Burburkii
ku dhacay Soomaaliya kaliya ma saamayn dhismayaasha dowladda iyo laamiyada
laakiin waxaa kaloo uu saamayn ballaaran ku yeeshay dhisma jireedka iyo tan
maskaxeed ee bulsha weynta Soomaaliyeed .
Ciidamadii
uu dalku lahaa waxay isku badaleen kuwa qabiil oo askari walbaa wuxuu galay
meeshii uu islahaa naftaada ayaa ku badbaadaysa oo wuxuu daacad u noqday
qabqable dagaal iyo oday dhaqameed isku ra’yi ah oo ka turjumaya beeshooda,
ciidamaas ma aysan lahayn mushaar la siiyo iyo gunno toona laakiin waxay ku
faraxsanaayeen inay isbaaro dhigtaan oo lacag fiican ay kasoo gali jirtay.
Sidoo
kale ciidamadaasi ma ahayn kuwa looga fakaro sida kuwii Dowladdii kacaanka oo
kale oo laga ilaalin jiray muqaadaraadka iyo daroogada ee waa kuwa xoog kaliya
laga rabay oo raadkooda dambe aysan wax dana ka lahayn kuway u adeegayeen.
Intii
lagu jiray 20 kii sano ee ugu dambeysay waxaa ciidanimada qaabab kala duwan uga
baxay in badan oo ka mid ah kuwii ka haray dowladdii hore taas badalkeedana
waxaa kusoo biiray dhallinyaro fara badan oo aan wax tababar ah la siin aan ka
ahayn sida xabadda loo rido.
Dhaqanka
ciidamadaas intooda badan waa mooryaanimo, wax dhacow, dil iyo kala dambayn
la’aan ma jirto cid soo bartay sida ciidamadu u kala amar qaataan iyo talis
midna laakiin waxa ay lahaayeen waxay tahay oo kaliya nin dagaal galiya markii
colaadi jirto iyo mid sidoo kale isbaarada u maalula
Dowladdu
waxay diiwaan galin iyo qaramayn ku samaysay ciidamadii qabiilku lahaayeen
ayadoo dhaqan celin aan badnayn loo sameeyay kadibna la hubeeyay loona dhiibay
amnigii dalka.
Sidaan
wada ogsoonahay ciidamaas waxay ku shaqeeyaan xaalad adag mushaar yari tababar
la’aan dhiiri galin la’aan iyo duruufo kale laakiin saas oo ay tahay waxay
diyaar u yihiin inay wax qabtaan tabartooduba ha iska yaraatee, laakiin markii
dhibaato dhacdo waxaa eed iyo fadeexayn dusha looga tuuraa ciidamadaas awalba
daalanaa ayadoo aan loo fiirinayn inay tabari meesha dhigtay iyo inay ayagu ka
gaabiyeen.
Eedaymaha loo jeediyo ciidamada Baliiska
Eedaymaha
dadka dhacabka ah iyo dowladduba u jeediyaan Ciidamada wadooyinka ilaalada ka
haya lana xariira sugidda amaanka oo la leeyahay inay qabtaan ayay ahayd laakiin waa ka gaabiyeen waxaa ka mid ah.
1.
Xilliga ay gaadiidka
baarayaan gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda ma baaraan oo waa ka gudbaan
wax fal ahna kama muujiyaan taasna waa mid ka mid ah sababa loo sugi la’yahay
amaanka magaalada oo qof kasta oo qori wataa maahan ciidan dowladeed baliiskii
kala saari lahaana kuma baraarugsana waana eed ay ayagu leeyihiin.
2.
Ciidamadu markay
samaynayaan baaritaanka haba ugu badnaato xilliyada habeenkii waxay baabuurta
waydiistaan lacag taas oo ah laaluush oo keeni karta in ciidanku uu lacag
kaliya dadka ka qaato oo uusan wax ammaan ah ka shaqayn qofkii lacag siiyaa
wuxuu raba ha ahaadee uu sii daayo.
3.
Waa rag jaad cuna oo xilliga
jaadku soo dhaco wixii ka dambeeya hawl fiican ma qabtaan waxayna u fariistaan
jaad cunow meeshii laga rabay inay ammaan sugaan, baabuurtii ay baari
lahaayeena indha kaliya ayay ka fiiriyaan oo xataa ma oga wax ku dhex jira,
waxaaba dhib ku ah inay istaagaan marka masuuliyaddii loo dhiibay waa dayaceen.
Hadaba eedaymahaas waa kuwa dadku isla dhex maraan ayna ku
sheekeystaan xilli kasta oo wax dhacaan iyo mar kasta oo ammaan wax la xariira
laysku soo hadal qaado, laakiin waxaa yar dadka u garaabaya ciidanka oo
fahansan in sababahaan ay yihiin wax duruufi keentay.
Hadaba markaad aragto qof wax bi’inaya waxaa jira sababo
gadaal ka riixaya inuu waxaas haleeyo sidaas darteed ciidamadeena eedaysan waxaa
jira eed kale oo ayaguba ay tirsanayaan oo haddaan laga xallin ay ayaguna
sidaan sii ahaanayaan hadaysanba kasii liidan.
