax qabadka fiican
waa inaad ka hormarisaa midka saaxiibkaa ah aadna ugu jeceshacay ee aan wax
qabanayn.
Ogow
waxa loo shaqaynaayo dantaada maahan ee waa danta umadda iyo dalka ee kan wax u
tari kara isha ku haay.
Mohamed
Deik Tako