Waxaa dadku hogaansamaan
haddii la helo hogaan lagu qanacsan yahay sharci aan loo kala sarayn, caddaalad
loo siman yahay iyo xukun aan masaakiinta kaliya ku dhicin, taas oo Soomaaliya
ay ugu dambeysay markii aan dowladeenii anagu gamceheenii ku duminay.
Xilligaas
wixii ka dambeeyay dalku wuxuu noqday jaantaa rogan oo ruux waliba wuxuu rabo
ayuu fali jiray, sharciga kaliya oo lagu kala baxaana waxaa uu ahaa oday
dhaqameed dantiisa kaliya uun fiirsada, mana dhacdin in ruux tabar yar uu
caddaalad helo si uu ku waayaba.
Taas
markay dhacday waxaa meesha ka baxay sidoo kale kaalintii shacabku ku lahaa
dowladda, gabi ahaanba waxaa is taagay ka qayb qaadashii hantiyeed ee
dadwaynaha looga baahnaa si adeega bulshadu uu u shaqeeyo dadkana wax loogu
qabto ayadoo aan ogsoonahay in lacagaha adeegyada dowladda lagu bixin jiray oo
bilaashka ah ay ahayd wax dadka laga qaadi jiray ee dowladdu kaligeed aysan
jeebkeeda ka keeni jirin.
Markii
aad milicsato magaalada Muqdisho ma jiro hal ruux oo shaqaale ah oo dhiiba
lacagtii canshuurta ahayd oo haddii uu dhiibi lahaa laga yaabi lahaa qoyskiisu
inuu helo waxbarasho, caafimaad, waddooyin dhisan iyo biyo nadiif ah oo
walibana lacag la’aan ah, laakiin haddii bulshadii laga waayay inay wax dhiibtaan
wax loogu qabto maxaaba loo qaban karaa?
Soomaali
waxay ku maahmaahdaa “quraanyo (quraanjo) aruurtay bulac waa jiidaa” markii
maahmaahdaas laga hadlaayo waa dhiiri galin looga gol leeyahay in isku tagga
lagu qaban karo wax aan waligeed kali kali lagu qabteen.
Waxaas
qiyaastaa haddii qof walba oo Soomaali ah oo shaqaysta uu bil walba dhiibo $10
tusaale ahaan imisa ayay noqonaysaa lacagtaas? Waxaan shaki ku jirin in
lacagtaas ay kaafin karto dhammaan mushaarka macalimiinta wax barta ardayda
Soomaaliyeed oo waliba wax kale inta kasoo haraan hawlo kale lagu qaban kari
lahaa, haddii intaas ka badan la isku qorana waxaan awoodnaa inaan baxsano inta
badan miisaaniyadda dowladeed laakiin qof walba inta aruuriyo ayuu aduunka uga
tagayaa.
Waxa
kaliya oo jira oo hadda la canshuuraa waa dukaanada ganacsiga oo ayaguna aan si
fiican u dhiibine musuqmaasuq iyo cabdi lacagaha u dhiiba iyo baabuureyda oo
ayaganu wax dhiiba laakiin taasi kuma filna in lagu qabto walibana lama hubo
inay gacanta dowladda si toos ah u gasho.
Ayadoo
xaaladdu saas tahay oo aysan jirin dad shacab ah canshuur dhiiba ayaa hadana
markii la isku soo hadal qaato adeeggii bulshada ee bilaashka ahaan jiray ayaad
arkaysaa in la leeyahay dowladdaan ma rabto inay dadkeeda wax u qabato oo adeeg
meeshay qaban lahayd siyaad kaliya ayay ku mashquulsan tahay, hadaba haddii
dadku ku mashquuleen qabyaalad maxaa diidaya dowladduna inay siyaasadda dibadda
ku mashquusho?
Hadaba
sababa ay dowladdu la qaban la’dahay adeegii dadka waxaa ugu wayn waa gacantii
dadka oo meesha ka maqan, illeen haddaan dowladda la taakulayn wax ma qaban
kartee tan kale oo shacabku dowladda ku tabaayo waa lacagaha dowladaha
shisheeye ay siiyaan oo ayaguna ah wax xisaabsan oo aan dhaafsiisneyn mushaar
iyo socodsiinta hawlaha dowladda waaba haddii ay usoo gaarto sidii loogu ballan
qaadaye.
Markii
eedaymahana shacabku dowladda ay u jeedinayaan aan arkay oo waliba fikir
ahaantayda iila muuqda kuwa qaladkooda aysan dowladda kaliya aysan lahayne
lawada leeyahay ayaa waxaa igu soo dhacay qormadaan ah “waxaadan xaq u lahayn
ha u xusul duubin” oo aan kala jeeday qof aan xaqqii asaga lagu lahaa aan bixin
me jiri karto waji ee xaq u yeelanayo tan kale dowladda adeega ay qabanayso
meel cidlo ah kama imaan ee waa waxaaga wax halaguugu qabto.
Gunaanad
Waxaan
rabaa inaan qormadaan kusoo koobo waano ku socota dadka soomaaliyeed sida ay u
dhanyihiin waanadaas waxay tahay haday dhib idinku tahay dhiibista xaqii la
idinku lahaa oo ah canshuurta wadanka si adinkana wax la idinkugu qabto yaan la
raadin wax aan idinka maqnayn, arintaasi waxay isoo xasuusiyay maahmaah ah “ama
afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw” marka qof walba asagaa laga rabaa tii
u fiican qof aan wax dhiibina ha ogaado inaysan u furnayn inuu dodo ama dad
eedeeyo.
No comments:
Post a Comment