Qof walibaa markii uu arko
ciwaanka qormadaan waxaa u muuqanaysa in meesha ay ku jirto talo ku socota qof
uun dad qaar waxaa laga yaabaa in ay durbadiiba fahmaan qofka lala talinayo
qaarna waxaa laga yaabaa illaa loo sheego in aysan fahmin.
Waxaa kaloo qof waliba markii
uu ogaado qofka lala talinayo imaan doonta in la yiraah side macquul ku
tahay in qof nuucani ah uu la lataliyo
qof jagadaas oo kale haya laakiin taas waxaan uga afeefanayaa maahmaahda ah “talo kuguma noolee adaa ku nool”.
Taladaan waxay ku socotaa
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mana ahan mid xumaan lagala jeedo laakiin
waa mid wanaag looga dan leeyahay in ay wax saxmaan arintaana waxaa dhaliyay
markii uu batay khilaafyada ka dhex dhaca madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha
taasoo marka ugu dambeysa keenta in mooshin laga keeno xukuumadda sidaasna ay
meesha uga baxdo kadibna mid kale ayaa lasoo magacaabaa laakiin wadadii tii
hore ayay martaa.
Haddaba suaasha isweydiinta
mudan waxay tahay madaxweynuhu asagaa soo magacaaba ra’iisulwasaare waxaana
aragnaa waqti badan inay qaadato soo magacaabistiisu ayadoo loo sababaynayo in
lagu jiro wada tashi iyo raadinta qof u qalma booskaas kana soo bixi kara
hadana waan aragnaa meeshay ku biyo shubato, marka intee wax iska qaban
la’yihiin? Ma tashigaa qaldamay mise qofkii tashiga loo galay ayaa is badalay?
Yaa
lala tashanayaa
Wali ma aragnay ayadoo la
isugu yeeray aqoonyahana dalka jooga oo la waydiiyay fikirkooda ku aadan
wadanka iyo qofkii xil loo dhiibi lahaa?
Maxaase loo heli la’yahay
aqoonyahano ayagu is xilqaama oo tala bixin ka sameeya siyaasadda dalka?
Su’aalahaas iyo kuwa kale waa
su’aalaha aan iswaydiiyo markii aan arko aqoonyahannadii oo xaflado iyo xeebla
tiilo ku mashquulsan iyo taladii wadanka iyo siyaasaddiisii oo tala ay ka
dhiibanayaan dad aan aqoon u lahayn.
Arintaasi waxay isoo
xasuusisay sheeko ahayd:
Nin ayaa hadda kahor waxaa
uusoo iibsaday jawaan sokor ah guriga ayuuna dhigtay sokortii waxay mudo
taalaba maalintii dambe ayaa waxaa shir yeeshay ganacsatadii sokorta keeni
jirtay nasiib wanaag shirkii ayuu tagay oo waxaa uu nasiib u yeeshay in dadka
meesha ka qudbeynaya ma mid noqdo asagoo isku sheegay inuu yahay ganacsade
sokor u taalo, markii fursaddii hadalku soo gaaray ayuu inta ka dhex istaagay
yiri “haddaan
nahay ganacsatada sokoreeyda waa inaan ka talinaa sidii ganacsigeena aan u hor
marin lahayn” marka
waxaad moodaa aqoonyahanii inay ka hurdaan wadanka dad siyaasadda maqal uun u
hayastayna ay sida ninkaas oo kale siyaasadda fara galin ku haayaan.
Si
aan loo qatalmin qabiilada ha waydiin
Qaybtaan waxaa keenay marba
haddii la wada tashanaayo in meel kasta oo aad is leedahay waxaa ka imaan kara
dhib waa inaad sheegtaa si taladaadu ay u noqoto mid dhamaystiran.
Haddii danta dalka lagala
tashado qabiilada waxay keenaysaa in qabiil kastaahi uu dantiisa fiirsado oo
markii wax laga waydiiyo uu yiraahdo habel oo aan isku beel nahay wax uga mudan
malahan. Laakiin taas badalkeeda waxaa haboon in la kulmiyo aqoonyahanada iyo
dadka ay ku jirto waddaninimadu si loo helo qofka ku haboon talada wanaagsan ay
usoo dhiibtaan.
Midda ugu dambeysa oo aan
qabiil yaan talo loo dhiibin u leeyahay waxay tahay in khilaafku bato ayaa
dhici karta oo tartanku gaaro heer lay xaasido oo qofkii la doorto hadduu
xattaa aqoon ku yimid qabiil ahaan lagu mucaarado oo fadeexad iyo xumaan laga
faafiyo
Gunaanad
Soo noqnoshada khilaafka
siyaasadeed iyo cayrinta raiisulwasaareyaasha waa laba arinmood oo qayb ka ah
dib u dhaca wadanku uu ku jiro si hadaba looga baxo fadhiidnimada ina haysata
oo aan ka socon la’nahay waxaa talo ahaan aan soo jeedin lahaa in la sameeyo
tanaasul badan iyo dulqaad lana fiiriyo danta wadanka mooshin iyo xukuumad
cayrina aan lagu dagdagin haddiiba meesha aysan oolin wax ka dhib badan mooshin
maxaa yeelay waxaan ognahay saamaynt xun iyo raadka uu reebaayo mooshinku waxaana
kaloo haboon in mooshinku uu noqdo tillaabada ugu dambeysa ee la qaado markii
xal kale la waayo laakiin intii fursado kale ay jiraan aan lagu degdegin
Mohamed Deik Tako
No comments:
Post a Comment