Bulshada Soomaaliyeed waa dad
ood wadaag ah, waa dad isku ah arxan iyo xigto waa dad wadaaga dhaqan iyo
dhalmo waana dad uu ka dhexeeyo dal iyo dad.
waxaa sidoo kale dhaqan Soomaaliyeed ah
waligeedna soo jireen ahayd in ruuxii ka tagaa deegaan uu daganyahay safarna ku
taga meel uusan deegaan ahaan kasoo jeedin ama uusan ku dhalan amaba u dhalan in
loo marti qaadi jiray si heer sareysa ayadoo laga fiirinayo Soomaalinimada, ma
dhicin haday dhacdayna ma ahan wax soo laalaabtay in ruux musaafir ah lagu diro
wado cad ayadoo dhalmadiisa dambe loo eegayo.
Haddaba arintaas waxaa ka daba
yimid oo raacdo ama sal guurin ku haya siyaasadda Soomaalidu ku wareertay,
caqabadda dowladdu ay heer ka gaari la’dahay, kor u qaadaha guddoomiye
goboleedyada iyo xumeeyaha xiriirka u dhexeeya Soomaalida waa siyaasadda
federaalka.
Federaalka sida uu yahay
markii loo fiiriyo waa in midaamka dowladda la soo daadajiyo ama la gaarsiiyo
meesha ugu hooseysa ayna ku suurta gali karto in dadka loo adeego.
Qofka jooga magaalada baraawe
uma sahlana inuu maxkamad ama adeeg kale usoo doonto magaalada Muqdisho hadaba
markii uu shaqaynayo maamulka federaalka waxaa deegaankaas oo kale la gaynayaa
adeegii bulshada si dadkaas meeshooda iyo degaanka ay dagan yihiin loogu
adeego.
Laakiin federaalka dalkeena
Soomaaliya laga hir galiyay ma yahay mid arintaas loogu tala galay?
Ma u adeegaa dadka mise waxaa
looga dan leeyahay inuu kala gooyo ama kala qoqobo dalkeena Soomaaliyeed iyo
dadkeena.
Waxaa jiray sheeko looga sheekeeyo
ilmaha yar yar taas oo loogu tala galay in la xoojiyo isku duubnaanta caruurta
walaalaha ah sheekadaas waxay ku billaabanaysaa,
waxaa jiray sadex sacaad oo
lo’ ah kuwaas oo ku noolaa duurka waxay lahaayeen awood iyo isku
tiirsanaan ay isaga celiyaan bahaladii
ay la noolaayeen oo mar kasta rabay inay cunaan, markii dambe waxaa dhacday in
loo kala sheekeeyay oona la yiri sac madoobe waa idin khayaanaa markay ka lug
furteenaa gooni loo cunay haddana midkii ganuudnaa ayaa gooni loo cunay,
maalintii ugu dambeysay oo saccii caddaa ee ugu dambeeyay la cunayay ayaa waxaa
u yiri oraah caan baxday oo ahayd “aniga
maanta la ima cunin ee waxaa la I cunay maalintii sac madoobe la cunay” wuxuuna kala jeeday haddii aan sacaas layga
cuni lahayn maanta waan is kaashan lahayn.
Waxaa jirta oraah heer caalami
ah oo ah “qaybi oo xukun” taas waxay tahay sheekadaan oo kale laakiin waxaa ay
ugu baddalan tahay waxaa loo isticmaalaa uun siyaasadda, marka waxaad u
malaysaa in federaalka ka jira Soomaaliya uu yahay qaybi oo xukkun.
Dhaqanka
ma u dhalatay
Deegaanada soomaaliyeed ee ay
ka arimiyaan maamul goboleedyada waxaa ka jira arin la yiraah ma u dhalatay oo
looga gol-leeyahay in qofkii deegaankaas wax usoo doonta aana ka mid ahayn
dadka deegaanka aan wax qayb ah la siin taas oo mar kasta keenaysa in qof walba
deegaanka uu u dhashay hayb ahaan uu wax ha heli karo.
Hadaba arintaan ma u dhalatay
waxaa ay keenaysaa in qofka Soomaaliyeed ee kartida u leh inuu wax qabto uusan
meel kasta wax ka qaban Karin ilaa deegaankiisa maahane.
Arintaas waxaa ka dhalan karta
marka qof Soomaaliyeed uu dareemo in deegaan ka mid ah dalka loogu diido hayb
ahaan ama deegaankaan uma dhalan ay hadhow keeni karto in qofkaas uusan
deegaankaas tirsan oo haddii wax kasta ay ka dhacaan uusan u gurman asagoo
dareemaya lehaan shiyo la’aan iyo in uusan deegaankaas wax ku lahayn.
Haddaba aan tusaale usoo
qaadano haddii maamul ka mid ah kuwa hoos yimaada dowladda Soomaaliya ay dad
kale oo Soomaaliyeed u diidaan deegaankaas waqti kadin haddii deegaankaas uu
soo weeraro cadaw ama dowladaha deriska ah ma jiro qof horey loo xumeeyay oo
usoo gurman doona deegaankaas maxaa yeelay maba ku jirto niyadiisa in dhulkaas
uu wax ku leeyahay laakiin taas badalkeeda waxaaba niyadda uu iska leeyahay in
si fiican loo weeraro ayaa fiican.
Cayaarta
federaalka ah
Nin aan saaxiibo nahay ayaa ii
sheegay sheeko dhex martay asaga iyo oday wax ka fahamsansaa federaalka
Soomaaliya, sheekadaas waxa ay ku billaabatay:-
Cabdi:
adeer Soomaaliya waxaa ka jira maamullo federaal ah oo aad arkayso inay is barbar yaacayaan dowladdii dhexana ay
isku awood yihiin kawaran arintaas.
Odaygii:
adeer ciyaalku marka ay yaryar yihiin haddii odayga iyo habartu ka tagaan waxay
sameeyaan in dhexdooda qaarkood ay noqdaa ama iska dhigaan aabe iyo hooyo
ciyaartaas oo ilmuhu u yaqaanaan hooyo hooyeey ama aabe aabeey, taas mid la mid
ah annagana waxaa naga burburay dowladdii dhexe oo wadanka ka talinaysay illaa
haddana wax awood fiican leh ma hayno sidaas darteed qabiiladii ayaa waxay
dheel dheelayaan dowlad dowlad si la mid ah caruur waalidkood ka maqan yahay.
Hadaba aqristoow deegaan
Soomaaliyeed oo aan ognahay inta uu la egyahay cadawgiisu ma yahay mid lagu
difaaci karo hooya hooyeey ama qabiil iska daafici kara miyaa jira dowladda
kusoo duushay?
Taas jawaab teedu waa maya
hadaba si cadawgeena aan isaga dhicino aan midowna iskana dayno hooyo hooyeey iskuna
kaashano si la mid ah sida cadawgeenu uu isku soo kaashaday mar kastana uu u
rabo in aan ahaano wadan burbursan.
Waxaan kaloo Soomaali
dhammaanteed iyo qof kasta oo wadaniyad ku jirto rabaa inaan xasuusiyo wax aan
ku waynay isku duubni iyo walaaltinimo in aanan federal iyo tafaraaruq ku
helayn sidaas darteed aan muujino isku duubni iyo iskaashi walaaltinimo leh.
Ani mar kasta ma taageersani
federal qaabka uu ku socdo iyo sida loo adeegsanayo dhawr jeerna wax waan ka
qoray laakiin kii ugu dambeeyay waxaan ciwaan uga dhigay Xaydaabka federaalismka
W/Q Mohamed Deik Tako
http://deik-taako.blogspot.com/