Sidaan wada ogsoonahay May, 2013
waxaa magaalada kismaayo lagu unkay maamul loogu magac daray maamulka Jubbaland,
maalintaas waxaa meesha fadhiyay 500 oo ergo ah oo ka kala yimid beelaha kala
duwan ee dagan deegaanada maamulkaas uu rabo inuu ka taliyo.
Ergadaas waxay si aqlabiyad
leh codka ku siiyeen Axmed Madoobe arintaasina markay dhacday waxaa shirar kale
isla magaalada ku qabtay siyaasiyiin kala duwan kuwaas waxaa ka mid ahaa Barre
Hiiraale iyo kuwa kale, mid kastaana dad uu asagu watay ayaa cod u qaaday
doorashana u sameeyay.
Waxaa isla maalintaas
madaxweyne kastaa uu isku caleema saaray magaalada Kismaayo waxaana qasmay
ammaanka magaalada maadaama ay ku sugnaayeen dhawr madaxweyne oo is diidan mid
walibana uu han uga jiray inuu magaalada u haro.
wixii intaas ka dambeeyayna
waxaa magaalada ka billawday isku diyaarinta dagaal iyo in madaxweyne kastaa uu
billaabay aruursiga ciidan iyo inuu magaalada ka saaro wuxuu asaga kasoo hara.
Maalmo yar kadib oo ay
magaalada ka jirtay ciidamo, hub iyo tabar aruursiba waxaa billowday dagaalkii
la filayay oo awalba saansaantiisu ay muuqatay dagaalkaas waxaa meesha uga
baxay Barre hiiraale iyo intii kale ee madaxweyneyaal ahaa waxaana goobta kusoo
haray Axmed Madoobe.
Xilligaas wixii ka dambeeyay
waxaa uu Axmed madoobe billaabay kulamo uu dalalka Kenya iyo Ethiopia kula soo
qaadanayay madax wadamadaas ka tirsan ugu dambeyna shirarkaas waxaa kasoo baxay
in magaalada Adisababa uu heshiis ku dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo
Maamulka Jubba.
Heshiiskaas u dhexeeya
Dowladda iyo maamulka Jubba wuxuu dhacay Augusto 29-keeda 2014-ka, Dowladda
Soomaaliya heshiiskaas u saxiixay Faarax
Sheekh C.qadir Maamulka Jubba asna waxaa u saxiisay Madaxweynehooda Axmed
Madoobe.
Heshiiskaas qodobadii kujiray
waxaa ka mid ahaa in Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha lagu wareejiyo Dowlada Soomaaliya
lix bil kadib, lacagta kasoo xarootana wax loogu qabto Jubba, waxaa kaloo
heshiiska ka mid ahaa in ciidamada nidaamkaas la hoos keeno ciidamada qalabka
sida ee Soomaaliya.
Hadaba heshiiskaas oo la
gaaray waqtigii dekedda la wareejin lahaa waxba kama suurtoobin ciimadana wali
waxay hoos tagaan Jubba hadaba haddii qodobadii aysan hir galin maxaa tillaabo
dowladda la gudboon?
Maxaase dowladdu ay u daba
gali la’dahay qodobadaas?
Heshiiskaas bulshada
soomaaliyeed waxay u arkaysay mid aan rabitaan dowladeed ku imaan ee uu yahay
cadaadis Ethiopia ay dowladda kusaaraysay inay la heshiiso Axmed madoobe
maamulkaasna ay aqoonsadaan.
Waxaa magaalada Kismaayo ka
dhacday in wasiiro iyo madax dowladda ka socotay oo Kismaayo u tagay in wada
hadal la sameeyaan Axmed madoobe oo xaalada ay soo indha-indheeyaan lagu
hakiyay garoonka Kismaayo ayadoo xataa wararka qaar ay lahaayeen waa la xiray
kadibna ay magaalada Muqdisho dib ugu oo laabteen
Waxaa sidoo kale soo baxayay
in dowladda gabi ahaanba aysan raali ka ahayn maamulka Jubba sidoo kalena waxaa
si hoose loo hadal hayay in Barre hiiraale uu dowladda ka helay hub uuna rabay
inuu dib ugu laabto magaalada Kisyaamo taasoo keeni lahayn in maalmula Jubba uu
galo shaki magaaladuna ay noqon lahayd meel dagaal laakiis taas badalkeeda
Barre hiiraale uma suuroobin inuu Kismaayo dib u galo.
Intaas wixii ka dambeeyay
maamulka Jubba waxa uu noqday mid illaa xad caga dhigta shaqadiisana si caadi
ah u wata in kastoo deegaanadiisa qaar ay wali gacantooda ka maqanyihiin oo ay
ka taliyaan Alshabaab.
Muddo markii maamulku uu
shaqaynayay waxaa la gaaray xilligii lagu dhawaaqi lahaa ama la samayn lahaa
Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba billowgii 2015 ayaa shir la isugu yimid
kismaayo si odayaashu ay uga tashadaan samaynta baarlamaankaas iyo sidoo loosoo
xuli lahaa
March, 2015 waxaa sidoo kale
booqasho ku tagay magaalada kismaayo wasiirka Arimaha gudama iyo federalka C/raxmaan
odawaa kaas oo furay xafladda lagu soo xulayay baarlamaanka Jubba sidoo kale
waxaa la socday wasiiro iyo xubno dowladda ka tirsan.
Hadaba markii la guda galay
soo xulista baarlamaanka waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaanaysay dadka
dega gobolada qaar sida kuwa dega gobolka gedo laakiin cabashadaas waa la iska
indha tiray xaajaduna waxay u muuqatay “fad
ama ha fadin waa lagu fadsiin” yeel ama ha yeelin waa lagu yeelsiin.
Waxaa April 15, 2015 si rasmi ah loogu
dhawaaqay Xildhibaanada Baarlamanka Jubba ayadoo la sheegay in lasoo
dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.Markaas wixii ka dambeeyay waxaa billowday hadalada warbaahinta laga sheegayo kuwaas oo inta badan lagu dhaliilayay baarlamaankaas iyo qaabkii uu ku samaysmay waxaadna ugu dambeyn ay noqotay in Baarlaamka laga geeyo mooshin kaas markii laga doodayay dhaliyay muran u dhexeeya Xubnaha Baarlamaanka.
Suaasha is waydiinta mudan waxay tahay haddii markii hore maamulka Jubba uu ahaan lahaa wada tashi iyo go’aan dowladda ka yimid mid ku dhashay maanta ma dhici lahayd in dood laga keeno baarlamaankiisa?
Haddiise markii maamulkaas uu ku samaysmay qaabka aan wada ognahay tallaabo laga qaadi lahaa ama mooshin laga keeni lahaa maanta muran kama taagnaadeen Barlamaan.
Soomaali waxay ku maahmaahdaa “baroorti orgiga ka wayn” ee mooshinka baarlamaanka ee Jubba ma mid lagu saxayo qaladkii la galay mise waa mid dano kale ka dambeeyaan.
W/Q: Mohamed Deik Tako
Blogg: http://deik-taako.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment