Kadib doorashii madaxweyne Xasan
sheekh ee Sanadkii 2012 iyo ka bixitaankii Kumeel gaarnimada waxaan uga
fadhinay dowladda uu hor kacayo Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dalka gaarsiiyo
federal dhammaystiran dad isku uur fiyow iyo Soomaali oo qaxootinimada iyo
baahida soo afjarta laakiin taas badalkeeda majaha ayaan la galnay dhiiqadii
busaaradda, federaalkana heerkii aan ka filaynay waa uu gaari waayay oo waxaan
ka dhammaan waynay isku qabsiga xuduudaha maamulada iyo hunguri ka raadinta
madaxtinimo, qaxootinimaduna inay sii badato mooyee wax naya yaraaday ma jiraan.
Madaxweyne Xasan waxuu sheegtay in
dowladdiisu ku guulaystay in meel gabangabo ah uu marayo federaalkii oo illaa
sadex maamul goboleed uu samaysankiisa gacan ka gaystay uuna dhiman yahay oo
kaliya hal maamul goboleed oo loo samayn doono labada gobo lee Hiiraan iyo
Shabeelada dhexe.
Laakiin markaan taas dib raacno
xaaladihii ay soo mareen maamulada hadda jirana aan gadaal u raacno waxaa
noosoo baxaysa in Dowladda Soomaaliya aysan wax gacan ah ku lahayn in ay
samaysmaan Laba maamul goboleed oo ka mid ah Sadexda maamul ee ay dowladdu ku
faanto inay samaysay ayadu.
Labadaas maamul waa maamulada kala
ah Maamulka jubbaland iyo kan koofur galbeed Soomaaliya. Kuwaas oo samaysmay intii
uu madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh duruufaha samaysankooduba hakala
duwanaadee.
Maamulka Jubba waxaa uu ku
samaysmay dadaalka dowladda Kenya iyo Xusul duubkii Axmed Madoobe oo sidaan
wada ogsoonahay Kismaayo waxaa maalin qura is doortay dhawr madaxweyne oo ay
ugu tun waynaayeen Ahmed Madoobe iyo Barre Hiiraale taasina waxay markii dambe
keentay in maamulka magaalada iyo gacan ku hayntiisa uu gaaro gacan kahadal ,dagaal
iyo faramaroojin sidaasna looga saaray
madaxweynayaashii kale uuna Axmed Madoobe noqday ninka kaliya ee ka taliya
Kismaayo ayna u rumoyday riyadiisii ahayd “madaxweyne
ma idhaha”.
Intaas kadib waxay dowladda
Soomaaliya sheegtay in waxa kismaayo ka dhacay aysan ahayn doorasho wixii kasoo
baxayna aysan aqoonsanayn laakiin hadaladaas waxaa ku gacan sayray Axmed Madoobe
asagoo sheegay in aysan jirin cid asaga uga xaq badan in ay madaxweyne ka
noqoto Jubbaland sababtoo ah wuxuu usoo galay halgan iyo dagaal dheer.
Dhexdhexaadin ay samaysay dowladda Etoobiya
waxay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiiro dowladda ka socday oo uu horkacayay
Faarax Cabdulqaadir ugu yeertay magaalada Adisababa waxaana dowladda laga
dhaadhiciyay inay aqoonsato maamulka Jubbaland ayadoo qodobo aan wax dabagal ah
lagu samayn natiijana aysan kasoo bixin lagu soo kala saxiixsay heshiiskaas.
Dowladdu waxay ayaduna mar kale isku
dayday inay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe dhexdhexaadiso laakiin taas waa
suurta gali wayday oo Axmed Madoobe ma doonayn in lagu qabsado
madaxweynenimadiisa wax tanaasul ahna taas waa ka samayn waayay.
Si taas la mid ah waxaa Baydhabo ka
dhacay doorasho uu ku guleystay Shariif Xasan Sheekh aadan oo noqday
madaxweynaha Koofur galbeed, intii doorashadaas aysan qabsoomin waxaa jirtay
war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in shirka Baydhabo ka socda la
joojiyo mudda asbuucyo ah laakiin intii lagu jiray mudadii la yiri shirka hala
joojiyo ayaa madaxweyne shariif Xasan lagu doortay.
