Waxaan dhawaan soo maray
qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho anoo kusoo arkay waxyaabo aan lasoo yaabay
anigoo u maleeyay in xaafadahaas aysan dowladdu dan ka lahayn.
Degmada huriwaa illaa
degmada Wadajir ayaan soo maray waxyaabihii aan kusoo arkayna waxaa ka mid ahaa
1. Laamiga
ka baxa FAGAX ee aada suuqa xoola iyo SOS oo biyihii roobku gabi ahaan xireen
ayadoo baabuurtuna ay maraayaan xaafadaha dhexdooda, meesha laamiga ah ee biyuhu
fadhiyaan waxaa u dhaw wartii loogu talo galay in biyuhu galaan waxay u baahan
tahay in biyaha lagu leexiyo kaliya waddaduna nadiif ayay noqon lahayd.
2. Waxaan
kaloo soo arkay inta u dhexeysa FAGAX iyo SANCA halka loo yaqaan SIISII in
laamiga dhexdiisa uu roobku isugu keenay bacaad aad u fara badan oo gaaray in
baabuurtii ay laamiga dhexdiisa bacaad ku galaan ayadoona laamigaas uusan
jajabnayn ee bacaad kaliya uu ka dulmaray laamigiina qariyay.
3. Laga
soo billaabo isgoysa sanca illaa Tarabuunka Layrarkii solarka ahaa cilad ayay
qabaan inta badan haba ugu darnaato SANCA illaa Afarta Jardiin oo mugdi saa’ida
ah
4. Laamiga
wadnaha ee dhawaan la dhisay intiisa badan waxaa qariyay bacaad xaafadaha
roobku kasoo qaaday haba ugu darnaato isgoysa Florenza illaa Isgoyska
Bakaaraha.
Haddaba
waxyaabaha is weydiinta mudan ayaa ah waan aragnaa in Gobolka Banaadir ay
nadiifiyaan waddada Maka-almukaramah maxaa diiday in waddada wadnaha ay sido kale
xaaqaan, haday awal ku marmarsiyoon jireen ma dhisna hadda waa laami cusub,
Sidoo
kale maxaa hor taagan in la dayactiro nalal waddadaas suran oo waliba aan cilad
badan qabin oo mararka qaar aad arkayso inay shidmayaan laakiin ay damayaan.
Maxaa
loo heli la’yahay la xisaabtan dhab ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka haba ugu
darnaadeen degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigley.
Guddoomiyaha
gobolku muxuu usoo booqan la’yahay degmooyinka fogfog sida Kaxda, Dayniile ,Huriwaa,
Yaaqshiid, Dharkenley iyo Kaaraan si uu usoo ogaado dhibaatada ay shacabku ku
qabaan waddooyinkaas iyo maritaankooda ayadoo ay go’an yihiin waddooyin muhiim
ah.
Waxaa
wax lala yaabo ah in Degdema Wardhiigley oo dhinac ay uga taalo Villa
Soomaaliya ay dhinac kale waddooyinkii bacaad iyo Qashin ka yaalaan
Qormadaani
ma ahan mucaarado Gobolka Benaadir laakiin waa baraarujin ah in wax la saxo
Qore:
Maxamed Deeq Taako
No comments:
Post a Comment