Dhibaatooyinka Askarta wadooyinka taagan ay qabaan iyo guud
ahaan ciidamada waxaa ka mid ah:
1.
Inta badan waxaa taagan
isgoysyada magaalada Muqdisho oo ay ugu horeeyaan kuwa wadada Maka-almukaramah
ciidan aad u tiro yar oo meelaha qaarkood aad ku arkayso 2 ilaa 3 askari oo
taagan oo xataa inay wax baaraan iska dhaafe haddii ayaga lasoo weeraro ay
adagtahay siday isku difaacaan,
Ciidan tiro intaas la eg leh oo xataa hubka ay haystaa uu
yahay qori AK-47 ah siday ku istaajiyaan ama ku baaraan gaari hubaysan oo ay
saaranyihiin 6 nin oo hubaysan markay ugu yaraadaan.
Waxaa mararka qaar dhacda ciidamadu markay cusub yihiin
inay isku dayaan inay baabuurtaas oo kale baaraan laakiin markay dhawr jeer
halis galaan oo ayaga xataa qori lagu taago waxay ugu dambeyn go’aansadaan inay
iska dhaafaan maadaama aysan awood u helayn.
2.
Sidoo kale waxaa yar
hadayba jirto xiriirka ka dhexeeya Ciidamada wadooyinka taagan, tusaale ahaan
midka taagan isgoyska dabka waxaa laga yaabaa inuusan haysan meel uu kala
xariiro askariga kale ee isgoyska Sayidka jooga.
Waxaysan sidoo kale aysan haysan mootooyin ama gaadiid ay
uga daba tagaan gaarigii ay ka shakiyaan hadduu ka baxsado ama ka cararo.
3.
Waxaa kaloo ciidanka
lagu eedaayaa inay shaxaatamaan oo gacantoodu taagan tahay taas oo ah wax cad
oo aan shaki ku jirin laakiin iska soo qaad waxaa tahay askari laamigaas
shaqiisu tahay inuu maanta dhan taagan yahay ciriddaas kulul, lacagta aad
qaadataana waa $200 markay ugu badnaato waxaa lagaa rabaa masruufka qoyskaada
iyo kirada guriga aad ku nooshahay oo ay kuusii dheertahay waxaad cuni lahayd
xilliga aad shaqada ku jirto, markaa suura gal makuu tahay inaad lacagtaas isku
filnaysiiso waliba aad ku faraxsanaato?
Waxaa hubaal ah markii la fiiriyo xaaladda magaalada
Muqdisho in mushaarka uu askarigu qaato uusan la dhaafi Karin 15 bisha waa
marka uu dadaalo wixii intaas ka dambeeyana wuxuu ku qasbanyahay inuu xariiftamo
ama dadkiisa wax ka dhacsado.
Meeshaasna waxaa ku dayacmaya shaqadiisii oo waxaa Soomaali
ku maahmaahdaa “Af wax cunay xishoo” oo ruuxii nacfi uu ku barto wuxuu
noqonayaa mid uga soocan bulshada inteeda kale mana jirto sabab uu ku baaro.
4.
Qayilaadda ciidanka iyo
laba canlayntooda jaadku waa is maaweelin iyo is hilmaamsiinta xaaladda adag ee
ay ku jiraan iyo duruufaha haysta oo noqday lagama gudbaan.
Ruuxa laga yaabo inuu maanta dhan wadada taagnaa ee
habeenkiina loogu sii daray shaqana laga rabo inuu qabto bal waxaad sheegtaa
qaab uu shaqadaas ku gudan karo oo aan ka ahayn inuu is daroogaysiiyo.
Aragti ahaan ciidanka wadada taagan oo laba nuuc kala ah,
odayaal aan jaad cunin kana haray askartii hore iyo dhallin yaro jaadka saaxiib
la ah.
Odayaasha waxaa lagu yaqaan waa iska fadhiyaan oo daal ayaa
ka muuqda indhaha uun ayay wax ka eegaan halka dhalinyada jaadaysa naftoodu
aysan daal la’ayn laakiin waxaad moodaa inay xoogaa kuwa kale dhaamaan.
Duruufahaasi waa kuwa taagan oo aysan jirin cid aan arkin
kuna nool Muqdisho ama Soomaaliya waana sababaha la isku eedo oo markay wax
dhacaan cidba cid eeddo.
Gunaanad
Waxaan kusoo gunaanadayaa waa in la tix galiyaa oo wax laga
qabtaa dufuuraha ciidankaan masaakiinta ah haysta si niyadoodu ay kor ugu kacdo
ayna fursad ugu helaan iyo niyad ay wax ku qabtaan.
Waa in laga farxiyaa ayna shaqadooda u arkaan mid xiiso
galinaysa oo aysan dareemin inay dayacanyihiin ayna hayaan shaqa tii ugu
liidatay.
No comments:
Post a Comment