Maadaama xilli shirkaas xannibaad
ay saaran tahay doorashada la qabtay waxaa sharci ahayd in wixii kasoo baxana
dowladdu ay u aqoonsato wax kama jiraan laakiin dowladda oo xilligaas u
muuqatay in ay ku tartamayaan aqoonsiga shariif Xasan waxay isla markiiba waxaa
ku dhawaaqay in ay aqoonsadeen Maamulka koofur galbeed Soomaaliya wasiirkii
hore ee arimaha gudaha iyo federaalka mudane Goodax, waxaana degdegtaas
dowladda ee aqoonsiga Koofur galbeedloo xilligaas lagu micnaynayay khilaafkii
ka dhexeeyay Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarihii hore ee Cabdiweli Sheekh.
Dowladda oo labadaas maamul aan ku
lahayn wax gacan la sheegi karo ah inay samaysmaan waxay maanta shirarka
caalamiga ah waxay ka sheegtaa in ay lahayd gacanta ugu wayn iyo sababta
maamuladaas ay ku samaysmeen.
Mar haddi dowladdu seegtay in ay saaxiibo
ku yeelato mamuladda Jubbaland iyo Koofur galbeed waxay billawday dadaalka
samaynta maamulka Galmudug oo ay hiil iyo hoo la garab istaagtay kuna bixisay
lacag iyo dadaal aad u fara badan taas oo ka dhigtay magaalada cadaado meel ay
ka muuqato tartan iyo olole siyaasadeed oo heer sare ah, Wax kastaba haku qaadatee
waxaa madaxweyne ka noqday Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah saaxiibka
Madaxweynaha.
Dadaaladaas waxaa barbar socday in
wasaaradda Arimada gudaha ay soo xushay guddigii doorashooyinka qaranka oo ay
ahayd in ay qabanqaabo u galaan sidii
doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga dhici lahayd gudigaas oo ka koobnaa sagaal
qof ayaa bulshadu shaki badan ka muujinaysay iyo inaan lagu soo xulin aqoon iyo
karti laakiin lagu soo xulay arimo kale dood badana ay ka taagnayd.
Ayadoo awalba guddiga lala soo
daahay oo waqti ku filan uusan haysan ayaa markii ay guddoomiye u doorteen Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (xaliimo yareey) ayaa waxaa
noo xigay in doorasho qof iyo codkiis ah aysan dhici Karin laakiin qaab kale ay
doorashu u dhici doonto.
Hadaba ma
guddigaan ayaa shaqadooda ka adkayn mise waxaa jira xagal daacin kale?
Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa nabar aad filaysay
naxdin malen taas waxaan kala jeedaa dowladdu markay sheegtay in doorasho
qof iyo cod ah dhacayso waxaa lays waydiiyay sidee suura gal ku tahay arintaasi
waxaa kaloo iska caddaa in aysan doorasho dhici Karin markii dowladdu ay
sheegtayna waxay noqotay awalba waan filaynay in aysan doorasho idinka soo
socon.
Aan is
waydiino ee baaqashada doorashada yay dani ugu jirtaa?
Xisbiyadda
dalka ee aan wali sharciyad ka helin baarlamaanka Soomaaliyeed waxay aad uga
nexeen arinta ah in doorasho qof iyo
codkiis ah aysan dhici Karin maxaa yeelay rajada kaliya ee ay lahaayeen waxay
ahayd in codka shacabka ay kula tartamaan axsaabta kale laakiin markii la
yiraah baarlamaan ama dad lasoo xulay ha codeeyaan waxay arintu noqon doontaa “ninkii lacag badan ayaan la dooran doonaa” laakiin
shacab hadduu fursad uu ku codeeyo heli lahaa waxaa meeshaasna kasoo bixi lahaa
qofka ayagu ay rabaan.
Mar haday
baaqatay doorashii dowladdu ay horey u sheegtay inay qaban doonto waa inaan
ayada uun ka sugnaa hadana qofka ay la dooran doono maxaa yeelay fursadda
kaliya ee lagu tartami karo ayaa ahayd shacab codeeya oo rajana laga qabay in
musuqu sidaas ku yaraan karo.
Waxaa
haddaba la filayaa inay dhacdo arrin la mid ah tii hore ee shacabku saadaaliyay
ee ahayd inaysan dhici doonin doorasho qof iyo codkiis ah, haddana waxaa
daashaatu tahay in madaxdeena hadda xilka noo haysaa ay noosoo laabato maadaama
ay yihiin dadka hadda dhariga dabka u saran yahay.
W/Q:
Mohamed Deik Taako
No comments:
Post a Comment