Maalmahaan dambey waxaa magaalada Gaalkacyo
kusoo laalaabtay dagaalada Sokeeye ee u dhexeeya labada maamul ee magaalada
wada dagan Puntlan iyo Galmudug dagaaladaas waxay gaysteen qasaaro aad u fara
badan waxaa ku barakacay dadkii shacabka ahaa ee magaalada daganaa waxaa sidoo
kale ku dumay guryo badan oo halkaasi ku yaalay.
Sida dadku wada dareensanyihiin dagaalka waxaa
gadaal ka riixaya arimo siyaasadeed iyo dano u gaar ah madaxda sare e maamuladaas
hadaysan ahayn magaaladu waa daganayde maxaa keenay in xilligaan dib la isugu
soo jeysto?
Anigoo arintaas ka gubanaya dagaalkaasna u arka
inuu yahay mid khasaara mooyee aan marnaba faaiido keenayn Ayaan gabay yar ka
sameeyay in intii markaas wax maqlaysa ay ugu waano qaataan
Intaad qori isugu dhiibayso
Qabiilnimo ammaanayso
Qoysas barakicinayso
Maxaa qaranka kuu diiday?
Intaad qaxa kufaanayso
Qolo aad is gaysaan
Dhaqanna aad wadaagtaan
Dhimasho aad u quurayso
Maxaa qalbiga kaa qaaday
Oo qaranimada kuu diiday
Intaad qori dan moodayso
Dhiig sokeeye qubanaayo
Oo laba qayb la kala joogo
Qabuurohoo aad badisaan iyo
Qalad baad ku socotaane
Madaxweyne nabad qaado
Qarniyadii lasoo dhaafay
Wax dagaalku qaban waayay
Maanta inaad qurqurinayso
Haddii qalbigaagu kuu sheegay
Qaraw baad ku sugan tahee
Qalfoof waxaa tahay marane
Madaxweyne nabad qaado
Qolo qolo ku duulkeenii
Qaranimo ka cararkeenii
Federal qorqorideenii
Dalka kala qoqobidiisii
Iyo Kala qaybsi goboleedkii
Qasaarahay na galinayso
Iyo raggay qudha ka goynayso
Hadaad maanta qiri waydo
Qalfoof baad tihiin noole
Madaxweyne nabad qaato
Erayada aan soo qorayo
Haddii aad qaddarin wayso
Oo nabadda aad qaadan
Qolo hadalka kuu yeerin
Ayaa soo qorshaynaaya
Taladaadu waa qanace
mugdi baa kuu taariikha
Ee madaxweyne nabad qaado
Qabiilnimo ammaanayso
Qoysas barakicinayso
Maxaa qaranka kuu diiday?
Intaad qaxa kufaanayso
Qolo aad is gaysaan
Dhaqanna aad wadaagtaan
Dhimasho aad u quurayso
Maxaa qalbiga kaa qaaday
Oo qaranimada kuu diiday
Intaad qori dan moodayso
Dhiig sokeeye qubanaayo
Oo laba qayb la kala joogo
Qabuurohoo aad badisaan iyo
Qalad baad ku socotaane
Madaxweyne nabad qaado
Qarniyadii lasoo dhaafay
Wax dagaalku qaban waayay
Maanta inaad qurqurinayso
Haddii qalbigaagu kuu sheegay
Qaraw baad ku sugan tahee
Qalfoof waxaa tahay marane
Madaxweyne nabad qaado
Qolo qolo ku duulkeenii
Qaranimo ka cararkeenii
Federal qorqorideenii
Dalka kala qoqobidiisii
Iyo Kala qaybsi goboleedkii
Qasaarahay na galinayso
Iyo raggay qudha ka goynayso
Hadaad maanta qiri waydo
Qalfoof baad tihiin noole
Madaxweyne nabad qaato
Erayada aan soo qorayo
Haddii aad qaddarin wayso
Oo nabadda aad qaadan
Qolo hadalka kuu yeerin
Ayaa soo qorshaynaaya
Taladaadu waa qanace
mugdi baa kuu taariikha
Ee madaxweyne nabad qaado
Mohamed Deik Taako
No comments:
Post a Comment