Ciwaanka qormadaan waxaa uu
igu dhashay markii xilka laga qaaday raaisulwasaare Cabdiweli oo codka
kalsoonida ay kala laabteen xubnaha golaha shacabka anigoo og in raiisulwasaare
lasoo magacaabi doono iyo cidda ugu badan ee laga yaabo inuu ka yimaado waxaana
sii xoojiyay oo dhiiri galin ii noqday markii aan website-yada iyo idaacadaha
ka maqlay qabiilo ayagii is magacaabay intii aan lagacaabin qofkii
raiisulwasaaraha noqon lahaana diyaarsanay.
Arintaasna waxaa keenay awood
qaybsiga dowladda oo ku salaysan qabiil ama waxa loogu yeero afar iyo bar (4.5) oo ah dhib kaliya ee nahaysta.
Waxaa maalmahaanba soo baxayay
markii la sheegay in mooshin laga keenay xukuumaddii dad olole ugu jiray
helidda booska uu banayn doono raisul wasaare Cabdiweli, waxaan wali dhicin in
madaxweynaha loo tago oo la dhaho madaxweyne anakaa qabiil ahaan booskaan iska
leh ee nin hebel noo magacaw laakiin waxaad moodaa in si dadban loo leeyahay oo
qabiiladdii ay wadaan galangal ku aadan inay keensadaan qofkay is leeyihiin
danka qabiilka ayuu ka shaqaynayaa.
Aqoonyahan
qabqable lahayste u ah
Sidaan wada ogsoonahay maanta
waxa dalka Soomaaliyeed dhibka ku haya waa oday dhaqameed siyaasadda ku lug leh
ama saamayn ku yeeshay iyo aqoonyahan aqoontiisu aysan muuqan oo kaalintiisii
ay bannaantahay.
Labadaas arimood markii aan
fiirino waxay kala yihiin tusaale ahaan haddii boos siyaasadeed uu ka
bannaanaado dowladda dadka raba inay soo magacaabaan qofkaas waa oday
dhaqameedyada kasoo jeeda qofkii la badalay kuwaas oo raba siyaasigii la
badalay inay booskiisa keenaan ruux kasoo jeeda beeshiisa ruuxaas oo danta
qabiilka iyo wax u qabashadooda ku fiican lagana filayo inuu dhallinyarada
beesha intooda badan qaarna shaqa siiya qaarna dhoofinaya.
Tan labaad waa qofkii aqoonyahanka
ahaa ee siyaasadda fahamka ka haystay oo aan dowladda ku lahay saamayn iyo asagoo
aqoontiisa sheegi Karin ama aan tartan galayn ileen waanba laga aqrisanayn oo
haddii uu xattaa yahay nan ugu habboon ee booskaas leh waxaa hor taala
odaygaada soo mar taasina waxay keentay dadkii aqoonta siyaasadeed lahaa inay
saf ugu jiraan oday dhaqameed aan aqoon wax kusoo xullin ee sida qaddiyadda
qabiilka loogu kala dheereeyo kaliya wax kusoo xula.
kaaba
qabiilada maxaa loola tashadaa?
Hadda waxaa soo dhaw in lasoo
magacaabo ra’iisulwasaare dadka dhana waxay wadaan orod iyo xusul duub ay ugu
jiraan in ay ayagu noqdaa cidda hesha booskaas bannaan, madaxweynuhu dhankiisa
wuxuu wadaa la tashiyo badan oo uu la samaynayo dad isugu jira siyaasiyiin iyo
kaabo qabiilo si talo bixin ay ugala sameeyaan qofka booskaan ku haboon, taasna
waxaa keenay haddii odayada talada laga qadiyo waxay isla soo taagi doonaan
dood iyo inay warbaahinta ka yiraahdaan waa nala dhacay iyo dowladda beesheenu
ma taageersana.
Taas si aysan udhicina waa inuu
madaxweynuhu sameeyaa “side xeero lagu
xagtaa ilkana ku nabad galaan” haddii kale laheshiintaa beelahaas ayaa
waqti iyo qarasha ku bixi doonaa ama waxay noqon doonaan dheleecayn maalin
kastaa taagan.
Gunaanad
Arintaan oo ah wax Soomaaliya
caado ka noqday ayaa markii loo baahdo siyaasi meeshii dad aqoon leh la raadin
lahaa waxaa kaabo qabiilada lagala tashadaa sidii ay u keeni lahaayeen rag u
malata qabiilkooda siyaasadda, waxaana filayaa in ay adagtahay in aan qaabkaas
xun ka gudubno inta beesha dhexdeeda uu kasocdo amarka oday dhaqameedka, oo siyaasiga
wadaniga ah la leeyahay danteena waxbkama oga, culumadana beeshuna ay dadka uun
quraan ku aqriyaan dhallinta wax baratayna lagu riixo waa ciyaal magaalo
qabiilaystana qaranka lagu lagu aamino.
Si looga baxo jahwareerka
siyaasadeed iyo caburinta aqoonyahanadeena waa in aan dhiiri galin u samaynaa
aqoonyahanada iyo siyaasiyiinka ay ku jirto Soomaalinamadu si loo helo dad
wadanka u damqada badalkii qabiil ay u dadaali lahaayee.
Mohamed
Deik Taako
Email:
Deeqaxmad15@hotmail.com
No comments:
Post a Comment